kabbaqablee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaqablee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Dareere si aayar ah u cabbid. la-mid: kabbaqublee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabbaqablee
v., [compound] take small gulps of something, sip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaqablee
(fal) kabbaqable ka dhig: qandac ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabbaqablee
de: take small gulps of s.t., sip
lx: kabbaqablee
pd: (kabbaqableeyey)
ps: v2a=cmp
key: kabbaqablee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbaqable
(Kabbaqabla-ha)
(shaah, fuud, kd.) aan dhab u kululayn; si fiican loo kabban karo; qandac; kuljiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaqable
m.l.kh K. ah: shaah, fuud iyo wixi lamida oo aan kululayn, si fiicanna loo kabban karo; qandac; kuljiir. la-mid: kabbaquble.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabbaqable
m. n., [compound] (adj.): liquid cool enough to drink (tea, soup, etc.); tepid, lukewarm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaqable
-ha: (magac, lab, keli) maraq ama shaah aan kululayn oo si fudud loo kabban karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabbaqable
a: kabbaquble (/ha) [n7-m-cmp]; rw: kabbo
de: liquid cool enough to drink (tea, soup, etc.); [atr.] tepid, lukewarm
lx: kabbaqable
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: kabbaqable
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaqublee
f.g2 (-leeyay, -leysay) kabbaqablee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaqublee
(fal) kabbaqable ka dhig: qandac ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaqableyn
m.f.dh eeg kabbaqablee. la-mid: kabbaqubleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaquble
m.l la-mid: kabbaqable.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabbaquble
m. n., [compound] lukewarm liquid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaquble
-ha: (magac, lab, keli) wax aan si dhab ah u kululaan. Dh: qandac, kuljiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabbaquble
de: lukewarm liquid
lx: kabbaquble
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
see: kabbaqable
key: kabbaquble
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaqableysi
m.l la-mid: kabbaqableysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaqableysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg kabbaqableysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaqableyso
f.g3 (-stay, -satay) Caano, fuud, shaah iyo wixi lamida aan kululayn kabbasho. la-mid: kabbaqubleyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaqableyso
(fal) wax kabbaqable ah ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaqubleyn
m.dh la-mid: kabbaqableyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaqubleyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qandac ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaabyee
f.g2 (-eeyay, -eeysay) Meel jirka ka mid ah dareenka ka qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabyee
(fal) meel jidhka ka mid ah dareenka ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadablee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Laba guri ka wada cuntayn (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaqubleysi
-ga: (magac, lab, keli) kabbaqableysasho; kabbaqableysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaqubleyso
f.g3 (-stay, -satay) la-mid: kabbaqableyso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaqubleyso
(fal) wax kabbaqable ah ka dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka haqabbeel
v., [compound] satisfy a need ~ necessity
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_haqabbeel
de: satisfy a need ~ necessity
lx: ka haqabbeel
pd: (haqabbeelay)
ps: v1=cmp
key: ka_haqabbeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabbaqabiil
-ka: (magac, lab, keli) hoggaamiyaha qabiil ama beel oo laga danbeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbaale
-ha: (magac, lab, keli) nin aabbihii noolyahay. Li: agoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aba'abee
(fal) khilaaf ama colaad, talo lagu meel gaadho oo heshiisiin ah ku nabadee.
aba'abee-da: (magac, dhedig, keli) ilmo yar, hadaaq ku aamusii. Dh: abaabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabbalee
f.g2 (-leeyay, -leysay) Gabbalo yeelasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabbalee
v. stain, spot, leave a stain ~ spot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabbalee
(fal) gabalgabal ama cadcad u qaybi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabbalee
de: stain, spot, leave a stain ~ spot
lx: gabbalee
pd: (gabbaleeyey)
ps: v2b=tr
key: gabbalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si habaqle ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaqlee
(fal) eeg habaqlay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabqable
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof dadka isugu muujiya in uu leeyahay karti dheeraad ah; faataadhugle. 2. Qof firfircoon oo mas'uuliyad aan loo dirin isu xilsaara.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabqable
m.l (-layaal, m.l/dh) 1. Qof dadka isugu muujiya in uu leeyahay karti dheeraad ah; faataadhugle. 2. Qof firfircoon oo mas'uuliyad aan loo dirin isu xilsaara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabqable
m. n. fraud, cheat; person who makes a show of being important and influential, one who pretends to be very busy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabqable
-qabqablaha: (n) person who shows off; vain person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabqable
min ka mid ah minanka faalka magiiganaha.
qabqable-ha: (magac, lab, keli) qof xoog buuq iyo qardajeex wax ku qaata. Qabqable wuxu ku naaxaa meel aanu xeer jirin. Dh: budhcad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabqable
de: fraud, cheat; person who makes a show of being important and influential, one who pretends to be very busy
lx: qabqable
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qabqable
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Cid dhibaato u gaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaalee
v. put someone into financial difficulty
tabaalee v. find a solution for, plan, apply skill to
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalee
(fal) cid kale, mushkilad ku abuur; cid kale, dhib u gayso.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabagabee
-yey / gabagabeysay: (v) 1. bring to an end; complete (kem pilii); conclude (kon kuluudh). 2. put out of order; round up; disturb (dis teerb). Ex: wuuna gabagabeeyey; he disturbed us
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabee
(fal) hawl soo dhammaystir. Dh: idlee, dabayaaqee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabgablee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) 1. Gabgab samayn. 2. Falal cagajuglayn cid loola yimaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabgablee
v. act in extreme haste; make a flurry of activity, pretend to do something while doing nothing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabgablee
-yey /gabgableysay: (v) make haste; rush to and fro
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabgablee
de: act in extreme haste; make a flurry of activity, pretend to do s.t. while doing nothing
lx: gabgablee
pd: (gabgableeyey)
ps: v2b=intr
key: gabgablee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habhablee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Habhab u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habhablee
v. walk ~ run with difficulty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habhablee
(fal) sidii qof culus ama da' weyn u buldhuqlee. Dh: habhablay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habhablee
de: walk ~ run with difficulty
lx: habhablee
pd: (habhableeyey)
ps: v2b=intr
key: habhablee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habjaqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Si habjaq ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habjaqlee
(fal) si habjaq ah u socosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jabaqaale
naanays loo baxsho wiil carrabkiisu dhib qabo oo aanay ereyado si toos ah uga soo bixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabaqaale
-ha: (magac, lab, kali) qof marka uu hadlayo ereyada qaar sheegi karin. Jabaqaale bal ra' dheh. Dh: carabey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labadable
m.l L. ah: qof laba guri ka wada cunteeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labadable
-ha: (magac, lab, keli) qof labo guri ka wada cunteeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaqabee
(fal) qof cadhooday soo maslax oo cadhadii ka baabi'i. Dh: sasab, maslax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabrablee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Rabrab u ordid (nafley).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabrablee
(fal) si rable ah u boodbood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabbaraale
(Dabbaraala-ha)
Qofka hadba dabbari qabato; aan caradiisa ka adkayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaraale
m.l 1. Qof caro badan oo markuu xanaaqo aan is hanan karin. 2. Qof dhagar badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabbaraale
m.l 1. Qof caro badan oo markuu xanaaqo aan is hanan karin. 2. Qof dhagar badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabbaraale
m. n. hot tempered person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka cadhada badan oo cadhada dhaw, qofka hadba dabbartu qabato, cadhada dhow. Dabbaraale ayaad noqotay. Dh: cooraaf, xaruuri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabbaraale
de: hot tempered person
lx: dabbaraale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: dabbaraale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabacaddee
f.mg2 (-deeyay, -daysay) Tumasho u go'doomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabacaddee
v. behave in an irresponsible ~ frivolous manner
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabacaddee
(fal) kabo baalash mari oo casee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabacaddee
de: behave in an irresponsible ~ frivolous manner
lx: kabacaddee
pd: (kabacaddeeyey)
ps: v2b=intr
key: kabacaddee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aflee
(fal) labo hadal oo isburinaya oo iska soo hor jeeda ku hadal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labacanlee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Labada daan isku mar wax ku calalin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labacanlee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Labada daan isku mar wax ku calalin. m.f.dh, labacanlayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labacanlee
v., [compound] fill both cheeks when eating, stuff one's mouth; be greedy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labacanlee
(fal) si labacanlayn ah wax u cun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labacanlee
de: fill both cheeks when eating, stuff one's mouth; be greedy
lx: labacanlee
nt: labacanlays (ka) [vn-m]
pd: (labacanleeyey)
ps: v2b=cmp
key: labacanlee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labadiblee
(fal) eeg labadiblay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labakaclee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Labakacle samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
labakaclee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Labakacle samayn. m.f.dh, labakaclayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labakaclee
v. bring back, reinstate, reoccur
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labakaclee
-yey / labakacleysay: (v) redouble one's efforts; energize; intensify
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labakaclee
(fal) eeg labakaclay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labakaclee
de: bring back, reinstate, reoccur
lx: labakaclee
pd: (labakacleeyey)
ps: v2b=
key: labakaclee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabulee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Wax qabanqaabin ama agaasimid. la-mid: tabaabushee, tabaabulyee, tabaabushee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaabulee
v. organize, program
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabulee
(fal) tabaabulyee; qabanqaabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaabulee
a: tabaabulyee
de: organize, program
initial: t
lx: tabaabulee
pd: (tabaabuleeyey)
ps: v2b=tr
key: tabaabulee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqabatee
(fal) wax horaantoodii ku dhaafay xagga danbe ka gaadh oo ka caymi halista iyo dhibaatada uu ku waajahanyahay shaygaasi. Dh: caymin, badbaadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarbaqarbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax si degdegsiinyo ah u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qarbaqarbee
f.g2 (-beeyay, -beysay) Wax si degdegsiinyo ah u samayn. m.f.dh, qarbaqarbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarbaqarbee
v. rush through, do improperly ~ poorly due to haste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarbaqarbee
(fal) qarboqarbo geli oo dedeji. Reerka qarbaqarbee oo imika gabadha ha la ii doono dheh. Dh: dedeji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarbaqarbee
de: rush through, do improperly ~ poorly due to haste
lx: qarbaqarbee
pd: (qarbaqarbeeyey)
ps: v2b=tr
key: qarbaqarbee