ka hel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka hel
v. enjoy, like; make someone agree to do something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_hel
de: enjoy, like; make s.o. agree to do s.t.
lx: ka hel
pd: (helay)
ps: v1=idiom
xe: I liked that song.
xv: Heestaas waan ka helay.
key: ka_hel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
la hel
v. hit (as on target)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaxlid
(Dhaxlid-da)
Xoolo dhaxal ah, qaybin, wax ka helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefid
(Dheefid-da)
(ka dheefid) Waxtar ka helid; faa'ido ka helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheefsasho
(Dheefsasha-da)
Dheef ka doonid, ka helid; dheefsad; dheefsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuunirraac
(Dhuunirraac-a)
1. (qof) Hadba meeshii uu moodayo inuu cunno ka hela hayo, u lala; cunnada keliya ka murga ee aan ceebta iyo denbiga iyo anshaxa iyo dhaqan-wanaagga midna eegin; dhadhamarraac.
2. * Askar la kireysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falsami
(Falsami-da)
Wax qaab iyo qurux leh oo la curiyo; wax farsamo isha iyo uurku jeclaystaan iyo farshaxannimo leh; (suugaan) hadal, kd., maanku jeclaysto oo jeel iyo macaan iyo xudduud ka helo; Falsamidu waa jaadad badan: wax qoran ama xardhan ama aslan ama daabacan ama masawiran, ... wax la dhisay ama dhoobo ka samaysan, ama hub iyo alaabo iyo marashi ah; wax la falkiyey ama la tolay; sheeko ama maanso; maadeys ama cayaar; muusika: laga luuqiyo ama la tumo ama la yeersho...; farsamo; farshaxan; fan; (ama falsamo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ledid
(Ledid-da)
u jeelid; macaan ka helid; (ama ladid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macaashid
(Macaashid-da)
Macaash ka helid; wax ka dheefid; faa'idid; ribxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
agagse
m.l 1. Waxa laga baxsho ama laga qasho xoolo la soo dhaco inta aan la qeybsan. 2. Wax yar oo kororsiimo ahaan loo siiyo qof xoola la soo dhacay oo la qaybsaday wax yar ka helay. la-mid: agaagse.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amiino asiidh
m.l (-dhyo, m.dh) (baayoloji) Koox ka mid ah iskudhisyada orgaanikada ah ee biyaha ku milma ee wada leh koox kaarboogsayl (-COOH) iyo amino (-NH2) oo ku dhegsan alfa kaarboonatam. Dhirta iyo noolayaal ili-ma-aragtay ah oo badan ayaa amino asiidhyada ka samayn kara iskudhisyo sahlan oo aan orgaanig ahayn, laakiin xayawaanku waxay ka helaan in ku filan oo quudkooda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ba (-ba)
qr. 1. (naxwe) Qurub lagu adkeeyo diidmada. Tusaale: “Waxba ma aha”. 2. (naxwe) Mid kasta; wax kasta. Tusaale: “Nimba si ayuu u qaatay”. 3. (naxwe) In badan. Tusaale: “Wuxuu doonaba wuu ka helayaa”. 4. Xataa. Tusaale: “Aniguba (ama amba) waan arkay”. 5. (naxwe) Eray ulajeeddooyinka tixaha midabyo badan oo kala gaar ah u yeela: “Aniguba waa aqaan”, “Markiiba wuu tegay”, “Kaasba qaad”, “Maba dhiibayo”, “Wuxuu sugaba galabtii buuiska tegay”.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqtiyaanasiib
m.l (-byo, m.dh) Ciyaar dadka ka qeyb gala intooda nasiibka leh wax ka helaan. la-mid: bakhtiyaanasiib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriirix
f.g1 (-xay, -xday) Wax aqoon yar ka helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuntan
f.mg1 (-amay, -antay; -ami) 1. U c.: u qalmid; u dhigmid. 2. U c.: ka helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqtag
daaqtag¹: m.l 1. Foogaanta u dhexeysa xerada xoolaha iyo meesaha ay daaqa u aadaan. 2. D. ah: xoolo meel daaq leh u socda.
daaqtag²: f.mg1 (-gay, -gtay) Xoolo meel ay daaq ka helayaan aadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deriskunnool
deriskunnool¹: m.dh 1. Noole yaryar oo ku dul nool noole kale. 2. Qof ma shaqaysta ah oo cid kale ku dul nool. la-mid: deriskunnoole.
deriskunnool²: m.l (-layaal, m.l/dh) (cilmiga naflayda) Noole kasta oo ku dul nool noole kale. Deris ku noolka nooloshiisa oo dhan ama qaar ka mid ah ku noolaada noole kale, wuxu ka helaa cunno iyo degaan xagga lagu noolaha, wax tarna kuma darsado. Deris ku noolayasha qarkood waxay keenaan cuncun waxayna dhex galaan hawlqabadka jirka; qar kale waxay baabi'iyaan soohyada lagu noolaha, waxayna ku sii daayaan sun jirka dhexdiisa; sidaas ayey caafimaadka wax ugu dhimaan cudurna u keenaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheef
dheef¹: m.dh 1. Fiitamiinka cuntada, caanaha iyo wixi lamida ku jiro. 2. Dulsaarka faa'iido ahaan looga helo lacag bangi la dhigtay.
dheef²: f.mg1 (-fay, -ftay) Ka dh.: wax faa'iido ka helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirso
f.g/mg3 (-saday, -satay) 1. (f.g) Biyo, caano iyo wixi lamida in yar kululeysasho. 2. (f.mg) Ku d.: Wax diirrimaad ka helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulinnimo
m.dh (cilmiga naflayda) Marka noole uu ku kor noolyahay (dulin dibadeed) ama uu ku dhex noolyahay (dulin gudeed) jidhkanoole kale, kaasi oo uu ka helo wuxuu nafaqo u baahanyahay ayaa loo yaqaan dulinnimo. Dulinnada qaarkood waxyeello badan ma gaadhsiiyan soorahooda, sababta oo ah addii ay dilaan soorahooda waxa dhammaanaya qudkooda, haseyeeshee badankoodu waxay sababaan cudur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faa'iid
f.g1 (-day, -dday) Munaafacaad dheeraad ah oo wax loo hawl galay ka helid. la-mid: faa'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gulukows
m.dh (kiimika) Sonkor badankeeda laga helo dhirta iyo xaywaanka. G.tu waa il ay tamar badan ka helaan noolayaashu. Sonkorta xilliga neefsashada waxa ku dhaca ogsidhayn taas oo soo saarta kaarboon laba ogsaydh leh, biyo iyo tamar. Dhirtu waxay ku heshaa g.ta habka footoosintasiska, waxaanay u keydsantaa istaarj ahaan, xayawaankana waxay uga timaadaa dheefshiidka ku dhaca dhaysakaraydhyada iyo boolosakraydhyada, waxaanay u keydsantaa staarj xayawaan ahaan.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ka helid
favour! te
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka ilhel
v. get satisfaction from something; make good on ~ recover something
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka celi
v. intercede for, plead for; protect from; prevent from
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka yeel
v. do something about something, make something of
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garhel
f.mg1 (-elay, -eshay) Qof dacwo uga rayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garhel
f.mg1 (-elay, -eshay) Qof dacwo uga rayn. m.f.dh, garhelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garhel
v. be right, win out; prevail, win a case (against someone)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garhel
(fal) qof aad gar dhigateen ka hel; gar cid kaga guulayso oo sidaad jeclayd ha loo nago.
garhel: (fal) qof aad gar dhigateen ka hel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garhel
de: be right, win out; prevail, win a case (against s.o.) (with preposition ka)
lx: garhel
pd: (garhelay)
ps: v1=intr
key: garhel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka hay
-yey / say: (v) withhold (withhooldh); keep (kiip)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka hor
adv., time: ago, before, prior to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka hor
(adv) before (bifoor); earlier in time. Ex: maalintii ka hor bay soo waceen; They called me the day before
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka lul
v. suspend, hang
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
la_hel
de: hit (as on target)
lx: la hel
pd: (la helay)
ps: v1=idiom
xe: He hit the clay pot with the hoe.
xv: Yaanbadii buu ashuun la helay.
key: la_hel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warhel
f.mg1 (-elay, -eshay) Ka w.: cid wax aysan horayn u ogeyn helid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warhel
f.mg1 (-elay, -eshay) Ka w.: cid wax aysan horayn u ogeyn helid. m.f.dh, warhelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warhel
-ka: (magac, lab, keli) helitaanka xogta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka warhel
v. receive information from someone, hear from
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka dhalo
v. arise from, come out of
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka hadli
v. induce someone to talk, get someone to speak
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_ilhel
de: get satisfaction from s.t.; make good on ~ recover s.t.
lx: ka ilhel
pd: (ilhelay)
ps: v1=expr
key: ka_ilhel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laga hel
v. occur, be found
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalhel
f.mg1 (-elay, -eshay) 1. U c.: arrin xal u helid. 2. Ka c.: cid arrin yeelsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caalhel
v., [compound] have the capability to do ~ prevent something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalhel
(fal) maaro u hel.
caalhel -ka: (magac, lab, keli) arrin maaro u helid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hal hal
num-adv: one by one, one at a time
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka dhac
v. happen, occur, take place
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka dhig
v. render, do, make (something so); unload, take off; appoint
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ka dhin
-kadhimay / kadintay: (v) discount (dis-kaanti); deduct (didhakt); subtract (sab-tarakt)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka eexo
v. take sides against
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka haag
v. eat one's fill
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka nefi
v. give someone a rest
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka reeb
v. prevent, prohibit
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka shar
v. stop (from doing ~ wrongdoing)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka tali
v. administer, rule over, govern (a country ~ place)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_celi
de: intercede for, plead for; protect from; prevent from
lx: ka celi
pd: (celiyey)
ps: v2a=expr
key: ka_celi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_yeel
de: do s.t. about s.t., make s.t. of
lx: ka yeel
pd: (yeelay)
ps: v1=expr
xe: What are you going to do about it?
xv: Maxaad ka yeelaysaa?
key: ka_yeel
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaahfal
Radioactive
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaahfal
m. n., [collective] radioactivity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaahfal
-ka: (n) [Chemistry] radioactivity (reeydiyo aaktiivati) ~ tamarta shucaaca
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaahfal
de: radioactivity
lx: kaahfal
pd: (-ka)
ps: n2-m-col
key: kaahfal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaldhal
m.l.kh K. ah: neef kol keliya dhalay; marcurad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaldhal
m. n., [compound] animal that gave birth only once
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaldhal
-ka: (magac, lab, keli) neef xoolo ah oo hal mar dhala ama xilligii la filayay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaldhal
de: animal that gave birth only once
lx: kaldhal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: kaldhal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kardeel
-ka: (magac, lab, keli) weel macdan ama bir ka samaysan oo dheg iyo af leh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KASHERI
(Kasheri) May, S Ficus somalensis Chiov. Moraceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khashil
-ay / khashishay: (v) feel shy (fii shaay); be nervous (neer-vas); be timid (bii timidh) ~ xishood
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku celi
v. repeat; return to, give back to
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ku celi
-yey / say: (v) repeat (ripiit) ~ mar kale samee; mar kale dheh
Ereyo Talyaani-Soomaali - Maxamuud Garyare, Cabdikariim Daa'uud Weyre
La mela
Tufaaxa
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
satchel
/saajal/ (n) boorso-yar oo badanaa buugta iskuulka lugu qaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaheel
(tilmaame) meel dad badani joogaan oo weyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka beelow
v. detach oneself from (a community)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka dhaxal
v. inherit something from someone; take after
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka warhee
v. keep a close watch on; keep current ~ up with
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_warhel
de: receive information from s.o., hear from
lx: ka warhel
pd: (warhelay / warheshay)
ps: v1=expr
key: ka_warhel
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kasheenle
name-m specked, speckled, spotted, marked, stained. Lit: he who was born with birth-marks. Syn: Barre, Barrey, Barrow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kasheenle
magac loo baxsho wiil ku dhashay calaamad ama astaan muuqata.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laga helo
Presso
Care of (c/o)