kala-faa'iidaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kala-faa'iidaysi
m.l (baayoloji) Xidhiidhka ka dhexeeya laba ama in ka badan oo sinjiyo ah, kaas oo labaduba ka faa'iidaysanayaan. Mararka qaarkood labada sinji midna ka kale la'aanti ma noolaan karo, mararka qaarkoodna midba ka kale la'aantii wuu noolaan karaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalafaa'iidaysi
m.l (baay.) Xidhiidhka ka dhexeeya laba ama in ka badan oo sinjiyo ah, kaas oo labaduba ka faa'iidaysanayaan. Mararka qaarkood labada sinji midna ka kale la'aanti ma noolaan karo, mararka qaarkoodna midba ka kale la'aantii wuu noolaan karaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalafaa'iidaysi
-ga: (magac, lab, keli) xidhiidhka ka dhexeeya laba ama in ka badan oo sinjiyo ah, kaas oo labaduba ka faa'iidaysanayaan. Mararka qaarkood labada sinji midna ka kale la'aanti ma noolaan karo, mararka qaarkoodna midba ka kale la'aantii wuu noolaan karaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka faa'iideyso
v. benefit from something, take advantage of; profit from
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_faa'iideyso
a: faa'iidayso ~ faa'ideyso
de: benefit from s.t., take advantage of; profit from
lx: ka faa'iideyso
pd: (faa'iideystay)
ps: v3b=expr
key: ka_faa'iideyso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ka-faa'iideyste
m.l (-tayaal, m.l/dh) (daawo) Jeermiyo ka-faa'iideysta xaalad bukaan oo difaaca jirku dhimmanyahay. Difaac la'aanta oo ay keeni karto: infekshin cudurro kale ama dawo jeermiyada kafaa'iideystayaasha sida badan jirro uma keeni karaan qof caafimaad qaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kafaa'iideyste
m.l (-tayaal, m.l/dh) (daaw.) Jeermiyo ka-faa'iideysta xaalad bukaan oo difaaca jirku dhimmanyahay. Difaac la'aanta oo ay keeni karto: infekshin cudurro kale ama dawo jeermiyada ka-faa'iideystayaasha sida badan jirro uma keeni karaan qof caafimaad qaba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaariiqayso
(fal) tafaariiq ku gado.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalaxayad ilays
Dispersion of light
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladhaadheeraysiin
-ta: (magac, dhedig, keli) simid la'aan.