kaftanlow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaftanlow
(Kaftanlow-ga)
Qof kaftan badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaftanlow
m.l.kh Qof kaftan badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaftanlow
m.l.kh Qof kaftan badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaftanlow
m. n. joker, funny man
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaftanlow
-ga: (magac, lab, keli) qof kaftan badan. Kaftanlow keli ma seexdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaftanlow
de: joker, funny man
lx: kaftanlow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: kaftanlow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaftanle
m. n. banterer, teasing person
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaftanle
de: banterer, teasing person
lx: kaftanle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kaftanle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kajanlow
m. n. teaser, joker; flatterer, adulator
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kajanlow
de: teaser, joker; flatterer, adulator
lx: kajanlow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: kajanlow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaftan
(Kaftan-ka)
Hadal wax lay saga sheego, xumaanina ayan ku jirin, oo qosol iyo dheyel looga dan lee yahay; majaajillo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaftan
kaftan¹: m.l 1. Hadal aan xumi lahayn oo qosol leh oo laba qof ama ka badani isdhaafsadaan. 2. la-mid: kaftamid.
kaftan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Hadal aan xumi lahayn oo maad leh isdhaafsasho (laba qof ama ka badan).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaftan
kaftan¹: m.l 1. Hadal aan xumi lahayn oo qosol leh oo laba qof ama ka badani isdhaafsadaan.
kaftan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Hadal aan xumi lahayn oo maad leh isdhaafsasho (laba qof ama ka badan). m.f.dh, kaftamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaftan
v. joke, banter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaftan
-ka: (n) joke (jo ok); banter (baanter); lark (laark) ~ kajan, dhayal, ciyaar
kaftan -kaftamay / kaftantay: (v) joke (jook); banter (baantery, kid (kid)-, chaff,josh (joodh); tease (tiis) rag, razz, rib
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaftan
de: joke, banter
lx: kaftan
nt: kaftan (ka) [vn-m]
pd: (kaftamay)
ps: v1=
key: kaftan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kaftan
مزاحة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafaalo
(Kafaala-ha)
1. Qof ama wax taladooda iyo eeddoodaba la qaado.
2. Dammiinasho; lammaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaalo
kafaalo¹: m.l 1. Daryeel. 2. Cid masuuliyaddeeda oo la qaado.
kafaalo²: f.g3 (-aashay, -aalatay) 1. Wax daryeelid. 2. Wax mas'uuliyaddooda qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kafaalo
m.l 1. Daryeel. 2. Cid masuuliyaddeeda oo la qaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kafaalo
m. n. responsibility, sponsorship, guardianship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kafaalo
-kafaalada: (n) sponsorship (is poonsarship) ~ damiinasho, laamaanasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafaalo
-da: (magac, dhedig, keli) dammiinasho oo cid kale u ballanqaadis.
kafaalo -ha: (magac, lab. keli) daryeel iyo xannaanayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kafaalo
de: responsibility, sponsorship, guardianship
lx: kafaalo
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: kafaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qatanow
f.mg3 (-naaday, -naatay) Cid wax ka qatan noqosho. la-mid: qadsanow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qatanow
v. remain hungry, fast ~ abstain from eating food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qatanow
(fal) mid baahan oon waxba cunin ahaw Qatanow intaad agoon qadin lahayd.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qatanow
de: remain hungry, fast ~ abstain from eating food
lx: qatanow
pd: (qatanaaday)
ps: v3a=intr
key: qatanow
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaftan ah
adj., [expression] humorous, witty
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaftan_ah
de: humorous, witty
lx: kaftan ah
ps: adj-expr
key: kaftan_ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuhaanlow
m.l 1. Nin ku dheer kuhaanka. 2. Gabyaa habaarkiisu kaco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuhaanlow
m.l 1. Nin ku dheer kuhaanka. 2. Gabyaa habaarkiisu kaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaanalow
m.l (-wyo, m.dh) Qof dhagar badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khayaanalow
m.l (-wyo, m.dh) Qof dhagar badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khayaanalow
m. n. (adj.): sneaky person, cheater, deceiver; tricky
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaanalow
-ga: (magac, lab, keli) qof khiyaano iyo dhagar badan. Dh: khiyaanoole, khayaanoole.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khayaanalow
de: sneaky person, cheater, deceiver; [atr.] tricky
lx: khayaanalow
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: khayaanalow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanow
(fal) caano noqo; caddaan noqo.
caanow-ga: (magac, dhedig, keli) caano noqosho ama midab caddaan ah yeelasho.
caanow -ga: (magac, lab, keli) cudur maqasha yaryar kaga dhaca xunaha lafaha oo aanay kici karin. Waxartu caanow ayey la jiiftaa.
caanow -ga: (magac, lab, kel) xanuun maqaarka ama jidhka ku dhaca oo cadcaddaan u yeela. Dh: baras.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fallow
Gafo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fallow
/faalow/ (adj) dhul aan la-beerin, oo sidiisa dabiiciga ah lugu dhawro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalow
gaalow¹: m.l Miro ka baxa geed abaareedka qaarkiis.
gaalow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Gaal noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gaalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Gaal noqosho. m.f.dh, gaaloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalow
(fal) diinta islaamka ka bax oo gaal noqo.
gaalow -ga: (magac, lab, keli) diinta ka bixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haftow
inch. v. gasp, pant, be out of breath
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haftow
de: gasp, pant, be out of breath
lx: haftow
nt: haftood (ka) [vn2a-m]
pd: (haftooday)
ps: v3a=inch
key: haftow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabtan
m.l (-nno, m.dh) Sarkaal saddex xiddigood leh; dhamme.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabtan
m.l (-nno, m.dh) Sarkaal saddex xiddigood leh; dhamme.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabtan
m. n. captain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabtan
-ka: (n) 1. [army]: captain (katan) ~ damme. 2. [sports]: team leader
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabtan
-ka: (magac, lab, keli) saddexiddiglaha derejada askartu leedahay. Dh: dhamme. Wa: kabtanno.
kabtan -ka: (magac, lab, keli) udubdhexaadka koox ciyaar ka qaybgalaysa ama hawl kale haysa sida hormuudka shaqaalaha maraakiibta iyo diyaaradaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabtan
de: captain
lx: kabtan
pd: (-ka)
ps: n2-m
syn: dhamme {Eng}
key: kabtan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kafado
-da: (n) [plural kafad -da] an instrument for weighing; scale (iskeel)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaltan
(Kaltan-ka)
Moogtan; jilaysi; meertaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaltan
kaltan¹: m.l (-nno, m.dh) Miileysiga hawl qabashadeed la miileysto; moogtan.
kaltan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Hawl iyo wixi lamida qabashadeeda miilaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaltan
m.l (-nno, m.dh) Miileysiga hawl qabashadeed la miileysto; moogtan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaltan
m. n. shift, turn (for work)
kaltan v. take turns
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaltan
-ka: (n) tour, shift or period of duty or participation; tour (tuur); rotating shift (shift); schedule (iskajwel); timetable (taaym-teeybal) ~ moogaysi, miile
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kaltan
Turno
Shift
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltan
-ka: (magac, lab, keli) wax la isku kaayaysto hawl qabashadeedu meertaysi tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kastan
m.l (-ammo, m.dh) Xafiis lagu canshuuro badeecadaha dibadda loo dhoofiyo iyo kuwa laga keensanayaba.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kastan
m.l (-ammo, m.dh) Xafiis lagu canshuuro badeecadaha dibadda loo dhoofiyo iyo kuwa laga keensanayaba.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kastan
m. n. customs; check point for commercial goods
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kastan
-ka: (magac, lab, keli) meel wax lagu baadho waxna lagu cashuuro. Baabuurtii oo dhan kastanka ayaa lagu hayaa. Dh: kastam.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kastan
de: customs; check point for commercial goods {N < Eng}
lx: kastan
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: kastan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawtan
(Kawtan-ka)
Cayaar quruurux lagu cayaaro oo jaadad badan u sii kala baxbaxda; shamako.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawtan
kawtan¹: m.l Cayaar quruurux lagu cayaaro oo jaadad badan u sii kala baxbaxda; shamako.
kawtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Kaw-tan ciyaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawtan
v. juggle stones, play a pebble toss game
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawtan
-ka: (magac, lab, keli) ciyaar guri lix dhagax ama ka badan lagu dheelo; ciyaar heerar midba qaab loo dheelo yeelata. Dh: kowtan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawtan
de: juggle stones, play a pebble toss game
lx: kawtan
nt: kawtan (ka) [n2-m] 'juggling game'
pd: (kawtamay)
ps: v1=
key: kawtan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanlo
-ha: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah jaadadka taallooyinka xasuusta loo dhiso. Waxan arkay maanlo aad u dheer. Dh: taallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) la-mid: qaaliyow.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tallow
/taalow/ (n) baruur, xayr.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tallow
n., (suet) baruur, -ti, dayi, -gi, xaydh, -di.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaftan
-ka: (magac, lab, keli) kala xafid oo wax kala boobid. Carruurtu xaftan ayay ciyaarayaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afbilow
-ga: (n) breakfast (bareekfaast); the first meal of the day ~ quraac
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
affanno
s.m. - neeftuurid, murugo, walbahaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aftahmo
(Aftahma-da)
Qof si fudud ugu hadla ama u qora, hadal qurux badan oo dadka aad u saameeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aftahmo
m.dh 1. Awodda qof u leeyahay inuu fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aftahmo
m.dh 1. Awodda qof u leeyahay inuu fikraddiisa si wanaagsan hadal ugu cabbiro. 2. Awoodda hal-abuur ee qof leeyahay. Tusaale: Gabyaagu waa nin aftahmo badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aftahmo
f. n. eloquence
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aftahmo
de: eloquence
lx: aftahmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: aftahmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baantow
m.l.kh B. ah: dibi dad dil ah oo cidlajoognimo ku abaaday muddo. la-mid: baantoy.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baantow
-ga: (magac, lab, keli) dibi doolaalada yaqaan; dibi lo'diisa iyo lo'yawga kale isugu mid yihiin. Dh: maalooti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bahalow
(Bahalow-ga)
Cudur bahal oo kale lala noqdo; waraabooti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahalow
bahalow¹: m.l la-mid: bahaloobid.
bahalow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Bahal noqosho. 2. Waraaboobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bahalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) 1. Bahal noqosho. 2. Waraaboobid. m.f.dh, bahaloobid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bahalow
inch. v. become wild ~ savage; be cruel, become ferocious
bahalow: m. n., [collective] skin disease (making a person look like an animal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bahalow
-bahaloobay / bahalowday: (v) become uncivilized or barbarous; become savage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahalow
(fal) dhaqanka bahalka oo kale yeelo. Baraaruga dadyahow nin bahaloobay baa beesha soo galaye.
bahalow -ga: (magac, lab, keli) cudur dadka ku dhaca oo waraabe ama bahal oo kale lala noqdo. Dh: waraabooti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calalow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Calal noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calalow
(fal) maro hun ah noqo. Dh: calalaw. calalsad -ka: (magac, lab, keli) cunto ilkaha ku jilcin; calalin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
catalog
/kaatalog/ (ame) catalogue (bre) (n) 1. daliil-haye; buug wax ku liis garaysan yihiin; buug warbixineed (v) 2. liis garayn (diiwaan ama buug gelin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
catalog
/kaatalog/ (n) diiwaang (liis) sithy buugty maktabythy, alaabty dukaangky iwm. Stores have catalogs that show prices of the things they sell.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Daynlow
Debitore
Debitor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falalow
-ga: (magac, lab, keli) eeg falallaw.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gabanow
nickname-m young; lit: younger, baby
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gabanow
magac loo baxsho wiil da' yar ama u muuqda mid kuwa kale ka da'yar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaftaal
-ka: (magac, lab, keli) seegitaan ama haleeliwaa. Li: haleelid, gaadhis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka tali
v. administer, rule over, govern (a country ~ place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_tali
de: administer, rule over, govern (a country ~ place)
lx: ka tali
pd: (taliyey)
ps: v2a=expr
key: ka_tali