kadalloobsad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadalloobsad
(Kadalloobsad-ka)
Kadalloobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobsad
m.l la-mid: kadalloobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloobsad
-ka: (magac, lab, keli) si kadalloob ah u fadhiisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Cid kadalloobay ahaansho. 2. Cid degdegsan meel u socota ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kadalloobsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Cid kadalloobay ahaansho. 2. Cid degdegsan meel u socota ahaansho. m.f.dh, kadalloobsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloobsan
(tilmaame) mid kadalloob u fadhiya.
kadalloobsan: (tilmaame) mid degdegsan oo meel u socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadalloobid
(Kadalloobid-da)
Kadalloob u fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobid
m.f.dh eeg kadalloob². la-mid: kadalloob¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloobid
-da: (magac, dhedig, keli) jilbaha oo kuu laaban, cagaha ku fadhiyid iyada oo aan salka dhulka lagu hayn. Dh: kambadhuudhid, kuududid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadalloobsi
(Kadalloobsi-ga)
Kadalloobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobsi
m.l la-mid: kadalloobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloobsi
-ga: (magac, lab, keli) adiga oo aan salka dhulka ku hayn oo jilbuhu laaban yihiin, cagaha ku fadhiisad. Dh: kambadhuudhsi, kuudadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobso
f.mg3 (-saday, -satay) Si kadalloob ah u fadhiisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kadalloobso
f.mg3 (-saday, -satay) Si kadalloob ah u fadhiisasho. m.f.dh, kadalloobsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadalloobso
v. squat (down)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloobso
(fal) si kadalloob ah u fadhiiso. Dh: kambadhuudhso, kuudadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadalloobso
de: squat (down)
lx: kadalloobso
nt: kadalloobsad (ka) [vn-m], kadalloobsasho (/da) [vn-f], kadalloobsi (ga) [vn-m]
pd: (kadalloobsaday)
ps: v3a=
key: kadalloobso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadalloobsasho
(Kadalloobsasha-da)
Si kadalloob ah u fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobsasho
m.f.dh eeg kadalloobso. la-mid: kadalloobsad, kadalloobsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloobsasho
-da: (magac, dhedig. keli) kadalloob u fadhiisasho. Dh: kambadhuudhsasho, kuudadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadalloob
(Kadalloob-ka)
Fadhi aan salka dhulka lagu hayn oo kubabka iyo cagaha lagu fadhiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloob
kadalloob¹: m.l 1. Fadhi aan salka dhulka lagu hayn oo cagaha keliya lagu fadhiyo. 2. la-mid: kadalloobid.
kadalloob²: f.mg1 (-bay, -btay) Fadhi aan salka dhulka lagu hayn fadhiyid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kadalloob
m.l 1. Fadhi aan salka dhulka lagu hayn oo cagaha keliya lagu fadhiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadalloob
m. n. squatting position
kadalloob v. squat, be in a squatting position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadalloob
-ka: (magac, lab, keli) fadhi aan salka dhulka lagu hayn oo jilbaha oo laaban cagaha la isu taago. Kadalloobidda badan waa lagu daalaa oradna waa lagu hiiqaa. Dh: kambadhuudhsi, kuudad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobi
f.g2 (-iyay, -isay) Kadalloob u fariisin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kadaloobsi
-ga:(n) squat (iskuwaat)-, crouched position ~ kadalloob
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadalloob_1
de: squatting position
hm: 1
lx: kadalloob
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kadalloob_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadalloob_2
de: squat, be in a squatting position
hm: 2
lx: kadalloob
pd: (kadalloobay)
ps: v1=
key: kadalloob_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobin
m.f.dh eeg kadalloobi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadankoodsad
m.l la-mid: kadankoodsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadalloobsanaan
m.f.dh eeg kadalloobsan. la-mid: kadalloobsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalloorad
m.dh (-do, m.l) Weel macdan ka samaysan sal ballaaran, af dhuuban iyo siddo la qabsado leh oo caanaha, subagga iyo wixi lamida lagu shubto; jeeg. la-mid: gadhoorad, kadhoorad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalloorad
m.dh (-do, m.l) Weel macdan ka samaysan sal ballaaran, af dhuuban iyo siddo la qabsado leh oo caanaha, subagga iyo wixi lamida lagu shubto; jeeg. la-mid: gadhoorad, kadhoorad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalloorad
f. n. covered metal container (for milk, water, etc.)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalloorad
de: covered metal container (for milk, water, etc.)
lx: kalloorad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: kalloorad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalloodhad
-a: (magac, lab, keli) weel macdan ka samaysan oo sal ballaadhan, af dhuuban iyo siddo la qabsado leh oo caanaha, subagga iyo wixii la mid ah lagu shubto. Dh: kadhoorad, kadhoodhad, kalloorad.
kalloodhad -a: (magac, lab, keli) eeg kalloodhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadankoodsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax meel kadankooday ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taltallaabsad
-ka: (magac, lab, keli) marba tallaabo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargoosad
m.l la-mid: aargoosasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aargoosad
m.l eeg aargooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargoosad
-ka: (magac, lab, keli) dhib la geystay, ciddii lahayd aanadii ka goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addoonsad
m.l la-mid: addoonsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addoonsad
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, addoon ka dhigad; yeelashada qof kale; gumaysadka cid kale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgoosad
-ka: (magac, lab, keli) (ka ~) ka aargoosad. Li: saamaxaad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daloolsan
-aa / ayd: (adj) drilled (diriiled); bored (booridh)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulloobid
(Dulloobid-da)
Dulli ku dhicid; duf ku bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulloobid
m.f.dh eeg dullow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulloobid
-da: (magac, dhedig, keli) daranyo iyo dacdarro la ba'yaalid; dulli noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaloobid
(Gaaloobid-da)
Diinta Muslinka ka bixid; gaal noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaloobid
m.f.dh eeg gaalow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) diinta Islaamka ka bixid; gaal noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadhoosad
-da: (magac, dhedig, keli) gabadh da' joogta oo aan weli guursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadankood
(Kadankood-da)
Kood; burco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadankood
kadankood¹: m.l Si kadalloob ah oo loo fadhiisto. la-mid: kadankoodid.
kadankood²: m.dh Meel dhulka ka yaraha sarreeysa oo dakhal ka hooseeyo.
kadankood³: f.mg1 (-day, -dday) Kadalloob u fariisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kadankood
m.l Si kadalloob ah oo loo fadhiisto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadankood
f. n. dune, small hill ~ hillock; bump
kadankood v. crouch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadankood
-ka: (magac, lab, keli) taagyar oo buur la moodo oo aan weynayn. Dh: kood: burco, burshaan, taag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadhoorad
m.dh la-mid: kalloorad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadhoorad
-a: (magac, lab, keli) eeg kadhoodhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Madoobaad
(Madoobaad-ka)
Midab madow yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madoobaad
m.l Midab madow oo shay ama wax yeeshaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
madoobaad
m.l Midab madow oo shay ama wax yeeshaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Madoobaad
Eclipse
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madoobaad
m. n. state of becoming black ~ dark; eclipse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
madoobaad
-ka: (n) blackout (balaakawt) dimout (diimawt); eclipse (ikilipsi). Ex: qorrax madoobaadka; eclipse of the sun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madoobaad
-ka: (magac, lab, keli) dhexgalka aya walaxcireed dhex gasho hadhka walax cireed kale. Dayaxmadoobaadku waa marka dayaxu galo hadhka dhulka, qorraxmadoobaadku na waa marka dhulku galo hadhka dayaxa.
madoobaad -ka: (magac, lab, keli) wax madaw noqosho. Madoobaadayeey xalay miyay murugtay laabtaydu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madoobaad
de: state of becoming black ~ dark; [ext.] eclipse
lx: madoobaad
pd: (-ka)
ps: n-m-inch
key: madoobaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaloobid
m.dh la-mid: qaaliyoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qiimo sare leh noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahaloobid
m.f.dh eeg bahalow. la-mid: bahalow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan iyo caado bahal yeelad; ad'adayg iyo naxariisdarro yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadadoobid
m.dh la-mid: cadcadoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaloobid
(Calaloobid-da)
Calal noqosho; duugoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaloobid
m.f.dh eeg calalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) calal noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantoobsad
-ka: (magac, lab, keli) wax daadsan oo firi leh, sida badar iyo wixii la mid ah, sacabka ku qaadasho. Dh: xantoobsasho, cantoobsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daxaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho ama wax midhidhay ahaan. Dh: daxlid, midhidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadhoodhad
-da: (magac, dhedig, keli) jaambad cuntada lagu qaado oo laba dhegood oo side la sudho leh. Dh: joog, gadhoorad, kalloodhad, kalloorad. Wa: kadhoodhado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laallaabad
m.l la-mid: laablaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalloocsan
Qalloocan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalloocsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: qalloocan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qalloocsan
Refraction
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qalloocsan
der. [adjective] tilted, bent, crooked
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalloocsan
(fal) mid qalloocan noqo.
qalloocsan: (tilmaame) dhan u leexsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qalloocsan
de: tilted, bent, crooked
lx: qalloocsan
pd: (qalloocsanaa)
ps: adj-der
key: qalloocsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallaabsad
(Tallaabsad-da)
Tallaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabsad
m.l la-mid: tallaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabsad
-ka: (magac, lab, keli) tallaabo qaadid. Tallaabsadka ayaa ku adag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xantoobsad
(Xantoobsad-ka)
Xantoobsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xantoobsad
m.l la-mid: xantoobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xantoobsad
-ka: (magac, lab, keli) kol sacabla ku wada qaadasho; sacabka buuxsasho. Dh: cantoobsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yantoobsad
-ka: (magac, lab, keli) kol sacabka ku wada qaadasho. Yantoobsad weynaa wiilka yari. Dh: cantoobad, yantoobsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baydagoosad
-ka: (magac, lab, keli) goosashada xadhigga baydda ku xidhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaaloobid
m.f.dh eeg calaalow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaaloobid
-da: (magac, dhedig, keli) calal noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaftoonsan
(tilmaame) qof dheregsan oo aan cid kale u baahnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaalqabad
-ka: (magac, lab, keli) safar isku diyaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadankoodid
m.f.dh eeg kadankood³. la-mid: kadankood¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadankoodid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sidii buur yar ah ka dhigid; burco ka dhigid.