kafaalasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaalasho
m.f.dh eeg kafaalo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) noloshiisa gabi ama qayb kharaskiisa ah is dul dhig. Dh: xilqaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalasho
m.f.dh eeg qafaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalasho
m.dh la-mid: callaalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaalasho
(Dabaalasha-da)
Biyaha dhexdooda marmarid sida kalluunka iyadoo aan waxba la qabsan, cagahana dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaalasho
m.f.dh eeg dabaalo. la-mid: dabaalad, dabbaalad, dabbaalasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaalasho
vl. n. act of swimming
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dabaalasho
- dabaalashada: (n) the act of swimming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabaalad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaalasho
de: act of swimming
lx: dabaalasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dabaalasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalasho
m.f.dh eeg galaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaanasho
m.f.dh eeg kawaano.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg magaalaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qasaalasho
(Qasaalasha-da)
(weel, alaab, dhar, kd.) biyo ku mayrasho, dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasaalasho
m.f.dh eeg qasaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iskaa u maydhasho. Qof walba qasaalashada dharkiisa isgaa ka masuul ah. Dh: maydhasho, dhaqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramaalasho
m.f.dh eeg ramaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabaalasho
m.f.dh eeg xabaalo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
callaalasho
m.f.dh eeg callaalo. la-mid: calaalad, calaalasho, callaalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaalasho
m.f.dh la-mid: dabaalasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) biyaha dabbaal ku dhexmarid ama kaga bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farahalasho
m.f.dh eeg farahalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraxalasho
(Faraxalasha-da)
1. Cunnada horteeda iyo gadaalkeeda, faraha mayrasho.
2. Biyo kastoo farahu lagu mayrto, nadiifin darteed.
3. (ka faraxalasho) dhammaystirid; farakalabbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraxalasho
m.f.dh eeg faraxalo. la-mid: faradhaqad, faradhaqasho, farammayrasho, faraxalad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraxalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faraxalad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxayasho
m.f.dh eeg kalaxayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walwaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaadid iyo la socod wax culus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaalsasho
m.f.dh eeg xagaalso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falasho
m.f.dh eeg falo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falasho
-da: (magac, dhedig, keli) beer qodasho. Xilligani waa xilligii falashada. Dh: beerasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafaalo
(Kafaala-ha)
1. Qof ama wax taladooda iyo eeddoodaba la qaado.
2. Dammiinasho; lammaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaalo
kafaalo¹: m.l 1. Daryeel. 2. Cid masuuliyaddeeda oo la qaado.
kafaalo²: f.g3 (-aashay, -aalatay) 1. Wax daryeelid. 2. Wax mas'uuliyaddooda qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kafaalo
m.l 1. Daryeel. 2. Cid masuuliyaddeeda oo la qaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kafaalo
m. n. responsibility, sponsorship, guardianship
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kafaalo
-kafaalada: (n) sponsorship (is poonsarship) ~ damiinasho, laamaanasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafaalo
-da: (magac, dhedig, keli) dammiinasho oo cid kale u ballanqaadis.
kafaalo -ha: (magac, lab. keli) daryeel iyo xannaanayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kafaalo
de: responsibility, sponsorship, guardianship
lx: kafaalo
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: kafaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faagasho
(Faagasha-da)
1. (xoolo) qodashada ay jeenyaha dhulka ku qotaan oo ciidda sayriyaan, caro darteed, kolkay isu jixina hayaan oo is guula hayaan, dagaalka ka hor.
2. God ama dalool dhulka ka samaysasho; qodasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faagasho
m.f.dh eeg faago. la-mid: faagad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faagasho
vl. n. digging up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faagasho
-faagashada: (n) the act of digging or excavating
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faagasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale, dib uga joogsasho ay cabsi iyo foojignaan ku jiraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faagasho
a: faagad (ka) [vn2-m], fagasho (/da) [vn6-f]
de: digging up
lx: faagasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: faagasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarasho
m.dh la-mid: farasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faarasho
-da: (magac, dhedig, keli) farriin iyo wax la mid ah, farasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaalad
m.dh Dammaanad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kafaalad
m.dh Dammaanad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawlasho
-da: (magac, dhedig, keli) cabbitaanka biyo yar oo aan laga haraadbeelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaflasho
m.f.dh eeg qaflo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waalasho
(Waalasha-da)
Qof waalan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waalasho
m.f.dh eeg waalo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waalasho
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun dhimir ah qaadid; waalli qabid. Darooggu waalasho ayuu koonaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysasho
m.f.dh eeg afayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbarasho
m.f.dh eeg afbaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbarasho
-da: (magac, dhedig, keli) xilli uu ilmuhu ku hadlo kolka ay da'diisu gaadho oo uu ereyo iyo weedho halhaleelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgarasho
m.f.dh eeg afgaro. la-mid: afgarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afgarasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afgarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afqabasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg afqabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Amaahasho
(Amaahasha-da)
Amaah qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaahasho
m.f.dh eeg amaaho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amaahasho
vn: borrowing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
amaahasho
-amaahashada: (n) borrowing (baarowing) —amaahde -amaahdaha: (n) borrower (baarower); debtor (dhee-ter) ~ amaah qaate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
amaahasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg amaahad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
amaahasho
de: borrowing
lx: amaahasho
pd: (/da)
ps: vn -f
key: amaahasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badalasho
-da: (magac, dhedig, keli) shay wax kale ku doorsasho. Dh: beddelesho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadsasho
(Kaadsasha-da)
(u kaadsasho) dib u dhigasho; u sugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadsasho
m.f.dh eeg kaadso. la-mid: kaadsad, kaadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u dhigasho iyo sugitaan. Li: degdegsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaysasho
m.f.dh eeg kaayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafilasho
m.f.dh eeg qafilo. la-mid: qufulasho, qunfulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafilasho
-da: (magac, dhedig, keli) xidhasho oo qafil ku adkayn. Qafilashada aqalku waa muhim kolkaad ka baxayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafacasho
m.f.dh eeg rafaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baddalasho
m.f.dh la-mid: beddelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baddalasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku doorsasho. Daawada haddaad farmasiga kala baxdo, baddalasho laguuma oggola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarasho
m.f.dh eeg cagaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) midab cagaar ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canaanasho
(Canaanasha-da)
Hadal canaan ah ku dhihid; xaarxaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canaanasho
m.f.dh eeg canaano. la-mid: canaanad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canaanasho
vl. n. scolding; shouted instructions, nasty order; grumbling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canaanasho
-da: (magac, dhedig, keli) haaraamidda iyo guulguulidda cid gef samaysay ama hawl loo diray si aan habboonayn ka yeeshay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canaanasho
de: scolding; shouted instructions, nasty order; grumbling
lx: canaanasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: canaanasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daldalasho
m.f.dh eeg daldalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daldalasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto ama alaab si aan joogsi lahayn isku xidhid oo u wadid.
daldalasho-da: (magac, dhedig, keli) shey meel ka soo laadlaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaarasho
m.f.dh la-mid: gabrasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadaamasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel ku hareeraysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaafasho
m.f.dh eeg galaafo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaafasho
-da: (magac, dhedig, keli) adoo halis ku jira, cid kale is raacin oo khasaaraha gaadhsiin. Dh: salfasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galgalasho
(Galgalasha-da)
Inta ciidda ama dhulka la jiifsado oo laysku rogrogo; hadba doc isu rogid; baarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galgalasho
m.f.dh eeg galgalo. la-mid: galangalasho, galangalad, galgalad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galgalasho
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhan isku rogid iyada oo la jiifo; in ciidda ama dhulka la jiifsado oo la isku rogrogo. Dh: galgalad, rafasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax weydiisasho. Ninkaasi garasho iyo garaacasho toona ma laha. Dh: baryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabkabasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala daadsanaa isku nabnabasho. Dh: nabnabasho, kakabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karahsasho
m.f.dh eeg karahso. la-mid: karah-sad, karahsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karahsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama tii, nicid. Dh: samaynkarahsad, karahsi, kahasho, goonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxaysasho
(Kaxaysasha-da)
Wax nool oo socona haya wadasho, la tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxaysasho
m.f.dh eeg kaxayso. la-mid: ka-xaysad, kaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax nool ama gaadiid socda la tegid. Dh: kaxayasad, kaxaysi, wadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kudhalasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaalad qof ku dhasho sida badanna uu waalidka ka dhaxlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladaabasho
(Ladaabasha-da)
(xoolo) maalin walba cabbid; qatin la'aan; durduurasho.