kaah-birlabdanabeed
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaah-birlabdanabeed
m.dh (fiisikis) Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaah birlabdanabeed
Electromagnetic radiation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaahin-birlabdanabeed
m.dh (fiisikis) Hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaahinbirlabdanabeed
-ka: (magac, lab, keli) hirar tamareedka ka dhasha saxaro danabaysan iyo badada danab iyo badada birlabta ee la xiriira. Hirarka kaah birlabdanabeedku uma baahdaan dululaati ay ku dhex baahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaqid-birlabdanabeed
m.dh (fiisikis) Xoog danab-wadaha ku abuurma mareeg danab ayna ugu wacantahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddel-ka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay waxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saaqid-birlabdanabeed
m.dh (fiisikis) Xoog danab-wadaha ku abuurma mareeg danab ayna ugu wacantahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddelka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay waxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badad Birlabdanabeed
Electromagnetic field
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaqidbirlabdanabeed
-da: (magac, dhedig kell xoog danabwadaha ku abuurma mareeg dana ayna ugu wacan tahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddelka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay wuxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badan-midab-ileys
m.dh (-syo, m.dh) (fiisikis) Kaah birlabdanabeed leh iskujir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo. Eeg dhafan midabileys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhafan-midab-ileys
m.dh (-syo, m.dh) (fiisikis) Kaah birlabdanabeed leh isku jir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo; badan midab-ileys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
footon
m.l (-nno, m.dh) (fiisikis) Saxar leh cuf neg oo le'eg eber, kana kooban kuwaantam kaah birlabdanabeed. F.ka waxa kale oo lagu tilmaamaa halbeeg tamar oo le'eg hf, taas oo ah ay tahay madoorsoomaha blaank iyo f oo ah rakaadka kaahinta oo lagu cabbiro Heertis. F.nadu waxa ay ku socdaan xawaaraha ileyska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuwaantam
m.l (fiisikis) Qaybta ugu yar ee tamar, lagana heli karo kaah birlabdanabeed leh rakaad go'an. Mar kasta, tamarta kaah birlabdanabeedku waa dhufsanaha kuwaantum.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badan-midab-ileys
m.dh (-syo, m.dh) (fiisikis) Kaah birlabdanabeed leh iskujir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo. Eeg dhafan midab-ileys.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhafan-midabileys
m.dh (-syo, m.dh) (fiisikis) Kaah birlabdanabeed leh isku jir hirbaacyo kala duwan, lagumana soo koobi karo kaahyada la arki karo; badan midab-ileys.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuwaantam
m.l (fiisikis) Qaybta ugu yar ee tamar, lagana heli karo kaah birlabdanabeed leh rakaad go'an. Mar kasta, tamarta kaah birlabdanabeedku waa dhufsanaha kuwaantum.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Electromagnetic radiation
Kaah birlabdanabeed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuwaantam
-ka: (magac, lab, keli) qaddarka ugu yar ee tamarta ah ee gaar isu taagi kara.
kuwaantam-ka: (magac, lab, keli) qaybta ugu yar ee tamar, lagana heli karo kaah birlabdanabeed leh rakaad go'an. Mar kasta, tamarta kaah birlabdanabeedku waa dhufsanaha kuwaantam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeegaan-birlabdanabeed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Tooxda tamar birlabdanabeedka ee si taxan ugu habaysan kororka ama yaraanta hirbaaca ama rakaadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeegaan-birlabdanabeed
m.dh (-dyo, m.dh) (fiisikis) Tooxda tamar birlabdanabeedka ee si taxan ugu habaysan kororka ama yaraanta hirbaaca ama rakaadka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jeegaan birlabdanabeed
Electromagnetic spectrum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeegaanbirlabdanabeed
-da: (magac, dhedig, keli) tooxda tamar birlabdanabeedka ee si taxan ugu habaysan kororka ama yaraanta hirbaaca ama rakaadka.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laambad danabeed
Lamp, Electric
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Danabtir danabeed
Electric Discharge
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gudbitaandanabeed
m.l (fiisikis) Rogaalka caabbitaanka (lammaanaha caabbiga P) ee walax. Waxa lagu cabbiraa saymen (S) halkii oom (S/omega). Gudbin danabeed (mdh.): maritaanka saldanab dhexmaro walax (gudbiye), marka ay badad danab saamayso walaxdaasi.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waarid saldanabeed
Conservation of charge
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Labacidhifle danabeed
Dipole, Electric
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badad birlab dhuleed
Geomagnetic field
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Badada birlabdhuleed
Geomagnetic field
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ka-siq-birlabeed
Diamagnetism
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudbitaan-danabeed