kalaxayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxayo
f.mg3 (-yday, -ytay) Aryo isku jira oo xeroonaya ayadoo ayan cidi kala soocin, xeryahooda kala aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxayad
m.l (fiisikis) U kalabbaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalaxayad
Dispersion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaxayad
-ka: (magac, lab, keli) u kalabaxa dhud ileys ee dhudo midabeysan oo u baaha si ay u sameeyaan muuqaal jeegaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxayso
f.mg3 (-stay, -satay) (daawo) Malax yeelasho (nabar). Majaajillo samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malaxayso
f.mg3 (-stay, -satay) (daaw.) Malax yeelasho (nabar). Majaajillo samayn. m.f.dh, malaxaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malaxayso
v. suppurate, form pus, become pussy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxayso
(fal) malax ha ku gasho oo dheecaan yeelo. Naburoow malaxayso aad bogsatide. Dh: dheecaamayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malaxayso
de: suppurate, form pus, become pussy
lx: malaxayso
pd: (malaxaystay)
ps: v3b=intr
key: malaxayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balaayo
m.dh la-mid: belaayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
balaayo
f. n. misfortune, disaster, trouble
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
balaayo
-balaayada: (n) a grave misfortune; disaster (di zaastar) ~ belaayo. -Syn: calamity, catastrophe, cataclysm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaayo
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato weyn oo daran; wax aadamuhu ka cabsado oo dhan. Balaayo guul comman way diidday. Dh: belaayo, baas, dhib, halaag, basanbaas, hoog, hankaag. Li: barkhad, badhaadhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
balaayo
de: misfortune, disaster, trouble
lx: balaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: belaayo
key: balaayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaalo
-da: (magac, dhedig, keli) duunyo ama tacab hantiyeed oo nin madi ahaa ka dhintay. Dh: hadhiino, dhaxal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walaayo
m.dh 1. Mas'uuliyadda aabbaha ka saaran mehrinta gabadhiisa. 2. Ardi w.: dhul fog; dhul shisheeye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
walaayo
m.dh 1. Mas'uuliyadda aabbaha ka saaran mehrinta gabadhiisa. 2. Ardi w.: dhul fog; dhul shisheeye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaayo
-da: (magac, dhedig, keli) xaq iyo masuuliyad diineed oo gabadh aabbo loogu noqdo marka la guurinayo. Gabadh aabbeheed joogo walaayo kale looma raadsho. Dh: weli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabaro
(fal) wax kala aqoonsasho.
kalabaro: (fal) wax labo qaybood ka dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabayr
-ka: (magac, lab, keli) eeg kalabaydh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalacayn
-ka: (magac, lab, keli) waxyaabo kala duwan; kala jaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxayasho
m.f.dh eeg kalaxayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalakaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo qof oo is dagaalaayey midba dhinac u jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galabayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku g.: galab meel joogid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
galabayso
f.mg3 (-stay, -satay) Ku g.: galab meel joogid. m.f.dh, galabaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galabayso
(fal) ilaa gellinka danbe ee maalinta, meel wax ku sug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halabayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Timo halab ah samaysasho. 2. Xoolo la soo dhacay hilib ka qalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halabayso
v.auto: steal ~ take possession of stray animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halabayso
(fal) timaha xabbad xabbad iskugu tidco ama iskugu sooho oo halab yeelo. Dh: xamro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
halabayso
de: steal ~ take possession of stray animals
lx: halabayso
nt: halabaysad (ka) [vn-m], halabaysasho (/da) [vn-f], halabaysi (ga) [vn-m]
pd: (halabaystay)
ps: v3b=auto
key: halabayso
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kala qabo
v. detach, separate, open up; break apart people fighting
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kala_qabo
de: detach, separate, open up; break apart people fighting
lx: kala qabo
pd: (qabtay)
ps: v3b=expr
key: kala_qabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabaydh
-ka: (magac, lab, keli) meesha labo waddo ama labo xarriiq isku gooyaan ama ku kala weecdaan. Dh: isgoys, kalabayr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbaro
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Wax kala aqoonsasho. 2. Wax laba qaybood ka dhigasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbayr
(Kalabbayr-ka)
Meel labo dhabbe ama labo xarriiqood isku weydaartaan, ku kala bayraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbayr
m.l (-ro, m.dh) Meel laba dhabbe ama xarriiqood isku weydaartaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalabbayr
m.l (-ro, m.dh) Meel laba dhabbe ama xarriiqood isku weydaartaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalabbayr
m. n. fork in a road
kalabbayr v. split (off), fork, divide
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalabbayr
-ka: (n) crossroads (karoos-roowdhis)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kalabbayr
Incrocio
Juncture
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxigso
f.g3 (-saday, -satay) Labo qof oo wax isku haysta midkood u hiillin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalaxigso
f.g3 (-saday, -satay) Labo qof oo wax isku haysta midkood u hiillin. m.f.dh, kalaxigsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaxigso
v. discriminate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaxigso
(fal) laba qof, mid u hiili; mid soo dhowayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaxigso
de: discriminate
lx: kalaxigso
pd: (kalaxigsaday)
ps: v3a=tr
key: kalaxigso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalgacayl
m.l la-mid: kalgacal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalgacayl
-ka: (magac, lab, keli) eeg kalgacal.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kalgacayl
مَحَبَّةَ، عِشْقَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malaxaysi
m.l la-mid: malaxaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaxaysi
-ga: (magac, lab, keli) malax yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaxaydo
f.mg3 (-yday, -ydatay) Maro la xiran yahay kor u laabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tafaxaydo
f.mg3 (-yday, -ydatay) Maro la xiran yahay kor u laabasho. m.f.dh, tafaxaydasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaxaydo
(fal) «u» maryaha u gaabso; hawl ama wax kale, waxba ha ula kala hadhin. Dh: laballaxaadso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayo
kaayo¹: mu.dhm.ly Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aysan ku jirin. Tusaale: “Waa isku kaayo mid”. la-mid: kayo¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaayo
mu.dhm.ly Magacuyaal layeele oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aysan ku jirin. Tusaale: Waa isku kaayo mid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaayo
(magacuyaal) layeele ah oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah, oo kuwa lala hadlayaa aysan ku jirin. Dh: kayo.
kaayo: (dibkabe) lahaansho oo tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin; aanu leenahay. Dh: kaayaga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalax
(Kalax-a)
Weel badanaa qori ah oo biyaha lagu cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalax
m.l (-xyo, m.dh) 1. Weel badanaa qori ka sameysan oo biyaha lagu cabbo. 2. Bocool weyn oo berriga laga helo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalax
m. n. ladle, water dipper, cup
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalax
-a: (n) large cup with handle; mag (maag) aargalaan-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalax
-a: (magac, lab, keli) weel laga qoray geed oo biyaha laga darsado haanta oo lagu cabbo. Wa: kalaxyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalax
de: ladle, water dipper, cup
lx: kalax
pd: (-a)
ps: n2a-m, n5-m
key: kalax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaabo
m.dh.u la-mid: alaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalo
m.dh Nooc caws ka mid ah oo dhaadheer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alaalo
-da: (magac, dhedig, keli) tigaad iyo nagaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaayo
m.l la-mid: asaaye.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asaayo
m.l Asaaye. la-mid: asaaye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaayo
-ha: (magac, lab, keli) eeg asaaye.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Galaxy
Majarrad
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
galaxy
/gaalaksi/ (n) 1. falag, ururka xiddigaha (n) 2. urur dad ama wax kale ah, oo xiddigahaas lugu matalo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
galaxy
n., (milky way) waq habar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaalay
Kaalay!
Imaw; agtayda imaw.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalay
f.a (kaalaya, w) Agtayda imow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaalay
f.a (kaalaya, w) Agtayda imow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaalay
imperative v., sg. come!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaalay
(expression) come here!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalay
(fal) halkan imo; imo meeshan aan joogo. Dh: imo. Li: teg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaalay
de: come! Defective imperative form only
lx: kaalay
pd: (kaaley)
ps: v4b-imp-sg
see: imow
key: kaalay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaay
m.dh Xirmo hal ah oo hal mar qof qaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaay
-da (magac, dhedig, keli) xidhmo hal mar qof qaado.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabayo
-kabayaha: (n) cast (kaast); plaster cast for a fractured or broken bone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabayo
-da: (magac, dhedig, keli) waslad yar oo wax lagu dabakaro gaar ahaan kabaha.
kabayo -da: (magac, dhedig, keli) qalab nafleyda jabta lagu kabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaan
m.l Hadal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaan
Common N. word; speech, talk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaan
-ka: (magac, lab, keli) hadal ama khudbad meel laga jeediyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaan
a: kalaam
bw: Arabic
de: word; speech, talk
lx: kalaan
pd: (-ka)
ps: n2(c)-m
key: kalaan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaba
n. phr., [conjunction] even the other
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaba
de: even the other = kale + -ba
lx: kalaba
ps: np + conj
key: kalaba
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalana
n. phr., [conjunction] and other (ones) ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalana
de: and other (ones) ... = kale + -na
lx: kalana
ps: np + conj
key: kalana
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalxan
(Kalxan-ta)
Karrays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalxan
m.dh (-amo, m.l) (cilmiga naflayda) Laf samaysa qayb ka mid ah garabka, taas oo iskuxidha lafta ballaaran ee garabka iyo lafta dhafka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalxan
m.dh (-amo, m.l) (cilmiga naflayda) Laf samaysa qayb ka mid ah garabka, taas oo iskuxidha lafta ballaaran ee garabka iyo lafta dhafka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalxan
f. n. collarbone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalxan
-ta:(n) clavicle (kalaavikal); collarbone (kalarbon) ~ karrays -ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalxan
-ta: (magac, dhedig, keli) lafta isku xidha qoorta iyo garabka. Wa: kalxamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalxan
de: collarbone
lx: kalxan
pd: (-ta Pl: kalxamo (/ha))
ps: n1-f
syn: karrays
key: kalxan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kalxan
ترقوة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxayn
(Kaxayn-ta)
Wax nool oo socona haya meel ka wadid iyadoo aan la hoggaaminayn lana horkacayn ee gadaal laga wado.