ka hortagga waxyeellada
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ka hortagga waxyeellada
Prevenzione degli infortuni
Accident prevention
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kahortagga-cudurrada
m.l (daawo) Qaybta dawada ee hawsheeda ugu weyn ay tahay ka hortagga cudurrada; waa qayb ballaaran oo shaqaaluhu ku hawlanyahay xalka mas'alado ka dhexeeya tallaalka liddiga ku ah cudurrada la isqaadsiiyo sida gawracatada, kixda iyo wixi lamida. Ilaa helitaanka habab lagu baabi'iyo qaadayaasha (gudbiyayaasha) cudurrada, sida kaneecada gudbisa deriskunoolka duumaada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kahortagga-cudurrada
m.l (daaw.) Qaybta dawada ee hawsheeda ugu weyn ay tahay ka hortagga cudurrada; waa qayb ballaaran oo shaqaaluhu ku hawlanyahay xalka mas'alado ka dhexeeya tallaalka liddiga ku ah cudurrada la isqaadsiiyo sida gawracatada, kixda iyo wixi lamida. Ilaa helitaanka habab lagu baabi'iyo qaadayaasha (gudbiyayaasha) cudurrada, sida kaneecada gudbisa deriskunoolka duumaada.