kaftamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaftamid
(Kaftamid-da)
Hadal ama waxyaalo kale oo kaftan ah ku kicid, isdhaafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaftamid
m.f.dh eeg kaftan². la-mid: kaftan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaftamid
-da: (magac, dhedig, keli) xafiiltan iyo dacaayad aan turxaan lahayn. Kaftamid badan iyo kaadi badan ba waa la isku nacaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaltamid
m.f.dh eeg kaltan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltamid
-da: (magac, dhedig, keli) moogaysi, moogtan, meertaysad, jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawtamid
(Kawtamid-da)
Kawtan cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawtamid
m.f.dh eeg kawtan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawtamid
-da: (magac, dhedig, keli) cayaarta kawkanka cayaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhayalid
(Dhayalid-da)
Cayaarid; dheelid; kaftamid; (ama dheyelid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheeldheelid
(Dheeldheelid-da)
Cayaarid; dhayalid; kaftamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelid
(Dheelid-da)
Dheel cayaarid; dhayalid; kaftamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suugaantamid
(Suugaantamid-da)
1. Hadal suugaan ah ku wada hadlid, is dhaafsasho, is weydaarsi.
2. Kaftamid; isxifaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xifaalootan
(Xifaalootan-ka)
Is xifaalayn; kaftamid; (ama xifaaltamid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhayal
dhayal¹: m.l 1. Cayaar; kaftan. 2. la-mid: dhayalid. la-mid: dheyal¹.
dhayal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Cayaarid, kaftamid. la-mid: dheyel².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaftan
kaftan¹: m.l 1. Hadal aan xumi lahayn oo qosol leh oo laba qof ama ka badani isdhaafsadaan. 2. la-mid: kaftamid.
kaftan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Hadal aan xumi lahayn oo maad leh isdhaafsasho (laba qof ama ka badan).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaftan
kaftan¹: m.l 1. Hadal aan xumi lahayn oo qosol leh oo laba qof ama ka badani isdhaafsadaan.
kaftan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Hadal aan xumi lahayn oo maad leh isdhaafsasho (laba qof ama ka badan). m.f.dh, kaftamid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fool
/fuul/ (n) 1. nacas, doqon (v) 2. khatalid, khiyaamayn. e.g. You can't fool me. (v) 3. dheel-dheelid, kaftamid. e.g. He was just fooling.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
kidding
/kidhin/ (v) ciyaarid, kaftamid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scherzare
v.intr. kaftamid, cayaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dheeldheelid
-da: (magac, dhedig, keli) kaftamid oo si aan xigmadi ku jirin u hadlid. Dheeldheelidda maanta dhab ayaa ka dambayn. Dh: kaftamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal aan macno lahayn ku sheekayn. Ninkani hadradayn ayuu wakhtigiisa ku dilaa. Dh: kaftamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilaaqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan dhab ahayn ku kaftamid. Dh: kaftamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugaantamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal suugaan ah ku wada hadlid, isdhaafsasho, isweydaarsi.
suugaantamid-da: (magac, dhedig, keli) kaftamid; isxifaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid la kaftamid oo dacaayadayn. Ninkaasi xafaalaynta wuu ka cadhoodaa. Dh: xifaalayn, xafaalays. xafaalays -ta: (magac, dhedig, keli) faan iyo dacaayad isku jira samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafaalootamid
-da: (magac, dhedig, keli) xifaaltan is weydaarsasho oo isla kaftamid. Dh: isxifaalayn, xifaaltamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafaalootan
(fal) kaftan oo dad kale la xifaaltan. Saaxiibbadaa la xafaalootan oo ha xanaaqin. Dh: xifaaltan.
xafaalootan -ka: (magac, lab, keli) xifaaltan is weydaarsasho oo isla kaftamid. Dh: xafaalootamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid la kaftamid. Dh: xafaalayn, xifaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xifaalootan
-ka: (magac, lab, keli) wada kaftamid oo wada xifaaltamid. Dh: kaftan, xafiiltan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aftaxid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aftaxaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafadid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saarid: kafad saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafafid
(Kafafid-da)
(wax qoyan) wax yar engegid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafafid
m.f.dh eeg kafaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyanaa, soo yara engegid: soo yara qallalid. Dh: kawraxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu lumay ama cidkale oo aad masuul ka tahay ku lumay bixin. Dh: magid, bedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kajamid
(Kajamid-da)
Hadal kajan ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kajamid
m.f.dh eeg kajan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kajamid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dheeldheelid iyo ku ciyaarid. Kajamidda kaddaa dadka waawayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalamid
f. n. variant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalamid
de: variant
lx: kalamid
pd: (-da)
ps: n1-f
see: mid
key: kalamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cartamid
(Cartamid-da)
Kulayl la rogrogmasho; karkarid; dhirfid; xanaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cartamid
m.f.dh eeg cartan². la-mid: cartan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cartamid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho iyo wax la mid ah dartood, la kirtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caytamid
(Caytamid-da)
Hadallo cay ah, la yiraahdo, la isdhaafsado; (ama caytan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caytamid
m.f.dh eeg caytan². la-mid: caytan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caytamid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale hadallo cay ah ku dhihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faltamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale, la falgelid ama hawlgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaatamid
(Gaatamid-da)
Socod gaatan ah, socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaatamid
m.f.dh eeg gaatan². la-mid: gaatan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaatamid
-da: (magac, dhedig, keli) socod gaarrin ah; aayar u socod. Dh: gaatan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamid
m.f.dh eeg kacaan². la-mid: kacaan¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kankamid
(Kankamid-da)
Ur badan urid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kankamid
m.f.dh eeg kankan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kankamid
-da: (magac, dhedig, keli) ur badan oo meel ka soo urta. Dh: kakamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karsamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la karshay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawaamid
(Kawaamid-da)
Xoolo in hilibkooda la iibsho darteed u qalid; (ama kawaanid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaamid
m.f.dh eeg kawaan². la-mid: ka-waanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawaamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo in hilibkooda la iibsho darteed u qalid. Dh: kawaanid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirtamid
(Kirtamid-da)
(xoolo) kadaalliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirtamid
m.f.dh eeg kirtan². la-mid: kirtan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, kadaalliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaflamid
m.f.dh eeg qaflan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tartamid
(Tartamid-da)
Tartan cayaarid, isugu bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartamid
m.f.dh eeg tartan³.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartamid
-da: (n) competition (kom-piti-shin)-, contest (kon-test); tournament (tor-na-ment) ~ baratan, tartan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartamid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar, orod ama wax kale, isugu bixid lagu kala badiyo. Dh: baratamid, orotamid.
tartamid -da: (magac, dhedig, keli) loollamid, in lakala khibrad badan yahay habka lagu soo saaro. Shaqada aan qabtay dad ayaan kula tartamay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waytamid
m.f.dh eeg waytan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waytamid
-da: (magac, dhedig, keli) khasaare iyo hungow daraaddii calaacalid oo ereyga 'way' ku celcelin. Waytamid wax ku soo celin mayside samir qaado. Dh: waylayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaqtamid
(Xaqtamid-da)
Xaq isu sheegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaqtamid
m.f.dh eeg xaqtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaqtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq isu sheegasho. Dh: xaqtamis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafirtamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad samaysay qirashadiisa diidid. Dafirtamid badanaa munaafaq iyo beenaale. Dh: inkirtamid, asaraartamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaftoomid
m.f.dh eeg kaaftoon².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaaftoomid
Valency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaftoomid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysatay, kugu filaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badhtamid
-da: (magac, dhedig, keli) kala badhid; meesha kala badha wax dhigid ama gaadhid. Dh: bartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baratamid
m.dh la-mid: bedertamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baratamid
-da: (magac, dhedig, keli) meel u kala badin; tartan samayn oo wax u borotomid. Baratamiddu waa hab lagu kala badiyo. Dh: baratan, borotomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqtamid
m.f.dh la-mid: dhaqtan¹ (2), dhugtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaltameed
-ka: (magac, lab, keli) wixii leh kal sugan oo soo rogaalceliya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, ka kaaftoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatalmid
(Khatalmid-da)
Qof la khatalay noqosho; sirmid; dagmid; khatalan; hodmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatalmid
m.f.dh eeg khatalan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatalmid
-da: (magac, dhedig, keli) dabin laguu dhigay gelid; shirqool ku dhicid. Dh: qatalmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khayaamid
m.dh la-mid: khayaanid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khayaamid
-da: (n) deception (disapshan), cheating (jiiting)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) khayaano ku samayn. Dh: sirid, khatalid, dhagrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laactamid
m.f.dh la-mid: laacdamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laactamid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg laacdamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaftumid
-da: (magac, dhedig, keli) hanjebid: shaftumis, xoogsheegad. Jooji shaftumidda. Dh: cagajuglayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taftaafid
m.f.dh eeg taftaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taftaafid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur i xanuun, la caatoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafootamid
(Gaafootamid-da)
Gaafeysi; kaltamid; toogaysi; jilaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafootamid
m.f.dh eeg gaafootan². la-mid: gaafootan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafootamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax uu qofba kol qabto oo lagu kaltamo. Dh: kaayaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jikaartamid
m.f.dh eeg jikaartan². la-mid: jikaartan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jikaartamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad og tahay in uu dhab yahay, asaraarid oo ka doodis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xafiiltamid
(Xafiiltamid-da)
Is xifaalayn; is jurxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xafiiltamid
m.f.dh eeg xafiiltan². la-mid: xafiiltan¹, xifaalootan, xifaaltamid, xifaaltan¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xafiiltamid
-da: (magac, dhedig, keli) isxifaalayn kaftan ah oo dacaayad iyo ficiltan ku jiro. Dh: isjurxayn.
xafiiltamid-da: (magac, dhedig, keli) faan ku tartamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariiftamid
m.f.dh eeg xariiftan². la-mid: xariiftan¹.