kaalsiyam haydarogsaydh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalsiyam haydarogsaydh
m.l eeg kaal-siyam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaalsiyam
m.dh (kiim.) Bir firfircoon oo jilicsan, heerkul hoosana ku dhalaasha. Waa curiyaha saddexaad ee ururka 2aad ee tusaha kalgalka curiyayaasha. Waxay ku badantahay jeesada ama dhagaxa didibka iyada oo ah CaCO3, jibsimka iyada oo ah CaSO4 2H2 O, jibsim ooman iyada oo ah CaSO4, faloorasbaar iyada oo ah CaF2 iyo abatayt iyada oo ah CaF2 Ca3 (PO4). Marka kaalsiyam lagu gubo meel hawo leh, waxa samaysma kaalsiyam ogsaydh (CaO) oo ah adke yooneed oo cad, waxase ka habboon in ogsaydhka laga diyaariyo kaarbooneytyada kaalsiyam kaas oo u kala baxa ilaa 800° C. Ogsaydhka iyo birta nafteeduba waxay sameeyaan haydarogsaydh (Ca(OH)2) marka ay la falgalaan biyaha.ù m.l, kaalsiyam haydarogsaydh. m.l, kaalsiyam kaarboneyt. m.l, kaalsiyam salfeyt.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naatariyam-haydaroogsaydh
m.l (-dhyo, m.dh) (kiimika) (koostic sooda, NaOH). Adke cad oo sayax-milme ah una habaysan duneed, ilays gudbintiisuna liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiye-milme.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naatariyamhaydaroogsaydh
-ka: (magac, lab, keli) 'koostic sooda, NaOH'. Adke cad oo sayax-mile ah una habaysan duneed, ilays gudbinta liidato. Milanka uu ku jiraa waa alkali xooggan waana gudbiyemilme.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalsiyam kaarboneyt
m.l eeg kaalsiyam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarboon hal-ogsaydh
m.l (kiimika) Neef sun ah, olosha, midablaawe ah oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku yar tahay (gubasho dhiman). Warshad ahaan, waxa lagu diyaariyaa ogsidhaynta kaarboon ama neefta dabiiciga ah, ama falgalka lagu magacaabo biyo-neefeed. Waa neef ah yareeye laxaad badan laguna isticmaalo cilmi-bireedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarboon laba-ogsaydh
m.l (kiimika) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaarboonlaba-ogsaydh
m.l (kiim.) Neef aan ololin, midablaawe ah; urna aan lahayn oo samaysanta marka kaarboonka lagu gubo meel ogsijiintu ku badantahay. Neef-qaadashaduna way soo saartaa neeftaasi. Kaarboon laba-ogsaydhka ku jira atmosfeerku waa 0.03 % mug ahaan, dhirtuna waxay u rogtaa kaarboo-haydareytyo marka footoosintasisku dhacayo.