kabbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbo
(Kabba-da)
(caano, biyo kd.) in cantuugo ka yar oo kol afka lagu qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbo
kabbo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Caano, biyo iyo wixi lamida in cantuugo ka yar oo kol afka lagu qaado. 2. Qasac yar oo lagu cabbiro, saliid, gaas iyo wixi lamida.
kabbo²: f.g3 (-baday, -batay) Caano, biyo iyo wixi lamida in cantuugo ka yar kol afka ku qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabbo
kabbo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. Caano, biyo iyo wixi lamida in cantuugo ka yar oo kol afka lagu qaado. 2. Qasac yar oo lagu cabbiro, saliid, gaas iyo wixi lamida.
kabbo²: f.g3 (-baday, -batay) Caano, biyo iyo wixi lamida in cantuugo ka yar kol afka ku qaadid. m.f.dh, kabbasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabbo
f. n. sip, gulp, swig
kabbo v. sip, sup, gulp, take a swig (of)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabbo
-kabbaday I kabbatay: (v) sip (sip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbo
(fal) inta af qaadi karo ama af muggii oo biyo ah ama dareere kale, afka ku qado halmar, firiq sii. Kabbo dhayda caanaha.
kabbo -da: (magac, dhedig, keli) caano, biyo ama wax kale, in cantuugo ka yar oo kol afka lagu qaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabboo
f.g3 (-ooday, -ootay) Kabbo sameyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabo
f.g/mg3 (-btay, -batay) 1. (f.g) Wax jabay kabniin ku samaysasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabo
m. n., pl. shoes, footwear
kabo v. recover, recuperate; set (of broken bone)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabo
-kabaha: [Plural of kab -ta] shoes (shuus); footwear (fuutweer)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabbo
u.j la-mid: aabbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabbo
m. n. father, dad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aabbo
see [eeg] aabbe
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbo
-ha: (magac, lab, keli) eeg aabbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabbo
a: aabbe
de: father, dad
lx: aabbo
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: aabbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
babbo
f.mg3 (-baday, -batay) Wax dabayl xooggan oo dhacaysa awgeed aad u ruxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
babbo
v. flutter in the wind
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
babbo
s.m. - aabbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
babbo
de: flutter in the wind
lx: babbo
pd: (babbaday)
ps: v3a=
key: babbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbo
f.mg3 (-baday, -batay) Wax la soo riday ama lo soo tuuray gabbaad ka gelid. la-mid: gabboo, gambo².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabbo
f.mg3 (-baday, -batay) Wax la soo riday ama lo soo tuuray gabbaad ka gelid. m.f.dh, gabbasho. la-mid: gabboo, gambo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbo
v. hide oneself; duck, dodge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabbo
-gabbaday / gabbatay: (v) lower the head or body as to avoid something: duck (dhak); dodge (dhaaj) ~ dhako
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbo
(fal) in yar dhuumo. Dhagaxa dhacaya ka gabbo. Dh: waabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbo
de: hide oneself; duck, dodge
lx: gabbo
pd: (gabbaday)
ps: v3a=
key: gabbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbi
f.g2 (-iyay, -isay) Caano iyo wixi lamida cid hal kabbo ka siin. la-mid: kebbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabbi
ditransitive v. make someone sip something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabbi
-yey / say: (v) cause someone to sip drink ~ kabbisii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbi
(fal) in kabbasho ah sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabbi
de: make s.o. sip s.t.
lx: kabbi
pd: (kabbiyey)
ps: v2a=ditr
key: kabbi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabco
m.dh (dii.) Dhismo muqaddas ah oo muslimiintu u jiheystaan markay tukanayaan, oo Maka ku yaal. la-mid: kacbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabco
m.dh (dii.) Dhismo muqaddas ah oo muslimiintu u jiheystaan markay tukanayaan, oo Maka ku yaal. la-mid: kacbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Kabco
pr. n., loc. Kaaba (Muslim shrine in Mecca, place of pilgrimage for Muslims)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kabco
-kabcada: (n) Kaaba (kaaba); a Moslem holy place in Mecca toward which the faithful turn to pray ~ kacbo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kabco
-da: (magac, dhedig, keli) aqalka xurmada badan ee ku yaal masaajidka barkaysan ee Xaramka, waxana ugu horrayntii dhidibbada u taagay Nebi Ibraahim, naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee. Dh: qiblo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Kabco
a: Kacbo
bw: Arabic
de: Kaaba (Muslim shrine in Mecca, place of pilgrimage for Muslims)
lx: Kabco
pd: (/da)
ps: n0-loc-f
key: Kabco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabro
(Kabra-da)
Cayaar kow-iyo-toban iyo kow-iyo-toban qof lagu cayaaro; kubbad iyo ulo iyo labo illin oo isu tusmaysan baa lagu cayaaraa; xeego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabro
m.dh Xeego.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabro
f. n. hockey game
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabro
-ha: (magac, dhedig, koli) ciyaar lagu ciyaaro kow iyo toban qof iyo kow iyo toban qof oo kale oo iska soo horjeeda oo ulo iyo kubbad haysta. Dh: xeego.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabro
de: hockey game
lx: kabro
pd: (/da)
ps: n-f
syn: xeego
key: kabro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Kabo illasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Kabo illasho. 2. (f.mg) Ka k.: dhibaato cid ku dhacday ka barbixid. m.f.dh, kabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabto
-da: (magac, dhedig, keli) maroyar oo ka mid ah agabka wax lagu kabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacbo
m.dh la-mid: kabco.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kacbo
m.dh la-mid: Kabco.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Kacbo
pr. n., loc. Kaaba (shrine in Mecca)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kacbo
-Kacbada: (n) Kaaba (kaaba); a Moslem holy place in Mecca toward which the faithful turn to pray ~ Kabco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kacbo
-da: (magac, dhedig. keli) dhismaha daahyada madow leh ee masaajidka barakaysan ee magaalada Maka. Waxa qaybka ka ah oo ku yaalla dhagaxa madaw oo lagu dawaafo marka la gudanayo waajibka xajka, salaad kastana loo jeediyo wejiga markii la tukanayo iyo marka ruuxa muslimka ah iilka laga dhigayo loo jeediyo iyo markay naftu ka baxaysaba. Waa meel Eebbe u doortay dadka Muslinka ah, waxaana dhisay nebi Ibraahim iyo wiilkiisii nebi Ismaaciil, labadoodaba naariis Eebbe korkooga ha ahaatee. Dh: Kabco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Kacbo
bw: Arabic
de: Kaaba (shrine in Mecca)
lx: Kacbo
pd: (/da)
ps: n0-loc-f
see: Kabco
key: Kacbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadbo
f.g3 (-baday, -batay) Calaf Ilaah siiyay cunid (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadbo
v. consume one's daily bread; make do with one's lot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadbo
(fal) wax lagugu arsaaqay, dheeftiisa iyo waxtarkiisa hel oo calfo. Dh: calfo, intifaacso, dheefso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadbo
bw: kadbasho (/da) [vn-f]
de: consume one's daily bread; make do with one's lot
lx: kadbo
pd: (kadbaday)
ps: v3a=
see: kadab
key: kadbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kasbo
kasbo¹: m.dh Bir af dhuuban oo lagu eego muunada badar jawaan ku jira; bunbay.
kasbo²: f.g3 (-baday, -batay) 1. Wax tacbasho. 2. Cid kalsoonideeda hanasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kasbo
f.g3 (-baday, -batay) 1. Wax tacbasho. 2. Cid kalsoonideeda hanasho. m.f.dh, kasbasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kasbo
v. achieve, get by effort; succeed, gain; earn, merit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kasbo
-kasbaday / kasbatay: (v) earn oneself; deserve oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kasbo
(fal) xoog iyo kasab ku hel. Dh: tacbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kasbo
de: achieve, get by effort; succeed, gain; earn, merit
lx: kasbo
nt: kasbasho (/da) [vn-f]
pd: (kasbaday)
ps: v3a=
key: kasbo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabbo
f. n. one unit (of), bit, piece
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabbo
de: one unit (of), bit, piece
initial: x
lx: xabbo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: xabbad
key: xabbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiiqsasho
(Fiiqsasha-da)
Caano ama biyo, kd., kabbo yar oo jiidan, sida kolka wax kulul la fuuda hayo oo kale, aayar aayar hadba u kabbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqsasho
(Fuuqsasha-da)
Kabbo weyn oo jiidan biyo ama wax kale oo meel ku jira ku marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbasho
(Kabbasha-da)
(caano, kd.) kabbo afka ku qaadasho oo liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbaysasho
(Kabbaysasha-da)
Hadba kabbo afka ku qaadasho oo liqid; kabkabbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kebbin
(Kebbin-ta)
In kabbo le'eg, kebbisiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kebbisiin
(Kebbisiin-ta)
Caano ama wax kale in kabbo le'eg ka siin, afka u saarid, dhadhansiin; (ama kabbisiin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbasho
m.f.dh eeg kabbo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbayso
f.g3 (-stay, -satay) Dareere kabbo kabbo u cabbid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sip
/sip/ (v) 1. kabbasho 2. kabbo (kabbo biyo, caano iwm).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tangent
/taanjant/ (n) xoodan (xarriiq xoodan). go off at a tangent/ baddalasho lama-filaan ah (sida kabboodida mawduuca hadalka).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sórso
s.m. - kabbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bismillee
(fal) cunista cunto ama cabbitaan bilow, yara qaado, yara kabbo ama yara dhadhami, haku dheeraan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxdhaafi
(fal) weel, gaadhi iyo waxii la mid ah, qaadkiisa in badan ku shub, in badan ku rid, in ka badan saar. In ka kabbo bidhaha caanaha waan buuxdhaafiyey: Dh: tandhaafi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqfiiqso
(fal) caano iyo wixii la mid ah, kabbo adiga oo hawo ku soo nuugaya; fiiqso oo haddana fiiqso; fiiq ku laaso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqso
(fal) caano iyo wixii la mid ah, adoo neefta ku soo jiidaya, kabbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabo
-da (magac, dhedig, keli) diirdiirinta dhiigga qof muruq hayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabbo_1
de: sip, gulp, swig
hm: 1
lx: kabbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kabbo_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabbo_2
de: sip, sup, gulp, take a swig (of)
hm: 2
lx: kabbo
pd: (kabbaday)
ps: v3a=
key: kabbo_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbood
kabbood¹: m.f.l eeg kabboo.
kabbood²: m.l (-dyo, m.l) Lebbis qaab shaati leh qariya qoorta ilaa lawga, qaro uu dhaxanta ku celiyana leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabbood
m.l (-dyo, m.l) Lebbis qaab shaati leh qariya qoorta ilaa lawga, qaro uu dhaxanta ku celiyana leh.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabbood
-ka: (n) overcoat (overkowt) ~ kabboot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbood
-ka: (magac, lab, kali) jaad ka mid ah dharka lagu xarragoodo oo dhaxantana celiya. Dh: koodh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabboot
m. n. coat, overcoat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabboot
-ka: (n) overcoat (o verkowt) ~ kabbood
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabboot
de: coat, overcoat Alt sp: kabbood
lx: kabboot
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kabboot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabkabo
(fal) isku nabnab oo isku keenkeen. Dh: nabnabo. Li: jajabi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabbow
n. phr. son!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabbow
de: son! Vocative used by a father to call a son, usually followed by the son's name
lx: aabbow
ps: np-voc
xe: Hey son, Ali!
xv: Aabbow, Cali!
key: aabbow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbo
m.l la-mid: dhabbe.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhabbo
-dhabbada: (n) footpath (fuut-paath)-, oath (paath)-, road, street, way, ~ dhabbe, wadiiqo, jid, marin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbo
-ha: (magac, lab, keli) jidka ama dariiqa la maro. Dh: dariiq, hilin, wadiiqo, dhabbe.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fabbro
s.m. - birtume, tumaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: gabbo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
gabbro
gabbro, n.m. - dhagax magici (jooloojiya)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaambo
-da: (magac, dhedig, keli) xaafad yar oo ka gooniya degmada ay ku taallo.
kaambo -da: (magac, dhedig, keli) eeg kaambe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabaro
(Kabara-da)
Ammaan; sedo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Ganasade awr wax ku safrista; oo cidaha miyiga la guura. 2. Hanti yar oo la siiyo qof ganacsi loo abbaansado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabaro
f. n., [abstract] praise; boast