kabrarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabrarid
(Kabrarid-da)
Xalxalid; bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabrarid
m.f.dh eeg kabrar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabrarid
-da: (magac, dhedig, keli) barar badan. Dh: xalxal
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
enfler
enfler, v. - bararid; kabrarid; fuurid; barar yeelasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarid
m.f.dh eeg khabaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, u warramid. Dh: akhbaarid, waramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarid
(Kaarid-da)
Kaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarid
m.f.dh eeg kaar². la-mid: kaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xanuunku qof ku keeno xummad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabrar
(Kabrar-ka)
Xalxal; barar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabrar
kabrar¹: m.l 1. Roobka badan ee da'a marka guga roobyaraan looga baqayo xilligii dhammaado. 2. Xalxal; barar.
kabrar²: f.g1 (-ray, -rtay) Nabar caalirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabrar
m. n., [collective] swelling, blister
kabrar [inchoative] v. swell up, raise a blister
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabrar
-ka: (magac, lab, keli) barar ku yimaadda xasaasiyad, ku yimaadda dharbaaxo ama wax lagu dhuftay jidhka. Dh: kabxarar, kabradh, yedel, xalxal.
kabrar-ka: (magac, lab, keli) roobka badan ee da'a marka guga roobyaraan looga bagayo xilliguu dhammaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bararid
(Bararid-da)
Barar yeelasho; kabrarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bararid
m.f.dh eeg barar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bararid
-da: (magac, dhedig, keli) barar yeelasho oo soo buurnaansho cudur ama nabar awgii. Bararidda waxa ugu wacan nabarkan cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cararid
(Cararid-da)
Wax laga baqo ama laga naxo ama si kale aan loo rabin, ka ordid; baxsasho; roorid, fakasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararid
m.f.dh eeg carar². la-mid: carar¹ (1).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cararid
vl. n. running away
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cararid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi darteed, xawli u socod. Dh: roorid, ordid, fakasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cararid
de: running away
lx: cararid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: cararid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dararid
(Dararid-da)
Darar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararid
m.f.dh eeg darar². la-mid: darar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararid
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan, caano badan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabriid
(Kabriid-ka)
Qolof ay ku jiraan qoryo yaryar oo dhuudhuuban oo mid walba madaxa loo marshey baaruud ama wax la mid ah oo daarma kolka meel lagu xoqo; tarraq; qaraf; (ama kebriid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabriid
m.l (-ddo, m.dh) Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. la-mid: kebriid, kibriid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabriid
m.l (-ddo, m.dh) Qoryo yaryar oo afka baaruud ku leh, oo markii meel lagu xoqo deb bixiya; qaraf; tarraq. la-mid: kebriid, kibriid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabriid
m. n. match; matches
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabriid
-ka: (n) match (rnaaj) stick ~ taraq, kebriid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabriid
-ka: (magac, lab, keli) qoryo yaryar oo afka loo mariyey baaruud oo qardaas yar lagu riday oo dabka laga huriyo ama laga shido. Kibriid innoo rida oo kildhi shaaha innoo kariya. Dh: qaraf, tarraq. Wa: kabriiddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabriid
bw: kebriid
de: match; matches
lx: kabriid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: qaraf, tarraq
key: kabriid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abraarid
(Abraarid-da)
Jibaaxid; majiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abraarid
m.f.dh eeg abraar². la-mid: abraar¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abraarid
-da: (magac, dhedig, keli) bootin fiirsasho la'aan ah. Dh: jibaaxid, majiirid.
abraarid -da: (magac, dhedig, keli) gelitaanka safar aan soo laabasho lahayn. Dadkii hore abraarid ayey geli jireen. Dh: hayaamid. Li: negaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabramid
m.f.dh eeg dabran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabramid
m.f.dh eeg gabran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaarid
(Habaarid-da)
Qof, kd., wax xun ugu duceyn; inkaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarid
m.f.dh eeg habaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax xun iyo dhib Alle uga baryid. Habaaridda laguma degdego. Li: ducayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halrarid
m.f.dh eeg halrar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halrarid
-da: (magac, dhedig, keli) ceeb uu nin leeyahay, ku kale dusha uga tuurid oo ku midayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawrarid
(Jawrarid-da)
Engeg la kogay, la qawraray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawrarid
m.f.dh eeg jawrar². la-mid: jawrar¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabkabid
(Kabkabid-da)
Wax kabkab leh ka dhigid; isku nabnabid; karkarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabrar_1
cf: barar, xalxal
de: swelling, blister
hm: 1
lx: kabrar
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: kabrar_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabrar_2
de: swell up, raise a blister
hm: 2
lx: kabrar
pd: (kabraray)
ps: v1=inch
key: kabrar_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabrarro
(Kabrarra-da)
Geed-quwaaxa geed kamid ah oo xagarka qaarki u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabrarro
m.dh Geed quwaax gaaban, xagarka u eg oo leh asal wanaagsan. la-mid: gabrar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabrarro
f. n., [collective] tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabrarro
-da: (magac, dhedig, keli) geed bahda quwaaxa ka mid ah oo xagarka u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabrarro
de: tree sp.
lx: kabrarro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: kabrarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karaarid
m.f.dh eeg karaar³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xawli ku socod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarid
(Karkarid-da)
Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarid
m.dh Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasaarid
vl. n., [compound] withdrawal, pullout; expulsion
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasaarid
de: withdrawal, pullout; expulsion
lx: kasaarid
pd: (-da)
ps: vn-f-cmp
see: saar
key: kasaarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarrarid
m.dh la-mid: tarrarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarrarid
-da: (magac, dhedig, keli) walax, dildillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qawrarid
(Qawrarid-da)
Qawrar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qawrarid
m.f.dh eeg qawrar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qawrarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarrarid
(Tarrarid-da)
Qarrarid; dillaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrarid
m.f.dh tarrar². la-mid: qarrar¹, qarrarid, tarrar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarrarid
-da: (magac, dhedig, keli) qarrarid; dildillaacid; jeexjeexmid. Tarrarida kareem ka soo iibso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbararid
-da: (magac, dhedig, keli) barbarar iyo buurbuurni yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabarjarid
-da: (magac, dhedig, keli) cidhib tirid oo wada halaagid. Dh: dabargoyn, cidhibtirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaraadid
m.f.dh eeg kabaraad². la-mid: kabaaradis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaarid
m.f.dh eeg kabawaar². la-mid: kabawaar¹, kabawaaris, kawaweer¹, kawaweerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbarid
(Kalabbarid-da)
1. Bar iyo bar ka dhigid; labo qaybood oo is le'eg ka dhigid.
2. Bar keliya qabasho ama buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbarid
m.f.dh eeg kalabbar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agabbarid
m.f.dh eeg agabbar². la-mid: agabbarid¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
agabbarid
-da: (magac, dhedig, keli) laylyid cid aan hore u tababbarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barbaarid
(Barbaarid-da)
Barbaar noqosho; korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaarid
m.f.dh eeg barbaar³. la-mid: barbaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) gaashaanqaad noqosho; barbaar noqosho. Dh: hanaqaadid, korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabbaarid
m.f.dh eeg cabbaar³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakarid
m.f.dh eeg dabakar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabraacid
m.f.dh eeg dabraac³. la-mid: dabraac¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabraacid
-da: (magac, dhedig, keli) «soo~ ehel iyo qaraabo raadsasho.
dabraacid-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) meel cunto leh raadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabraarad
(Gabraarad-ka)
Gabraarasho; ugaarsasho; garwaansad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabraarad
m.l la-mid: gabraarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabraarad
vl. n. hunting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabraarad
-ka: (magac, lab, keli) ugaadh, dabin u dhigad oo soo qabsasho. Miday wada gabraartaan intaan, goyn lahaa madaxa, anna geeshku ii bixi lahaa guur aan ka la'aado. Dh: ugaadhsasho, garwaansasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabraarad
a: gabraarasho (/da) [vn6-f]
de: hunting
lx: gabraarad
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: gabraarad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaarmid
m.f.dh eeg habaaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) qof habaar ku dhacay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habroorid
m.f.dh eeg habroor².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ka saarid
sending-off, to disqualify
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka saarid
-da: (n) removal (rimuu-val); dismissal (dis-misal); withdrawal (withdarool)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabarid
-da: (magac, dhedig, keli) shay labo is le'eg ka dhigid, laba gabal oo is le'eg ka dhigid. Dh: kalabadhid.
kalabarid -da: (magac, dhedig, keli) hawl aad haysid labo meelood marka loo qaybiyo meel dhammayn. Dh: kalabbadhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) cid ama wax kale, ka kaaftoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamaarid
m.f.dh eeg khamaar². la-mid: khammaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamaarid
-da: (magac, dhedig, keli) khamaar cayaarid. Dh: qamaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasaarid
(Khasaarid-da)
(ganacsi) wax dheefid la'aan; khasaaro ku dhicid; wax beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasaarid
m.f.dh eeg khasaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ganacsi, faa'iido la'aan; khasaaro ku dhicid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kul rarid
Heat transfer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbaarid
m.f.dh eeg sabbaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) sabbaar qaadasho: jicsimasho: sahay qaadasho.