kalasaarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasaarid
m.f.dh eeg kalasaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo isku darsan, hadba intii is leh dhinac u saarid; kala bixin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kala saarid
Classificazione
Classification
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala-saarid
-da: (n) differentiation (difaran-shi-yeeyshiri)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calansaarid
m.dh la-mid: calansaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) qaran, gobannimo qaadasho oo calan xor ah taagid, xorriyadqaadasho. Dh: xorriyad, xoroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasaar
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Hadal, fikrad iyo wixi lamida oo la garan waayey caddeyn. 3. U gar qaybin (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalasaar
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Hadal, fikrad iyo wixi lamida oo la garan waayey caddeyn. 3. U gar qaybin (cid). m.f.dh, kalasaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalasaar
v., [compound] separate something; settle (a question), judge between
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalasaar
-ka: (magac, lab, keli) waxyaabo isku darsanaa kala soocid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalasaar
de: separate s.t.; settle (a question), judge between
lx: kalasaar
pd: (kalasaaray)
ps: v1=cmp
key: kalasaar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasaarid
vl. n., [compound] withdrawal, pullout; expulsion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasaarid
de: withdrawal, pullout; expulsion
lx: kasaarid
pd: (-da)
ps: vn-f-cmp
see: saar
key: kasaarid
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ka saarid
sending-off, to disqualify
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka saarid
-da: (n) removal (rimuu-val); dismissal (dis-misal); withdrawal (withdarool)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabarid
-da: (magac, dhedig, keli) shay labo is le'eg ka dhigid, laba gabal oo is le'eg ka dhigid. Dh: kalabadhid.
kalabarid -da: (magac, dhedig, keli) hawl aad haysid labo meelood marka loo qaybiyo meel dhammayn. Dh: kalabbadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasaarid
(Khasaarid-da)
(ganacsi) wax dheefid la'aan; khasaaro ku dhicid; wax beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasaarid
m.f.dh eeg khasaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ganacsi, faa'iido la'aan; khasaaro ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farasaarid
m.f.dh eeg farasaar². la-mid: farsaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) la dagaallamidda iyo u gacanqaadidda qof kale.
farasaarid -da: (magac, dhedig, keli) wax ama meel, shaqo iyo hawl ka qabasho; hawl ka fulin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaarid
m.f.dh eeg kabawaar². la-mid: kabawaar¹, kabawaaris, kawaweer¹, kawaweerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabayrid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isla socday, kala weecasho; kala leexasho. Dh: kalabaydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbarid
(Kalabbarid-da)
1. Bar iyo bar ka dhigid; labo qaybood oo is le'eg ka dhigid.
2. Bar keliya qabasho ama buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbarid
m.f.dh eeg kalabbar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaqaadid
m.f.dh eeg kalaqaad². la-mid: kalaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo kalaqaad u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majasaarid
m.dh la-mid: manjasaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) mijasaar ku kaadisiin. Ilmaha xambaarka ku kaadshaya majasaaridda bar. Dh: mijasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talasaarad
(Talasaarad-ka)
Talasaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talasaarad
m.l la-mid: talasaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talasaarad
-ka: (magac, lab, keli) talo u dhiibadka iyo wakiiladka cid kale. Dh: talasaarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalamadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku jira oo kala jaad ahaa, is u kala saarid. Dh: kalasaarid, kalasoocid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calan saarid
f. n. raising of the flag
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calan_saarid
de: raising of the flag
lx: calan saarid
pd: (-da)
ps: np-f
key: calan_saarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwasaadid
m.f.dh eeg calwasaad². la-mid: calwasaad¹ (2), carwasaad¹, carwasaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansaarid
m.f.dh eeg gacansaar². la-mid: gacansaar¹ (4).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gacan u qaadid; faraha isku la tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsaarid
m.f.dh egg garabsaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbarmid
m.f.dh eeg kalabbaran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbayrid
(Kalabbayrid-da)
Kala leexasho; kala weecasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Manjasaarid
(Manjasaarid-da)
Manjasaar ku kaadshayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
manjasaarid
m.f.dh eeg manjasaar². la-mid: majasaarid, mijasaarid, minjasaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
manjasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ilma yar o dhal ah mijaha ku fadhiisin si uu u xaaro ama uu u kaadsho. Carruurtu manjasaaridda way bartaan. Dh: mijasaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naflacaarid
-da: (magac, dhedig, keli) meel lagu badbaado u cararid. Naflacararid ayuu webi ugu dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Walbahaarid
(Walbahaarid-da)
Walbahaar ku dhicid, qabasho; welwelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
walbahaarid
m.f.dh eeg walbahaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walbahaarid
-da: (magac, dhedig, keli) welwelid: murugood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalsaar
m.dh Haan weyn oo marka la rarayo horay la marinayo; horaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasid
m.dh la-mid: asaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasid
-da: (magac, dhedig, keli) unkidda wax cusub oo la bilaabo. Waxa la oggolaaday aasaasidda xisbi cusub.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) rasaas ama wax la mid ah, meel aad ugu dhaw kaga liishaamid.
afsaarid -da: (magac, dhedig, keli) irrid ka oodid; afka wax ka saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef, gawricid ama qalid. Gasaaridda adhiga waan ka soo daalay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalajaad
m.l.kh K. ah: ka kooban noocyo kala geddisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalajaad
(tilmaame) ka kooban noocyo kala geddisan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaqaad
kalaqaad¹: m.l 1. Bushimo, baalasha, indha-ha, iyo wixi lamida oo isku dhegganaa oo la kala fogeeyo. 2. la-mid: kalaqaadid.
kalaqaad²: f.g1 (-day, -dday) 1 . Wax isku jirey kala soocid. 2. Af, indho iyo wixi lamida kala furid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalaqaad
f.g1 (-day, -dday) 1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Af, indho iyo wixi lamida kala furid. m.f.dh, kalaqaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaqaad
v. detach, disjoin, separate; open something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaqaad
-ka: (magac, lab, keli) ilmahu maalinta uu gaadho afartanbaxa, oo inta garabka la saaro lala or'ordo.
kalaqaad -ka: (magac, lab, keli) bushimo, baalasha, indhaha iyo wixii la mid ah oo isku dhegganaa oo la kala fogeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaqaad
de: detach, disjoin, separate; open s.t.
lx: kalaqaad
nt: kalaqaad (ka) [vn-m], kalaqaadid (da) [vn-f]
pd: (kalaqaaday)
ps: v1=tr
key: kalaqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaarid
m.f.dh eeg karaar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xawli ku socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasaari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid khasaaro gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khasaari
f.g2 (-iyay, -isay) Cid khasaaro gelin. m.f.dh, khasaarin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasaari
v. lose someone's money; cause someone to take a loss
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khasaari
-yey / say: (v) cause someone to lose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaari
(fal) khasaaro ku rid. Dh: qasaari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasaari
de: lose someone's money; cause s.o. to take a loss
lx: khasaari
pd: (khasaariyey)
ps: v2a=tr
key: khasaari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alalaasid
m.f.dh eeg alalaas². la-mid: alalaas¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalaasid
-da: (magac, dhedig, keli) dalamo samayn; farxad aawadeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaraarid
(Asaraarid-da)
Hadal la sheegay asaraar ka hor keenid; beenin; ogaaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaraarid
m.f.dh eeg asaraar². la-mid: asaraar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) jikaar iyo dood dadka lagala hortago iyadoon waxba la hubsan. Asaraar jinnaa lagu yaqaan abaska naagoode. Dh: jikaarid, murmid, doodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulsaarid
m.f.dh eeg dulsaar³. la-mid: dulsaar¹ (5).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dushiisa saarid oo ka korraysiin. Dh: duldhigid.
dulsaarid -da: (magac, dhedig, keli) macaash la isla og yahay deyn qof kaa qaaday ku kordhin. Dh: duldhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fansaarid
(Fansaarid-da)
Fangelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fansaarid
m.dh la-mid: fangelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fansaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, xagga danbe ee muurka aad wadato, korsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haasaawid
m.f.dh eeg haasow². la-mid: haasow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haasaawid
-da: (magac, dhedig, keli) sheeko dhex marta labo qof iyo in ka badan oo ismaaweelin ah.
haasaawid -da: (magac, dhedig, keli) (la ~) sheeko shukaansi la xidhiidha, qof kale la hayn. Haasaawid buu haloosiga guur ka bilawdaa. Dh: sheekaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaari
f.g2 (-iyay, -isay) Roob da'aya joojin (Ilaah).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala saar
-ay / tay: (v) separate (separeeyt); differentiate (dif-ren-shiyeeyt) ~ kala soocid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala-saar
-ay / tay / een / nay: (v) 1. differentiate (difaran shi-yeet); distinguish (distin-guwish). 2. pass judgment between people
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalkaalid
(Kalkaalid-da)
Gargaarid; kaalmayn; taageerid; waxtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalkaalid
m.f.dh eeg kalkaal².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalkaalid
Catalysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalkaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn iyo gargaarid. Dh: kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarid
m.f.dh eeg khabaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, u warramid. Dh: akhbaarid, waramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamaarid
m.f.dh eeg khamaar². la-mid: khammaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamaarid
-da: (magac, dhedig, keli) khamaar cayaarid. Dh: qamaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasaarin
(Khasaarin-ta)
(ganacsi) si khasaaro ah, ku bixin, ku lumin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasaarin
m.f.dh eeg khasaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koosaarid
m.f.dh eeg koosaar². la-mid: goosaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koosaarid
-da: (magac, dhedig, keli) koosaar ku darid; suugo ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Korsaarid
(Korsaarid-da)
Dusha wax ka saarid (faa'ido, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
korsaarid
m.f.dh eeg korsaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korsaarid
-da: (magac, dhedig, keli) shey meel yaal oo wax kale korka laga saaro. Dh: duldhigid.
korsaarid -da: (magac, dhedig, keli) shay korka ama madaxa saarid. Dh: dushasaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salgaarid
m.f.dh eeg salgaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salgaarid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wax la mid, gunteeda iyo xaqiiqdeeda, ogaan.