kaaga² (-kaaga)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaga² (-kaaga)
dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tusaale: “Qalinkaaga baa cusub”. la-mid: kaa³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayga² (-kayga)
dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax anigu (qofka koowaad ee kelida ah ee hadlaha ah) aan leeyahay. Tusaale: “Dalkaygu waa hodan”. la-mid: kay³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayaga (-kayaga)
dk.lh.l la-mid: kaayaga².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaaga
kaaga¹: mu.lh.l (kuwaaga, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tusaale: Kaaga ayaa ka fiican.
kaaga²: (-kaaga) dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax adigu (qofka labaad ee kelida ah ee lahadlaha ah) aad leedahay. Tusaale: Qalinkaaga baa cusub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaas² (-kaas)
dk.ti.l Dibkabe tilmaame oo magac lab dib looga qodbo, oo wax ama cid hadlaha ka fog lagu tilmaansado. Tusaale: “Dukaankaas Cali baa leh”. la-mid: kaa4.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaayo² (-kaayo)
dk.lh.l la-mid: kaayaga².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayo² (-kayo)
dk.lh.l la-mid: kaayaga².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keeda² (-keeda)
dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. la-mid: keed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiisa² (-kiisa)
dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tusaale: “Aaway qalankiisa?”. la-mid: kiis³, ki, kįi².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooda² (-kooda)
dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tusaale: “Macallinkooda ayay la tashadeen”. la-mid: kood².
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
taagan (qalalan)
stud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayada (-tayada)
dk.lh.dh la-mid: tayo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taayo (-taayo)
dk.lh.dh la-mid: taayada².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keenna² (-keenna)
dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax innagu (qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayo ay ku jiraan) aynu leennahay. Tusaale: “Aan aadno gurigeenna”. la-mid: keen³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiinna² (-Kiinna)
dk.lh.l Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tusaale: “Dad badan baa dhagaysta warkiinna”. la-mid: kiin².