kabkabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabkabid
(Kabkabid-da)
Wax kabkab leh ka dhigid; isku nabnabid; karkarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabid
-da: (magac, dhedig, keli) walxo kala googgo'an, isku toltolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawkabid
(Kawkabid-da)
Kawkab wax yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawkabid
m.f.dh eeg kawkab². la-mid: kawkab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawkabid
-da: (magac, dhedig, keli) kawkabid oo wax yeelid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
patch up
/paaj ap/ (v) 1. kabkabid (karkarid); toltolid 2. aslaaxin (muran taagnaa oo kale).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ababid
(Ababid-da)
Yaraanta iyo korriimada hore, wax ku barasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ababid
m.f.dh eeg abab². la-mid: abaab¹, abaabid, abaabis, abab¹, ababis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ababid
vl. n. teaching (of the very young)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababid
-da: (magac, dhedig, keli) daaqbarashada xoolaha yaryar. Dh: daaqbarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ababid
de: teaching (of the very young)
lx: ababid
pd: (-da)
ps: vn2-f, vn1-f
key: ababid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaabid
(Kaabid-da)
Wax ka maqan ku darid, ku kordhin, siin; kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabid
m.f.dh eeg kaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan adkayn oo xoojin u baahan, wax ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbid
(fal) xidh oo ceeji; hoos u nab; ku naqaska celi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabkab
(Kabkab-ka)
1. Wax laysku nabnabay.
2. Isku nabnabka laftiisa; karkar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabkab
m. n. patchwork
kabkab v. piece together, do patchwork
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabkab
-ay / tay: (v) repair (ripeer); patch up (paaj ap); dam (dhaan) ~ toltolid, karkar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kakabi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax dirqi meel ciriiriyoon ku gelin. 2. Ku k.: xoolo iyo wixi lamida cayrin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kakabi
v. push through, squeeze something into a tight place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kakabi
-yey / say: (v) push through by squeezing ~ ku kakabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabi
(fal) eri oo meel dheer kaga soo hadh; caydhi oo dhacmi oo shan dalow iyo daaddeysyo ka raarid. Dh: fogee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kakabi
de: push through, squeeze s.t. into a tight place
lx: kakabi
pd: (kakabiyey)
ps: v2a=tr
syn: magmakee, matatari
key: kakabi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabid
m.dh eeg abaab². la-mid: ababid. la-mid: abaab¹, abaabis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xaabista iyo unuunufka wax meel ku daadsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabi
(fal) cid kale, ka saar muruqa qabtay ama xididka haya; ku diiri maro qoyan ama dufan la mariyey oo dabka lagu kulayliyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabkabo
(fal) isku nabnab oo isku keenkeen. Dh: nabnabo. Li: jajabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kakabin
(Kakabin-ta)
Wax dirqi meel ciriiryoon ugu eryid, u gelin; magmakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kakabin
m.f.dh eeg kakabi. la-mid: kakabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel si cidhiidh ah ugu eryid oo ku cidhbin; xagga danbe ka dedejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkabi
-ga: (magac, lab, keli) maryo la isku toltolay oo dameeraha lagu raro. Dh: darbaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sababid
(Sababid-da)
Sabab u noqosho; dilid; melgid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sababid
m.f.dh eeg sabab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sababid
-da: (magac, dhedig, keli) sabab u noqod; sabab u noqod dhib qof kale; dilid; melgid; qatalid.
sababid -da: (magac, dhedig, keli) wax dhiciddood keenid; wax dhiciddood wicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaabid
(Habaabid-da)
Iska socosho, iyadoo aan dhulka la mara hayo, la kala garanayn; lumid; anbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaabid
m.f.dh eeg habow². la-mid: habow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaabid
-da: (magac, dhedig, keli) lumid meeshii habboonayd meel aan ahayn la maro. Dh: lumid, ambasho, dayow, asqoobid, hallaabid, habaabis, lumitaan, hallaabitaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabkab_1
de: patchwork
hm: 1
lx: kabkab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kabkab_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabkab_2
de: piece together, do patchwork
hm: 2
lx: kabkab
pd: (kabkabay)
ps: v1=pl
key: kabkab_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabkaban
Isku nabnaban; toltolan; karkaran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabkaban
der. [adjective] patched ~ pieced together
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabkaban
-aa: (adj) patched together by sewing scraps of material together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabkaban
(tilamaame) wax isku nabnaban oo la isku dhedhejiyey. Dh: kakaban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabkaban
de: patched ~ pieced together
lx: kabkaban
ps: adj-der
key: kabkaban
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabkabbo
v. keep on sipping, sip repeatedly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabkabbo
de: keep on sipping, sip repeatedly
lx: kabkabbo
nt: kabkabbasho (/da) [vn-f]
pd: (kabkabbaday)
ps: v3a=pl
key: kabkabbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabrarid
(Kabrarid-da)
Xalxalid; bararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabrarid
m.f.dh eeg kabrar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabrarid
-da: (magac, dhedig, keli) barar badan. Dh: xalxal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kackacid
-da: (magac, dhedig, keli) fadhi ka kicid marar is dabaroor ah. Dh: kickicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kanjabid
(Kanjabid-da)
Dhaawacmidda iyo burburidda kanka, cudur ama nabar gaarey darti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kanjabid
m.f.dh eeg kanjab².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kanjabid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawacmidda iyo burburka cudur ama nabar gaadhay dartii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kankamid
(Kankamid-da)
Ur badan urid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kankamid
m.f.dh eeg kankan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kankamid
-da: (magac, dhedig, keli) ur badan oo meel ka soo urta. Dh: kakamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkabad
(Karkabad-da)
Karkabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabad
m.dh la-mid: karkabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karkabad
vl. n. rush (job), urgent ~ hasty action
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkabad
-da: (magac, dhaddig, keli) dedejin iyo kiirkiirin xad dhaaf ah; buuq iyo qaylo dheeri ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karkabad
de: rush (job), urgent ~ hasty action
lx: karkabad
pd: (-da)
ps: vn-f
key: karkabad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkarid
(Karkarid-da)
Karkar badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkarid
m.dh Karkar badan u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabnabid
-da: (magac, dhedig, keli) dhedhejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabsabid
(Sabsabid-da)
Sabsab wax ku yeelsiin (ama sasabid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabsabid
-da: (magac, dhedig, keli) sasabid; sabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yabyabid
-da: (magac, dhedig, keli) si aan adkayn iskugu geygeyn. Yabyabid dhisme ma aha. Dh: nabnabid, kabkabid, yayabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabakarid
m.f.dh eeg dabakar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaabid
m.dh la-mid: dembaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaabid
-da: (magac, dhedig, keli) dembi galid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadhkabad
-da: (magac, dhedig, keli) wax la qabanayo, kansho iyo wakhti ku filan u diidid oo dhakhso u qabasho. Dh: karkabo, deddejis, qarbaqarbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalkaalid
(Kalkaalid-da)
Gargaarid; kaalmayn; taageerid; waxtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalkaalid
m.f.dh eeg kalkaal².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalkaalid
Catalysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalkaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn iyo gargaarid. Dh: kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabaarid
m.f.dh eeg khabaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khabaarid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, u warramid. Dh: akhbaarid, waramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kharaabid
(Kharaabid-da)
Kharaab noqosho; kharribmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kharaabid
m.f.dh eeg kharaab². la-mid: khar-raabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kharaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday noqosho. Dh: kharibmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koobaabid
(Koobaabid-da)
Xarriiq ama seere ama wax la mid ah kor kaga soo wada wareejin, ku soo meerin; goobaabin ku soo wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koobaabid
m.dh la-mid: goobaabid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
koobaabid
-da: (magac, dhedig, keli) xarriiq ama seere ama wax la mid ah kor kaga soo wareejin. Dh: googaabid ku wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanbaabid
-da: (magac, dhedig, keli) afdhuubyaalayn: afdhuubyaalays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maskabjabid
m.dh l maskarjabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ababi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ubad xoolaad daaq barid. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan iyo wixi lamida barid. la-mid: abaabi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ababi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Ubad xoolaad daaq barid. 2. Ku a.: dhallaan dad, aqoon, dhaqan iyo wixi lamida barid. m.f.dh, ababin. la-mid: abaabi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ababi
-yey -say: (v) raise (reeyz); bring up; rear (riyar) ~ barbaari. Ex: waxaa nalaku ababshay diinta Islaamka; we were raised in the Islamic religion.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ababi
(fal) neef yar, bar sida daaqa loo cuno. Ababi maqasha, haddeed way kobocdaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaabi
(Kaabi-ga)
1. Meel dhow; ag.
2. Rigrigada dermooyinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabi
m.l 1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaabi
m.l 1. Kab yar oo falag ah oo derinta afka looga tolo. 2. (fk) Meel aad u dhaw. 3. (-iyo, m.dh) Qoryaha ceelka afka laga saaro midkood; raar; xakab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaabi
m. n., loc., [collective], (adj.): vicinity; nearness; near, close, nearby
kaabi m. n. edge of a sleeping-mat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaabi
-ga: (n) near distance; proximity (parook simiiti); vicinity (visiniti). Ex: laba makhaayadood oo kaabiga isku saaray; two restaurants in close proximity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabi
-ga: (magac, lab, keli) caawimaad ama wax wax lagu kabo. Kaftan reer magaal runbuu kaabi u yahay. Dh: kaal.
kaabi -ga: (magac, lab, keli) rigrigadda dermooyinka. Kaabigii dermada oo aan tolayey, ayaa furfurtay.
kaabi -ga: (magac, lab, keli) meel dhaw, meel aan kaa fogayn. Adhigu waxa uu daaqayaa kaabiga reerka. Dh: kanbal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabad
-da: (magac, dhedig, keli) raro qurux badan oo laga sameeyo maydhax ka kooban badhooq, duf iyo xadhko midabbo kala duwan leh oo aqal soomaaliga lagaga dhiso dhanka dahada awrtana rarka looga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbi
f.g2 (-iyay, -isay) Caano iyo wixi lamida cid hal kabbo ka siin. la-mid: kebbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabbi
ditransitive v. make someone sip something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabbi
-yey / say: (v) cause someone to sip drink ~ kabbisii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbi
(fal) in kabbasho ah sii.