ereyga

kaarboon laba-ogsaydh

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaarboon laba-ogsaydh

DHAN

m.l (kiimika) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kaarboonlaba-ogsaydh

DHAFAN

m.l (kiim.) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kaarboonlaba'gsaydh

DHAFAN

-ka: (magac, lab, keli) neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neefqaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboohaydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaarboon hal-ogsaydh

DHAFAN

m.l (kiimika) Neef sun ah, olosha, midablaawe ah oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku yar tahay (gubasho dhiman). Warshad ahaan, waxa lagu diyaariyaa ogsidhaynta kaarboon ama neefta dabiiciga ah, ama falgalka lagu magacaabo biyo-neefeed. Waa neef ah yareeye laxaad badan laguna isticmaalo cilmi-bireedka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kaarboonhal-ogsaydh

DHAFAN

m.l (kiim.) Neef sun ah, olosha, midablaawe ah oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku yar tahay (gubasho dhiman). Warshad ahaan, waxa lagu diyaariyaa ogsidhaynta kaarboon ama neefta dabiiciga ah, ama falgalka lagu magacaabo biyo-neefeed. Waa neef ah yareeye laxaad badan laguna isticmaalo cilmi-bireedka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

footoosintasis

DHAABAN

m.l (baayoloji) Dariiqadda kiimikeed ee ay dhirta cagaarani ku samaystaan iskudhisyo orgaanikeed iyaga oo ka samaysanaya kaarboon laba ogsaydh, biyo iyo ilays.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gulukows

DHAABAN

m.dh (kiimika) Sonkor badankeeda laga helo dhirta iyo xaywaanka. G.tu waa il ay tamar badan ka helaan noolayaashu. Sonkorta xilliga neefsashada waxa ku dhaca ogsidhayn taas oo soo saarta kaarboon laba ogsaydh leh, biyo iyo tamar. Dhirtu waxay ku heshaa g.ta habka footoosintasiska, waxaanay u keydsantaa istaarj ahaan, xayawaankana waxay uga timaadaa dheefshiidka ku dhaca dhaysakaraydhyada iyo boolosakraydhyada, waxaanay u keydsantaa staarj xayawaan ahaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

meertada kaarboon

DHAABAN

m.dh (baayoloji) Silsilad ama dhacdooyin meerto ah, taas oo ah wareegidda kaarboonka ee degaanka iyo noolayaasha. Dhirtu waxay ka qaadataa kaarboon laba ogsaydh gibilka, waxaanay u beddeshaa kaarboonaydraytyo, borotiino iyo dux. Qaar ka mid ah kaarboonka laba ogsaydh waxay dib ugu noqdaan gibilka dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, kuwaas oo iyagana ay sii cunaan hilib cunayaashu. Marka ay daaq cunayaasha iyo hilib cunayaashu dhintaan waxaa quuta bakhti-ku-noollada iyo kala-bixiyayaasha, sidaa darteed kaarboonku wuxuu ku noqdaa ciidda ama wuxuu gelaa gibilka, isaga oo ah maxsuulka neefsashada bakteeriyada iyo fangiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

neefsasho

DHAABAN
1

neefsasho¹: m.f.dh eeg neefo. la-mid: neefsad, neefsi.

2

neefsasho²: m.dh Dariiqadda dheefsasho ee xayawaanka iyo dhirta taas oo walax orgaanik ah la burburinayo lagana dhigayo walxo sahlan isla markaana tamar la soo saarayo, iyada oo lala kaashanayo molikiyuullo gaar ah oo tamarta qaada oo loo isticmaalo dariiqooyin dheefsasho oo kale. Dhirta iyo xayawaanka badankooda neefsashadu waxay u baahantahay ogsajiin, iyo kaarboon laba ogsaydh oo ah dhammaadka maxsuulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

neefsasho ogsajiin leh

DHAABAN

m.dh (baayoloji) Nooc ka mid ah neefsashada, oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohydraytyada) ay dhammaantood u ogsidhoobaan kaarboon laba ogsaydh iyo biyo, iyaga oo siidaynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad u baahan ogsajiin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

footoosintasis

DHAABAN

m.l (baay.) Dariiqadda kiimikeed ee ay dhirta cagaarani ku samaystaan iskudhisyo orgaanikeed iyaga oo ka samaysanaya kaarboon laba ogsaydh, biyo iyo ilays.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

gulukows

DHAABAN

m.dh (kiim.) Sonkor badankeeda laga helo dhirta iyo xaywaanka. G.tu waa il ay tamar badan ka helaan noolayaashu. Sonkorta xilliga neefsashada waxa ku dhaca ogsidhayn taas oo soo saarta kaarboon laba ogsaydh leh, biyo iyo tamar. Dhirtu waxay ku heshaa g.ta habka footoosintasiska, waxaanay u keydsantaa istaarj ahaan, xayawaankana waxay uga timaadaa dheefshiidka ku dhaca dhaysakaraydhyada iyo boolosakraydhyada, waxaanay u keydsantaa staarj xayawaan ahaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

meertada kaalfin

DHAABAN
1

m.dh (baay.) Tallaabooyinka ka dhaca heerka mugdiga ee footoosintasiska, kaas oo uu yaraado karboonka laba ogsaydhku iyada oo la isticmaalayo haydroojiin la soo saaray heerkii ilayska; lagana sameeyey kaarboohaydaytyo, isla markaana la isticmaalayo tamarta ATP oo iyana samaysantay xilligii ilayska.

2

meertada kaarboon m.dh (baay.) Silsilad ama dhacdooyin meerto ah, taas oo ah wareegidda kaarboonka ee degaanka iyo noolayaasha. Dhirtu waxay ka qaadataa kaarboon laba ogsaydh gibilka, waxaanay u beddeshaa kaarboonaydraytyo, borotiino iyo dux. Qaar ka mid ah kaarboonka laba ogsaydh waxay dib ugu noqdaan gibilka dhirta waxa cuna daaq cunayaasha, kuwaas oo iyagana ay sii cunaan hilib cunayaashu. Marka ay daaq cunayaasha iyo hilib cunayaashu dhintaan waxaa quuta bakhti-ku-noollada iyo kala-bixiyayaasha, sidaa darteed kaarboonku wuxuu ku noqdaa ciidda ama wuxuu gelaa gibilka, isaga oo ah maxsuulka neefsashada bakteeriyada iyo fangiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

neefsasho

DHAABAN

m.dh Dariiqadda dheefsasho ee xayawaanka iyo dhirta taas oo walax orgaanik ah la burburinayo lagana dhigayo walxo sahlan isla markaana tamar la soo saarayo, iyada oo lala kaashanayo molikiyuullo gaar ah oo tamarta qaada oo loo isticmaalo dariiqooyin dheefsasho oo kale. Dhirta iyo xayawaanka badankooda neefsashadu waxay u baahantahay ogsajiin, iyo kaarboon laba ogsaydh oo ah dhammaadka maxsuulka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

neefsasho ogsajiin leh

DHAABAN

m.dh (baay.) Nooc ka mid ah neefsashada, oo cuntadu (gaar ahaan kaarboohydraytyada) ay dhammaantood u ogsidhoobaan kaarboon laba ogsaydh iyo biyo, iyaga oo siidaynaya tamar kiimikeed, kuna sii daynaya dariiqad u baahan ogsajiin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dhiig

DHAABAN
1

-ga: (magac, lab, keli) dareere cas oo jidhka noolaha ku jira oo biyo u badan. Waxa uu ka kooban yahay qayb cad iyo mid cas, jidhka ayuuna dhex wareega si uu unugyada ugu qaado nafaqada iyo hawada dihin kana soo qaado kaarboon laba ogsaydhka. Dhiigga saldhiggiisu waa wadnaha oo midab casaan ah ayuu leeyahay.

2

dhiig -ga: (magac, lab, keli) magta la bixiyo kolka cid la dilo. Dhiig yimiddaaba dhabdarro hadhay. Dh: mag.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kaarboon

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) hawada la adeegsaday ee jirku iska soo tuuro; kaarboon laba ogsaydh (CO2). Dh: naqaska. Li: ogsijiin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

sambab

DHAABAN
1

-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah labada xubnood ee hunguriga cadi isu hayo ee dhiigga ka sifeeya kaarboon laba ogsaydhka, soona siiya ogsiijiinka, leh na daldaloollo yaryar oo ay hawadu gasho. Dh: sanbab. Wa: sambabo.

2

sambab -ka: (magac, lab, keli) cudur xun oo sambabada xoolaha ku dhaca; sanbab.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kaarboonhal'ogsaydh

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) neef Isun ah, olosha, midablaawe ah oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku yar tahay (gubasho dhiman). Warshad ahaan, waxa lagu diyaariyaa ogsidhaynta kaarboon ama neefta dabiiciga ah, ama falgalka lagu magacaabo biyo-neefeed. Waa neef ah yareeye laxaad badan laguna isticmaalo cilmi-bireedka.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Kaarbondhayoksaydh

DHAFANDHAAF

Carbon dioxide

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaalsiyam haydarogsaydh

DHAFANDHAAF

m.l eeg kaal-siyam.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaarbogsilik-asiidh

DHAFANDHAAF

m.l (kiimika) Nooc ka tirsan iskudhisyada orgaanigga ee naanaystooda guudtahay COOH. Kaarbog-silik asiidho badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhirta, duxda iyo saliiddana waxay ugu jiraan miistar ahaan. Sidaa awgeed kaarbogsilik asiidhada noocan ah waxa loo yaqaan asiidho duxeed.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kaarbogsilik-asiidh

DHAFANDHAAF

m.l (kiim.) Nooc ka tirsan iskudhisyada orgaanigga ee naanaystooda guudtahay COOH. Kaarbogsilik asiidho badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhirta, duxda iyo saliiddana waxay ugu jiraan miistar ahaan. Sidaa awgeed kaarbogsilik asiidhada noocan ah waxa loo yaqaan asiidho duxeed.

waa la naqliyay ✓