ka maqsuud
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka maqsuud
v. be content, satisfied with someone ~ something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_maqsuud
a: mabsuud
de: be content, satisfied with s.o. ~ s.t.
lx: ka maqsuud
pd: (maqsuuday)
ps: v1=expr
key: ka_maqsuud
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
approve
/appruuv/approves, approving, approved; (v) 1. aqbalid ama yeelid. e.g. I approved his proposal after I examined it. (v) 2. ka maqsuudis ama u guuxid. e.g. My teacher did not approve of my book.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gloat
/glowt/ gloatly; (v) ku-digasho, dhib qof gaaray ama ka maqsuudid guul aad gaarto. e.g. He was gloating over my bankruptcy.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gratify
/graatifay/ (v) ka maqsuudin, qancin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
please
/pliis/ (inter) 1. fadlan (bilisxaanag).(v) 2. farxad gelin (ka maqsuudin).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pleased
/pliisdh/ (adj) ka maqsuudid (farxad leh).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqsuud
(Maqsuud-ka)
Mabsuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqsuud
maqsuud¹: m.l.kh M. ah: qof wuxuu rabo haysta. la-mid: mabsuud¹.
maqsuud²: f.mg1 (-day, -dday) Qof raalli noqosho. la-mid: mabsuud².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqsuud
maqsuud¹: m.l.kh M. ah: qof wuxuu rabo haysta. la-mid: mabsuud.
maqsuud²: f.mg1 (-day, -dday) Qof raalli noqosho. m.f.dh, maqsuudid. la-mid: mabsuud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqsuud
m. n., [abstract] satisfaction, content
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqsuud
-day: (v) content (kontant); satisfied (satisfaayidh)
maqsuud -ka: (n) contentment (kontent'ment); satisfaction (sat'is-fak-shan)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqsuud
-ka: (magac, lab, keli) ujeeddo loo socdo. Hargeysa ayaan maqsuud u leehay oon tegayaa. Dh: muraad, hadaf.
maqsuud -ka: (magac, lab, keli) raalli ahaan iyo ku qancid lagu faraxsan yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqsuud
de: satisfaction, content
lx: maqsuud
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
see: mabsuud
key: maqsuud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamasuud
-da: (magac, dhedig, keli) iniinyo madmadaw oo xulbadda laale'eg oo dawo ahaan iyaga ama saliid laga miiro loo isticamaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka madluun
v. grow sad ~ get depressed because of someone ~ something
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Bar maxsuul
Yieldpoint
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynmansuun
-ka: (magac, lab, keli) jugraafi ahaan, nooc kaymaha kulaalayda ah oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin. geedaha caleendhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maasuud
m.l (-dyo, m.dh) Bir weyn oo libaax-badeedka lagu dilo marka badda laga soo saaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maasuud
(fal) aad ugu farax oo raalli ka noqo. Dahabkan ayuu wiilkaagii kuu keenee maasuud. Dh: mabsuud.
maasuud -ka: (magac, lab, keli) bir weyn oo libaax badeedka lagu dilo marka badda laga soo saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mabsuud
Caloolsan; raalli (ama maqsuud).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mabsuud
mabsuud¹: m.l la-mid: maqsuud¹.
mabsuud²: f.mg1 (-day, -dday) la-mid: maqsuud².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mabsuud
m. n., [abstract] (adj.): contentment, satisfaction; pleased, contented, satisfied
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mabsuud
(fal) farax oo wax murugo ah ha dareemin. Waxa walaalkaa u dan ah adna ka mabsuud. Dh: masuud.
mabsuud-ka: (magac, lab, keli) farxad kal iyo laab ah oo raalli laga yahay. Anna way mabsuud xaal aduun mowdka ka horoowe. Dh: farxad, mustareex.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mabsuud
a: maqsuud
bw: Arabic
de: contentment, satisfaction; [atr.] pleased, contented, satisfied
lx: mabsuud
pd: (-ka)
ps: n0-m-abs
key: mabsuud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mafsuud
-ka: (magac, lab, keli) eeg mabsuud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaaquud
m.l.u Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
yaaquud
m.l.u Nooc ka mid ah dhagxaanta qaaliga ah oo dhawr midab oo kala duwan u sii kala baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaaquud
-ka: (magac, lab, keli) dhagax qaali ah oo jaadad badan leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqsuudi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid maqsuud ka dhigid. la-mid: mabsuudi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqsuudi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid maqsuud ka dhigid. m.f.dh, maqsuudin. la-mid: mabsuudi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kaamaruun
(n) Cameroon; Yaounde is the capital and Douala the largest city ~ Kammaruun
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kammaruun
(n) Cameroon; Yaoundé is the capital and Douala the largest city ~ Kaammaruun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabaasuud
-da: (magac, dhedig, keli) iniinyo yaryar oo madmadaw oo iyaga ama saliiddooda daawo ahaan loo isticmaalo Nebiguna dawo ku sheegay. Dh: xabasuud, xamasuud, xabbasowdaa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka muquuni
v. oblige, obligate, compel ~ force someone to give
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_madluun
de: grow sad ~ get depressed because of s.o. ~ s.t.
lx: ka madluun
pd: (madluumay)
ps: v1=expr
key: ka_madluun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kayn-mansuun
m.l (-nno, m.dh) (juqraafi) Nooc kaymaha kulaalayda oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin geedaha caleen-dhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kayn-mansuun
m.l (-nno, m.dh) (juqraafi) Nooc kaymaha kulaalayda oo astaan u ah gobollada hela cimilo mansuunta dhabta ah, halkaas oo roobku uu gaarayo 1,000 ilaa 2,000 mm sannadku. Geedaha caleemaha waaweyn leh waxaa badanaa lagu sharxaa inay u eg yihiin geedaha caleen - dhacseyaalka; caleemahooda waxay daadiyaan xilliga oomanaha ah, laakiin caleen cusub ayaa u soo baxda marka roobabka mansuuntu billaabanayaan labada geed oo loogu aqoon ogyahay kaymaha mansuunta waa tiik iyo saal labadoodaba waxaa laga helaa loox adag oo qiimo leh.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Keyn mansuun
Monsoon forest
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habataqluud
-ka: (magac, lab, keli) socod daalaadhac ah. Adaan hiirta waaberi dartaa habataq luudaaye.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka maragfur
-ay / tay: (v) bear witness; give evidence; witness for or against ~ markhaati fur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka minguuri
v. copy, trace, draw something from something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamandhuudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi kadalloob ah oo aan si fiican loo fadhiisan. Si kamandhuudh ah baad u fadhidaa ee si fiican u fadhiiso. Dh: kambadhuudh, kambaruur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kambadhuudh
-ka: (magac, lab, keli) fadhi si ciriiryoon loo fadhiisto; kambaruur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku mashquul
v. be occupied with something, be engaged in ~ busy with