ka-goys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ka-goys
m.l Ka-g. ah: weyl, nirig iyo wixi lamida oo naaska hooyadood ka go'ay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaabis
(fal) «soo ~» war ama cashir soo ururi, soo yaree oo inta nuxurka ah ama dulucda iyo ujeeddada ah ka soo qaad. Dh: koob.
gaabis -ka: (magac, lab, keli) hawl qabashadeeda ka gaabin.
gaabis -ka: (magac, lab, keli) orad ama socod gaabin.
gaabis-ka: (magac, lab, keli) wax dheer in ka jaris, badh ka goys.
gaabis-ka: (magac, lab, keli) wax sare u joogay oo taagnaa, hoos u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afgoys
m.l/dh (-syo, m.l) A. ah: ceel muddo dhow la qoday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargoys
m.l la-mid: sargoyn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KABA-GOOYS
(Kabago) N Kalanchoe marmorata Bak. Crassulaceae.
N Phyllanthus hildebrandatii Pax. Euphorbiaceae.
N Fagonia socotrana (Balf.F.) Schweinf. Zygophyllaceae.
N Zygophyllum simplex L. Zygophyllaceae.
N Boerhavia difusa L. Nyctaginaceae.
N Euphorbia granulata Forsk. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalaggoys
(Kalaggoys-ka)
Labo xubnood oo lafo leh, meesha ay iska haystaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaggoys
m.l (-syo, m.dh) 1. Labo xubnood oo lafo leh meesha ay iska haystaan; laabato. 2. Laba waddo meel ay iska gooyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalaggoys
m. n. intersection; joint (of the body)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalaggoys
-ka:(n)l. [Anatomy] joint between two or more bones; joint (joonyt). 2. intersection (intara-sakshen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaggoys
-ka: (magac, lab, keli) labo xubnood oo lafo leh meesha ay iskugu yimaaddaan ama iska haystaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalaggoys
de: intersection; joint (of the body)
lx: kalaggoys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kalaggoys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faragoys
-ta: (magac, dhedig, keli) jaad ka mid ah shinbiraha ugaadhsada. Dh: dafo, yili.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaqoys
m.l Geed nagaar dhulka ku fida, leh caleemo yaryar oo biyo ka buuxaan oo markii lagu istaago kabaha qooya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaqoys
-ka: (magac, lab, keli) geed yar oo u eg baskallaxda oo markii lagu istaago kabaha qooya.
kabaqoys -ta: (magac, dhedig, keli) dhibcaha yaryar ee biyaha ah ee subaxa hore doogga saarsaaran ee dheelku keeno habeenkii. Dh: dharab, yaxni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalagoyn
vl. n. cutting apart; subtraction {mathematics}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalagoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaab wax loo xisaabiyo oo lidka ku ah iskugeynta
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalagoyn
cf: isdhimid
de: cutting apart; subtraction {mathematics}
lx: kalagoyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kalagoyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalagoys
-ka: (magac, lab, keli) qof waadaalnimada dhaafa oo la qabsada bii'ada cusub. Durba Samaale qalagoys ayuu noqday. Dh: beledi.
qalagoys -ta: (magac, dhedig, keli) eeg qalagoyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goys
m.l la-mid: goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goys
-ka: (magac, lab, keli) ilkaha wax lagu calaliyo ee balballaadhan mid ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kays
m.l (naxwe) Isbeddel sarfeed oo ku dhaca qaabka ereyada qaarkood (siiba magacyada), oo muujinaya xiriirka naxweed ee qaabkaasi uu la leeyahay weerta inteeda kale; waa seddaxda habdhis kaysyada Soomaaliyeed waxaana ka mid ah: kays yeelaale oo ah marka magaca yeele uu dhammaadkiisa ka muuqdo -u ama -i. Labada kale waa: kays yeermo iyo kays lahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kays
m.l (naxwe) Isbeddel sarfeed oo ku dhaca qaabka ereyada qaarkood (siiba magacyada), oo muujinaya xiriirka naxweed ee qaabkaasi uu la leeyahay weerta inteeda kale; waa seddaxda habdhis kaysyada Soomaaliyeed waxaana ka mid ah: kays yeelaale oo ah marka magaca yeele uu dhammaadkiisa ka muuqdo -u ama -i. Labada kale waa: kays yeermo iyo kays lahaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kagoo
-kagooda: (n) [Mathematics] minus (maaynas); minus sign
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afqoys
m.dh la-mid: afqays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afqoys
m. n. name of a star
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afqoys
a: afqays
de: name of a star
lx: afqoys
pd: (-ka)
ps: n-m
key: afqoys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isgoys
(Isgoys-ka)
Kobta labo waddo oo is goynayaa iska taabtaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isgoys
Junction
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Isgoys
Intersect
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isgoys
m. n. intersection, cross-street; fork in a road
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isgoys
-ka: (n) intersection (inter-sakshen), crossing (karoosing) ~ isgooys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isgoys
-ka: (magac, lab, keli) barta ay isku gooyaan laba xarriiq.
isgoys -ka: (magac, lab, keli) meelaha ay labo waddo iyo in ka badan ku kulmaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isgoys
de: intersection, cross-street; fork in a road
lx: isgoys
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: isgoys
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jangoy
(fal) qorshee oo isku dheellitir.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka goo
-yey / gooysay: (v) subtract (sab-taraakt) ~ ka jar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagays
-ta: (magac, dhedig, keli) xag qudha neef irmaan ka maalid. Hadduu sucu naasaha dhinac la'yahay xagays ayaa lagu maalaa.
xagays-ta: (magac, dhedig, keli) dhan qudha qof kula legdamid ama labada gacmood midba nin kula qabasho. Ninkaan xagays ku ledgay miyuu iska kay celin karaa. Dh: xagayn, xagagelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadgoyn
m.f.dh eeg cadgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) jug ama nabar gaarsiin; hilibgoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangeys
m.l la-mid: dangeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargoyn
m.f.dh eeg gargoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) garnaqid oo dad kala dhexdhexaadin. Dh: xeerin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidgoys
-ka: (magac, lab, keli) qofka jidgooyada sameeya ee budcadda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kadlays
m.l la-mid: kadlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karrays
(Karrays-ta)
Lafaha labada ah, oo mid waliba dhinac madax kaga hayso lafsakaarta, dhinacna meesha lafta garabka iyo cududda madaxeeda kore ku kulmaan, middood; kalxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karrays
m.dh (-so, m.l) Luqunta iyo feeraha lafta u dhexeysa, garbahana kala reebta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karrays
m.dh (-so, m.l) Luqunta iyo feeraha lafta u dhexeysa, garbahana kala reebta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karrays
f. n. collarbone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
karrays
-ta: (n) clavicle (kalaa-vikal); collarbone (kalarbon) ~ kalxan -ta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karrays
-ka: (magac, lab, keli) lafaha labada ah, oo mid waliba dhinac madax kaga hayso lafsakaarka. Dh: kalxan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karrays
de: collarbone
lx: karrays
pd: (-ta)
ps: n2a-f
syn: kalxan
key: karrays
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kurgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax kale surka ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luggoys
-ka: (magac, lab, keli) eeg luggoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maggows
-ka: (magac, lab, keli) eeg magaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naagays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg naagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasgoyn
m.f.dh eeg qasgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qasgo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurgoys
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qudhgoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargoyn
m.f.dh eeg sargoo. la-mid: sargoys.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sargoyn
Calibration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sargoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) «kuku jaangoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wargeys
(Wargeys-ka)
1. Xaashi ama xaashiyo war ku yaal oo waqti go'an soo baxa (maalin, toddobaad, bil, ...) oo inta la daabaco la faafiyo.
2. Wargeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargeys
m.l 1. (-syo, m.dh) Xaashi ama xaashiyo war ku yaal oo wakhti go'an soo baxa sida maalin, toddobaad, bil iyo wixi lamida oo inta la daabaco la faafiyo; joornaal. 2. la-mid: wargeyn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wargeys
m.l (-syo, m.dh) Xaashi ama xaashiyo war ku yaal oo wakhti go'an soo baxa sida maalin, toddobaad, bil iyo wixi lamida oo inta la daabaco la faafiyo; joornaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wargeys
m. n., [compound] newspaper, magazine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wargeys
-ka: (n) newspaper (nuuz-peper)- newsprint (nuuzpiriinty, journal (joornal)-, magazine (maagaziin) ~ jariidad, joornaal, jaraa'id, majallad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wargeys
Giornale
Newspapar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargeys
-ka: (magac, lab, keli) waraaqo ama bogag badan oo xaashiyo ah oo lagu qoro warar iyo dadku xiiseeyaan oo leh maamul iyo wakhti go'an oo uu soo boxo. Maalin walba waxa soo baxa toban wargeys. Dh: saxiifad, joornaal.
wargeys-ta: (magac, dhedig, keli) eeg wargeyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wargeys
de: newspaper, magazine
initial: w
lx: wargeys
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
syn: jariidad
key: wargeys
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
wargeys
صحيفة، جَرِيدَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabargoys
(Dabargoys-ka)
(xoolo) raadka ku hara oo ka muuqda meeshii dhudhummada dabarka lagu xiri jirey; haar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabargoys
m.l 1. (-syo, m.dh) Haarta dabarku ku reebo addimada awrka. 2. (-syo, m.dh) D. ah: awr dabarka lagu xiro had iyo jeer jara. 3. la-mid: dabargoyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabargoys
-ka: (magac, lab, keli) cidhibtirid oo halaagid. Israa'iil waxa ay Falastiin ka waddaa waa dabargoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaggoys
(Dagaggoys-ka)
Dago loo bixin karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaggoys
-ka: (magac, lab, keli) neef sakada lagaga bixiyo xoolaha intooda kale ahna mid shuruuduhii dagaggoysku u dhan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggoys
m.dh (-syo, m.l) Nooc shimbiraha hilibcunka ka mid ah; dafo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kala goyn
Subtraction
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaggoyn
m.dh (xisaab) Asto (-). Xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya laba tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalaggoyn
m.dh (xisaab) Asto (-). Xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya laba tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalaggoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) xisaabfalka labaale ee lagu helo faraqa u dhexeeya labo tiro ama xaddi. Kalaggoyntu waa waydaarka isugeynta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kayngooyn
vl. n., [compound] deforestation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kayngooyn
de: deforestation Alt sp: kayngoyn
lx: kayngooyn
pd: (-ta)
ps: vn-f-cmp
key: kayngooyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariggoys
m.l (-syo, m.dh) Dowligoys; sirsir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yacaygoys
-ta: (magac, dhedig, keli) masaar saawir ah oo afdaran. Yacaygoysi jutin kuuma jarto. Dh: saawir.