kafool_kafool
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kafool_kafool
de: open confrontation
lx: kafool kafool
ps: np
key: kafool_kafool
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafoolkafool
Bareer iyo qarsoodi la'aan isaga horimaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafoolkafool
-ka: (magac, lab, keli) si toos ah isu soo horfadhiisad. Dh: foolkafool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kafool kafool
n. phr. open confrontation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kafool kafool
(Expression) face to face; directly confronting
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foodsaar
(Foodsaar-ka)
1. Legdan kd. toos iyo kafool kafool laysaga hor yimaado.
2. Wax soo socda oo bareer looga hor tago.
3. Raar aqalka fooddiisa la saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Foodsaarid
(Foodsaarid-da)
Legdan ama dagaal uga hortegid: kafool kafool wax uga hor imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wajihid
(Wajihid-da)
Kafool kafool uga hor tegid; wejiga siin; foodsaarid; qaabbilid; (ama wejihid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
foodsaar
foodsaar¹: m.l (-rro, m.dh) 1. Raar aqalka miyiga wejiga hore laga saaro. 2. Gabbaad. 3. la-mid: foodshareer. Maro haweenku wejiga saartaan. 4. la-mid: foodsaarid.
foodsaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax kafool kafool uga hor tegid. 2. Meel ku gabbasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
foodsaar
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax kafool kafool uga hor tegid. 2. Meel ku gabbasho. m.f.dh, foodsaarid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
face-to-face
/feys-tu-feys/ (adv) kafool-kafool. e.g. They met face-to-face to discuss the proposal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foolkafool
-ka: (magac, lab, keli) badheedh iyo qarsoodi la'aan is kaga horimaansho.
foolkafool -ka: (magac, lab, keli) iska hor imaad toos ah. Dagaal foolkafool ah baa dhacay. Dh: toos.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhool_ka_qosol
de: smile
lx: dhool ka qosol
pd: (qoslay)
ps: v1=expr
key: dhool_ka_qosol
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
ALOOL-MADOOW
(Alol-madu) N Typha anustifolia L. Typhaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhoolkaqosol
m.l Ilka caddayn; muusood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhoolkaqosol
-ka: (magac, lab, keli) qosol dhoollaha laga muunsoodo. Dh: dhoollacaddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koolestarool
m.l (daawo) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koolestarool
m.l (cilmiga naflayda) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.