kaahid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaahid
(Kaahid-da)
Iftiin kaah ah yeelasho, soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahid
m.f.dh eeg kaah².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahid
-da: (magac, dhedig, keli) meel fog ka soo ifid; meel fog ka iftiimid; iftiin kaah ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahi
f.g2 (-iyay, -isay) Kaah wax ka keenid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahi
(fal) walax ama aalad, iftiin la arko ka soo bixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baahid
(Baahid-da)
Dhulka wada gaarid; faafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahid
m.f.dh eeg baah². la-mid: baah¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Baahid
Propagation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahid
-da: (magac, dhedig, keli) kala ballaadhasho gaadhista meelo aan hore loo gaadhin. Ururiya cawska oo baahidda ka ilaaliya. Dh: faafid, firdhid. Li: ururid.
baahid -da: (magac, dhedig, keli) habsocodka ilayska iyo hirarka makanikada ama birlab-danabeedka. Baahidda iftiinku way sii ballaadhataa kolba kolka ay meesha ifaysa ka sii fogaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahid
(Daahid-da)
1. (-') Daah u yeelid; ilixirid.
2. Raagid; dib u dhicid.
3. (ka soo daahid) madaxqaad; cudur ka kicid; diif cudur ka muuqato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahid
daahid: m.f.dh eeg daah³. la-mid: daah¹ (2).
dąahid: m.f.dh eeg dąah².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daahid
vl. n. lateness, delay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahid
-da: (magac, dhedig, keli) ka soo roonaansho cudur. Daahid baannu ugu ducaynnay bukaanka.
daahid -da: (magac, dhedig, keli) aqal iyo wax la mid ah, daah ku xidhid. Qolku daahid buu u baahan yahay.
daahid -da: (magac, dhedig, keli) dib u dhac ku yimaadda waqti ama cid meel tegi lahayd. Daahid baa ku dhacaday ambabaxeennii. Li: degdeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daahid
de: lateness, delay
lx: daahid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: daahid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faahid
m.f.dh la-mid: faafid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faahid
-da: (magac, dhedig, keli) faafid iyo baahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaahid
m.l (-diin, m.dh) Qof diinta islaamka u dagaallama.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaahid
m.l (-diin, m.dh) Qof diinta islaamka u dagaallama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaabid
(Kaabid-da)
Wax ka maqan ku darid, ku kordhin, siin; kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabid
m.f.dh eeg kaab.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan adkayn oo xoojin u baahan, wax ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaahin
(Kaahin-ka)
1. Nin ku dooda inuu wax ka yaqaan ama ogaan karo sirta qarsoon iyo waxyaalaha dhici doona; qaryaan.
2. (Kaahin-ta) Kaah ka keenid, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahin
kaahin¹: m.l (-nno, m.dh) Qof waxa soo socda ka warrama.
kaahin²: m.f.dh eeg kaahi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaahin
m.l (-nno, m.dh) Qof waxa soo socda ka warrama.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaahin
Radiation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaahin
m. n. fortune-teller, diviner, soothsayer
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaahin
name-m fortune-teller, diviner, soothsayer (Arb)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahin
-ka: (magac, lab, keli) nin sheegta inuu wax soo socda sii garan karo, waxa dadka kale ka qarsoon sii sheega ama sii saadaaliya. Dh: faaliye, farriye, waxsheege. Wa: kaahinno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaahin
a: kuhaan
bw: Arabic
de: fortune-teller, diviner, soothsayer
lx: kaahin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: kaahin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel fog ka soo ifis; soo iftiimitaan. Kaahista dayaxa ma u jeeddaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalid
m.f.dh eeg kaal³. la-mid: kaalin² (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalo uruurin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaarid
(Kaarid-da)
Kaar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarid
m.f.dh eeg kaar². la-mid: kaar¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarid
-da: (magac, dhedig, keli) marka xanuunku qof ku keeno xummad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaayid
(Kaayid-da)
Meel aan laga arki karin gelin; qarin; dahid; xasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayid
m.f.dh eeg kaay², kay³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaayid
-da: (magac) farsamada shaqo ruux ba xilli gaar u ah qabto, kolba loo dhiibayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karhid
m.f.dh eeg karah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nicid. Dh: kahasho, karhad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saahid
saahid¹: m.l (-diin, m.dh) Qof cabsida Ilaah u go'ay.
saahid²: f.mg1 (-day, -dday) 1. Cabsi Ilaah u go'id. 2. Ka s.: wax la caadaystay joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saahid
m.l (-diin, m.dh) Qof cabsida Ilaah u go'ay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saahid
m. n. ascetic
saahid [inchoative] v. become an ascetic
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saahid
name-m ascetic person (Arb)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saahid
(fal) ka tag oo daa adduunyada. Ka saahid wixii xun.
saahid -ka: (magac, lab, keli) qof cibaado u baxa oo adduunka ka fogaada. Wadaadku waa saahid cidlo joog ah.
saahid: magac loo baxsho wiil la rajaynayo in uu noqdo mid Alle'ka'cabsi badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taahid
(Taahid-da)
Taah ka soo bixid, ka yeerid; jibaadid; talalid; madaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taahid
m.f.dh eeg taah².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taahid
-da: (magac, dhedig, keli) alallida; jibaadida; cod gaaban ka soo bixida qofka buka uu ku dhawaaqo. Ri'du way taahaysaa. Dh: alalid, taahis, talalida, aadaarid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Zaahid
name-m abstinent, ascetic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuurid
(Nuurid-da)
Ifid; iftiimid; ilays yeelasho; kaahid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
glow
/glow/ (v) 1. kaahid, iftiimid (v) 2. wajiga ka guduudasho, kul, qabow ama qiiro darteed.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
splèndere
v.intr. - ifid, kaahid, iftiimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dillaaca waaga berigiisa; kaahidda waaberiga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuurid
-da: (magac, dhedig, keli) nuur bixin oo wax iftiimaya noqosho. Dh: iftiimid, kaahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadshid
(Kaadshid-da)
Kaadi ka imaansho, iska keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadshid
m.f.dh eeg kaadish.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadshid
vl. n. urination, flow of urine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaadshid
-da: (n) urination (yuri-neeyshen) ~ kaadiyid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadshid
-da: (magac, dhedig, keli) kaadi ka imaansho; kaadi iska keenid. Dh: kaajid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadshid
de: urination, flow of urine
lx: kaadshid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: kaadshid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kallahid
m.f.dh eeg kallah². la-mid: kallihid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kallahid
-da: (magac, dhedig, keli) arooryo hore socosho. Dh: jarmaadid, kallahaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khaashid
(Khaashid-da)
Khaash noqday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaashid
m.f.dh eeg khaash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qarsoon raadintii, si runtiisa loo gaadho ama xog badan looga ogaado. Baadhid badan ka dib, waxa la ogaaday in uu Islaamku Madiina horteed Geeska Afrika soo gaadhay. Dh: baarid, raadin, ji, fatishid, baadhis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faadhid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ama wax la mid ah qodid oo meel ka soo faqid. Dh: faarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faashid
m.dh la-mid: faasid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fatahid
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan oo meel ku wada jirey oo isku mar iskood u soo butaaca; buuxdhaafid oo karkaar jebin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) wax durugsan oo tiigsasho ama socod ama si kale loogu tago. Dh: gaarid; raaris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iraahid
(Iraahid-da)
1. Hadal ku tiraabid; hadlid; dhihid.
2. Sharqan ka soo saarid, ka keenid, ka yeersiin (sida dhegihii baa qam i yiri; xabbaddii baa jug tiri; ...).
3. Doonid; damcid; maagid; falid; yeelid (sida kolkaan hinqo iri...).
4. Lahaan; sida: maxaad leedahay? = maxaad sheegeysaa? Maxaad ku hadlaysaa?
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iraahid
vl. n. act of saying
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iraahid
de: act of saying
lx: iraahid
pd: (-da)
ps: vn2a-f
key: iraahid
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KAAHIYE
(Kahiye) N Reseda amblycarpa Fres. Resedaceae.
N Reseda bracteata Boiss. Resedaceae.
N Reseda oligomeroides Schinz. Resedaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kaahiye
name-m he who shines or enlightens
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kaahiye
magac loo baxsho wiil dhalashadiisa ay hooyadii ku diirsatay oo ay isaga hortii gabdho uun lahayd.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaarbid
-ka: (n) carpet (kaar-pit)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaashad
m.f.l eeg kaasho. la-mid: kaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaashad
-ka: (magac, lab, keli) cid ama wax kale, taageersi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafadid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saarid: kafad saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafafid
(Kafafid-da)
(wax qoyan) wax yar engegid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafafid
m.f.dh eeg kafaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyanaa, soo yara engegid: soo yara qallalid. Dh: kawraxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu lumay ama cidkale oo aad masuul ka tahay ku lumay bixin. Dh: magid, bedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kajamid
(Kajamid-da)
Hadal kajan ah ku hadlid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kajamid
m.f.dh eeg kajan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kajamid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dheeldheelid iyo ku ciyaarid. Kajamidda kaddaa dadka waawayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kakabid
-da: (magac, dhedig, keli) walxo kala googgo'an, isku toltolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladid
-ka: (magac, lab, keli) kala yaaca ku dhaca labo birlabood oo isku astaan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalamid
f. n. variant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalamid
de: variant
lx: kalamid
pd: (-da)
ps: n1-f
see: mid
key: kalamid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kama'id
m.dh la-mid: kamma'id
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khaalid
name-m friend; lasting; eternal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadhid
-da: (magac, dhedig, keli) isku buusmid ay laamaha iyo midhuhu qandoodsadaan oo ay isku buusmaan harraad ama goyn la gooyay darteed. Qaadhiddu waa bilawga engegga geedka. Dh: dhadhid, qaadhis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaahid
1. (Shaahid-da) Shaah cabbid.
2. (Shaahid-ka) Marag; markhaati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaahid
shaahid¹: m.l (-dyo, m.dh) Marqaati.
shaahid²: m.f.dh eeg shaah².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaahid
m. n. witness
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shaahid
name-m witness; one who upholds the faith
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaahid
-ka: (n) eyewitness (aay-wit-nes); spectator (ispak-teeyter) ~ markhaati
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaahid
-da: (magac, dhedig, keli) shaah cabbid shaahayn.
shaahid -ka: (magac, lab, keli) markhaati: shuhuud: marag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaahid
cf: marag, markhaati
de: witness
initial: s
lx: shaahid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: shaahid