kaadishirid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadishirid
m.f.dh eeg kaadishir². la-mid: kaadishir¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadishirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof kale, sixrid oo kaadi ku dhejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadishir
kaadishir¹: m.l 1. Fal iyo asmo la akhiriyo si qof kaadidu ugu dhegto. 2. la-mid: kaadishirid.
kaadishir²: f.g1 (-ray, -rtay) Fal iyo asmo cid ku akhriyid si kaadidu u qabato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadishir
v. cause a urinary stoppage through the practice of magic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadishir
(fal) qof kale, sixir oo kaadida ku dheji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadishir
de: cause a urinary stoppage through the practice of magic
lx: kaadishir
nt: kaadishir (ka) [vn-m], kaadishirid (da) [vn-f]
pd: (kaadishiray)
ps: v1=tr
key: kaadishir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadishiil
(Kaadishiil-ka)
Cudur kaadidu aad u kululaato oo wax gubto; (ama kaadishid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadishiil
m.l Cudur keenna kaadida oo qofka gubta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadishiil
m.l Cudur keenna kaadida oo qofka gubta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadishiil
m. n., [compound] disease which causes the urine to become hot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadishiil
-ka: (magac, lab, keli) cudur kaadidu aad u kululaato oo ay qofka gubto. Dh: kaadigub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadishiil
de: disease which causes the urine to become hot
lx: kaadishiil
pd: (-ka)
ps: n-m-cmp
key: kaadishiil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadisii
(fal) cid kale, gee musqul ama meel kale oo lagu kaadsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadshid
(Kaadshid-da)
Kaadi ka imaansho, iska keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadshid
m.f.dh eeg kaadish.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadshid
vl. n. urination, flow of urine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaadshid
-da: (n) urination (yuri-neeyshen) ~ kaadiyid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadshid
-da: (magac, dhedig, keli) kaadi ka imaansho; kaadi iska keenid. Dh: kaajid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadshid
de: urination, flow of urine
lx: kaadshid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: kaadshid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadshii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof kaadi geyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadshii
v. make someone urinate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaadshii
-yey/say: (v) take someone [example a child] to washroom, -isku kaadi yey say: (v) wet oneself; wet the bed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadshii
(fal) kaadi ka keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadshii
de: make s.o. urinate
lx: kaadshii
pd: (kaadshiiyey)
ps: v2a=tr
key: kaadshii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baashirid
m.f.dh eeg baashir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg baashiraad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, oo xannaano u baahan meel lagu kaadsho geyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadshiin
m.f.dh eeg kaadshii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadshiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cunug yar meel uu ku kaadsho ku fariisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaadidhiig
(Kaadidhiig-ga)
Cudur kaadidu dhiig noqoto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadidhiig
kaadidhiig¹: m.l Cudur dadka ku dhaca oo laga qaado biyaha wasakhda ah ee fadhiya, kaadidana dhiig ka dhiga.
kaadidhiig²: m.l (daawo) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deris-ku-noolka “bilharzia”. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaadidhiig
kaadidhiig¹: m.l Cudur dadka ku dhaca oo laga qaado biyaha wasakhda ah ee fadhiya, kaadidana dhiig ka dhiga.
kaadidhiig²: m.l (daaw.) Cudur dalalka cimilada kulul laga helo oo uu keeno deriskunoolka 'bilharzia'. Ukumaha deris ku noolka oo soo raaca saxarada ama kaadida qofka qaba cudurka, waxay ku koraan bocoolaha ku jira biyaha macaan kuwaaso u sii daaya biyaha deris-ku-nool yaryar ah oo ka galaya jirka qofka ku mayranaya biyahaas. Astaamaha: kaadida oo dhiig soo raaca.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadidhiig
m. n., [collective] hematuria, bloody urine; bilharzia
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaadidhiig
-a: (n) hematuria (hima-tuuriya)~ kaadi dhiig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadidhiig
-ga: (magac, lab, keli) cudur kaadida beddela oo dhiig la kaajo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadidhiig
de: hematuria, bloody urine; bilharzia
lx: kaadidhiig
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: kaadidhiig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taadhisaarid
m.f.dh eeg taadhisaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taadhisaarid
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg taadhisaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daahirid
(Daahirid-da)
Soo bixid; muuqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daahirid
m.f.dh eeg daahir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daahirid
-da: (magac, dhedig, keli) (soo ~) soo muuqasho oo soo bixid. Soo daahiridda waxyaa- baha cusubi waxay innooga baahan yihiin talo iyo tusaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaasirid
m.f.dh eeg gaasir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaatayn ama si waxtarla'aan ah ula dhaqmid. Dh: gabid.
gaasirid -da: (magac, dhedig, keli) yarayn wax laga dhimo; shay intiisii wax laga gaabiyo.
gaasirid -da: (magac, dhedig, keli) yaraysi ama quudhsi lagula kaco cid kale. Dh: xaqiraad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadiyid
m.f.dh eeg kaadi³. la-mid: kaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kaadi iska keenid. Dh: kaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kadhimid
vl. n. discount
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kadhimid
de: discount
lx: kadhimid
pd: (-da)
ps: vn-f
see: dhin
key: kadhimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kashifid
(Kashifid-da)
1. Muujin; qaawin; feydid.
2. Ceebayn; fadeexayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashifid
m.f.dh eeg kashif². la-mid: kashif¹ (3), kashifaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashifid
-da: (magac, dhedig, keli) ceebaal qarsoonaa soo shaacin. Dh: fadeexayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasirid
(Khasirid-da)
1. Lacag bixin; lumin.
2. Ganaax lacageed saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasirid
m.f.dh eeg khasir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nashirid
(Nashirid-da)
1. (maro, kd.) furfurid; kala bixin; babbin.
2. (war) dad badan gaarsiin; shaac ka dhigid; faafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashirid
m.f.dh eeg nashir². la-mid: nashir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nashirid
-da: (magac, dhedig, keli) faafin oo qalabka warbaahinta ka sii dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Washirid
(Washirid-da)
Wesherid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
washirid
m.f.dh eeg washir². la-mid: washir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
washirid
-da: (magac, dhedig, keli) weshirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaadirid
m.f.dh eeg xaadir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaadirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaadir ahaan; u joogid. Dh: xaadiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaahiirid
m.f.dh eeg gaahiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadidibi
-ga: (magac, lab, keli) raadka ay kaadida dibigu samayso kolka uu socod ku kaajo.
kaadidibi-ga: (magac, lab, keli) xaradh iyo midabayn qurux badan oo habluhu harrarrada iyo dermooyinka ku sameeyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karshimid
(Karshimid-da)
Karshin gaarid; bisayldhaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karshimid
m.f.dh eeg karshin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karshimid
-da: (magac, dhedig, keli) bisayl dhaafid. Dh: muudhmuudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawdiidid
m.dh la-mid: kuududid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawdiidid
-da: (magac, dhedig, keli) si kuudad ah u fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khamiirid
(Khamiirid-da)
Khamiir noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khamiirid
khamiirid¹: m.f.dh eeg khamiir².
khamiirid²: m.dh (baayoloji) Isbeddel kiimikaad oo ay walxaha orgaanikada ku dhaliyaan waxyaabo nool (sida: yiist, baktiiriya, iyo wixi lamida). Falkaasna waxa keena insaymo. Waa dariiqada lagu diyaariyo alkoollada (sida: itanool). Marka insaymka loo yaqaan siyaameys uu la falgalo sonkoraha (sakaraydhada) ku jira istaarijka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khamiirid
m.dh (baay.) Isbeddel kiimikaad oo ay walxaha orgaanikada ku dhaliyaan waxyaabo nool (sida: yiist, baktiiriya, iyo wixi lamida). Falkaasna waxa keena insaymo. Waa dariiqada lagu diyaariyo alkoollada (sida: itanool). Marka insaymka loo yaqaan siyaameys uu la falgalo sonkoraha (sakaraydhada) ku jira istaarijka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khamiirid
-da: (magac, dhedig, keli) khamiir noqosho; qamiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuldiirid
m.f.dh eeg kuldiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqishid
m.f.dh eeg naaqish.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqishid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo falanqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qandiirid
m.f.dh eeg qandiir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahitirid
m.f.dh eeg baahitir². la-mid: baahitir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahitirid
-da: (magac, dhedig, keli) shey, qof ama koox wax tebaysa oo laga bi'iyo tabashada iyo baahida wax u haysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baadisoocid
m.f.dh eeg baadisooc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadisoocid
-da: (magac, dhedig, keli) calaamad iyo summad uu leeyahay ku garasho oo ku soo soocid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaadi dhiig
-ga: (n) hematuria (hima tuuriya) kaadicaso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daacwashiirid
m.f.dh eeg daacwashiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarshirix
-a: (magac, lab, keli) midab ka kooban baro ama dhibco isku wada darsan. Shaadhkaa baraarshirixa leh iga gad. Dh: birdhicyo, birdhi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashiishirad
m.l la-mid: bashiishirasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cabdirashiid
name: Abdi Rasheed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Cabdirashiid
bw: Arabic
de: Abdi Rasheed
lx: Cabdirashiid
ps: name-m
key: Cabdirashiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dacwashiirid
m.dh la-mid: daacaqurmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadisokorow
m.l la-mid: kaadimacaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaadisokorow
m. n., [compound] diabetes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaadisokorow
-ga: (n) diabetes (dhaaya biitas) kaadi macaan, kaadi sonkorow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadisokorow
-ga: (magac, lab, keli) eeg kaadimacaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaadisokorow
bw: kaadimmacaan
de: diabetes
lx: kaadisokorow
pd: (-ga)
ps: n0-m-cmp
syn: oomiye, sonkorow
key: kaadisokorow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaadaadhigid
(Qaadaadhigid-da)
(arrin) Dhinac walba ka eegid, aad u baarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaadaadhigid
m.f.dh eeg qaadaadhig². la-mid: qaadaadhig¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaadaadhigid
-da: (magac, dhedig, keli) gorfayn iyo ka faallood arrin dhinac walba laga eego. Dh: falanqayn, gorfayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayirid
m.f.dh eeg baayir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayirid
-da: (magac, dhedig, keli) naaxitaan iyo cayilid. Dh: baayiris, baayiritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bishilid
m.dh la-mid: bishkilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bishilid
-da: (magac, dhedig, keli) jikir ku adkayn oo dhan walba ka shilid. Dh: jikirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajisid
(Caajisid-da)
Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabar yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisid
m.f.dh eeg caajis². la-mid: cajisid.