kaarbogsilik-asiidh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarbogsilik-asiidh
m.l (kiimika) Nooc ka tirsan iskudhisyada orgaanigga ee naanaystooda guudtahay COOH. Kaarbog-silik asiidho badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhirta, duxda iyo saliiddana waxay ugu jiraan miistar ahaan. Sidaa awgeed kaarbogsilik asiidhada noocan ah waxa loo yaqaan asiidho duxeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaarbogsilik-asiidh
m.l (kiim.) Nooc ka tirsan iskudhisyada orgaanigga ee naanaystooda guudtahay COOH. Kaarbogsilik asiidho badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhirta, duxda iyo saliiddana waxay ugu jiraan miistar ahaan. Sidaa awgeed kaarbogsilik asiidhada noocan ah waxa loo yaqaan asiidho duxeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarbogsilik'asiidh
-ka: (magac, lab, keli) nooc ka tirsan iskudhisyada orgaanigga ee naanaystooda guud tahay COOH. Kaarbogsilik'asiidho badan ayaa si dabiici ah ugu jira dhirta, duxda iyo saliiddana waxay ugu jiraan miistar ahaan. Sidaa awgeed kaarbogsilik asiidhada noocan ah waxa loo yaqaan asiidho duxeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koox-kaarbogsayl
m.l (-xo ..., m.l) (kiimika) Kooxda orgaanikada ee - COOH, taas oo laga helo kaarbogsilik asiidhada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
koox-kaarbogsayl
m.l (-xo ..., m.l) (kiim.) Kooxda orgaanikada ee - COOH, taas oo laga helo kaarbogsilik asiidhada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooxkaarbogsayl
-ka: (magac, lab, keli) kooxda orgaanikada ee COOH, taas oo laga helo kaarbogsilik asiidhada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askoorbik-asiidh
m.l (kiimika) Fitamiin biyaha ku milanta oo aan looga maarmiin xoojinta soohyada iyo isku haynta unugyada, sameynta kollaanjikana waa ka qayb qaadataa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydarokoloorik asiidh
m.l (-dyo, m.dh) (kiimika) (HCl) Hoor bida oo midablaawe ah oo sameysma marka haydarojiin koloraydh lagu daro biyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
haydarokoloorik asiidh
m.l (-dyo, m.dh) (kiim.) (HCl) Hoor bida oo midablaawe ah oo sameysma marka haydarojiin koloraydh lagu daro biyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
askoorbig-asiidh
m.l (kiim.) Fitamiin biyaha ku milanta oo aan looga maarmiin xoojinta soohyada iyo isku haynta unugyada, sameynta kollaanjikana waa ka qayb qaadataa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
salfiyuurik-asiidh
m.dh (kiimika) (H2SO4) Hoor saliidda u eg oo midablaawe ah, laguna diyaariyo habka kulanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
salfiyuurik-asiidh
m.dh (kiim.) (H2SO4) Hoor saliidda u eg oo midablaawe ah, laguna diyaariyo habka kulanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarboon laba-ogsaydh
m.l (kiimika) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.