kaahfalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahfalid
m.dh (fiisikis) Burburka dabiiciga ah ee ku dhaca bu'da atamyada qaarkood, ayna weheliso bixinta saxarrada alfa, bu'da heliyam, saxarrada beta elektaroonno, ama fallaaraha gaama.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaahfalid
Radioactivity
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahfalid
-da: (magac, dhedig, keli) mataataxa aan kala go'a lahayn lana joojin karin ee bu'aha atamyada curiyayaasha qaarkood u kala mataataxaan curiyayaal cusub oo saxarro iyo fallaadho la socdaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Radioactivity
Kaahfalid
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Radioactivity, Artificial
Kaahfalid gacmeed
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Radioactivity, Induced
Kaahfalid Sanqeji
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Radioactivity, Natural
Kaahfalid dabiici
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaahfal
Radioactive
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaahfal
m. n., [collective] radioactivity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaahfal
-ka: (n) [Chemistry] radioactivity (reeydiyo aaktiivati) ~ tamarta shucaaca
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaahfal
de: radioactivity
lx: kaahfal
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: kaahfal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu lumay ama cidkale oo aad masuul ka tahay ku lumay bixin. Dh: magid, bedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashaalid
m.f.dh eeg baashaal². la-mid: baashaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ismaaweelinta nafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalfalid
m.f.dh eeg camalfal². la-mid: camafal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
camalfalid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dhaqmid oo samaynteeda hirgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacarfalid
m.dh la-mid: dacarfaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacarfalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dacarfaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaahid
(Kaahid-da)
Iftiin kaah ah yeelasho, soo saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahid
m.f.dh eeg kaah².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahid
-da: (magac, dhedig, keli) meel fog ka soo ifid; meel fog ka iftiimid; iftiin kaah ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaalid
m.f.dh eeg kaal³. la-mid: kaalin² (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalo uruurin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafadid
-da: (magac, dhedig, keli) miisaan saarid: kafad saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafafid
(Kafafid-da)
(wax qoyan) wax yar engegid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafafid
m.f.dh eeg kafaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyanaa, soo yara engegid: soo yara qallalid. Dh: kawraxid.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Khaalid
name-m friend; lasting; eternal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ka warramidda wax aan weli dhicin iyada oo la kaashanayo astaamaha lagu tilmaansan karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daafacid
vl. n. protecting, defending
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daafacid
de: protecting, defending
lx: daafacid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: daafacid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalalid
(Faalalid-da)
(geedo, kd.) dhulka korkiisa, sida qaraha, ugu ballaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalalid
m.f.dh eeg faalal². la-mid: faalal¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalalid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinacyada u kala bixid; hareeraha ka ballaadhsamid. Geedkan faalalidda u diid. Dh: fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falfalid
(Falfalid-da)
1. (hilib) Garowkaris ka dhigid.
2. Falid; sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falfalid
m.f.dh eeg falfal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib biyo oo keli ah ku karin.
falfalid -da: (magac, dhedig, keli) falid ama sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fashalid
(Fashalid-da)
(arrin) ka jibakeenid la'aan; ku guuldarraysasho; dhicisoobid; jabid; dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashalid
m.f.dh eeg fashal². la-mid: fashal¹ (2), fashalaad, fashil¹, fashilaad, fash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashalid
-da: (magac, dhedig, keli) guuldarraysad iyo jab.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ka helid
favour! te
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaafiyid
(Kaafiyid-da)
Ku fillaansho; wada gaarid; deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaafiyid
m.f.dh eeg kaafi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaafiyid
-da: (magac, dhedig, keli) daboolitaanka baahida uu wax leeyahay; dhammaystirka baahida uu wax qabo. Dh: gaadhis, deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaamilid
m.f.dh eeg kaamil². la-mid: kammilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaamilid
-da: (magac, dhedig, keli) dhammaystirid. Dh: ebyid, dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kambalid
m.f.dh eeg kambal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kambalid
-da: (magac, dhedig, keli) nafta ka goyn; dilid: kanbalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kanbalid
(Kanbalid-da)
Nafta ka goyn; dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karfanid
m.dh la-mid: kafnid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karfanid
-da: (magac, dhedig, keli) kafan saarid ama ku duubid. Dh: kafnid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khajalid
m.f.dh eeg khajal². la-mid: khajilaad, khajilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khajalid
-da: (magac, dhedig, keli) sheex dareemid. Dh: qajilid, khajilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khatalid
(Khatalid-da)
Dhagrid; khayaanayn; sirid; xeeladayn; hodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khatalid
m.f.dh eeg khatal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khatalid
-da: (magac, dhaddig, keli) cid kale, si xeel ah u khayaamid; eed ama ceeb ku xanbaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waafagid
-da: (magac, dhedig, keli) oggolaansho; aqbalid. Is waafagid ayaa wanaag lagu gaadhaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waafaqid
m.f.dh eeg waafaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahiilid
m.dh la-mid: diihaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farahalid
m.f.dh eeg farahal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadhgalid
-da: (magac, dhedig, keli) meel hadh leh tegid. Kolka kulayl jiro xooluhu hadhgalidda way yagaanniin. Dh: hadhsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaahbasid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg jaahbas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jawrfalid
m.f.dh eeg jawrfal². la-mid: jowrfalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jawrfalid
-da: (magac, dhedig, keli) amarkutaaglayn iyo dulmi samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalkaalid
(Kalkaalid-da)
Gargaarid; kaalmayn; taageerid; waxtarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalkaalid
m.f.dh eeg kalkaal².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalkaalid
Catalysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalkaalid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn iyo gargaarid. Dh: kaalmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sii sheegid, wax soo fool leh ka sii warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samafalid
(Samafalid-da)
Samafal la imaansho; camal san falid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samafalid
m.f.dh eeg samafal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samafalid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag falid: khayr falid: ixsaan falid: camal san samayn; samafal la imaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dacarfaalid
(Dacarfaalid-da)
Dacarta uurka ku jirta, dawo ku soo saarid; qarasfaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacarfaalid
m.f.dh eeg dacarfaal². la-mid: dacarfaal¹, dacarfal¹, dacarfalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacarfaalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dacarbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanfalid
m.f.dh eeg falaanfal². la-mid: falaanfulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashaalin
m.f.dh eeg baashaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) maaweelin oo wakhtidhaaf u samayn. Dh: maaweelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashaalis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg baashaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balambalid
m.f.dh la-mid: balaambalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balambalid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib badan ku soo gaadhid. Dh: hoogid, hankaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balanbalid
(Balanbalid-da)
Hoogid; bi'id; luufluufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calaacalid
(Calaacalid-da)
Hadal calaacal ah ku hadlid; cataabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaacalid
m.f.dh eeg calaacal³. la-mid: calaacal¹, calaancal¹, calaancalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaacalid
-da: (magac, dhedig, keli) cataabidda iyo cabashada ay dhibaato keento; hadal calaacal ah ku hadlid. Dh: cataabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camalfalad
m.l la-mid: camalfalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalandalid
m.f.dh eeg dalandal². la-mid: dalandal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalandalid
-da: (magac, dhedig, keli) si dabacsan oo xannaanayn leh u wad. Dh: dalaandalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faagfaagid
-da: (magac, dhedig, keli) qodqodid dhulka inba meel tahay; faagid oo mar kale faagid. Dh: godqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faahfaahin
(Faahfaahin-ta)
(hadal) sii caddayn; sii balballaarin; waxkasheegid; faallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faahfaahin
m.f.dh eeg faahfaahi. la-mid: faahfaahis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faahfaahin
m.dh (hadal iyo wixi lamida) sii caddayn; sii balballaarin; waxkasheeg; faallayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faahfaahin
vl. n. explanation, description; act of explaining
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faahfaahin
-ta: (v) 1. explanation (ekis pla naay shin); information (in foor maay shin). 2. particulars (paar tik yalaris) ~ tafaasiil
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Faahfaahin
Dettagli
Details
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faahfaahin
-ta: (magac, dhedig, keli) sharrixid oo si buuxda u qeexid; wax la garanayo sii caddayn oo sii balballaadhin. Faahfaahintaa hadal lagu fahmaa. Dh: balballaadhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faahfaahin
a: faahfaahis (ka) [vn2a-m]
de: explanation, description; act of explaining
lx: faahfaahin
pd: (-ta)
ps: vn2-f
key: faahfaahin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faahfaahis
(Faahfaahis-ka)
Faahfaahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faahfaahis
m.l la-mid: faahfaahin.