ereyga

ka ugu

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Ka ugu

DHAN

le plus (superlatif).

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

Shaydaan

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) makhluuq Ilaahay abuuray ka ugu sharka badan, ugu dhega adag, ugu gaalsan, cadawga ugu weyn ee qof leeyahay, aan waligi khayr ka talin, duufsada dadka, wanaagga kala dagaallama, xumaanta ku qalqaaliya, aan wad lahayn, aanay ishu arkaynin, diiday inuu Nebi Aadan u sujuudo, kibir badan, Aaden iyo Xaawo jannada kasoo saaray, Raxmaanka caasiyey, ku waari doona cadaabta. Shaydaan sharkii Allaw naga bedbaadi. Dh: Iblays, indhaxammil, cirfiid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

ahaysii

DHAABAN
1

(fal) 'awood Rabbi u gaar ah' abuur wax aan hore u jirin; uun wax cusub. Allahayow ahaysii, dalkayaga aroor qudha, kii ugu awood badan. Dh: abuur, alkun, uun.

2

ahaysii: (fal) gaadhsii darajo ama martabo aanu hore u ahayn. Ardaygaaga ahaysii ka ugu aqoon badan adduunyada.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

alcood

DHAABAN

-ka: (magac, lab, keli) shiraaca doonyaha jaadadkiisa ka ugu ballaadhan ee ugu weyn. Alcood bay doontu u baahan tahay. Dh: shiraac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

buluuto

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah meerayaasha qorraxda oo ah ka ugu fog. Dh: baluuto.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dabbaabad

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) gaadiidka gashaaman ka ugu tayada badan leh oo dhan walba ka xidhan, saaran yahayna qori weyn oo wax burburiya. Dh: dibaabad, kaare, dabaabad, taangi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

dheemman

DHAABAN

-ta: (magac, dhedig, keli) macdanwirriq qiimo badan oo ah macdanta ka ugu cad ugu na adag.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

doongadee

DHAABAN

(fal) mari sibidh si fiican isugu sima oo ah ka ugu danbeeya ee fargaasku maro. Dh: giingadee.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

doonni

DHAABAN

-da: (magac, dhedig, keli) gadiidka badda ka ugu da'da weyn maraakiibtana ka waabsan oo badaha iyo webiyada ka goosha, bucshuradaha iyo dadkana qaada.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gosol

DHAABAN
1

-ka: (magac, lab, keli) midabka lo'du yeelato ka ugu guduudan oo dhiinqaraar ah.

2

gosol -ka: (magac, lab, keli) maroodiga habaroobay ee gaboobay.

3

gosol-sha: (magac, dhedig, keli) wiyisha teeda dhedig.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gungume

DHAABAN

-ha: (magac, lab, keli) halaq aad u waynaada oo ah ka ugu xoogga badan bahalaha hoose.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qulaan

DHAABAN
1

-ka: (magac, lab, keli) weel naas ama ib leh oo dadka buka ee aan waxba cabbi karin wax lagu siiyo. Qulaanka wax ku siiya jal ma qaadan karee.

2

qulaan-ka: (magac, lab, keli) xubinta taranka ee dibida; cisalka dibida.

3

qulaan -ka: (magac, lab, keli) turubka warqadaha ranka ah ka ugu hooseeya ee u dhexeeya raanida iyo tobanlaha. Qulaan ayuu dhigay. qulaanquli: (fal) eeg qulaami.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

saacad

DHAABAN
1

-da: (magac, dhedig, keli) qalab kasta co wakhtiga lagu cabbiro oo saacadaha sheega, siiba kan leh weji wareegsan oo lanbarro tilmaama saacadda, minitku iyo ilbidhiqsiga ay ku yaalliin ka muuqdaan; qalab wareegsan oo leh qory yaryar oo irbado mooddid oo mid ilbidhigsiga tilaamo oo ka ugu socodka badan uguna dheer midna miridhidhka oo kann hore ka gaaban midna saacadda tilmaamo oo ah kann ugu gaaban uguna socodka yar ugu gaaban. Siciidow saacaddu meeqa saac bay sheegaysaa. Dh: goorsheeg.

2

saacad -da: (magac, dhedig, keli) waqti le'eg maalin iyo habeenkeed oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyay; waqti dhan lixdan daqiiqo. Nimaanad saacad ku baran sannad kuma baratid. Wa: saacado.

3

saacad -da: (magac, dhedig, keli) dharaarta adduunyadu rogman doonto. Saacaddu markay dhacdo cidna salaad, soon iyo wixii la mid ah laga aqbali maayo. Dh: qiyaame, joogdheer, rogmad.

4

saacad -da: (magac, dhedig, keli) qalabka korontada lagaga shaqeeyo mid ka mid ah oo xiiska, xiisadda, caabbiska, iyo wixii la mid ah, lagu cabbiro. Saacadda korontadu lacag badan bay bishan soo qortay tii biyahana weli maba eegine.

5

saacad -da: (magac, dhedig, keli) midab gaar ah oo cunnada iyo daaqu yeeshaan. Dh: uraad, urshi, saac.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taangi

DHAABAN
1

-ga: (magac, lab, keli) gaadiid silsilad leh oo ciidamadu ku dagaalgalaan, ahna ka ugu xoogga badan ee dhulka lagaga dagaallamo. Dh: kaare, dabaabad.

2

taangi -ga: (magac, lab, keli) gaadiidka qaybtiisa shidaalka ama biyaha lagu shubo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

xulad

DHAABAN
1

(fal) qori weyn oo taagan salka ka shid oo rid. Geed engegan innoo xulad aan shidannee.

2

xulad-ka: (magac, lab, keli) qoryaha golaha lagu shito ka ugu weyn oo gunta geedaha ah oon horay bakhtiyin. Kol hadduu xuladkii bakhtiyay dhamac ha doondoonin. Dh: dogob. Li: xaabo. Wa: xuladdo.

3

xulad-ka: (magac, lab, keli) inta u fiican xulasho. Dh: naqaysad.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]

aîné

DHAABAN
1

aîné, adj. - Ka roon, ka wayn; Curad.

2

aîné, n.m.et f - Curadka reerka, ka ugu weyn ama ugu hor dhashay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kugu

DHAFANDHAAF

Ku... adiga (Yaa usha kugu dhuftay? Biyaha galaas ma kugu siiyaa? Shalay magaalada dhexdeedaan kugu arkay.).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kugu

DHAFANDHAAF

pron. and preposition: with you; you [obj.] ... at / in / using (X)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

kugu

DHAFANDHAAF

[pronoun you with preposition] you ...to or you... with. Ex: maxuu kugu yiri? what did he tell you?

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

kugu

DHAFANDHAAF
1

de: with you; you [obj] ... at / in / using (X) = ku + ku

2

lx: kugu

3

ps: pro + prep

4

xe: What did he hit you with?

5

xv: Muxuu kugu dhuftay?

6

key: kugu

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kaluu

DHAFANDHAAF

n. phr. he ... another [.]

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

kaluu

DHAFANDHAAF
1

de: he ... another [FOCUS] = kale + baa + uu

2

lx: kaluu

3

ps: np + focus

4

key: kaluu

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Kuugu

DHAFANDHAAF
1

(Kuu + ku)

2

Adiga dartaa; Wiilashaada kee kuugu roon? Cunnada subag ma kuugu daraa? Yaa warkaas kuugu warramay?

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kuugu

DHAFANDHAAF

pron. and preposition: to / for you ... in / at (X)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

kuugu

DHAFANDHAAF

[pronoun you plus preposition such as for] for...you. Ex: ma kuugu yeeraa? Should I call for you?

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kuugu

DHAFANDHAAF

(magacuyaal) tilmaamaya qofka labaad ee layeelaha ah. Canuggaa dartii baan kuugu imid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

kuugu

DHAFANDHAAF
1

de: to / for you ... in / at (X) = ku + u + ku

2

lx: kuugu

3

ps: pro + prep

4

xe: Shall I bring it here for you?

5

xv: Ma halkaan kuugu keenaa?

6

key: kuugu

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ka gudub

DHAFANDHAAF

v. force a crossing (over a river)

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kalnugul

DHAFANDHAAF

f.mg4 (-glaa, -glayd) 1. Wax niyad debecsan oo raxmad badan ahaansho. 2. Wax cabsi badan ahaansho (qof). 3. Wax adkaysi yar ahaansho (qof).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

kalnugul

DHAFANDHAAF

der. [adjective] compassionate, tender-hearted

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

kalnugul

DHAFANDHAAF

-aa: (adj) softhearted (soofthaartidh); tenderhearted

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

kalnugul

DHAFANDHAAF
1

de: compassionate, tender-hearted

2

lx: kalnugul

3

pd: (kalnuglaa)

4

ps: adj-der

5

key: kalnugul

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ka bogo

DHAFANDHAAF

v. take one's time to do something

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ka dusi

DHAFANDHAAF

v. slip something through

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ka ergo

DHAFANDHAAF

v. take in custody ~ in trust; have something for temporary use

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ka tuur

DHAFANDHAAF

v. consume something completely, use up; throw away from

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

ku ugan

DHAFANDHAAF

adj., [expression] smoked, purified ~ dried with smoke

waa la naqliyay ✓