kaahin-birlabdanabeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahin-birlabdanabeed
m.dh (fiisikis) Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahinbirlabdanabeed
-ka: (magac, lab, keli) hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaah-birlabdanabeed
m.dh (fiisikis) Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaah birlabdanabeed
Electromagnetic radiation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqid-birlabdanabeed
m.dh (fiisikis) Xoog danab-wadaha ku abuurma mareeg danab ayna ugu wacantahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddel-ka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay waxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaqid-birlabdanabeed
m.dh (fiisikis) Xoog danab-wadaha ku abuurma mareeg danab ayna ugu wacantahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddelka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay waxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqidbirlabdanabeed
-da: (magac, dhedig kell xoog danabwadaha ku abuurma mareeg dana ayna ugu wacan tahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddelka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay wuxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeegaan-birlabdanabeed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Tooxda tamar birlabdanabeedka ee si taxan ugu habaysan kororka ama yaraanta hirbaaca ama rakaadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeegaan-birlabdanabeed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Tooxda tamar birlabdanabeedka ee si taxan ugu habaysan kororka ama yaraanta hirbaaca ama rakaadka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badad Birlabdanabeed
Electromagnetic field
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jeegaan birlabdanabeed
Electromagnetic spectrum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeegaanbirlabdanabeed
-da: (magac, dhedig, keli) tooxda tamar birlabdanabeedka ee si taxan ugu habaysan kororka ama yaraanta hirbaaca ama rakaadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeegaan birlab-danabeed
n. phr. electro-magnetic spectrum
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waarid saldanabeed
Conservation of charge
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Labacidhifle danabeed
Dipole, Electric
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khalkhal-birlabeed
m.l (c.fal) Qulqulad weyn oo ku dhacda bed birlabeedka dhulka oo dunida oo dhan saamaysa, taas oo dhammaan ama sida badan qarinaysa isbeddelka maalmeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khalkhal-birlabeed
m.l (c.fal) Qulqulad weyn oo ku dhacda bed birlabeedka dhulka oo dunida oo dhan saamaysa, taas oo dhammaan ama sida badan qarinaysa isbeddelka maalmeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badada birlabdhuleed
Geomagnetic field