kalabarid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabarid
-da: (magac, dhedig, keli) shay labo is le'eg ka dhigid, laba gabal oo is le'eg ka dhigid. Dh: kalabadhid.
kalabarid -da: (magac, dhedig, keli) hawl aad haysid labo meelood marka loo qaybiyo meel dhammayn. Dh: kalabbadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabayrid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isla socday, kala weecasho; kala leexasho. Dh: kalabaydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbarid
(Kalabbarid-da)
1. Bar iyo bar ka dhigid; labo qaybood oo is le'eg ka dhigid.
2. Bar keliya qabasho ama buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbarid
m.f.dh eeg kalabbar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbarmid
m.f.dh eeg kalabbaran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbayrid
(Kalabbayrid-da)
Kala leexasho; kala weecasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax is haystay, labo u kala badhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabayris
-ta: (magac, dhedig, keli) labo meelood, u kala weecasho. Dh: kalabaydhis, kalabaydhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasaarid
m.f.dh eeg kalasaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) waxyaalo isku darsan, hadba intii is leh dhinac u saarid; kala bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabar
-ka: (magac, lab, keli) dhul, xadhig ama wax kale halka kala badha. Dh: kalabadh, badhtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabaro
(fal) wax kala aqoonsasho.
kalabaro: (fal) wax labo qaybood ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaarid
m.f.dh eeg karaar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xawli ku socod.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasaarid
vl. n., [compound] withdrawal, pullout; expulsion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasaarid
de: withdrawal, pullout; expulsion
lx: kasaarid
pd: (-da)
ps: vn-f-cmp
see: saar
key: kasaarid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabarid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ugub ah laylyid. Dh: jarabarid, agabarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabixid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, fud iyo faar noqosho. Dh: kalagu'id.
kalabixid-da: (magac, dhedig, keli) labo walxood oo isku jiray, kala dhillasho ama kala furasho.
kalabixid-da: (magac, dhedig, keli) arrin la isku khilaafsanaa oo la isku haystay, go'aan ka gaadhid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tababarid
to coach, to train
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kala saarid
Classificazione
Classification
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala-saarid
-da: (n) differentiation (difaran-shi-yeeyshiri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabaydhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isla socday, kala weecasho: kala leexasho. Dh: kalabayrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
allabaryid
-da: (magac, dhedig, keli) Eebbe tuugid oo wax weydiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balambalid
m.f.dh la-mid: balaambalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balambalid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib badan ku soo gaadhid. Dh: hoogid, hankaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balanbalid
(Balanbalid-da)
Hoogid; bi'id; luufluufid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawabaryid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag iyo nabadqab ku waabariisasho.
cawabaryid -da: (magac, dhedig, keli) cawabari helid; nabadgelyo helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farabbarid
m.f.dh eeg farabbar². la-mid: farabbar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faylajarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faylagoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacnabarid
m.f.dh eeg gacnabar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabmarid
-da: (magac, dhedig, keli) qof aad arkaysay oo aadan la hadline dhinaca aad ka dhaaftid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambabarid
m.f.dh eeg hambabar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hanbabarid
-da: (magac, dhedig, keli) naxdin iyo sas daraadeed hurdada ka soo boodid. Dh: sasid, salelid, boodis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarabbarid
m.f.dh eeg jarabbar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarabbarid
-da: (magac, dhedig, keli) laylyidda iyo tababbarka faras iyo wax la mid ah. Dh: layliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaarid
m.f.dh eeg kabawaar². la-mid: kabawaar¹, kabawaaris, kawaweer¹, kawaweerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax is haystay ama isku yaallay, labo u kala badhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabartan
-ka: (magac, lab, keli) eeg kalabadhtan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalabbar_1
de: divide in half; do half of s.t.; fill half-way
hm: 1
lx: kalabbar
pd: (kalabbaray)
ps: v1=expr
see: bar
key: kalabbar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalabbar_2
de: division in half; act of half-fitting ~ half-doing
hm: 2
lx: kalabbar
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: kalabbar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbaran
kalabbaran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay) Weel wax bar ah noqosho.
kalabbaran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax laba meelood loo qaybshay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbixid
(Kalabbixid-da)
Kala tegid; kala furasho; kala go'id; kala soocmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbixid
m.f.dh eeg kalabbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalamadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax isku jira oo kala jaad ahaa, is u kala saarid. Dh: kalasaarid, kalasoocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaqaadid
m.f.dh eeg kalaqaad². la-mid: kalaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) ilmo kalaqaad u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabgurid
-da: (magac, dhedig, keli) malab soo gurid, malab jabsasho. Qiiq badan iyo qalab ayay malabguriddu u baahan tahay. Dh: malabguris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malabmaris
m.dh (-syo, m.dh) Shimbir dadka u hoggaamisa meesha uu malabku ku jiro; shimbir malab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malabmaris
-ta: (magac, dhedig, keli) shimbir malabka sheegta. Malabmaris ayaa geedkaa ku joogta. Dh: maris.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sacabdarid
vl. n. applause
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sacabdarid
de: applause
initial: s
lx: sacabdarid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: sacabdarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tababbarid
(Tababbarid-da)
Tabo aqooneed oo gaar ah barid; laylyid; carbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tababbarid
m.f.dh eeg tababbar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tababbarid
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon gaar ah barid. Dh: laylyid, carbin, tababbaris, jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaabad
(Kaabad-da)
Dhis waddada la siman oo laga kor dhiso meelaha karingaabadka ah ama go'an ama webiyada iyo togagga iyo wixii la mid ah, korkooda, si gaadiidka iyo dadku uga gudbaan; raar; buunto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabad
m.dh (-do, m.l) 1. Dhismo yar oo dhulka ka kacsan. 2. Buundo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaabad
Bridge
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaabad
Bridge
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaabad
f. n. bridge; step, stair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaabad
-da: (v) doorstep ~ xakabad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabad
-da: (magac, dhedig, keli) dhismo dad iyo duunyaba la dulmaro oo laga dul dhiso meelaha webiyada, togagga, qawyada iyo dixaha si loogaga tallaabo. Tareenku wuxu dixda holhol kaga tallaabaa kaabad aad u dheer. Dh: buundo, biriij.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaabad
de: bridge; step, stair
lx: kaabad
pd: (-da)
ps: n1-f
syn: buundo ~ buunto
key: kaabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaabid
(Kaabid-da)
Wax ka maqan ku darid, ku kordhin, siin; kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabid
m.f.dh eeg kaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan adkayn oo xoojin u baahan, wax ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarid
(Kaarid-da)
Kaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarid
m.f.dh eeg kaar². la-mid: kaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xanuunku qof ku keeno xummad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaba
n. phr., [conjunction] even the other
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaba
de: even the other = kale + -ba
lx: kalaba
ps: np + conj
key: kalaba
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalbad
(Kalbad-da)
Kelbed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalbad
m.dh la-mid: kelbed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalbad
f. n. pincers, pliers, tweezers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalbad
-da: (n) pliers (palaayaris); pincers (pin saris) ~biinso, kelbed
kalbad -da: (n) book cover~gal, jildi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalbad
-da: (magac, dhedig, keli) qalab ka samaysan labo birood oo istallaabsan, iskuna godban oo kolkii laysku qabto afkoodu isu yimaada oo wax lagu qabto. Dh: kelbed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalbad
a: kelbed
de: pincers, pliers, tweezers
lx: kalbad
pd: (-da)
ps: n-f
key: kalbad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aayarid
-da: (magac, dhedig, keli) si deggan oo aan degdeg lahayn wax u qabad oo u faltamid. Dh: miyirid.
aayarid -da: (magac, dhedig, keli) si tartiib ah oo aanu degdeg iyo adayg ku jirin. Aayaritaanka ayay arrimuhu ku hirgalaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbarid
m.f.dh eeg afbar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaarid
-da: (magac, dhedig, keli) geela goojintiisa. Amaaridda geelu waa calaamadda lagu garto in uu rimay.
amaarid -da: (magac, dhedig, keli) dareenka lulo iyo caajiska kaa xoog badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balaari
(fal) eeg balaadhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabid
-da: (magac, dhedig, keli) walxo kala googgo'an, isku toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaawi
f.g2 (-iyay, -isay) Hilib la jarjaray dheecaan dab kaga saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaawi
v. mince ~ cut into pieces and fry (especially meat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaawi
(fal) kala googgoo oo yaryaree.
kalaawi -ga: (magac, lab, keli) kalyo la jarjaray oo furin lagu cuno. Dh: kalyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaawi
cf: shiil
de: mince ~ cut into pieces and fry (especially meat)
lx: kalaawi
pd: (kalaawiyey)
ps: v2a=tr
key: kalaawi
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalabax
Decomposition
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
kalabax
dislocation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalabax
v. remove, take off of
kalabax vl. n. separation; decomposition {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalabax
-ay / tay / een / nay: (v) 1. pick out; select (salakt); choose (juuz). Ex: mid kalabax; choose one. 2. disunite (disyunaayt); separate (sapareeyt). Ex: way kalabaxeen; they disunited
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabax
-a: (magac, lab, keli) marka hal molikiyuul uu u kala jajabo labo iyo wax badan oo ah molikiyuullo.
kalabax-a: (magac, lab, keli) caano la gadhoodhiyay oo fud iyo biyo u kala baxa. Dh: kalago'.
kalabax-a: (magac, lab, keli) dad shuraako ahaa oo ku kala tega oo kala jaba ama kala tafaraaruga. Dh: kalatag.
kalabax-a: (magac, lab, keli) meesha ay isaga yimaaddaan labo lafood. Kalabaxa lugta ayaa i xanuunaaya. Dh: kalagoys.
kalabax-a: (magac, lab, keli) qaab dagaaleed ciidamadu dagaallamayaan sameeyaan oo ay is ballaadhiyaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladid
-ka: (magac, lab, keli) kala yaaca ku dhaca labo birlabood oo isku astaan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalahar
-ka: (magac, lab, keli) eeg kalahadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalajar
-ka: (magac, lab, keli) kalaggoyn; labo kaga kala dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalamid
f. n. variant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalamid
de: variant
lx: kalamid
pd: (-da)
ps: n1-f
see: mid
key: kalamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaari
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax badin. 2. Xowli kordhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaari
(fal) baabuur iyo wax la mid ah, xawli ku kaxee. Karaari gaadhiga oo kadarta ka saar. Dh: taraari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabari
m.l Kolka waagu dillaaco; arooryo; oog. la-mid: waabberi.