kacaakuf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaakuf
-ka: (magac, lab, keli) socod marna la kufo marna la kaco. Dh: rafaad, daalaadhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaakufid
-da: (magac, dhedig, keli) mashaqo ist dabajooga ah oo kaa taagroon. Kacaakufid bay ku dallacday in badan oo ardayda ka mid ahí. Dh: daalaadhacid, rafaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bitiligsi
-ga: (magac, lab, keli) (la ~) in yar qaadiddeeda ama la kacaakufiddeeda; in yar la butuluqsi. La bitiliqsi baan ku keenay xaabada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalaadhac
(fal) culays ku saaran la ciirciir; la dheeldheelli hawl kaa taagroon.
daalaadhac -a: (magac, lab, keli) howl aad ku daashay oo aad la legdantay. Daaladhac buu kula jiraa howsha guriga. Dh: dalanbaabi, kacaakuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufaakac
-a: (magac, lab, keli) marna kicid, marna kufid. Kufaakac badan ayaan soo maray. Dh: kacaakuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaryaad
-ka: (magac, lab, keli) dhibaato iyo kacaakuf badan. Nin maaryaad badan sabir iyo dadaal baa looga baahan yahay. Dh: eedaad, silic, saxariir. Li: ladnaan, badhaadhe.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaankac
-a: (magac, lab, keli) qof marna fadhiistay marna kacaya. Dh: kackacis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaankur
m.dh 1. Badar, budo iyo jariir u kala saarid. 2. Badar qashin ka saarid. 3. la-mid: kuraankur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaankur
-ta: (magac, dhedig, keli) badar, budo iyo jariir u kala saarid.
karaankur-ta: (magac, dhedig, keli) badar qashin ka saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaluf
-ka: (magac, lab, keli) noole dugaagga ka mid ah gaar ahaanna dhuljiifka oo dhuuso qadhmuun leh oo qofka uu qaniinaa afartan beri ka dib uu u dhinto suntiisa. Dh: xoor.
kaaluf -ka: (magac, lab, keli) dagaal oogan oo shinnida ka dhex dhaca. Dh: dagaal, khilaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaruf
-ka: (magac, lab, keli) bahal yar oo cayayaanka ka mid ah.
kaaruf -ta: (magac, dhedig, keli) marka neef lo' ihi uu muujinayo cadho iyo xanaaq hanjabaadi ku jirto. Dh: gaaruf, gaarufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kacaan
(Kacaan-ka)
1. Sarajoogsi; kicitaan.
2. Isbeddelka hawada gala kolka xilliga roobku bilaabana hayo; kicin.
3. Isbeddel saamays weyn leh oo qaran gudihii ka dhaca: maamulkii iyo taliskii hore oo la tuuro oo mid hor leh oo cusub la abuuro.
4. Xoog gaar ah oo la saaro, xubnaha ereyga mid kamid ah; astaanta xooggaas loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaan
kacaan¹: m.l 1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo. 4. la-mid: kacaamid.
kacaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Hiyi kicid. 2. Hawo isbeddelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kacaan
kacaan¹: m.l 1. Isbeddel hawada gala oo keena kuleyl iyo daruuro badan oo muujinaya saadaal roob. 2. Isbeddel siyaaso, dhaqaale iyo bulsho oo qaran gudihiisa ku dhaca; tawrad. 3. Hiyikaca ku dhaca qof safar raba inuu galo.
kacaan²: f.mg1 (-aamay, -aantay; -aami) 1. Hiyi kicid. 2. Hawo isbeddelid. m.f.dh, kacaamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacaan
vl. n. act of getting up, standing up ~ rising; revolution
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kacaan
-ka: (n) revolution (ravalushiri)-, uprising (apreeysing) ~ tawrad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kacaan
Rivoluzione
Revolution
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaan
-ka: (magac, lab, keli) carruurtu marka ay koraan ee ay carruurnimada ka baxaan ee ay dhallinyaranimo u diga rogtaan.
kacaan -ka: (magac, lab, keli) is beddel siyaasadeed ama dhaqaale oo degdeg isu baddala oo halmar xawaare sare ku dhaqaaqa. Dh: toowrad. Wa: kacaanno
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacaan
bw: tawrad
de: act of getting up, standing up ~ rising; [ext.] revolution
lx: kacaan
nt: kacaan (kacaamay) [v1=]
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: kacaan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kacaan
ثورة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kanaaf
m.l.kh (-fyo, m.dh) K. ah: Dibi aan weli xoogaysan oo qiyaastii laba jir ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lacaaf
(Lacaaf-ta)
1. Wax la cuno oo jilibka idaadda la suro oo kalluunku soo raaco.
2. Wixii la mid ah oo wax lagu soo jiido oo lagu dhagro oo dhan; callaal; sandareerto: cantalaal; (ama callaaf).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacaaf
m.dh (-fyo, m.l) 1. Hilib yar oo la suro jilibka oo kalluunku soo raaco. 2. Wax kasta oo lagu soo jiito wax la ugaarsanayo; callaal. la-mid: callaaf.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lacaaf
m.dh (-fyo, m.l) 1. Hilib yar oo la suro jilibka oo kalluunku soo raaco. 2. Wax kasta oo lagu soo jiito wax la ugaarsanayo; callaal; callaaf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lacaaf
f. n. bait, lure, enticement, decoy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lacaaf
-ta: (n) bait (beeyt)-, lure (/uwr); food placed on a hook or in a trap and used in the catching of fish, birds, or other animals ~ callaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lacaaf
-ta: (magac, dhedig, keli) cad yar oo hilib ah oo la sudho birta kaluunka lagu soo dabto. Dh: callaaf, sandareerto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lacaaf
a: callaaf ~ callaafad
de: bait, lure, enticement, decoy
lx: lacaaf
pd: (-ta)
ps: n2a-f
key: lacaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akaakur
-ta: (magac, dhedig, keli) dadka aadamaha ugu gaagaaban oo dunida meelo gaar ah uun ku nool.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
anaanuf
anaanuf¹: m.l la-mid: unuunuf¹.
anaanuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) la-mid: unuunuf².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
anaanuf
(fal) 'xoolo' wax yar ama kooban, meelo kala duwan ka soo ururso; dhulka xaabxaab.
anaanuf: (fal) neef xanuun qabay, dhulka yara daaq oo wax yara qaadqaado.
anaanuf -ka: (magac, lab, keli) 'xoolo' wax yar ama kooban, meelo kala duwan ka soo ururso; dhulka xaabxaab.
anaanuf -ka: (magac, lab, keli) kolka neefka bukaa dhulka yara daaqayo xanuun helay ka dib oo aanu wax weyn qaadan karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaami
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: kacaamee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacaami
v. make someone a revolutionary, revolutionize; renew something radically
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaami
(fal) kacaan ka yeel; kacaamee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacaami
a: kacaamee [v2b=tr]
de: make s.o. a revolutionary, revolutionize; renew s.t. radically
lx: kacaami
pd: (kacaamiyey)
ps: v2a=tr
key: kacaami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Cid kacaan ka dhigid. 2. Wax cusbooneysiin. la-mid: kacaami.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaamee
(fal) kacaan ka dhig; kacaami.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamid
m.f.dh eeg kacaan². la-mid: kacaan¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamin
m.dh la-mid: kacaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaamin
-ta: (magac, dhedig, keli) kacaan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaanad
m.dh.kh K. ah: haweenay kacaan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulaakul
-sha: (magac, dhedig, keli) nabar ama maal. Kulaakul ayaa ka soo baxday laxda. Dh: kasoobax.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqaaquf
-ka: (magac, lab, keli) tiif iyo diihaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaraabuf
m.dh (-fyo, m.dh) la-mid: baaraabuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka aammus
v. abstain (in voting, etc.)
ka aammus m. n. abstention
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka aammus
-ay / tay: (v) 1. be silent from; become silent. 2. abstain from voting
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabalafuq
m.l Roob aan badnayn oo rayskiisu ku egyahay inta kabta soo raacda; kablakac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabalafuq
-a: (magac, lab, keli) roob aan badnayn oo rayskiisu ku egyahay inta kabta soo raacda. Dh: kablakac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaamayn
m.f.dh eeg kacaamee. la-mid: kacaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kacaan ka dhigid ama ka yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalaankal
(Kalaankal-ka)
Hilbo yaryar oo la geedeeyey oo si gaar ah loo shiilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaankal
m.l Hilib cadad yar yar laga dhigo oo la kariyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaankal
m. n., [collective] small pieces of meat preserved in spices and ghee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalaankal
-ka: (n) small cut of meat chopped and fried ~ suqaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaankal
-ka: (magac, lab, keli) hilib la jarjaray oo la yaryareeyey aan murmurana laga dhigin oo ka kuuskuusan, isaga oo aan la ingejininna lagu shiilo subag. Dh: kumbis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaankal
de: small pieces of meat preserved in spices and ghee
lx: kalaankal
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: kalaankal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumaankum
-ka: (magac, lab, keli) waxyaabo dhawr kun ka kooban. Dh: kumanyaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kumaankun
m.l.t. Tiro ka kooban dhowr kun oo la isu geeyay; tiro aad u badan oo aan go'nayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kumaankun
m.l.t. Tiro ka kooban dhowr kun oo la isu geeyay; tiro aad u badan oo aan go'nayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kumaankun
num., pl. thousands upon thousands
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kumaankun
-ka: (adj) thousands (thaaw-sanzis); thousandth ~ kumanaal
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kumaankun
de: thousands upon thousands
lx: kumaankun
pd: (-ka)
ps: num-m-pl
key: kumaankun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuraankur
(Kuraankur-ta)
Laf wareegsan oo lowga korkiisa ku taal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuraankur
m.dh (-ro, m.l) 1. Laf wareegsan oo lowga korkiisa ku taal. 2. la-mid: karaankur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuraankur
m.dh (-ro, m.l) 1. Laf wareegsan oo lowga korkiisa ku taal. 2. la-mid: karaankur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuraankur
f. n. patella, knee bone, kneecap
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuraankur
-ta: (n) kneecap (nii-kaap); patella (pateela); kneepad (niipaadh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuraankur
-ta: (magac, dhedig, keli) lafta yar ee ka soo taagan cagta inteeda hore, siiba labada dhinac. Kuraankurta ayuu ka jabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kuraankur
de: patella, knee bone, kneecap
lx: kuraankur
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: kuraankur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macaariif
m.dh.w eeg macruuf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macaariif
-ta: (magac, dhedig, keli) dad asxaab ah oo xidhiidh iyo saaxiibtinimo ka dhaxayso. Saxiibkay waa nin macaariif badan. Dh: asxaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardaaduf
-ka: (magac, lab, keli) qof hawlkar ah oo dhibta iyo hawlaha u adkaysta Hoggaanku wuxu u baahan yahay nin qardaaduf ah. Dh: hawlkar.
qardaaduf -ka: (magac, lab, keli) hadal gurracan oo iska hor iyo daba jeeda. Hadal qardaaduf ah iska ilaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xankaakub
-ka: (magac, lab, keli) dib u soo kabasho. Dh: kabasho, oogsi.