ka qaybgelid
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ka Qaybgelid
Partecipazione
Participation
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka qaybgeli
v. make someone participate in, cause to take part
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_qaybgeli
de: make s.o. participate in, cause to take part
lx: ka qaybgeli
pd: (qaybgeliyey)
ps: v2a=expr
key: ka_qaybgeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayaarid
(Cayaarid-da)
Cayaar ka qaybgelid; dheelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iidid
(Iidid-da)
Maalmaha Iidda ah ka qaybgelid; (ama ciidid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soojeedid
(Soojeedid-da)
1. Qofka hadlaya ama wax eegaya xaggiisa, wejiga iyo laabta ku jeedin; qaabbilid.
2. Seexasho iyo hurdo iska dhawrid, isu diidid; dhafrid.
3. Soojeed habeen (xus, caways...) ka qaybgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xadree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) (dii.) Xadro ka qaybgelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xadree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) (dii.) Xadro ka qaybgelid. m.f.dh, xadrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beretamid
-da: (magac, dhedig, kei) orod lagu tartamayo ka qaybgelid. Beretamid weligu kumuu badin. Dh: baratamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beretan
(fal) orod ku tartan. Beretamay oo badin waayey oo ninkii badiyey guushu wada raacday. Dh: baratan.
beretan -ka: (magac, lab, keli) orod lagu tartamayo ka qaybgeliddii. Dh: tartan, baratan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciidid
-da: (magac, dhedig, keli) ciid ka qaybgelid. Dh: iidid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciyaarid
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar ka qaybgelid. Dh: dheelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iidid
-da: (magac, dhedig, keli) farxadda iidda ka qaybgelid oo muujin. Dh: dabbaaldegid, damaashaadid, ciidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaybgelid
(Qaybgelid-da)
(ka qaybgelid) Hawl la qabanayo ama wax kale oo loo dhan yahay, qayb ka qaadasho, wax ka wadaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybgelid
m.f.dh eeg qaybgal². la-mid: qaybgal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybgelid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qayb ka ahaansho oo joogid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ka qaybgal
parti ci pa tion
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka qaybgal
v. take part in, participate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka qaybgal
-ay / qaybgashay: (v) participate (paarti-si peeyt); take part. Ex: waxaan ka qaybgalnay dhammaashaadkii; we participated in the festivity (festival)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka qaybgale
m. n. participant
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqalgelid
m.f.dh eeg aqalgal². la-mid: aqalgal¹, aroosgal¹, aroosgelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaqaybgal
vl. n., [compound] participation, taking part
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaqaybgal
-ay/kaqaybgashay: (n) participate (paar ti si peeyt); partake of.
kaqaybgal -ka: (n) participation (paar ti pi-seey shen) ~ ka qayb qaadasho
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaqaybgal
de: participation, taking part
lx: kaqaybgal
pd: (-ka)
ps: vn2-m-cmp
see: qayb
key: kaqaybgal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybgelin
m.f.dh eeg qaybgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaybgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) «ka ~ hawl iyo shaqo cid kale wadaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadabgelid
m.f.dh eeg dadabgal². la-mid: dadabdhigid, dadabgal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadabgelid
-da: (magac, dhedig, keli) aqalgalid oo aroos ku wareegid. Jimacaha ayaa dadabgaliddii arooska laga dhigay. Dh: aqalgalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabgelid
(Garabgelid-da)
Garab iyo tiir u noqosho; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabgelid
m.f.dh eeg garabgal². la-mid: garabgal¹ (2), garabgelyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabgelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac istaagid; ruux baahan caawin ama u hiilin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_qaybgal
de: take part in, participate
lx: ka qaybgal
nt: ka qaybgal (ka) [vn-m-expr] 'participation'
pd: (qaybgalay)
ps: v1=expr
key: ka_qaybgal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haqabbeelid
m.f.dh eeg haqbbeel². la-mid: haqqabbeel¹.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_qaybgale
de: participant
lx: ka qaybgale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: ka_qaybgale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflagelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid aanan sheeko kula lahayn, hadalkooga ku ku dhex dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqalgalid
-da: (magac, dhedig, keli) labo qof oo isguursatay, isku hoyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqalgelin
m.dh la-mid: aroosin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caybeelid
-da: (magac, dhedig, keli) canaan iyo ceebkusheeg xaddhaaf ah dartiis, wax danbe oo lagu caayo waayid. Dh: eedbeelid, caybeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaangelid
m.dh la-mid: qaangal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaangelid
-da: (magac, dhedig, keli) heshiis magdhaw lagu bixinayo galid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waayeelid
m.dh la-mid: waayeeloobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waayeelid
-da: (magac, dhedig, keli) qof weyn oo xilkas ah noqosho. Wiilka calaamadihii waayeelidda ayaa ka muuqda. Dh: waayeeloobid, mudakarid, weynaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayeelid
(Aabayeelid-da)
U dan gelid; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabayeelid
m.f.dh eeg aabayeel². la-mid: aabayeel¹ (2), aabeyeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aabayeelid
vl. n., [compound] attention, consideration, being concerned about
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aabayeelid
de: attention, consideration, being concerned about
lx: aabayeelid
pd: (-da)
ps: vn1-f-cmp
key: aabayeelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aragbeelid
m.f.dh la-mid: indhabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aragbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) indhaha wax ka arki waayid; awoodda Ilaahay indhaha siiyay ee aragga beelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ardaagelid
-da: (magac, dhedig, keli) reero kale ardaagooga gelid, adiga oo guurdoon ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaggelid
(Dabaggelid-da)
Ka harid la'aan; dabasocosho; dabajoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggelid
m.f.dh eeg dabaggal². la-mid: dabaggal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba meesha la maro ka dabategid. Dembiyada waxa lagu helaa dabaggelid. Dh: dabagalid, baadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacangelid
m.f.dh eeg gacangal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacangelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gacanta uga gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Magangelid
(Magangelid-da)
Cid magan u noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magangelid
m.f.dh eeg magangal². la-mid: magangal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magangelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid magan u noqosho oo badbaado weydiisasho. Dh: magangelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabadgelid
(Nabadgelid-da)
Wax xun oo cid waxyeela, ka samatabbixid; badbaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabadgelid
m.f.dh eeg nabadgal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabadgelid
-da: (magac, dhedig, keli) xumaan iyo dhib ka badbaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabargelid
(Tabargelid-da)
Tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabargelid
m.f.dh eeg tabargal². la-mid: tabargal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabargelid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tabargal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaggelid
m.f.dh eeg talaggal². la-mid: talaggal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) aarrin ku sii xisaabtamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbayeelid
-da: (magac, dhedig, keli) tixgelin iyo u tudhid. Hawlfulinta ciidanka waa in la raaciyo aabbayeelid iyo tudhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ammaangelid
-da: (magac, dhedig, keli) nabadgelyo helid. Ammaangeliddoodii bay Alle ku mahadiyeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ardaaggelid
m.f.dh eeg ardaaggal². la-mid: ardaadhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar cusub soo gadasho. Dh: arradbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ballangelid
m.f.dh la-mid: ballanqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ballangelid
-da: (magac, dhedig, keli) cid axdi la gelid oo wax kula ballamid. Dad isku kalsoon ayay ballangeliddu ku fiican tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) cadho ka soo noqosho; cadhabeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagabbeelid
m.f.dh eeg cagabbeel². la-mid: cagabbeelis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damacbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan la hunguraynayn noqod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqangelid
m.f.dh eeg dhaqangal². la-mid: dhaqangal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqangelid
-da: (magac, dhedig, keli) hirgalidda wax kolkiisii hore talo uun ahaa. Maanta ayay dhaqangelidda dhegeleydaasi bilaabaysaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) gaajo iyo baahi jirtay tirid; dhergid oo baahibbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haqabbeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) baahi jirtay ka bixid. Dh: hagabbeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka qaylisii
v. make someone shout, cause to cry out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabbagelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhamaystiran: sidii la doonayey u fulid. Dh: taabbaggudid.
taabbagelid -da: (magac, dhedig, keli) wax taabbagal ah noqosho; hano qaadida. Dh: meelmarid, hanoqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaajabbeelid
(Gaajabbeelid-da)
Wax gaajada bi'iya helid, cunid, ka dhergid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaajabbeelid
m.f.dh eeg gaajabbeel². la-mid: qaajabbeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaajabbeelid
-da: (magac, dhedig, kali) wax yar oo aan lagu dhergin cunid. Dh: gaajabeel, gaajabi'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garbabbeelid
(Garbabbeelid-da)
(gaadiid nool) garbaha nabar ku yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbabbeelid
m.f.dh eeg garbabbeel². la-mid: garbabbeel¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbabbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) garbaha nabar ku yeelasho; garba xanuunid. Awrta garbabbeelidda heerayaxumadaa u keenta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka qaybqaado
v. take part in, participate in
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka qaybqaado
-qaybqaatay / qaybqaadatay: (v) participate (paarti-si-peeyt); take part in something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka talaggeli
v. consult with; have someone participate in making a decision
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaajabbeelid
m.dh la-mid: gaajabbeelid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan qaybsamin
(adj) indivisible (in di vi sabaV) ~ lakala qaybin karin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadbeelid
m.f.dh eeg harraadbeel².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
KU XISAAB GELIN
Addebitare
To debit