kabawaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaaro
m.dh Joogsashada roob da'ayaa qayoodo. la-mid: kabawaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaar
kabawaar¹: m.l la-mid: kabawaarid.
kabawaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Roob da'ayey joogsasho. la-mid: kawaweer².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabawaar
(fal) roob da'ayey, joogso. Dh: kawaweer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaari
f.g2 (-iyay, -isay) Roob da'aya joojin (Ilaah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaarid
m.f.dh eeg kabawaar². la-mid: kabawaar¹, kabawaaris, kawaweer¹, kawaweerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaarin
m.f.dh eeg kabawaari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabawaaris
m.dh la-mid: kabawaarid.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KABRAARO
(Kabraro) C Commiphora horrida Chiov. Burseraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbasaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Garbasaar isku dadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garbasaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Garbasaar isku dadid. m.f.dh, garbasaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garbasaaro
v., [compound] wear something over one's shoulders; wear a stole ~ shawl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbasaaro
(fal) garbasaar xidho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garbasaaro
de: wear s.t. over one's shoulders; wear a stole ~ shawl
lx: garbasaaro
nt: garbasaarad (ka) [vn-m], garbasaarasho (/da) [vn-f]
pd: (garbasaaraday)
ps: v3a=cmp
key: garbasaaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawaar
-ka: (magac, lab, keli) qofka qaylada badan ee codka weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabaro
(Kabara-da)
Ammaan; sedo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaro
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Ganasade awr wax ku safrista; oo cidaha miyiga la guura. 2. Hanti yar oo la siiyo qof ganacsi loo abbaansado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabaro
f. n., [abstract] praise; boast
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaro
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo madaxda lagu muuneeyo oo la siiyo. Dh: sedo, ammaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabaro
de: praise; boast
lx: kabaro
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: ammaan, sedo
key: kabaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abakaar
m.dh (-rro, m.l) Haweeney waxyaabo yaryar ka ganacsata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abakaar
f. n. poor street vendor ~ dealer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abakaar
-ka: (magac, lab, keli) qof ka tirsan ganacsatada yaryar ee masaakiinta ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abakaar
de: poor street vendor ~ dealer
lx: abakaar
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: abakaar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abbaaro
m. n., loc. (adj.): proximity, vicinity; about, approximately
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abbaaro
-abbaaraha: (adv) about (a bowt); approximately; nearly: Ex: abbaaraha wuu tagay; he is almost there
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaaro
-ha: (magac, lab, keli) qiyaas ahaan; xilli lagu qiyaasi karo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abbaaro
de: proximity, vicinity; [atr.] about, approximately
lx: abbaaro
pd: (/ha)
ps: n0-m-loc
key: abbaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraaro
m.dh la-mid: baraare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraaro
-ha: (magac, lab, keli) nabad iyo caano; wanaag iyo barwaaqo. Dh: wanaag, badhaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaaro
m.dh Lo' yaryar, gaagaaban oo aan caano badnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: gabro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabawar
-ka: (magac, lab, keli) u garaabid la'aan; garowshiiyo la'aan. Ma dhab ayay sidani ka tahay mise waa gabawar. Dh: carigsi. Li: garowshiiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabo
-da (magac, dhedig, keli) diirdiirinta dhiigga qof muruq hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabajaa
m.l Xasharaadka duula nooc ka mid ah oo ayaxa isku bahyihiin. la-mid: kabajaan, kobojaa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabajaa
m.l Xasharaadka duula nooc ka mid ah oo ayaxa isku bahyihiin. la-mid: kabajaan, kobojaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabajaa
m. n. grasshopper; cicada
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabajaa
-ga: (n) grasshopper (garaashopper) ~ kobojaa
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabajaa
a: kobojaa
de: grasshopper; cicada
lx: kabajaa
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: kabajaa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabsaro
m.dh la-mid: kabsar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabsaro
-da: (magac, dhedig, keli) dhirta cuntada lagu daro mid ka mid ah oo udgoon. Dh: kabsar, karsar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafaaro
(Kafaara-da)
Wax Ilaah horti loo sameeyo ama loo baxsho (soon, sadaqo, kd.) oo gef ama denbi la falay daboola.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafaaro
m.dh (dii.) Wax Ilaah dartii loo sameeyo ama loo baxsho sida soon, sadaqo iyo wixi lamida oo gef ama dembi la falay daboola.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kafaaro
m.dh (dii.) Wax Ilaah dartii loo sameeyo ama loo baxsho sida soon, sadaqo iyo wixi lamida oo gef ama dembi la falay daboola.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kafaaro
f. n. duty, obligation, dues
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafaaro
-da: (magac, dhedig, keli) wax Ilaah hortii loo sameeyo ama loo baxsho, oo gef iyo denbi la falay daboola.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kafaaro
de: duty, obligation, dues
lx: kafaaro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: kafaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawaano
f.g3 (-aantay, -aanatay) Neef xoola ah ganacsi ahaan qalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabawar
(Xabawar-ka)
Xoolo cidda laga wado oo meel naq leh la geeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabawar
m.l.kh Xoolo cidda laga wada oo meel naq leh la geeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabawar
m. n., [collective] herd ~ flock being driven to new grass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabawar
(tilmaame) qarbaqarbo iyo habacsanaan loo guuro.
xabawar-ka: (magac, lab, keli) naq la doonashada xoolaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabawar
de: herd ~ flock being driven to new grass
initial: x
lx: xabawar
pd: (-ka)
ps: n-m-col
key: xabawar
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
agagaaro
m. n. suburb; approach, avenue of approach
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
agagaaro
de: suburb; approach, avenue of approach
lx: agagaaro
pd: (/ha)
ps: n-m
key: agagaaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabraaro
f.g3 (-rtay, -ratay) Ugaar laysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gabraaro
v. hunt for oneself, go hunting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabraaro
-tay I gabraaratay: (v) hunt for food by hunting wild animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabraaro
(fal) soo ugaadhso; ugaadh soo dabo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gabraaro
de: hunt for oneself, go hunting
lx: gabraaro
pd: (gabraartay)
ps: v3b=
key: gabraaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadawaar
gadawaar¹: m.l Cirku marka uu qaawan yahay oo uusan daruur lahayn.
gadawaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Daruur beelid (cir).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gadawaar
m.l Cirku marka uu qaawan yahay oo uusan daruur lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadawaar
-ka: (magac, lab, keli) cirku marka uu qaawan yahay oo uusan daruur lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka waabo
v. evade, retreat from, shrink from
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_waabo
de: evade, retreat from, shrink from
lx: ka waabo
pd: (waabtay)
ps: v3b=expr
key: ka_waabo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaankaro
f. n. cancer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaankaro
-kaankarada: (n) [disease] cancer (kaanser)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaankaro
de: cancer
lx: kaankaro
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: buro-bahalaadda {It}
key: kaankaro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaabyo
m.dh 1. Dareen beelidda ku dhacda meel jirka ka mid ah. 2. Daawo la qaato oo jirka ka lumisa dareenka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabaabyo
m.dh 1. Dareen beelidda ku dhacda meel jirka ka mid ah. 2. Daawo la qaato oo jirka ka lumisa dareenka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabajaan
m.l (-nno, m.dh) la-mid: kabajaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabaqaad
m. n., [compound] lackey, yes-man, blind follower
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabaqaad
-ka: (n) bootlick (buutlik); fawn (foon) ~ daba-dhilif
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaqaad
-ka: (magac, lab, keli) eeg kaballeef.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabaqaad
cf: dabadhilif, kabsid, midiidin
de: lackey, yes-man, blind follower Lit: carrying shoes
lx: kabaqaad
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: kabaqaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaraad
kabaraad¹: m.l Qab weyni dadka ku dhalata marka uu helo maal, wiilal, magac iyo wixi lamida.
kabaraad²: f.mg1 (-day, -dday) Qab weyn muujin, qof yeeshay wiilal, maal, magac iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaraad
-ka: (magac, lab, keli) qab weyni dadka ku dhalata marka uu helo maal, wiilal, magac iyo wixii la mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabrarro
(Kabrarra-da)
Geed-quwaaxa geed kamid ah oo xagarka qaarki u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabrarro
m.dh Geed quwaax gaaban, xagarka u eg oo leh asal wanaagsan. la-mid: gabrar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabrarro
f. n., [collective] tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabrarro
-da: (magac, dhedig, keli) geed bahda quwaaxa ka mid ah oo xagarka u eg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabrarro
de: tree sp.
lx: kabrarro
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: kabrarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabaro
(fal) wax kala aqoonsasho.
kalabaro: (fal) wax labo qaybood ka dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasaar
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Hadal, fikrad iyo wixi lamida oo la garan waayey caddeyn. 3. U gar qaybin (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalasaar
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Hadal, fikrad iyo wixi lamida oo la garan waayey caddeyn. 3. U gar qaybin (cid). m.f.dh, kalasaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalasaar
v., [compound] separate something; settle (a question), judge between
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalasaar
-ka: (magac, lab, keli) waxyaabo isku darsanaa kala soocid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalasaar
de: separate s.t.; settle (a question), judge between
lx: kalasaar
pd: (kalasaaray)
ps: v1=cmp
key: kalasaar
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KHARAARO
(Gararo) NFD, S Sterculia africana. (Lour) Fiori Sterculiaceae.
NFD, S Sterculia rhynchocarpa K.Schum. Sterculiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasaaro
(Khasaara-da)
(ganacsi) qiimaha iyo sicirka xoolaha la ganacsanayo oo jaba ama wax ka hooseeya lagu iibsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasaaro
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato ku timaada qof hantidiisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khasaaro
m.dh (-ooyin, m.l) Dhibaato ku timaada qof hantidiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasaaro
m. n., [collective] loss (in war ~ business), harm, casualty
khasaaro [feminine] n. loss; harm
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khasaaro
-khasaaraha: (n) loss (loos); disadvantage (disadh-vaanteeyj); casualty (kaash walti) ~ khasaare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasaaro
-ha: (magac, lab, keli) qiimaha iyo sixirka xoolaha laga ganacsanaayo oo hoos u dhacay ama laga waayey faa'iidadii la filayay. Dh: qasaare.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaraar
-ka: (magac, lab, keli) qaab baabuurta waawayn loo raro oo ah in sagxadda baabuurka labo taaj laga dhigo oo midba wax lagu raro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabayaro
m.dh Qabo silloon oo qodxo yaryar leh iyo dhacaan cad oo caanaha u eg oo haddii ay dadka afka iyo indhaha ka gaaraan guba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabayaro
-da: (magac, dheddig, keli) qabo silloon oo qodxo yaryar leh iyo dhacaan cad oo caanaha u eg oo haddii ay dadka afka iyo indhaha ka gaaraan guba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabawari
f.g2 (-iyay, -isay) Xoolo iyadoo aan la nasin socod dheer oo aan kalago' lahayn wadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabawari
v. drive one's herd ~ flock to new grass
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabawari
(fal) rar oo nag la doono. Aaranka xabawari. Dh: naq gee.