kaalandar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalandar
m.l (-ooyin, m.l) (c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidib-dhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqii-qadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaa-landarka waxaa lagala kulmaa dhibaatooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noq-noqoshada dayaxa ee 12 jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga isaabiyaana waa 365 maalmood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaalandar
m.l (-ooyin, m.l) (c.fal.) Nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidibdhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqiiqadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaalandarka waxaa lagala kulmaa dhibaatooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noq-noqoshada dayaxa ee 12 jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga isaabiyaana waa 365 maalmood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalandar
-ka: (magac, lab, keli) nidaam loo qaybiyo waqtiga aminno go'an oo halbeegyada dabiiciga ahi yihiin maalinta (ku wareegga dhulka ee dhidibdhexaadkiisa) iyo sannadka (ku wareegga dayaxa ee dhulka) iyo toddobaadku waa qaybo lagu heshiiyay. Wareegga dhulka ee qorraxdu wuxuu qaataa waqti dhan 365 maalmood, shan saacadood, 48 daqii-qadood iyo 46 ilbiriqsi. Samaynta kaalandarka waxa lagala kulmaa dhibaatooyin, haddii wareegga dayaxa ee dhulka hareerihiisa oo qaato halbeeg dabiici ah, waayo, wareeg noqnoqoshada dayaxa ee 12ka jeer ahi wuxuu u dhigmaa 364 maalmood, ka qorraxda laga xisaabiyaana waa 365 maalmood.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaalendar
Calendar
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
calandar
/kaalandar/ (n) kalandaariyi (tirithy guky).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadar
m.l (-rro, m.dh) Qof loo diyaariyey maamul ama hoggaan siyaasadeed. la-mid: kaadir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadar
m.l (-rro, m.dh) Qof loo diyaariyey maamul ama hoggaan siyaasadeed. la-mid: kaadir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalana
n. phr., [conjunction] and other (ones) ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalana
de: and other (ones) ... = kale + -na
lx: kalana
ps: np + conj
key: kalana
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaladay
(fal) qalab geli ama dhig. Geerash intaanad furin horta aaladay. Dh: qalabee, aaladee.
aaladay: (fal) hub iyo ciidan sii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaalaya
imperative v., pl. you all come!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaalaya
(expression) come here you all!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaalaya
de: you all come! Defective imperative form only
lx: kaalaya
ps: v4b-imp-pl
syn: imaada
key: kaalaya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabar
-ka: (magac, lab, keli) dhul, xadhig ama wax kale halka kala badha. Dh: kalabadh, badhtan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalahar
-ka: (magac, lab, keli) eeg kalahadh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalajar
-ka: (magac, lab, keli) kalaggoyn; labo kaga kala dhigid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Calendar
Goorqayb, goorbeeg
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Calendar
Kaalendar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
calendar
/kaalandar/ kalandaariyo (jadwalka taariikhda).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Calendar
Waqti sheeg Ama Taariikh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalandal
(Dalandal-ka)
Tallaabo-baradka dhallaanka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandal
dalandal¹: m.l 1. D. ah: ilmo socod barad. 2. la-mid: dalandalid.
dalandal²: f.mg1 (-alay, -ashay) Ilmo, socod barasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalandal
vl. n. staggering, tottering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandal
-ka: (magac, lab, keli) tallaababbaradka dhallaanka. Dh: socodbarad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalandal
de: staggering, tottering
lx: dalandal
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: dalandal
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kaalayya
venir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kala bar
-ay I tay: (v) halve (haav); divide into two equal portions
kala bar -ka: (n) halfway (haafweey) ~ dhexda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kala_bar
de: halve, cut into half
lx: kala bar
pd: (baray)
ps: v1=expr
key: kala_bar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalabbar
(Kalabbar-ka)
1. Labo wax ama labo meelood ama labo waqti, kd., dhibicda ama xarriiqda bartanka kaga abbaaran oo ay isku in ama qiyaas is le'eg u wada jiraan; bartame; wadaage.
2. Wax mid ah oo labo inood ama qaybood ama cad oo is le'eg laga dhigo.
3. Kalabbar oo bar, la sameeyo ama la buuxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalabbar
kalabbar¹: m.l 1. Laba meelood meel dhex dhexaad u ah. 2. Laba qeybood oo isle'eg wax loo qeybiyey qeybtood. 3. Wax muggiisii bar ku jiro.
kalabbar²: f.g1 (-ray, -rtay) Labo meelood oo isle'eg u qaybin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalabbar
m.l 1. Laba meelood meel dhex dhexaad u ah. 2. Laba qeybood oo isle'eg wax loo qeybiyey qeybtood. 3. Wax muggiisii bar ku jiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalabbar
v. divide in half; do half of something; fill half-way
kalabbar vl. n. division in half; act of half-fitting ~ half-doing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalabbar
-ay / tay / een / nay: (v) halve (haav); divide into two equal portions ~ kala bar
kalabbar: -ka: (v) half (haaf)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kalabbar
Metà
Half
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalasaar
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Hadal, fikrad iyo wixi lamida oo la garan waayey caddeyn. 3. U gar qaybin (cid).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalasaar
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax isku jirey kala soocid. 2. Hadal, fikrad iyo wixi lamida oo la garan waayey caddeyn. 3. U gar qaybin (cid). m.f.dh, kalasaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalasaar
v., [compound] separate something; settle (a question), judge between
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalasaar
-ka: (magac, lab, keli) waxyaabo isku darsanaa kala soocid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalasaar
de: separate s.t.; settle (a question), judge between
lx: kalasaar
pd: (kalasaaray)
ps: v1=cmp
key: kalasaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malanda'
malanda'¹: m.l Gaaridda uu gaaro awr baarqab ahi heerka ugu sarreeya qooqa.
malanda'²: f.mg1 (-da'ay, -da'day) Awr baarqab ah heerka ugu sarreeya qooqa gaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malanda'
-a: (magac, lab, keli) awr baarqab ah oo aad u qooqa. Malanda' iyo libaax ayaa halkan isku helay. Dh: baarqab.
malanda' -a: (magac, lab, keli) qooq aad u xun oo awrta dhexda iyo dhabarku isku dhego oo biyo iyo baad midna ay afka saarin. Awrtu malanda'a way ku dhintaan. Dh: qooq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walanday
(fal) hareeraha qabta oo wax culus handaafiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraandar
-ka: (magac, lab, keli) ashqaraar iyo wareer sababa in indhaha si fiican wax looga arki waayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kala wandhar
v. open up wide (as a book); split open (in even halves, as an animal carcass)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kala_wandhar
cf: kala qabo
de: open up wide (as a book); split open (in even halves, as an animal carcass)
lx: kala wandhar
pd: (wandharay)
ps: v1=expr
key: kala_wandhar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballandaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan ballan lahayn ahaansho (qof).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballandaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax aan ballan lahayn ahaansho (qof). m.f.dh, ballandarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballandaran
der. [adjective] unreliable, not keeping one's word ~ promise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballandaran
(adj) unreliable (an ri-laayabal); untrustworthy; dishonest; breaking a promise
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballandaran
de: unreliable, not keeping one's word ~ promise
lx: ballandaran
pd: (ballandarnaa)
ps: adj-der
key: ballandaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballandarri
m.dh la-mid: ballandarnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ballandarri
m.dh eeg ballandaran. la-mid: ballandarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballandarri
-da: (magac, dhedig, keli) axdiga oo la jebiyo ama laga baaqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ballandarro
(Ballandarra-da)
Ballan fulin la'aan; axdi-darro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballandarro
m.dh la-mid: ballandarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ballandarro
f. n. failure to fulfill a promise
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ballandarro
-ballandarrada: (n) unreliability (an·ri·laayabiliti); untrustworthiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballandarro
-da: (magac, dhedig, keli) ballan fulin la'aan; oofin la'aan heshiis. Dh: axdifur, ballanjebin. Li: ballanfulin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ballandarro
de: failure to fulfill a promise
lx: ballandarro
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ballandarro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalqaadad
m.l la-mid: caalqaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalqaadad
-ka: (magac, lab, keli) wax iska dhicin la'aan; isdhiibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalaadhac
(fal) culays ku saaran la ciirciir; la dheeldheelli hawl kaa taagroon.
daalaadhac -a: (magac, lab, keli) howl aad ku daashay oo aad la legdantay. Daaladhac buu kula jiraa howsha guriga. Dh: dalanbaabi, kacaakuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaallanaan
m.f.dh eeg gaallan. la-mid: gaallanaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka liqdaar
v. put upright ~ erect, make vertical; build solidly
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka sanqari
v. cause to make a sound
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_liqdaar
de: put upright ~ erect, make vertical; [ext.] build solidly
lx: ka liqdaar
pd: (liqdaaray)
ps: v1=expr
key: ka_liqdaar
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_sanqari
de: cause to make a sound
lx: ka sanqari
pd: (sanqariyey)
ps: v2a=expr
see: shanqari
key: ka_sanqari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadsanla'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Sugid la'aan, ku degdegid (wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadsanla'
f.mg4 (-'aa, -'ayd) Sugid la'aan, ku degdegid (wax). m.f.dh, kaadsanla'aan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadsanla'
der. [adjective] impatient
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadsanla'
-da: (magac, dhedig, keli) aan dulqaad lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadsanla'
de: impatient
lx: kaadsanla'
pd: (kaadsanla'aa)
ps: adj-der
key: kaadsanla'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarranaan
(Kaarranaan-ta)
Wax kaarran ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarranaan
m.f.dh eeg kaarran. la-mid: kaarranaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaarranaan
f. n., [abstract] state of having a fever
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarranaan
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof xanuun hayo ee laga takoorayo dadka intiisa kale si uuna ugu tebin xanuunka. Dh: takoornaan, karantimaysnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaarranaan
de: state of having a fever
lx: kaarranaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: kaarranaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlandso
(fal) wax adu aad leedahay xagga sare qabo isaga oo dhiniciisa hoose lulmayo oo aan waxba ku hayn. Dh: laalaadso, wadhfiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaadsan
(tilmaame) wax lusha oo meel sudhan. ah. Dh: laalaadsan, laadlaadsan, laalaada, lusha.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Salamander
Salamandar
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
spalancare
v.tr. - ballaqid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tramandare
v.tr.- u gudbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aataar
-ka: (magac, lab, keli) aayo danbe oo waxtar ah oo qof laga sugo. Ninka aan dantiisa aqoon aataar ma leh. Dh: aayo.
aataar-ta: (magacwadareed) dhaxalkii laga reebay adawyaashii hore ee la qiimeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bandar
m.l la-mid: bender.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bandar
m. n. coastal city, port town
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bandar
-ka: (n) port city; port (port); harbor (haar ber) ~ furdo, dekad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bandar
-ka: (magac, lab, keli) magaalo ama meel aan miyi ahayn. Dh: magaalo. Li: baadiye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bandar
bw: Arabic
de: coastal city, port town
lx: bandar
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: bender
key: bandar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalan
m.l Dunida iyo waxa ku nool oo dhan. la-mid: caalam.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caalan
m.l Dunida iyo waxa ku nool oo dhan. la-mid: caalam.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalan
-ka: (magac, lab, keli) eeg caalam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalan
(Daalan-ka)
Daallan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalan
daalan: m.l la-mid: daallan.
dąalan: m.l la-mid: dąallan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daalan
der. [adjective] tired
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daalan
-aa / ayd: (adj) tired (taayadh); fatigued (fatiigidh) ~ dhacsaal ah. Ex: wuu daalan yahay; he is tired
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalan
-ka: (magac, lab, keli) macmacaan noocyo kala duwan ah oo cuntada weyn dabadeed la cuno, oo lagu dheregdhacsado. Daalan baan cunay hadhimada dabadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daalan
de: tired
lx: daalan
pd: (daalanaa)
ps: adj-der
xe: Im tired.
xv: Waan daalanahay.
key: daalan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalnar
-ka: (magac, lab, keli) qof dalyaqaan ah. Casoowe waa oday dahnar ah. Dh: dalmareen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalan
f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) la-mid: falan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalan
(tilmaame) mid la falay; qof falan oo la baabay. Dh: falan.