kacsani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacsani
-da: (magac, dhedig, keli) sare u joogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan degganeyn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax aan degganeyn ahaansho. m.f.dh, kacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacsan
der. [adjective] agitated, excited, aroused
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kacsan
agité.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kacsan
-aa: (adj) nervous (neervas)-, agitated or distressed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacsan
(tilmaame) la kiciyey: la taagey: taagan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacsan
de: agitated, excited, aroused Contrast: kacso
lx: kacsan
pd: (kacsanaa)
ps: adj-der
key: kacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gufaaco
(Gufaaca-da)
1. Roob dabayli soo harbinayso.
2. Hirar waaweyn oo dabayli ku dheehan tahay oo badda kacsani soo daacdo.
3. Ur ama dabayl weyn oo xoog ku timaadda.
4. Butaaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gufaaco
gufaaco¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Roob dabayl soo harbinayso. 2. Hirar waaweyn oo dabayli ku dheehantahay oo badda kacsani soo daacdo.
gufaaco²: m.dh (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo, oo kala ah laba nooc. Nooc wuxuu gaar u yahay loolalka cimiladoodu ay tahay meel dhexaadka; nooca kalena waxaa loo yaqaanaa gufaacada kulaaleyda. Labada nooc waa isu egyihiin, sababtoo ah labaduba waxay uga dhac aan galoob-badhka woqooyi si lid saacad wareeg ah, galoob-badhka koonfureedna si saacad wareg ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gufaaco
gufaaco¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Roob dabayl soo harbinayso. 2. Hirar waaweyn oo dabayli ku dheehantahay oo badda kacsani soo daacdo.
gufaaco²: m.dh (juqraafi) Gobol cadaadis gibilkiisu hooseeyo, oo kala ah laba nooc. Nooc wuxuu gaar u yahay loolalka cimiladoodu ay tahay meel dhexaadka; nooca kalena waxaa loo yaqaanaa gufaacada kulaaleyda. Labada nooc waa isu egyihiin, sababtoo ah labaduba waxay uga dhac aan galoob-badhka woqooyi si lid saacad wareeg ah, galoob-badhka koonfureedna si saacad wareg ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baacsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacsi
(Kacsi-ga)
Kacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacsi
m.l Dareenka rabidda galmo. la-mid: kacsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kacsi
m.l Dareenka rabidda galmo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kacsi
-ga: (n) sexual urge; sex (sakis) ~ kacasaho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacsi
-ga: (magac, lab, keli) eeg kacsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasan
(tilmaame) la wada garanaayo oo cid waliba aqoonsanayso. Dh: caan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jacsan
(ku jacsan)
Wax la qabana hayo ama arrin kale, jacayl u qaba, raalli ka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Ku j.: wax la samaynayo ku raali ahaansho. Tusaale: “Cali xilkaas in uu qabto kuma jacsana.”
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jacsan
der. [adjective] likeable, acceptable, pleasant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jacsan
(tilmaame) mid maayad dab ah la dhex mariyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jacsan
de: likeable, acceptable, pleasant With preposition ku
lx: jacsan
ps: adj-der
key: jacsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacaan
(Kacaan-ka)
1. Sarajoogsi; kicitaan.
2. Isbeddelka hawada gala kolka xilliga roobku bilaabana hayo; kicin.
3. Isbeddel saamays weyn leh oo qaran gudihii ka dhaca: maamulkii iyo taliskii hore oo la tuuro oo mid hor leh oo cusub la abuuro.
4. Xoog gaar ah oo la saaro, xubnaha ereyga mid kamid ah; astaanta xooggaas loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaan
kacaan¹: m.l 1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo. 4. la-mid: kacaamid.
kacaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Hiyi kicid. 2. Hawo isbeddelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kacaan
kacaan¹: m.l 1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo.
kacaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Hiyi kicid. 2. Hawo isbeddelid. m.f.dh, kacaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacaan
vl. n. act of getting up, standing up ~ rising; revolution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kacaan
-ka: (n) revolution (ravalushiri)-, uprising (apreeysing) ~ tawrad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kacaan
Rivoluzione
Revolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaan
-ka: (magac, lab, keli) carruurtu marka ay koraan ee ay carruurnimada ka baxaan ee ay dhallinyaranimo u diga rogtaan.
kacaan -ka: (magac, lab, keli) is beddel siyaasadeed ama dhaqaale oo degdeg isu baddala oo halmar xawaare sare ku dhaqaaqa. Dh: toowrad. Wa: kacaanno
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacaan
bw: tawrad
de: act of getting up, standing up ~ rising; [ext.] revolution
lx: kacaan
nt: kacaan (kacaamay) [v1=]
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: kacaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kacaan
ثورة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacsad
(Kacsad-ka)
Kacsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacsad
m.l la-mid: kacsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacsad
-ka: (magac, lab, keli) dareenka galmood doonista; wasmo u baahasho. Dh: kacsi.
kacsad-ka: (magac, lab, keli) neef ruqday iyo wax I amid ah, iskaa u istaajisasho. Dh: kacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kakanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalsan
Laabtiisu deggan tahay; aan shiddo ku jirin; kalsooni qaba; hebed ah; kalbaxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax laabtiisu deggan tahay oo aan shiddo ku jirin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax laabtiisu deggan tahay oo aan shiddo ku jirin ahaansho. m.f.dh, kalsamaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalsan
der. [adjective] confident
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalsan
(tilmaame) laabtiisu deggan tahay oo calool baxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalsan
cf: kalsoon
de: confident
lx: kalsan
pd: (kalsamaa)
ps: adj-der
key: kalsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kariyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la kariyey ahaansho. m.f.dh, karsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karsan
der. [adjective] cooked
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Karsan
bouilli.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karsan
-aa: (adj) cooked (kuukidh); well-done
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karsan
de: cooked
lx: karsan
pd: (karsanaa)
ps: adj-der
key: karsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'sani
-da: (magac, dhedig, keli) wax ba'an ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg bacranaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsani
-da: (magac, dhedig, keli) furfurraansho iyo dabci wanaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsani
-da: (magac, dhedig, keli) sakhraansanaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: kacaamee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacaami
v. make someone a revolutionary, revolutionize; renew something radically
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaami
(fal) kacaan ka yeel; kacaamee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacaami
a: kacaamee [v2b=tr]
de: make s.o. a revolutionary, revolutionize; renew s.t. radically
lx: kacaami
pd: (kacaamiyey)
ps: v2a=tr
key: kacaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalsami
(Kalsami-da)
Laabta ka degganaan; wax shiddo yar ahaan; kalsooni qabid; hebednimo; kalbaxnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalsami
m.dh Daacadnimo iyo uurfayoobi wax loo hayo. la-mid: kalsamaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalsami
m.dh Daacadnimo iyo uurfayoobi wax loo hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalsami
f. n., [abstract] confidence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalsami
-da: (n) trust (tarast); goodwill (guudhwil); benevolence (benevalansi). Ex: si kalsami ah; in a benevolent way [trustworthy manner]
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kalsami
Buona coscienza
Good conscience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalsami
-da: (magac, dhedig, keli) laabta ka degganaansho; laab xaadhnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalsami
de: confidence
lx: kalsami
pd: (-da)
ps: n-f-abs
key: kalsami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kambani
m.l (-iyo, m.l) Hay'ad madax bannaan oo ku hawlan hawlo ganacsi, cilmibaaris iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kambani
m.l (-iyo, m.l) Hay'ad madax bannaan oo ku hawlan hawlo ganacsi, cilmibaaris iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kambani
m. n. company
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kambani
-ga: (n) company (kampani); firm (firm); enterprise (en tar paraays) ~ kanbani, shirkad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kambani
-ga: (magac, lab, keli) urur ama dad isu tegay, ganacasiga ballaadhan ee uu sameeyo. Dh: shirkad. Wa: kambaniyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kambani
de: company
lx: kambani
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: shirkad {Eng}
key: kambani
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kanbani
-ga: (n) company (kam pani); firm (firm); enterprise (en tar paraays)~kambani, shirkad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaani
-ga: (magac, lab, keli) qof xafiis, dukaan iyo wixii la mid ah ka shaqeeya oo wixii qorid u baahan qora.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaani
m.dh 1. Dhaqan qof leeyahay. 2. la-mid: macaanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macaani
f. n., [abstract] sweetness; tenderness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaani
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqan qof leeyahay. Dh: macaanaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macaani
a: macaanaan
de: sweetness; tenderness
lx: macaani
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: macaani
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damacsani
-da: (magac, dhedig, keli) wax faliddii ku fakirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajacsani
-da: (magac, dhedig, keli) amakaag iyo yaab qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacsanaan
m.f.dh eeg kacsan. la-mid: kacsanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacsanaan
f. n. agitation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kacsan ahaan; taagnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacsanaan
de: agitation
lx: kacsanaan
pd: (-ta)
ps: n0-f
syn: lurnaan
key: kacsanaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg labacsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
likaysani
-da: (magac, dhedig, keli) wax ligan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yakaysani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg yakaysanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysani
-da: (magac, dhedig, keli) af wax gooya lahaansho, Birtan afaysanideeda waan ka yaabnay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahsani
-da: (magac, dhedig, keli) faafitaanka dhul badan wax gaadhaan.
baahsani -da: (magac, dhedig, keli) kala qaabdarro iyo daadsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynsani
-da: (magac, dhedig, keli) caymis ku jirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
foocsani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg foocsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhsani
-da: (magac, dhedig, keli) baaqi ahaan. Dh: hadhsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamid
m.f.dh eeg kacaan². la-mid: kacaan¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamin
m.dh la-mid: kacaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) kacaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaanad
m.dh.kh K. ah: haweenay kacaan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kackacid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi ka kicid marar is dabaroor ah. Dh: kickicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kackacis
-ta: (magac, dhedig, keli) fadhi kolba ka kacitaan. Dh: kackicis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacsasho
(Kacsasha-da)
Isutegidda ragga iyo dumarka rabiddeed dareemid, iska garasho, jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacsasho
m.f.dh eeg kacso. la-mid: kacsad, kacsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacsasho
vl. n. sexual desire ~ passion; male erection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kacsasho
-kacsashada: (n) sexual urge; sexual excitement; libido (libiidow)-, eroticism (iroota-siisim); erection (irakshen) ~ kacsi