ka reebtoon
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka reebtoon
v. refrain ~ abstain from something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_reebtoon
de: refrain ~ abstain from s.t. (e.g., a shameful act)
lx: ka reebtoon
pd: (reebtoomay)
ps: v1=expr
key: ka_reebtoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mu'min
-ka: (magac, lab, keli) qof Alle iyo rasuulkiisaba rumeeyey oo cibaado wanaagsanna sameeya xumaantana iska jira. Mu'min been ma sheego. Li: munaafiq.
mu'min -ka: (magac, lab, keli) Muslin dhab Ilaahay u yaqaan oo cibaadada laga doonayana la yimaad wixii laga reebayna ka reebtoon. Dh: muumin, Allayaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebtoon
f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Ka r.: cid fal xun oo ay samayn jirtay ka waantoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reebtoon
f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Ka r.: cid fal xun oo ay samayn jirtay ka waantoobid. m.f.dh, reebtoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaarboon
m.l (kiimika) Curiyaha koowaad ururka 4aad ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Kaarboonku xubin caan ah ayuu kaga jiraa maatarka nool. Sidaa awgeed, iskudhisyo kaarboon ah; sida kaarbooneytyada (jeeso iyo irdib) iyo shidaalada foosil (dhuxul-dhagax, saliid iyo neef) iyo shidaallada ayaa laga dheegaa walxaha ku aroora noole.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaarboon
m.l (kiim.) Curiyaha koowaad ururka 4aad ee tusaha kalgalka curiyeyaasha. Kaarboonku xubin caan ah ayuu kaga jiraa maatarka nool. Sidaa awgeed, iskudhisyo kaarboon ah; sida kaarbooneytyada (jeeso iyo irdib) iyo shidaalada foosil (dhuxul-dhagax, saliid iyo neef) iyo shidaallada ayaa laga dheegaa walxaha ku aroora noole.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaarboon
-ka: (n) [Science] carbon (kaar-ban)-, Symbol C
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarboon
-ka: (magac, lab, keli) hawada la adeegsaday ee jirku iska soo tuuro; kaarboon laba ogsaydh (CO2). Dh: naqaska. Li: ogsijiin.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KA REEBID
Detrazione
Deduction
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka kaaftoon
v. dispense with, forgo ~ forego; be able to do without
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beat reception
Qabasho jiibeed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dareerto
(Dareerta-da)
Bushinta kore dusheeda shaaribku ka baxo, kobta sheexada ah oo kalabbarta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dareerto
m.dh 1. Lafta dheer ee dhabarka. 2. Meesha godan, sanka hoostiisa ku beegan ee bishinta sare kala barta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dareerto
m.dh 1. Lafta dheer ee dhabarka. 2. Meesha godan, sanka hoostiisa ku beegan ee bishinta sare kala barta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareerto
f. n. area between the nose and upper lip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dareerto
-da: (magac, dhedig, keli) wixii xoolo soofi kara ee daaqtegi kara. Dh: xoolo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dareerto
de: area between the nose and upper lip
lx: dareerto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dareerto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeqtoon
Aan cid kale u baahnayn; isku filan; hodan; tanaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqtoon
deeqtoon¹: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn noqosho.
deeqtoon²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deeqtoon
deeqtoon¹: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn noqosho. m.f.dh, deeqtoomid.
deeqtoon²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax isku filan oo aan cidna u baahnayn ahaansho. m.f.dh, deeqtoonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
deeqtoon
der. [adjective] satisfied
deeqtoon [inchoative] v. support oneself, be independent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqtoon
(fal) waxaaga ku kaaftoon oo cid wax ha uga baahan. Dh: kaaftoon.
deeqtoon: (tilmaame) cidna wax uga baahan oo intiisa ku qanca. Mu'minku waa qof deeqtoon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka leexo
v. deviate, turn away from; evade
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaftoon
kaaftoon¹: m.l (-nno, m.dh) (kiimika) Awoodda ku darsamidda ee curiye ama xidishe leeyahay, oo le eg tirada atammada haydarojiinta ah ee ku darsama ama barabixiya hal ataam oo curiye ah. Molikuyuullada dabarwadaagga ee fudud kaaftoonkooda si toos ah ayaa loo helaa, tusaale ahaan kaaftoonka kaarboonka ku jira CH waa 4, kan naytarojiinta ku jirta NH3 waa 3. Ayoonnada kaaftoonkooda waxa loo tixgeliyaa in uu u dhigmo laxaadka saldanabka.
kaaftoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Ka k.: wax ka maarmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaaftoon
kaaftoon¹: m.l (-nno, m.dh) (kiim.) Awoodda ku darsamidda ee curiye ama xidishe leeyahay, oo le eg tirada atammada haydarojiinta ah ee ku darsama ama barabixiya hal ataam oo curiye ah. Molikuyuullada dabarwadaagga ee fudud kaaftoonkooda si toos ah ayaa loo helaa, tusaale ahaan kaaftoonka kaarboonka ku jira CH waa 4, kan naytarojiinta ku jirta NH3 waa 3. Ayoonnada kaaftoonkooda waxa loo tixgeliyaa in uu u dhigmo laxaadka saldanabka.
kaaftoon²: f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Ka k.: wax ka maarmid. m.f.dh, kaaftoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaaftoon
m. n., [abstract] self-sufficiency; valency, valence {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaaftoon
-kaaftoomay/kaaftoontay: (v) [with preposition ka] manage without; do without ~ ka kaaftoon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaftoon
(fal) naftaada ku tiirsanaw oo dhereg.
kaaftoon: (fal) «ka ~» cid kale ha u baahan; adigu isku fillaw.
kaaftoon: (fal) (ku ~) intaad hayso ha kugu fillaato.
kaaftoon -ka: (magac, lab, keli) awoodda hal atam leeyahay ee uu isugu xidhi karo atamyada kale marka falgal kimikaad uu ka dhex dhaco.
kaaftoon -ka: (magac, lab, keli) wax kale oo dhan ka maarmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaaftoon
de: self-sufficiency; valency, valence {chemistry}
lx: kaaftoon
pd: (-ka)
ps: n-m-abs
key: kaaftoon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maratoon
m.l Orod dheer oo lagu tartamo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maratoon
m.l Orod dheer oo lagu tartamo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maratoon
-ka: (magac, lab, kell) orod dheer o caalami ah oo la ordo 42,195 km. Axmed Salar waa orodyahan maratoonka ku caan baxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareegto
* (Wareegta-da)
Warqad, inta la badiyo, isku kol, dad badan ama xafiisyo badan loo qaybiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareegto
wareegto¹: m.dh (-ooyin, m.l) Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo.
wareegto²: m.dh Ciyaar ragga u gaar ah oo laga yaqaan Shabellada Dhexe iyo Shabellada Hoose, asalkeeda horana ciyaar dagaal ayay ahayd.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wareegto
m.dh (-ooyin, m.l) Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareegto
f. n. circular (letter), official memorandum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wareegto
-wareegtada: (n) an official announcement; circular; communique (kom-yuni-keey); an official memorandum (mema-raan-dham); Ex: wareegto ka soo baxday xaafiiska madaxweynaha; a communique [circular] from the president's office
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wareegto
Circolare
Circular
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegto
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo nool oo ciidammada duullaanka ahi ay sahay ahaan u kaxaystaan.
wareegto -da: (magac, dhedig, keli) warqad dawladeed oo inta la badiyo xafiisyo badan loo qaybiyo oo xambaarsan amar ka soo baxa qof masuul ah oo cid xil lagaga qaadayo ama cid xil loogu magacaabayo. Wareegto ayuu madaxwaynuhu soo saaray uu ku magacaabay taliye cusub. Dh: go'aan, qaraar.
wareegto: mid ka mid ah ciyaaraha Soomaalida oo caan ka ah gobollada Shabeellada Dhexe iyo Banaadir; ciyaartan waxa lagu ciyaaraa qalabka shambal iyo kooro miraayo ah oo geedo laga qoray, gaashaan, waran, toorrey saddex gees ah, tusbax yusur ah oo urfo leh, kabo saan ah, cabaadhyo ama kuul la shakaasho, jijimo ama jililiqyo iyo xirsi makaraana ah oo aleelo lagu sharraxay.
wareegto-da: (magac, dhedig, keli) kaalaysi kolba qof u wareega oo ah dhib ama dheef la qaybsado. Ilaalinta xaafaddu waa wareegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareegto
de: circular (letter), official memorandum
initial: w
lx: wareegto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: wareegto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareento
(Wareenta-da)
1. Wareemato.
2. a) Cudur xanuun kulul leh oo badanaa madaxa dhinacyadiisa ku dhaca; dhanjaf xun. b) Eyddin wax tigtigta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareento
m.dh Cudur xanuun kulul leh oo badanaa ku dhaca feeraha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wareento
m.dh Cudur xanuun kulul leh oo badanaa ku dhaca feeraha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareento
f. n. chill drom a draft; pneumonia
wareento [feminine] n. small raiding party
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareento
-da: (magac, dhedig, keli) eeg wareemato.
wareento -da: (magac, dhedig, keli) cudur xanuun kulul leh oo badanaa madaxa dhinacyadiisa ku dhaca; aydin wax tigtigta; dhanjaf. Odayga wareento ayaa haysa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka beelow
v. detach oneself from (a community)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka ilroon
adj., [expression] be better than
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalleetin
-ta: (magac, dhedig, keli) sarajoog ku kaadin. Dh: talleejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karandoon
-ka: (magac, lab, keli) halka karantu ka da'day aadid; meesha karantu ku da'day u guurid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
Maaratoon
Marathon
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaratoon
-ka: (n) marathon (maara-thoon) ~ orodka dheer oo 26da mayl ah [42 km]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taleefoon
-ka; (n) telephone (tela-foon); phone (foon) ~ taleefan. Ex: taleefanka qabo; answer the telephone
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
u reebban
der. [adjective] exceptional, very special, excellent (at something)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jalbeebtan
(Jalbeebtan-ka)
Jalbeebtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalbeebtan
jalbeebtan¹: m.l 1. Kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn oo laba qof iyo ka badan isdhaafsato. 2. la-mid: jalbeebtamid.
jalbeebtan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) Dad kaftan iyo sheeko aan turxaan lahayn isdhaafsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalbeebtan
v. chat pleasantly, have a nice conversation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jalbeebtan
-ka: (magac, lab, keli) hadal hufan ku haasaw ama iswaydaarsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jalbeebtan
de: chat pleasantly, have a nice conversation
lx: jalbeebtan
nt: jalbeebtan (ka) [vn2-m]
pd: (jalbeebtamay)
ps: v1=recip
key: jalbeebtan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka wardoon
v. inquire ~ ask about, search for information, make enquiries into
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
MAREERQOOX
Cordia ovalis 01
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareento_1
de: chill drom a draft; pneumonia
hm: 1
initial: w
lx: wareento
pd: (/da)
ps: n-f
key: wareento_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareento_2
a: wareemato
de: small raiding party
hm: 2
initial: w
lx: wareento
pd: (/da)
ps: n6-f
key: wareento_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka dhexsooc
v. select someone ~ something from among others
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka meelnoqo
v. be part of, belong to; intervene against someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_kaaftoon
de: dispense with, forgo ~ forego; be able to do without
lx: ka kaaftoon
pd: (kaaftoomay)
ps: v1=expr
xe: I dont need the work.
xv: Shaqadii waan ka kaaftoomay.
key: ka_kaaftoon