ka lul
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka lul
v. suspend, hang
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_lul
cf: lalmi
de: suspend, hang
lx: ka lul
pd: (lulay)
ps: v1=expr
key: ka_lul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daf
(Daf-ka)
Qalabka muusikada mid kamid ah oo ka samaysan qori koobaaban oo haragwaxar la jilciyey ku rogan yahay serjigana dawanno yaryari kaga jiraan ama ka lulliishaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laallaadid
(Laallaadid-da)
Meel sare surnaan, ka lulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laallaadin
(Laallaadin-ta)
Meel sare surid ama ka lulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalmin
(Lalmin-ta)
Meel ka laallaadin, ka lulid, ka raaricin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulad
(Lulad-ka)
Lulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulmood
(Lulmood-ka)
Lulmo qabasho; hurdo hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miraxareedaad
(Miraxareedaad-ka)
Lullumada kaneecada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laabtaxaw
m.dh (cilmiga naflayda) Carjaw yar oo ka lulata lafta sakaarka dhankeeda hoose. la-mid: laabxuunsho, labxo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drape
/dhreyp/ (v) 1. maro ku-daahid, maro ku daboolid. e.g. Drape the flag over the picture. 2; ka laalaadin (ka lulid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sling
/sling/ (v) 1. tuurid (ganid, halgaadid) (v) 2. ka laalaadin (ka lulid), surid 3. shakaal (maro ama faashad gacanta jaban lugu shakaalo) (n) 4. siddo (siiba suunka qoriga ee garabka la surto).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalyo
-ha: (magac, lab, keli) xoolo aad u naaxay oo ay baruuro ka lullushaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhilif
-ta: (magac, dhedig, keli) badhida idaha bulka yar ee kolanta u eg ee ka lulata. Dh: dhillif.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laabtaxaw
-da: (magac, dhedig, keli) laabta ama shafka badhtankiisa. Laabtaxawda ayay Ciise biri ka gashay.
laabtaxaw -da: (magac, dhedig, keli) carjaw yar oo ka lulata lafta sakaarka dhankeeda hoose. Dh: laabxuunsho, labxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laalaadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka lulasho. Dh: lulasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmad
-ka: (magac, lab, keli) hawada sabbayn; meel sare ka lulasho. Dh: duuduulid, lalmasho, lulmasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulato
-da: (magac, dhedig, keli) badhida idaha ka lulata. Lax la qalay leggeed iyo haddii lulato lay silyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miishmiishad
-ka: (magac, lab, keli) shaqo aan si wanaagsan loo wadin saluugid oo madaxa ka lulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalow
-ga: (magac, lab, keli) meesha jarka ah ee quluusha ah. Shalow ayay ka lulataa haantaasi. Dh: jar, Li: banaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaluu
n. phr. he ... another [.]
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaluu
de: he ... another [FOCUS] = kale + baa + uu
lx: kaluu
ps: np + focus
key: kaluu
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulul
Aan qaboobeyn; kulayl saameeyey; kul badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulul
f.mg4 (-laa, -layd) 1. Wax kul leh ahaansho. 2. Qof xanaaq badan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulul
f.mg4 (-laa, -layd) 1. Wax kul leh ahaansho. 2. Qof xanaaq badan ahaansho. m.f.dh, kululaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulul
[adjective] hot
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Kulul
chaud.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulul
-aa/ayd: (adj) hot (hat); heated (hiitidh); warm (woom). Ex: meel kulul; a hot place. Hawo kulul; a warm climate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulul
(tilmaame) wax aan qaboobeyn; kulayl sameeyay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kulul
de: hot Opp: qabow
lx: kulul
pd: (kululaa)
ps: adj
xe: It is very hot today.
xv: Maanta aad bey u kulushahay.
key: kulul
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka dud
v. be pessimistic about, have negative feelings, suspect
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka hel
v. enjoy, like; make someone agree to do something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka xun
adj., [expression] be sorry; feel bad about something
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabul
m.l (-llo, m.dh) Qof ciidanka qalabka sida ka tirsan oo laba alif leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabul
-ka: (magac, lab, keli) askariga nabadgelyada ilaaliya. Wa: kaabullo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaluf
-ka: (magac, lab, keli) noole dugaagga ka mid ah gaar ahaanna dhuljiifka oo dhuuso qadhmuun leh oo qofka uu qaniinaa afartan beri ka dib uu u dhinto suntiisa. Dh: xoor.
kaaluf -ka: (magac, lab, keli) dagaal oogan oo shinnida ka dhex dhaca. Dh: dagaal, khilaaf.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KULLUL
(Kulul) S Commiphora boranensis Vollesen. Burseraceae.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka ilhel
v. get satisfaction from something; make good on ~ recover something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayluli
-da: (magac, dhedig, keli) gogol ka samaysan cawda oo darmada ka yara weyn. Bayluli ninkii loo goglaa saw caato goosan maayo. Dh: darfooley, salli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka celi
v. intercede for, plead for; protect from; prevent from
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka dusi
v. slip something through
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka laac
v. finish off (food)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka tali
v. administer, rule over, govern (a country ~ place)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka tuur
v. consume something completely, use up; throw away from
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka yeel
v. do something about something, make something of
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaabsul
m.l Xuub qira yar oo daawo buda ahi ku jirto oo afka laga qaato. la-mid: kaabsol.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaabsul
m.l Xuub qira yar oo daawo buda ahi ku jirto oo afka laga qaato. la-mid: kaabsol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalluun
(Kalluun-ka)
Nafley dhiig qabow oo jaadad badan ah oo biyaha ku dhex nool: wuxuu lee yahay lafdhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal (qoomishaashyo; waaf) oo uu ka neefsado, iyo dhego (tuuro); qaar waa yaryar oo waa kalluunka dhabta ah (huduf, tebediin, tarraaqad) qaarna waa waaweyn oo waa libaax-badeedka (saraacimo, shiriid, godgoddo) iyo kuwo kale (neberi, geelmaanyo); mallaay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalluun
m.l.u (cilmiga naflayda) Nafley dhiig qabow leh oo jaadad badan, wuxuu leeyahay laf dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal, biyaha ayuu ku dhex nool yahay, hilibkiisana waa la cunaa; mallaay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kalluun
m.l.u (cilmiga naflayda) Nafley dhiig qabow leh oo jaadad badan, wuxuu leeyahay laf dhabar iyo xubin la yiraahdo qoonbiyaal, biyaha ayuu ku dhex nool yahay, hilibkiisana waa la cunaa; mallaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalluun
m. n. fish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalluun
-ka: (n) fish (fish) ~ mallaay
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kalluun
Pesce
Fish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluun
-ka: (magac, lab, keli) noole dhiig qabow oo noocyo badan leh oo badda ku jira. Dh: mallay. Wa: kalluuno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalluun
bw: guduudo {N}
de: fish
lx: kalluun
pd: (-ka)
ps: n2-m-enum
syn: mallaay
key: kalluun
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
La luna
Bisha
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qalluul
qalluul¹: m.dh Qarsashada cid wax ay qaybinaysay wax ka qarsato.
qalluul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) Cid qaybineysay wax ka qarsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qalluul
(fal) cid wax ay qaybineysay wax ka qarsasho.
qalluul -ka: (magac, lab, keli) qarsashada cid wax ay qaybinaysay wax ka qarsato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka milaal
v. fill a container with something, make a container full of something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalalulad
-ka: (magac, lab, keli) wax inyar iska haysta oo ku dhaw inuu kala dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kalluunle
(Kalluunla-ha)
Kalluunsade.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kalluunle
m. n. fisherman; fishmonger
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kalluunle
-kalluunlaha: (n) fishmonger (fish-manger) ~ kalluungade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalluunle
-ha: (magac, lab, keli) qof shaqadiisu tahay kalluun gadis; qof kalluunka ku nool oo ka shagaysta oo badda ka soo dabta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kalluunle
de: fisherman; fishmonger
lx: kalluunle
pd: (/ha Pl: kalluunley (da))
ps: n7-m, n5b-m
key: kalluunle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku lugleh
adj., [expression] concerning, having a relationship with, referring to