ka_badan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_badan
de: more than
lx: ka badan
pd: (badnaa)
ps: adj-phrase
xe: She had more money than him.
xv: Iyadu way ka lacag badnayd isaga.
key: ka_badan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka badan
[adjective] phr. more than
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyaddiid
(Biyaddiid-ka)
Xoolaha (neef ama ka badan) oo sababo gaar ah dartood diida inay biyaha cabbaan; balaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bub
(Bub-ta)
Cayaar labo qof ama ka badan lagu cayaaro oo shaxda u eg; yib; shantarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxdhaaf
(Buuxdhaaf-ka)
(weel, kd.) wax muggi ka badan lagu shubay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuxdhaafin
(Buuxdhaafin-ta)
(weel, kd.) heerka muggiisa wax ka badan, ku shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Candho
(Candha-da)
(geel; lo' kd.) xubin ballaaran oo laallaadda oo qurxub weyn iyo labo iyo ka badan oo naas, ka kooban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabannaanayn
(Dhabannaanayn-ta)
Dhabannaano kol ama ka badan ku dhufasho; dharbaaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafan
Labo wax ama ka badan oo isku dhex darsan; dheehan; tarraxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafid
(Dhafid-da)
Labo wax ama ka badan oo kala jaad ah isku dhexdarid oo mid ka dhigid; isku darid; isku dheehid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhafrid
(Dhafrid-da)
Inta la soojeedo in ka badan soo jeedid; seexasho la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawr
1. (Dhawr-ka) Tiro kow ka badan sagaalna aan dhaafin.
2. (Dhawr-ta) Wixii waxyeello leh oo dhan; cabsi; dugaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dillaacin
(Dillaacin-ta)
Cad is haysta (maro, xaashi, kd.) labo meelood ama ka badan u kala jeexid; dhanbalid; qarrarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirdirid
(Dirdirid-da)
In kol ka badan meel u dirid ama wax u dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelgelid
(Gelgelid-da)
In mar ka badan gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gelgelin
(Gelgelin-ta)
1. In mar ka badan gelin.
2. Kob yar oo wareegsan oo bannaan, oo ku galgalashada xoolaha ka waxaysanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Go'
(Go'-a)
1. Wax labo cad ama ka badan u kala go'ay midkood; cad: jeex; gabal; qaar.
2. Maro labo qeyd ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Godadle
(Godadla-ha)
Nin labo naagood ama ka badan isku kol qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iyaga
(kelidu waa isaga iyo iyada)
Dad ama nafley kale ama waxyaalo mid ka badan oo hor loo sheegay ama loo ogaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarid
(Jarid-da)
Wax is haysta, labo cad ama ka badan u kala goyn; googgoyn; jarjarid; kidfid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaammilo
(Macaammila-da)
1. Xiriir wax wada qabsi ah oo labo qof ama ka badan ka dhexeeya.
2. Dhaqan, falfal; (ama macaammil).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rable
(Rabla-ha)
Labada lugood oo isku duuban oo kol ama ka badan la boodo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_baxsan
de: exclusive, apart, away from, outside of
lx: ka baxsan
pd: (baxsanaa)
ps: adj-expr
key: ka_baxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel godan, kaabad u samayn; buundo u samayn oo dhisid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wax_badan
de: quite a while
initial: w
lx: wax badan
ps: np-time
syn: in badan
key: wax_badan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abadan
m.l.fk Eray lagu muujiyo diidmo adag. la-mid: abad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abadan
m.l.fk Erey lagu muujiyo diidmo adag. Tusaale: Abadan, yeeli maayo warkaas. la-mid: abad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abadan
: not at all, by no means
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abadan
(adv) never (ne ver); not ever; on no occasion; at no time
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abadan
(falkaabe) erey lagu cabbiro diidmada qayaxan iyo dafiraadda. Dh: abid, abad, abadan, abiido.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abadan
bw: Arabic
de: not at all, by no means
lx: abadan
pd: (-ka)
ps: neg-expr
key: abadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbadan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax afaysan ahaansho (qalab wax lagu gooyo).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afbadan
(adj) very sharp
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afbadan
(tilmaame) mindi iyo wax la mid ah oo soofaysan. Middi afbadan innoo keena.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabadan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaxanta dayrta ee aadka u qabaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
af_badan
de: sharp
lx: af badan
pd: (afbadan)
ps: adj-expr
syn: afleh
key: af_badan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dadbadan
adj., [expression] populous, crowded
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dadbadan
de: populous, crowded
lx: dadbadan
pd: (dadbadnaa)
ps: adj-expr
key: dadbadan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
in_badan
de: quite a while
lx: in badan
ps: np-time
xe: Have you been waiting [lit: sitting] for a long time?
xv: wax badan
key: in_badan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_daran
de: worse than
lx: ka daran
ps: adj-expr
key: ka_daran
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_madax
de: be stubborn ~ hard-headed about s.t.
lx: ka madax
pd: (madax-adaygay)
ps: v1=expr
key: ka_madax
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_maran
de: lacking, free from
lx: ka maran
ps: adj-expr
key: ka_maran
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
si_badan
de: abundantly
initial: s
lx: si badan
pd: (badnaa)
ps: adv-expr
key: si_badan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fara_badan
cf: farabbadan
de: many, numerous; outnumbered Lit: many fingers
lx: fara badan
ps: idiom
key: fara_badan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
inta_badan
de: usually, mostly; often
lx: inta badan
ps: adv-time
key: inta_badan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_badbadi
de: exaggerate, blow out of proportion, make a big deal of
lx: ka badbadi
pd: (badbadiyey)
ps: v2a=expr
key: ka_badbadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darbadayn
m.f.dh eeg darbadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyaha lagu dabbaalanayo inta hoos loo galo, labada lugood la soo kor mariyo oo lagu dhufdhufto biyaha. Dh: shaambadayn.
darbadayn-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka badin.
darbadayn-ta: (magac, dhedig, keli) kubbad si fiican u laagid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farabadan
-aa: (adj) too much, very much, many ~ tirabadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabadan
(tilmaame) aad u badan, u tirabadan.
farabadan -ta: (magac, dhedig, keli) dheertaxaniinyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farobadan
-aa: (adj) many (meni) ~ farabadan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka baxsan
adj., [expression] exclusive, apart, away from, outside of
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_bedqab
de: be free of, exempt from ~ immune to s.t.; be healthy
lx: ka bedqab
pd: (bedqabay)
ps: v1=expr
key: ka_bedqab
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_maaran
de: do ~ manage without s.t.
lx: ka maaran
pd: (maarmay)
ps: v1=expr
key: ka_maaran
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_qaddac
de: deprive s.o. of s.t., cut off supplies to
lx: ka qaddac
pd: (qaddacay)
ps: v1=expr
key: ka_qaddac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_aaddan
de: falling at a certain time, due on, effective on
lx: ku aaddan
ps: adj-expr
key: ku_aaddan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_qaldan
de: mix up, confuse s.t. with s.t. else
lx: ku qaldan
pd: (qaldamay)
ps: v1=expr
key: ku_qaldan
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Mar badan
souvent (de nombreuses fois).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabbad ku dhisid, ka dhigid; sabbadays; shubid; sagbadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wax badan
n. phr., time: quite a while
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Wax badan
souvent.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xabbadayn
(Xabbadayn-ta)
Xabbado la dhicid, ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabbadayn
m.f.dh eeg xabbadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xabbadayn
vl. n. shooting, fusillade, strafing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xabbado la dhicid; rasaas ku ridid. Dh: rasaasayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xabbadayn
de: shooting, fusillade, strafing
initial: x
lx: xabbadayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: xabbadayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanbadane
-ha: (magac, lab, keli) qof dadka aad u xanta. Dh: xandaaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqli_badan
de: smart, very intelligent
lx: caqli badan
ps: adj-expr
key: caqli_badan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_dabadhac
de: follow s.o.; keep going after s.o.
lx: ka dabadhac
pd: (dabadhacay)
ps: v1=expr
key: ka_dabadhac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_dawdaran
de: wrong, in the wrong
lx: ka dawdaran
pd: (dawdarnaa)
ps: adj-expr
key: ka_dawdaran
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kala_baxsan
de: separate, separated
lx: kala baxsan
ps: adj-expr
key: kala_baxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalabadhtan
-ka: (magac, lab, keli) labo meelood meesha u dhexaysa. Dh: kalabar, bartan, bartame, dhex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karkabadayn
(Karkabadayn-ta)
Karkabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karkabadayn
m.f.dh la-mid: karkabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karkabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) deddejin ama qarbaqarbayn. Dh: karkabayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
marar_badan
de: often, usually, frequently
lx: marar badan
ps: adv-time
key: marar_badan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aadan
Correspond
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Aadan
name: Adam
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aadan
vl. pron., neg. you ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aadan
(suffix): (v) if you not.... Ex. haddi aadan tagin...; if you don't
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aadan
aadamaha aabbihii ugu horreeyey ee laga soo tafiirmay. Dh: Nebi Aadan, Aadam.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Aadan
de: Adam
hm: 2
lx: Aadan
ps: name-m
key: Aadan_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badan
Aan yarayn; ciiddaas ah; baddaas ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badan
badan¹: m.l B.keenna, b.kiina iyo wixi lamida: inteenna badan, intiinna badan iyo wixi lamida.
badan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax aan tiradoodu yarayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badan
badan¹: m.l Badankeenna, badankiina iyo wixi lamida: inteenna badan, intiinna badan iyo wixi lamida.
badan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax aan tiradoodu yarayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badan
num., [adjective] many, much, a lot (of), numerous
badan [adverbial] [expression] very, quite
badan m. n. most, the majority (of)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badan
(adj) many (meni); numerous, much, a lot, copious wax badan, tirabadan
-ka badan: more (moor)
-ugu badan: most (mowst)
-si badan: (adv) abundantly (a-ban dhentli)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
BADAN
Molto
Too much
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badan
(tilmaame) wax tiro iyo cadad badan leh. Wuxuu aabbahay dhaqay xoolo badan. Li: yar.
badan -ka: (magac, lab, keli) jidhka aadamaha. Caashagan biyiyo oon, badankeyga kaba jaray adigaygu beeree! Dh: beden.
badan -ka: (magac, lab, keli) doon yar oo lagu kalluumaysto.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
badan
كثير
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabad
-da: (magac, dhedig, keli) raro qurux badan oo laga sameeyo maydhax ka kooban badhooq, duf iyo xadhko midabbo kala duwan leh oo aqal soomaaliga lagaga dhiso dhanka dahada awrtana rarka looga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaban
Inta jabay, kabay la saaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaban
kaban¹: m.l (-nno, m.dh) (muus.) Alaabaha muusikada nooc ka mid ah. la-mid: kaman.
kaban²: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax la kabey noqosho.
kaban³: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la kabay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaban
kaban¹: m.l (-nno, m.dh) (muus.) Alaabaha muusikada nooc ka mid ah. la-mid: kaman.
kaban²: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax la kabey noqosho. m.f.dh, kabmid.
kaban³: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la kabay ahaansho. m.f.dh, kabnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaban
m. n. guitar, native string instrument, mandolin
kaban [derived] [adjective] supported with a splint, mended
kaban [inchoative] v. heal (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaban
-ka: (n) guitar (gitaar) ~ kaman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaban
(tilmaame) laf iyo wax la mid ah oo jabtay, dabadeedna la kabay.
kaban -ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah aaladaha muusikada. Dh: cuud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadan
(tilmaame) wax aan xafidnayn, wax ilaashanayn. Guri kadan baad gashaa tuugna wuu jiraa. Dh: dayacan, baylahsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaan
(Abbaan-ka)
Dad u taliya; madax; magangeliye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaan
m.l (-nno, m.dh) 1. Qof cid magan geliyey. 2. Qof, cid magan u ah.