kaarre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarre
-ha: (magac, lab, keli) tacluus xummad iyo waliil badan leh oo xoolaha si ba'an u laaya; boog fidda oo jidhka si ba'an u riiqda. Dh: kaariye, kaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaare
-ha: (magac, lab, keli) nooc ka mid ah baabuurta gaashaaman ee ciidamadu ku dagaal-galaan. Dh: dibaabad, taangi. Wa: kaarayaal.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Baarre
nickname; name-m tip, peak; lit: high caste. Syn: Baar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Baarre
magac loo baxsho wiil qurux badan oo dhirta caleenteeda cusub la wadaaga bilicda ama dhererka iyo toosnida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarre
-ha: (magac, lab, keli) ubbooyinka subagga lagu dhigto jaad ka mid ah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caarre
nickname-m active, vigorous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caarre
magac loo baxsho wiil ku dhashay midab madow oo qoran, quruxna leh.
caarre -ha: (magac, lab, keli) nooc shimbirta beeraha cunta ka mid ah oo xurgufka la bah ah. Beerta caarraha ka celi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarre
-ha: (magac, lab, keli) qori ka mid ah bunduqyadii hore ee dagaalka. Geeljiraha maarraha sitaa madhiyay geeshkiiye. Dh: bunduq.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bagarre
bagarre, n.f. - Qalalaaso.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cadarre
name-m perfume, scent, aromatic; shadow. Syn: Cadar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cadarre
magac loo baxsho wiil ay hooyadii jacaylka ay u qabto daraaddii ku tilmaantay mid dhashay isaga oo uu Ilaahay cadriyay oo udgoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camarre
m.l Gorayo yar oo aan weli lab iyo dheddig loo kala saari karin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dabarre
nickname-m hobbled, tethered, tied up, fettered, chained
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dabarre
magaca wiil loo rajaynayo in uu noqdo mid xoolo badan. Waxa kale ee lagu naanaysaa wiil ilkaha hore dabar cas leeyihiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabarre
(tilmaame) qofka ilkihiisu leeyahiin dabar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarrey
-da: (magac, dhedig, keli) bahalhoosaad inta uu geedaha fuulo noolaha kale kor kaga soo booda kolka ay hoos socdaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaariye
nickname; name-m fare-collector, loading assistant. Lit: born while his father was a fare-collector by career or he who his labor-pains throbs his mothers's belly badly. Cf: Kaarshe, Muunye, Muuddey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaariye
ama Kaarshe, magac loo baxsho wiil dhalashadiisu adkayd ama hooyadii la dhib aragtay fooshiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarran
(qandho, caro, ...) wax gubayaan; cartamaya; kulul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarran
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof cartamay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaarran
der. [adjective] hot; painful
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarran
(tilmaame) qof xanaaqsan; qof cartamaaya oo kulul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaarran
de: hot; painful
lx: kaarran
ps: adj-der
key: kaarran
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaarshe
name-m sudden, sharp pain, throbbing; he who was born after a long period of painful and difficult labor. Cf: Muuddey or Muunye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaarshe
magac loo baxsho wiil dhalashadiisu adkayd ama hooyadii la dhib aragtay fooshiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaxarbe
(Kaxarba-ha)
Qolofta sanaanidu ka baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaxarbe
m.l la-mid: gaxarbe.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaxarbe
m. n. cuttle-fish shell, cuttlebone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaxarbe
-ha: (magac, lab, keli) qolofta sanaanidu ka baxdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaxarbe
a: gaxarbe
de: cuttle-fish shell, cuttlebone
lx: kaxarbe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: kaxarbe
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Khayrre
name: Khayre
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khayrre
name-m good fortune, welfare, blessing. Syn: Khayro
name-m beneficent, good
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Khayrre
magac loo baxsho wiil ayaamo khayr leh dhashay ama xilli barwaaqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Khayrre
de: Khayre
lx: Khayrre
ps: name-m
key: Khayrre
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarrey
-da: (magac, dhedig, keli) eeg saarray.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xamarre
name-m chestnut~ dark red color
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xamarre
magac loo bixiyo fardaha iyo dibida midabkoodu uu xamarka yahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamarre
-ha: (magac, lab, keli) shimbiro yaryar oo cascas oo hunguri badan oo degdeg wax u cun oo kooxkooxna isku raaca oo cufkoodana laba laba u wada gala. Dh: xurguf, yaryaro.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Yabarre
nickname-m exorciser; hypnotizer; evil eye healer; gifter; generous
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Aare
nickname; name-m revenger; he who revenges; braver
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aare
magac loo baxsho wiil laga filayo in uu u soo aaro aabbihii oo la dilay ama waalidkii dhib lagu hayay ka dhiciyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aare
-ha: (magac, lab, keli) qof cid kale oo aano u geysatay ka goosta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arre
-ha: (magac, lab, keli) yaxaaska kiisa lab. Ma arraa ma urraa, ma Ibliis dhego laa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaar
(Kaar-ka)
Xanuun sida halaca u kulul oo nabar ama meel bugtaa yeelato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaar
kaar¹: m.l 1. Xannuun sida holaca u kulul oo nabar ama meelbugtaa yeelato. 2. Waraaq yar oo afar gees ah oo wax lagu qorto. 3. la-mid: kaarid.
kaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Xanuun laxow badan dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaar
kaar¹: m.l 1. Xannuun sida holaca u kulul oo nabar ama meelbugtaa yeelato. 2. Waraaq yar oo afar gees ah oo wax lagu qorto.
kaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) Xanuun laxow badan dareemid. m.f.dh, kaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaar
m. n. sudden, sharp pain, throbbing
kaar v. feel a sudden pain; throb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaar
-ka: (n) feeling physical pain; pain (peeyn)-, soreness (soor-nes), ache (eeyk)-, pang (paang) ~xanuun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaar
-ka: (magac, lab, keli) kul ka yimaadda nabar ama xanuun. Dh: xummad.
kaar-ka: (magac, lab, keli) waraaqadda aqoonsiga ee muwaadin kaste la siiyo. Dh: taysaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baare
m.l (-rayaal m.l/dh) Qof baara arrin la xiriirta aqoon ama sir dad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baare
m.l (-rayaal m.l/dh) Qof baara arrin la xiriirta aqoon ama sir dad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baare
m. n. investigator, questioner; researcher, scholar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baare
-baaraha: (n) inspector (inis pekter); examiner, investigator. Ex: dambi baare; criminal investigator
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
BAARE
Revisore
Auditor
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Baare
Analista; revisore
Analyst; auditor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baare
-ha: (magac, lab, keli) cid wax inay baadho lagu og yahay. Dh: baadhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baare
de: investigator, questioner; researcher, scholar
lx: baare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: baare
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Barre
name: Baree
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Barre
nickname-m, name-m specked, speckled, spotted, marked, stained. Lit: he who was born with a birth mark. Syn: Barrow, Barrey,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Barre
ama Barrow, magac loo baxsho wiil bar ama calaamad muuqata jidhka ku leh.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
barre
barre, n.f. - qori lagu xidho dariishadaha korkooda si ilxidhka loogu godbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Barre
de: Baree nickname for someone with freckles or moles
lx: Barre
ps: name-m
key: Barre
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Carre
nickname; name-m Sandy; challenger, darer, warner; provocateur; agitator
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carré
carré, n.m. - Labajibbaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garre
(Garra-ha)
Kalluun badeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garre
m.l Nooc kalluunka ka mid ah oo badda ku nool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Garre
m. n. Somali clan of southern Somalia and northern Kenya
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garre
m. n., [collective] ocean fish species
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Garre
name-m ocean fish sp., plaintiff, lawsuit, verdict; justice, the law
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harre
-ha: (magac, lab, keli) xayawaan barribiyood ah oo ku nool haraha jiilaalkiina dhoobada isku aasa. Dh: rah.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaabe
name-m mend, patch; support
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaabe
-ha: (n) leader (liidher).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabe
-ha: (magac, lab, keli) meel ilo dhaqaale iyo waxsoosaar leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaale
-ha: (magac, lab, keli) xoolo qof lagu gargaaro; maal qof la siiyo gaar ahaan marka uu guursado. Dh: gargaar, caawimaad, taageero, kaalmo, taakulo, kaalo, xoologgooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaari
* (Kaari-ga)
1. Geedo kulul oo cunnada lagu dhireeyo.
2. Hilbo gaar ah oo kaari lagu dallaco ama lagu sanuunadeeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaari
m. n., [collective] curry (powder)
kaari m. n. helper on a truck ~ bus; fare, collectivelector; loading assistant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaari
-ga: (n) conductor (kon-dhartar); especially one who is in charge of fares collecting of or loading of a bus or a truck
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaari
-ga: (magac, lab, keli) ninka baabuurta kireeya. Wa: kaariyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaaye
(Kaaya-ha)
Meerto; kal; miile.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaye
m.l Meerto; kal; miile.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaaye
m. n. turn, chance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaye
-ha: (magac, lab, keli) meerto; kal; miile. kaayso: (fal) wax meel ku qarso; meel dhigo.
kaaye -ha: (magac, lab, keli) eeg kaayaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaaye
de: turn, chance i.e., one's time to go or to do s.t.
lx: kaaye
pd: (/ha)
ps: n-m
key: kaaye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karro
m.dh Geed-gaab aan qodax lahayn oo miro la cuno iyo laamo laga qoro fandhaalada iyo wixi lamida leh; hamir, himir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karro
-da: (magac, dhedig, keli) geedgaab aan qodax lahayn oo midho la cuno iyo laamo laga goro fandhaallada iyo wixii la mid ah leh. Dh: hamir, himir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Marre
(Marra-ha)
Quraanka oo suuradihiisa kol la wada akhriyo ama suurad keliya 114 jeer la akhriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marre
m.l (dii.) Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. la-mid: marro (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marre
m.l (dii.) Qur'aanka caddaddiisa (114) oo hal mar la akhriyo. la-mid: marro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
marre
m. n. reading of the whole Koran at one session
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
marre
-ha: (magac, lab, keli) Qur'aanka oo suuradihiisa kol la wada akhriyo ama suurad keliya 114 jeer la akhriyo. Reerka marre ha loo akhriyo. Dh: xirsixidh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marre
a: marro
de: reading of the whole Koran at one session (usually as a ritual to benefit the sick)
lx: marre
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: marre
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaare
m.l la-mid: qaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaare
m. n. club, cudgel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaare
-ha: (magac, lab, keli) ul xagga hore u buuran. Qaare ayuu madaxa kaga dhuftay Dh: budh, bud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaare
a: qaar
de: club, cudgel
lx: qaare
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: qaare
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarre
m.l (-rayaal, m.l/dh) Buluunbulyo; xar. la-mid: xorre (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarre
-ha: (magac, lab, keli) bahal dalooliya qoryaha ama udbaha oo duula. Dh: xar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaare
(Yaara-ha)
Xilli sanada Soomaalida ka mid ah; wuxuu u dhexeeyaa axalka iyo tixkorka; xays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaare
m.l 1. Xilli ka mid ah xilliyada sannadka Soomaalida oo roobab ka da'aan xeebaha bari. 2. Dhaxanta roobku keeno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yaare
m. n. cold part of the shorter dry season