kaayaga² (-kaayaga)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayaga² (-kaayaga)
dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tusaale: “Dalkaayaga ayaa ka ballaaran dalkiinna”. la-mid: kayaga2, kaayo², kayo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayaga (-kayaga)
dk.lh.l la-mid: kaayaga².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaayaga
kaayaga¹: mu.lh.l (kuwayaga, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tusaale: Baabuurkiinna, kaayaga ayaa ka weyn.
kaayaga²: (-kaayaga) dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax annagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa aynan ku jirin) aanu leenahay. Tusaale: Dalkaayaga ayaa ka ballaaran dalkiinna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayada (-tayada)
dk.lh.dh la-mid: tayo².