kackacis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kackacis
-ta: (magac, dhedig, keli) fadhi kolba ka kacitaan. Dh: kackicis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kackacid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi ka kicid marar is dabaroor ah. Dh: kickicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaankac
-a: (magac, lab, keli) qof marna fadhiistay marna kacaya. Dh: kackacis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kackac
m.l Bur jilicsan oo kuuskuusan oo la shiilay dhedhen macaanna leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kackac
m. n., [collective] pancake; fritter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kackac
(fal) istaag dhawr jeer oo is xiga.
kackac-a: (magac, lab, keli) bur saliid lagu shiilo oo badanaa carruurtu cunto. Dh: mikackac, cusheer, khamiir.
kackac-a: (magac, lab, keli) fadhi ka sare kicid marar is xiga oo is dabajoog ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kackac
de: pancake; fritter
lx: kackac
pd: (-a)
ps: n0-m-col
key: kackac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg macmacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kackacniin
-ka: (magac, lab, keli) fadhi ka kackacis badan. Dh: kackicniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kackacitaan
-ka: (magac, lab, keli) fadhi ka kackacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacis
-ta: (magac, dhedig, keli) sare u istaagis; fadhi ka joogsasho. Dh: kicis.
kacis-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo ka toosid. Dh: kicis.
kacis -ta: (magac, dhedig, keli) maalkii la haystay oo madha ama ganacsi khasaara. Dh: kicis.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Acacia
Dhir qodaxeed
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
acàcia
s.f. - qurac, aqab.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
acacia
acacia, n.m. - dhirta xabagta leh; dhirta laga xabakaysto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daacis
(magac, dhedig, keli) diisitaanka meeli hoos u diisanto ama godoto. Dhigta daacis baa ku dhacday. Dh: liicis. Li: dhiibis.
daacis: (magac, dhedig, keli) ka soo bixitaanka naqasku ka soo baxo caloosha marka qofku dhergo ama uu dareere naqas leh cabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaacis
(Gaacis-ka)
Gaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaacis
m.l la-mid: gaacin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaacis
vl. n. resistance to an invasion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaacis
de: resistance to an invasion
lx: gaacis
pd: (-ka)
ps: vn2a-m
key: gaacis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel fog ka soo ifis; soo iftiimitaan. Kaahista dayaxa ma u jeeddaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaakac
m.l Tiro aan xad lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaakac
-a: (magac, lab, keli) meel sinnayd oo kor u soo foocfoocday, meel sinnayd oo kuuskuus yeelatay. Waddadii laamidu kaakac bay yeelatay. Dh: foocfooc.
kaakac-a: (magac, lab, keli) tiro go'an inta dheer; inta ku daba kaban tiro buuxda. Kun iyo kaakac bay noqotay lacagtii gaadhigu. Dh: dheeraad, dheeri.
kaakac-a: (magac, lab, keli) tiro aan xad lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kakabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dirqi meel ciriiriyoon ku gelin. 2. Ku k.: xoolo iyo wixi lamida cayrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kakabi
v. push through, squeeze something into a tight place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kakabi
-yey / say: (v) push through by squeezing ~ ku kakabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabi
(fal) eri oo meel dheer kaga soo hadh; caydhi oo dhacmi oo shan dalow iyo daaddeysyo ka raarid. Dh: fogee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kakabi
de: push through, squeeze s.t. into a tight place
lx: kakabi
pd: (kakabiyey)
ps: v2a=tr
syn: magmakee, matatari
key: kakabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakani
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kakanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laacis
-ta: (magac, dhedig, keli) bidhaan indhaha u quruxsan oo soo jiidata sida dhir ama doog. Dh: laactan, laacdan.
laacis-ta: (magac, dhedig, keli) wax ku ag yaal ama kaa durugsan gacanta ku fidin si loo soo qaado.
laacis-ta: (magac, dhedig, keli) wax kaa sarreeya ama samada soo heehaaba, gacanta ama afka la tiigsad. Dh: tiigsi
laacis-ta: (magac, dhedig, keli) caano, mar qudh ah dhammaysasho. Dh: laasasho, laacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacis
m.l la-mid: raacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacis
-ka: (magac, lab, keli) sharaab iyo wixii la mid ah oo marka la dhergo dabadeed la cuno. Raggu intaanay kicin raaciskiina soo sii.
raacis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaacis
m.l la-mid: yaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaacis
-ka: (magac, lab, keli) 'dareere' yaacin.
yaacis-ta: (magac, dhedig, keli) 'noole' eryid.
yaacis-ta: (magac, dhedig, keli) 'finan' dubka ka soo dareerid. Dh: dareerid, yaacid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: kacaamee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacaami
v. make someone a revolutionary, revolutionize; renew something radically
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaami
(fal) kacaan ka yeel; kacaamee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacaami
a: kacaamee [v2b=tr]
de: make s.o. a revolutionary, revolutionize; renew s.t. radically
lx: kacaami
pd: (kacaamiyey)
ps: v2a=tr
key: kacaami
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacatin
-ka: (magac, lab, keli) barbaarid o weynaansho.
kacatin -ka: (magac, lab, keli) faras, orod kacdin ah ku ordid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacsani
-da: (magac, dhedig, keli) sare u joogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafafis
m.l la-mid: kafafin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafis
-ta: (magac, dhedig, keli) maro ama wax kale oo qoyan, yara engegid. Kafafis ma leh bustuhu ee caawa maxaa la huwan! Dh: kawraxis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabid
-da: (magac, dhedig, keli) walxo kala googgo'an, isku toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kakabin
(Kakabin-ta)
Wax dirqi meel ciriiryoon ugu eryid, u gelin; magmakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kakabin
m.f.dh eeg kakabi. la-mid: kakabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel si cidhiidh ah ugu eryid oo ku cidhbin; xagga danbe ka dedejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkabi
-ga: (magac, lab, keli) maryo la isku toltolay oo dameeraha lagu raro. Dh: darbaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karkari
v. keep on cooking ~ boiling; repeatedly cook ~ boil something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karkari
-yey/say: (v) make or cause to boil
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karkari
de: keep on cooking ~ boiling; repeatedly cook ~ boil s.t.
lx: karkari
pd: (karkariyey)
ps: v2a=pl
key: karkari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaskaas
(fal) geel asoos oo godolkii iyo fayliskii wanaaji.
kaskaas: (fal) waxqabad kasta meelmarintiis hannaani oo haldhac iyo habac ka dhawr. Dh: nadaami, habee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layacis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg layacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macawis
(Macawis-ta)
Maro midabyo badan oo aalaa raggu qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macawis
m.dh (-syo, m.l) Maro, inta badan midabbo leh, labada daraf iskaga tolon oo raggu qaarka hoose ka xirtaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macawis
m.dh (-syo, m.l) Maro, inta badan midabbo leh, labada daraf iskaga tolon oo raggu qaarka hoose ka xirtaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macawis
m. n. lunghi (man's skirt of colored material)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macawis
-ta: (n) lungi or lungyi; sarong (saroong); a traditional skirt like garment worn by men ~ hoos-gunti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macawis
-ta: (magac, dhedig, keli) gunti la casriyeeyey oo midabyo iyo noocyo badan leh oo raggu qarqarka hoose ku xidho. Nin macawis xidhani shaqo diyaar uma aha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macawis
de: lunghi (man's skirt of colored material)
lx: macawis
pd: (-ta)
ps: n2a-m
key: macawis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg makalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafacis
-ta: (magac, dhedig, keli) raficitaanka la rafaco meherad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sacabis
-ka: (magac, lab, keli) sacabin.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
backache
(n) a pain or discomfort in the region of the back or spine.
madax xanuun
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
backache
/baakeyj/ (n) dhabar-xanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabacis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wixii la mid ah, xaradh ama daabacaad kale u yeelis. Daabacistii shalmadaha buufiskaan ku daalay oo aan ilaa xalay dul fadhiyey.
daabacis -ta: (magac, dhedig, keli) buug iyo wixii la mid ah, madbacad ku daabicis. Daabicistii buugga ayaa lagu guda jiraa weli oo dibadda uma soo bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafacis
-ta: (magac, dhedig, keli) cadaw ama waxyeello ka ilaalis. Difaacista danyartaan isu taagay. Dh: dhawris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacgabis
-ta: (magac, dhedig, keli) awoodyaraansho illaa wax la qaban kari waayo. Dh: itaalgabis, axgabis, hawlgabis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaacis
(Garaacis-ga)
Garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaacis
m.dh la-mid: garaacid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaacis
vl. n. act of beating
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garaacis
-ta: (n) the act of beating (biiting); knocking (naaking) ~ garaacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaacis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dhicid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaacis
de: act of beating
lx: garaacis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: garaacis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gawracis
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolaha la qalaayo oo mindi ama bir kale oo afaysan hunguriga kaga goyn. Dh: birayn, gowracis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haraacis
-ka: (magac, lab, keli) eeg haraacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jacjacid
m.f.dh eeg jacjac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabkabid
(Kabkabid-da)
Wax kabkab leh ka dhigid; isku nabnabid; karkarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamid
m.f.dh eeg kacaan². la-mid: kacaan¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamin
m.dh la-mid: kacaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) kacaan ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaawis
m. n., [collective] minced fried meat preparation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaawis
de: minced fried meat preparation
lx: kalaawis
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: kalaawis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kankamid
(Kankamid-da)
Ur badan urid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kankamid
m.f.dh eeg kankan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kankamid
-da: (magac, dhedig, keli) ur badan oo meel ka soo urta. Dh: kakamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaaris
m.l la-mid: karaarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarid
(Karkarid-da)
Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarid
m.dh Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarin
(Karkarin-ta)
1. Dhawr jeer karin.
2. (biyo, kd.) karkar gaarsiin; bislays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarin
m.dh 1. Dhowr jeer karin. 2. Kar-kar gaarsiin (biyo iyo wixi lamida).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkarin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer karin. Dh: baylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawkabid
(Kawkabid-da)
Kawkab wax yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawkabid
m.f.dh eeg kawkab². la-mid: kawkab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawkabid
-da: (magac, dhedig, keli) kawkabid oo wax yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laclacid
m.dh eeg laclac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaanis
-ka: (magac, lab, keli) eeg macaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macmacid
-da: (magac, dhedig, keli) isku karkarid oo isku nabnabid. Buuggu wuu kala daatay oo macmacid ayuu u baahan yahay. Dh: toltolid. Li: kaladaadin, furfurid.