kadaalliyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadaalliyid
(Kadaalliyid-da)
Xasilid la'aan; joog iyo fadhi diidid; kirtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadaalliyid
m.f.dh eeg kadaalli².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadaalliyid
-da: (magac, dhedig, keli) xasilid la'aan; fadhi iyo joog diidid. Dh: kirtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kirtamid
(Kirtamid-da)
(xoolo) kadaalliyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kirtan
kirtan¹: m.l Dhaqdhaqaaqa ay xooluhu sameyaan marka uu jirkoodu taabto waxaysan rabin. la-mid: kirtamid.
kirtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Xoolo jirkooda waxaysan rabin taabteen kadaalliyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kirtamid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo, kadaalliyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalqaalliyid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaarin; isku sii dubbaridid oo sii habayn. Qalqaalliyidda xafladda ayaan ku masquulsanahay Dh: diyaarin.
qalqaalliyid-da: (magac, dhedig, keli) fudfududaan aan la isku dirin samayn. oo kolba wax Qalqaalliyiddu carruurta ayay ku roon tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadaalli
(Kadaalli-ga)
Xasil la'aan, joog iyo fadhi diidid; kirtan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadaalli
kadaalli¹: m.l Jiif, fadhi, joog iyo socod diidid xasillooni la'aan awgeed.
kadaalli²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Jiif, fadhi, joog iyo socod diidid xasilooni la'aan awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadaalli
m. n., [abstract] impatience, exuberance; instability
kadaalli: [inchoative] v. be impatient, exuberant; get hard to control ~ unstable
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadaalli
-ga: (magac, lab, keli) xasil la'aan, jog iyo fadhi diidid. Dh: kirtan.
kadaalli -ga: (magac, lab, keli) kolba dhinac u u ordid si guclayn ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadaalli_1
de: impatience, exuberance; instability
hm: 1
lx: kadaalli
pd: (-ga)
ps: n2a-m-abs
key: kadaalli_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadaalli_2
de: be impatient, exuberant; get hard to control ~ unstable
hm: 2
lx: kadaalli
pd: (kadaalliyay ~ kadaalliday)
ps: v1=inch
key: kadaalli_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhadaambiyid
m.f.dh eeg dhadaambi². la-mid: dhadaambi¹, dharaambi¹, dharaambiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fooxaalliyid
m.f.dh eeg fooxaalli². la-mid: fooxaallin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fooxaalliyid
-da: (magac, dhedig, keli) geesinimo been ah muujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
handoolliyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg hamboorriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardaaddiyid
(Mardaaddiyid-da)
Xarragood; shoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardaaddiyid
m.f.dh eeg mardaaddi². la-mid: mardaaddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardaaddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg mardaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabdaaddiyid
(Nabdaaddiyid-da)
Cid ma nabad baa? ku dhihid; salaamid; gacanqaadid; gacansaarid; bariidin; nabdaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdaaddiyid
m.f.dh eeg nabdaddi². la-mid: nabdaaddin, nabdaaddis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadhaadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kala hadlid; hantaatac cabsi ah ku hadaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talantaalliyid
-da: (magac, dhedig, keli) si isweydaarin ah u qabad. Talantaalliyid ayey ku wadaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalibid
m.f.dh eeg daalib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalicid
(Daalicid-da)
Kor u soo bixid; soo fuulid; soo daalacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalicid
m.f.dh eeg daalac². la-mid: daalac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalicid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka soo daahirid. Daalicidda awliyadu waa sheeko aan sal diineed lahayn. Dh: daahirid, muuqad, daalicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaligid
-da: (magac, dhedig, keli) cunid iyo raamsi calalin leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadaalid
(Dadaalid-da)
Dadaal la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaalid
m.f.dh eeg dadaal². la-mid: dedaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabad dheeraad ah oo muruq iyo maskax ah samayn si yool loo gaadho. Dh: dadaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dallicid
(Dallicid-da)
1. (cunno) dallac ka dhigid.
2. Darajo kore gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dallicid
m.f.dh eeg dallac². la-mid: dallac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallicid
-da: (magac, dhedig, keli) cunto suugayn oo idaam u samayn.
dallicid-da: (magac, dhedig, keli) derejo sare gaadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalligid
-da: (magac, dhedig, keli) si basarxumi ah wax farabbadan u cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadiyid
m.f.dh eeg kaadi³. la-mid: kaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kaadi iska keenid. Dh: kaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaafiyid
(Kaafiyid-da)
Ku fillaansho; wada gaarid; deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaafiyid
m.f.dh eeg kaafi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaafiyid
-da: (magac, dhedig, keli) daboolitaanka baahida uu wax leeyahay; dhammaystirka baahida uu wax qabo. Dh: gaadhis, deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kallifid
(Kallifid-da)
Wax aan maaro loo hayn, cid dusha ka saarid, ku qaybin; dhibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kallifid
m.f.dh eeg kallif².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kallifid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax uunu karayn ku dirqiyid. Dh: dirqiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kallihid
m.dh la-mid: kallahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kudaalid
(Kudaalid-da)
1. Faras aan la lahayn fuulid oo la cararid oo dhul fog la aadid.
2. Kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kudaalid
m.f.dh eeg kudaal³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salliyid
m.f.dh eeg salli².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaahiyid
(Abaahiyid-da)
(awr) kudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaahiyid
m.f.dh la-mid: abaahi¹, abaahin, abaahis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaahiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg abaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaajiyid
(Abaajiyid-da)
Baadi wax badan sii maqnayd, iyadoo aan la tebin; tasoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaajiyid
m.f.dh eeg abaaji².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaajiyid
-da: (magac, dhedig, keli) baadi, in badan tebid la'aan oo tasoobid. Abaajiyid ayaa ka muugata shagadaada, waayo wax badan baa ka magan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adaadixid
m.f.dh eeg adaadax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaalixid
m.f.dh eeg alaalax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araasiyid
m.dh eeg araasi². la-mid: insaarixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaajiyid
(Awaajiyid-da)
War qaylo ama si kale ku faafin oo dad badan ku gaarsiin; naadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaajiyid
m.f.dh eeg awaaji².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaajiyid
-da: (magac, dhedig, keli) war, qaylo ama si kale ku faafin oo dad badan ku gaadhsiin. Awaajiyad baan u baahannahay, si aaska loo yimaaddo. Dh: faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caallirid
m.f.dh eeg caallir². la-mid: caallir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caallirid
-da: (magac, dhedig, keli) bararid oo fasasid. caallirsan: (tilmaame) bararsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaltirid
m.f.dh eeg daaltir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadallixi
(fal) wax isku dhegsanaa, kala bixi oo gudihiisa muuji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaambiyid
m.f.dh eeg kaambi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaambiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dhinac u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamaaciid
-ka: (magac, lab, keli) dhagax culus oo gacantu dirqi ku qaadi karto. Dh: danbasyaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawaaliye
magac loo baxsho wiil hooyadii la dhib aragtay fooshii iyo dhalmadiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaljiyid
m.f.dh eeg khalji².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaljiyid
-da: (magac, dhedig, keli) laamaha khaljiga, cariish ku dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raalliyad
m.dh la-mid: raalliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raalliyad
f. n. kind woman, obedient ~ loyal wife
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raalliyad
a: raalliyo
de: kind woman, obedient ~ loyal wife
lx: raalliyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: raalliyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Agaagsiyid
(Agaagsiyid-da)
Agaagse bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asoolliyid
m.f.dh eeg asoolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
banaaxiyid
m.f.dh eeg banaaxi². la-mid: banaaxi¹, banaaxin, bunaaxi¹, bunaaxin, bunaaxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danaaniyid
-da: (magac, dhedig, keli) dhan u ciirid; dhan u dullaamid. Ninka tamardarro ayaa danaaniyidda ugu wacan. Dh: dannaaniyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaalicid
(Halaalicid-da)
Qurux la hilhillaacid; dhaldhalaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaalicid
m.f.dh eeg halaalac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaalicid
-da: (magac, dhedig, keli) iftiimid iyo dhaldhalaalid. Halaalicidda magaalada meel fog baa laga arkaa. Dh: walaclayn, iftiimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaatiyid
-da: (magac, dhedig, keli) xaraaro iyo hamuun dartood, la wareer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haraatiyid
(Haraatiyid-da)
Haraati ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraatiyid
m.f.dh haraati³. la-mid: haraatin, harraatin, harraatiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haraatiyid
vl. n. kicking
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
haraatiyid
de: kicking
lx: haraatiyid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: haraatiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawaawiyid
(Hawaawiyid-da)
Alaladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawaawiyid
m.f.dh eeg hawaawi². la-mid: hawaawi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawaawiyid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdada dhexdeeda ku sheekaysasho. Dh: alaladid, riyood, dhadhabid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaah liqid
Annihilation radiation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacaandiid
(Kacaandiid-ka)
(siyaaso) qof aan kacaan ahayn ama kacaan ka soo horjeeda, oo diiddan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaandiid
m.l (-dyo, m.dh) Qof aan mabaadi' kacaan u hoggaansanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacaandiid
m. n., [compound] anti-revolutionary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kacaandiid
-ka: (n) reactionary (riakshinari)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaandiid
-ka: (magac, lab, keli) qof kacaan siyaasadeed ka soo horjeeda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacaandiid
de: anti-revolutionary
lx: kacaandiid
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
syn: tawraddiid
key: kacaandiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laballisid
(Laballisid-da)
Labo qof ama labo gacmood ku wada lisid; xoog iyo dhaqso u lisid; darandoorriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laballisid
m.f.dh eeg laballis². la-mid: laballis¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laballisid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, labo jeer lisid.
laballisid -da: (magac, dhedig, keli) neef, darandoorri u maalid. Dh: darandoorri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraaciyid
(Maraaciyid-da)
Xoodaamin jacayl ku jiro; salaaxid; xoodin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraaciyid
m.f.dh eeg maraaci². la-mid: maraaci¹.