kacdimin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacdimin
m.f.dh eeg kacdimi. la-mid: kactimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacdimi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Faras kacdin cayrin. 2. Faras kacdin gelin. la-mid: kactimi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacdimid
(Kacdimid-da)
(fardo) orod kacdin ah ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacdimid
m.f.dh eeg kacdin². la-mid: kacdin¹, kactin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacdimid
-da: (magac, dhedig, keli) faras, orod kacdin ah ku ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kactimin
m.dh la-mid: kacdimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacdin
(Kacdin-ka)
Siyaalaha farduhu u ordaan, tan ugu orod badan oo hardafkana ka dheeraysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacdin
kacdin¹: m.l 1. Orodka fardaha billowga ilaa iyo inta uu ka xiiqaayo. 2. Booddada hore oo farasku orodka billaabaayo. la-mid: kacdimid.
kacdin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Faras kacdin ordid. la-mid: kactin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacdin
v. gallop
kacdin vl. n. full gallop, fastest run of a horse; uprising
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacdin
-ka: (magac, lab, keli) siyaalaha farduhu u ordaan sida ugu orodka badan. Faras kacdin ordaya hortiisa lama istaago oo waa halis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacniin
-ka: (magac, lab, keli) fadhiga ka kicid; sare u istaagniin.
kacniin-ka: (magac, lab, keli) hurdo ka toositaan. Dh: toosniin.
kacniin -ka: (magac, lab, keli) xoolaha oo dhammaada ama ganacsi khasaara.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kactimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: kacdimi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimin
bacrimin¹: m.dh la-mid: bacrimayn.
bacrimin²: m.dh Habka isku darsanka unugyada taranka ee labka iyo dheddigga si ay u sameeyaan bacrimane.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacrimin
m.dh Habka isku darsanka unugyada taranka ee labka iyo dheddigga si ay u sameeyaan bacrimane.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bacrimin
-ta: (n) fertilization (feerti lizeey-shin) ~ bacrin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimin
-ta: (magac, dhedig, keli) isla kulanka hal xawo iyo hal ugxan si uu u abuurmo hal unug.
bacrimin -ta: (magac, dhedig, keli) nafaqaynta dhulbeereed daalay; nafaqaynta dhul loogu talagalay in wax laga beero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamin
m.dh la-mid: kacaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) kacaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaydimin
m.f.dh eeg abaydimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaydimin
-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo aan weli cunnada baran, naaska ka gudhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, oo xannaano u baahan meel lagu kaadsho geyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaardemin
-ta: (magac, dhedig, keli) siinta qof xanuusanaya daawo uu ku nefiso. Dh: kaarjebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacdoomid
m.dh la-mid: kacdoodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karshimin
(Karshimin-ta)
Karshin gaarsiin; bisayldhaafsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karshimin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto, intay ku bislaan lahayd dhaafin. Karashimin badan baad ku samaysay kalluunka. Dh: bisayldhaafin, muudhmuudhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawdiidin
m.dh la-mid: kuududin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawdiidin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, si kuudad ah u fadhiisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacliimin
m.f.dh eeg tacliimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacliimin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tachiin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kadin
(Kadin-ka)
1. Xero ama guri meesha furan oo laga galo; irrid; illin; albaab.
2. Xero muggeed oo geel ama lo' ah; xero; illin; fadhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadin
kadin¹: m.l (-immo, m.dh) 1. Xero ama guri meesha furan ee laga galo; irrid, illin, albaab. 2. Boqol neef oo geel ah. 3. Geel gaar u foofi kara oo cid anfici kara.
kadin²: m.f.dh eeg kadi. la-mid: kedin, kedis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kadin
m.l (-immo, m.dh) 1. Xero ama guri meesha furan ee laga galo; irrid, illin, albaab. 2. Boqol neef oo geel ah. 3. Geel gaar u foofi kara oo cid anfici kara.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kadin
Gate
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadin
m. n. door, entrance; enclosure for livestock; herd
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kadin
name-m door, entrance; enclosure for livestock
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kadin
-ka: (n) front door; doorway; entranceway; door (dhoor)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kadin
magac loo baxsho wiil ay hooyadii rajaynayso in uu noqdo mid tarma oo iskiisa loogu abtirsado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadin
-ka: (magac, lab, keli) albaabka laga soo galo guriga. Kadinka iga fur. Dh: albaab, kidin. Wa: kadinno.
kadin -ka: (magac, lab, keli) boqol geel, lo' ama adhi ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadin
de: door, entrance; enclosure for livestock; [ext.] herd
lx: kadin
pd: (-ka)
ps: n2c-m
key: kadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacmin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, hiil iyo hooba la garab joogid. Dacmin af ayuu u baahan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jadiin
m.l (-nno, m.dh) 1. la-mid: jidiin. 2. Cunto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jadiin
m.l (-nno, m.dh) 1. la-mid: jidiin. 2. Cunto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadin
(Kaadin-ta)
(u kaadin) u sugid; dib u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadin
m.dh la-mid: kaadiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kąadin
m.f.dh eeg kąadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) degdegsiinyo la'aan; sugitaan. Dh: hubsasho, sugniin. Li: degdegsiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kactin
kactin¹: m.l la-mid: kacdimid.
kactin²: f.mg1 (-imay, -intay; -imi) la-mid: kacdin².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kamiin
(Kamiin-ta)
Hamuun (gaajo; harraad) daran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamiin
m.dh 1. Cabbid horaadda xoolo ooman. 2. Rabitaan saa'id ah oo cunto iyo cabbitaan loo qabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kamiin
m.dh 1. Cabbid horaadda xoolo ooman. 2. Rabitaan saa'id ah oo cunto iyo cabbitaan loo qabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kamiin
f. n., [abstract] severe hunger ~ thirst; gluttony; greed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamiin
-ta: (magac, dhedig, keli) haraadka daran iyo gaajada kulul ee ay qabaan xoolaha comman ee ceelka soo joogsaday. Dh: hamuunta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kamiin
cf: hamuun
de: severe hunger ~ thirst; [ext.] gluttony; greed
lx: kamiin
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: kamiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kariin
m.l la-mid: kariim.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaydin
(Kaydin-ta)
(cunno, lacag, kd.) kayd ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydin
m.f.dh eeg kaydi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaydin
vl. n. storage, storing; preservation; economy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaydin
-ta: (n) storing (istooring); stockpiling (istaakpaayling) ~ kaydsi -ga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax, kayd ka dhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaydin
de: storage, storing; preservation; economy Alt sp: keydin
lx: kaydin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kaydin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laciin
m.l.kh (-nno, m.dh) Qof dagaal, khayaano iyo diradiro badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laciin
m. n. devilish ~ diabolically cursed person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laciin
-ka / ta: (n) dishonest or crooked person; deceiver (diziiver); swindler (swindhalar); rascal (raaskal); cheat (jitter) ~ khaayin; khaa'in, khayaanalow, khayaamoole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laciin
-ka: (tilmaame) qof naxariislaawe ah oo daacadnimadu ku yartahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laciin
de: devilish ~ diabolically cursed person
lx: laciin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: laciin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maciin
maciin¹: m.l la-mid: miciinid.
maciin²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: miciin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maciin
m.l la-mid: miciin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maciin
m. n. aid, help, support, assistance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maciin
-ka: (n) aid (eeydh); assistance (a-siis-tansi); help (help) ~ kaalmo, miciin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maciin
(fal) u adeeg: kaalmo iyo garab gal cid kale sii. Dh: miciin, gargaar, taageer.
maciin -ka: (magac, lab, keli) cid cid kale u gargaarta. Adigaa maciin ii ah. Dh: miciin, gargaare.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maciin
bw: miciin
de: aid, help, support, assistance
lx: maciin
nt: maciin (maaciinay) [v1=intr]
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: maciin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dib u ballamid. Nin madiin badan lama aammino.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadiin
qadiin¹: m.l la-mid: qadiim.
qadiin²: m.dh 1. Midab-gaddoonka ku dhaca xoolaha jirran; yuduun. 2. Badar muddo yiil oo uumi gaaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacdin
m.dh la-mid: wacdiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addimid
(Addimid-da)
Aadaanka salaadda ku dhawaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addimid
m.f.dh eeg addin². la-mid: addimaad, addin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addimid
-da: (magac, dhedig, keli) salaadda faralka ah dadka ugu baaqid. Dh: eedaamid, aadaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arrimin
(Arrimin-ta)
Talo keenid; guddoomin; talin; maarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrimin
m.f.dh eeg arrimi. la-mid: arrimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrimin
-ta: (magac, dhedig, keli) talo keenid; hawl guddoomin. Arrimintaada ayaa maanta meesha loo fadhiyaa. Dh: talin, arrimis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: bacrimee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bacrimi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: bacrimee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bacrimi
v. fertilize; make something fertile ~ fruitful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bacrimi
yey say: (v) fertilize (feerta laayz); make [soil, for example] fertile
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacrimi
(fal) eeg bacrimee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bacrimi
a: bacrimee [v2b=]
de: fertilize; make s.t. fertile ~ fruitful
lx: bacrimi
pd: (bacrimiyey)
ps: v2a=tr
key: bacrimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacsiin
m.f.dh eeg bacsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddiin
1. (Caddiin-ka) Caddaan.
2. (Caddiin-ta) Hilibka intiisa cad; baruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddiin
m.l la-mid: caddaan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cąddiin
m.dh (-iimo, m.l) Hilibka intiisa cad; baruur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cąddiin
m.dh (-iimo, m.l) Hilibka intiisa cad; baruur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caddiin
m. n., [collective] white person; whiteness
caddiin [feminine] n. fat of the meat
caddiin m. n., [collective] cash (coins ~ bills)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caddiin
-ta: (n) animal fat ~ baruur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddiin
-ta: (magac, dhedig, keli) hilibka intiisa cad ee baruurta ah. Dh: baruur. Li: jiidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hayimin
m.f.dh eeg hayimi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka dhin
-kadhimay / kadintay: (v) discount (dis-kaanti); deduct (didhakt); subtract (sab-tarakt)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabixin
vl. n. output
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabixin
cf: soosaarid; rw: bax ~ bixi
de: output
lx: kabixin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kabixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabniin
(Kabniin-ka)
Isku xirniin; kabay; kab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabniin
m.l la-mid: kabid.