ka ash-ash
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka ash-ash
v. feel aversion to ~ towards, dislike
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ash-ash
ash-ash¹: m.l Yaqyaqsi.
ash-ash²: f.mg1 (-shay, -shtay) Ka a.: wax dhadhankooda, urtooda ama muuqaalkooda ka yaqyaqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabash-kabash
m.dh Si dhakhso ah oo kala daadsanaani ku jirto oo loo socdo. la-mid: kabax-kabax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabashkabash
f. n. hurried and disorderly way of walking; being in hurry
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabashkabash
(ereycodeed) tusmeeya shangadha socod foolxun oo isku daadsan oo degdeg ku jiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabashkabash
de: hurried and disorderly way of walking; being in hurry
lx: kabashkabash
pd: (-ta)
ps: n-f
key: kabashkabash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ash'ash
(fal) ka mishiiqso; ka dhegqabso; iskala faan. Ka ash'ash xumaanta.
ash'ash -ka: (magac, lab, keli) dareenka nacaybshaha iyo daalalyoodka iskugu jira ee wax aad aragtay ama maqashay kaa qabta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka shar
v. stop (from doing ~ wrongdoing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabash
-ka: (magac, lab, keli) khudrad caleemo waaweyn oo isku duuban leh; waa nooc xawaashka dheriga lagu daro ka mid ah. Dh: shuu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaashad
m.f.l eeg kaasho. la-mid: kaashi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaashad
-ka: (magac, lab, keli) cid ama wax kale, taageersi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kamasha
m.l Gomosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bashaash
(Bashaash-ka)
Qof had iyo goor weji iyo laab furan; aan dadka u jirxumayn; fallaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashaash
m.l (-shyo, m.dh) B. ah: nin bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bashaash
m.l (-shyo, m.dh) B. ah: nin bulshey ah oo had iyo goor weji iyo laab furan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bashaash
m. n. outgoing, sociable ~ cheerful person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bashaash
nickname-m, name-m outgoing, sociable, cheerful
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bashaash
-ka bashaashad-da: (n) sociable and responsive person; friendly (fareen dili); outgoing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bashaash
magac loo baxsho wiil la filayo in uu noqdo mid furfuran oo dadlasocod leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaash
(tilmaame) qof had iyo jeer weji iyo laab furan oo galaangal badan. Nin bashaasha balaayo ma qaaddo. Dh: furfuran, farxaan. Li: xidhxidhan, wejimacmuus, oodan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bashaash
bw: Arabic
de: outgoing, sociable ~ cheerful person
lx: bashaash
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: bashaash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bashbash
(Bashbash-ka)
Barwaaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashbash
m.dh Barwaaqo badan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bashbash
m.dh Barwaaqo badan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bashbash
m. n. prosperity, abundance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bashbash
(n) prosperity (poros peeriti) ~ barwaaqo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashbash
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg barwaaqo.
bashbash -ta: (magac, dhedig, keli) fulaynimo iyo jileec muujin ama hadal baraqnugeylnimo iyo walaac leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bashbash
de: prosperity, abundance
lx: bashbash
pd: (-ka)
ps: n0-m
syn: barwaaqo
key: bashbash
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalahadh
-ka: (magac, lab, keli) labo qof oo saaxiib ahaa oo imika aan israacin. Dh: kalahar.
kalahadh -ka: (magac, lab, keli) isla socod kariwaaga xooluhu ay isla socon kari waayaan oo xanuun ama taagdarro ay u kala hadhaan.
kalahadh -ka: (magac, lab, keli) lab inay is guursadaan ku heshiiyay oo sheeko guur ka dhaxaysay is fasixid.
kalahadh -ka: (magac, lab, keli) kala adkaansho; kala hadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mashmash
mashmash¹: m.l 1. Miro aad u bislaaday; dhuguc. 2. Nooc bur-saliidka ka mid ah oo macaan. 3. la-mid: mashmashid.
mashmash²: f.mg1 (-shay, -shtay) Miro aad u bislaasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mashmash
mashmash¹: m.l 1. Miro aad u bislaaday; dhuguc. 2. Nooc bur-saliidka ka mid ah oo macaan.
mashmash²: f.mg1 (-shay, -shtay) Miro aad u bislaasho. m.f.dh, mashmashid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mashmash
m. n., [collective] overripe fruit; spoiled ~ rotting food
mashmash [inchoative] v. become too ripe ~ overripe (fruit); get overcooked, begin to spoil (food)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashmash
-ka: (magac, lab, keli) cunto khafiif ah oo ka samaysan bur iyo hilib yaryar oo la isku dubo. Mashmash la kaalay an ku cuwaafannee. Dh: subeec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qashqash
f.g1 (-shay, -shtay) la-mid: khashkhash².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xashaash
(Xashaash-ka)
Xarrago; mardaaddi; shoob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xashaash
xashaash¹: m.l Xarrago; mardaaddi; shoob. la-mid: xarshaash¹.
xashaash²: f.mg1 (-shay, -shtay) Dhar cusub ama qurxoon xirasho. la-mid: xarshaash².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xashaash
xashaash¹: m.l Xarrago; mardaaddi; shoob. la-mid: xarshaash.
xashaash²: f.mg1 (-shay, -shtay) Dhar cusub ama qurxoon xirasho. m.f.dh, xashaashid. la-mid: xarshaash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xashaash
m. n. (adj.): elegance; elegant
xashaash v. be elegant, dress elegantly
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XASHAASH
(Hashash) N Enicostema axillare Lam. Gentianaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xashaash
-ay / tay: (v) have a graceful style; be elegant (ela-ganti); show style ~ xarragood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xashaash
-ka: (magac, lab, keli) xarrago.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka aslaax
v. be settled ~ put in order
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaldhaash
m.l (-shyo, m.dh) Barbaro waaweyn, cad cad oo lo'du garbaha iyo wejiga ku yeelato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaldhaash
-ka: (magac, lab, keli) barbaro waaweyn, cad cad oo lo'du garbaha iyo wejiga ku yeelato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kashkaash
(Kashkaash-ka)
1. Joodari.
2. Caws iyo waxyaalo kale oo jilicsan oo dhulka adag layska xijiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashkaash
kashkaash¹: m.l Caws nagaar iyo wixi lamida oo aqallada lagu goglo, si reyska gogosha looga xijiyo.
kashkaash²: f.g1 (-shay, -shtay) Caws, nagaar iyo wixi lamida aqal ku goglid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kashkaash
m.l Caws nagaar iyo wixi lamida oo aqallada lagu goglo, si reyska gogosha looga xijiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kashkaash
m. n. mattress; grass (etc.) strewed to make a mat ~ soft surface
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashkaash
-ka: (magac, lab, keli) caws jilicsan oo aqal iyo ardaa ba gogol looga dhigo. Dh: asgogol, burgogol, gogol, kashaash.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kashkaash
bw: joodari
de: mattress; grass (etc.) strewed to make a mat ~ soft surface
lx: kashkaash
nt: kashkaash [v1=] 'prepare a resting place with a grass mat'
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: kashkaash
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarshaash
xarshaash¹: m.l la-mid: xashaash.
xarshaash²: f.mg1 (-shay, -shtay) la-mid: xashaash².
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
XASH-XASH
(Hash-Hash) N Leucas neuflizeana Courb. Labiatae.
N Leucas urticifolia R.Br. Labiatae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaashgaash
m.l Majabbaxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaashgaash
-ka: (magac, lab, keli) isku toltolidda wax kala googo'an. Kol uu kabaha qaashgaasho oo guriga ii oodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka aslaaxi
v. pacify; bring (good ~ peace) to (an area)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka qashaaf
v. keep one's distance from (because of contempt, illness, etc.); despise someone
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karahsasho
m.f.dh eeg karahso. la-mid: karah-sad, karahsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karahsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama tii, nicid. Dh: samaynkarahsad, karahsi, kahasho, goonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khashkhash
(Khashkhash-ka)
Khashkhashid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khashkhash
khashkhash¹: m.l 1. Dhagar; sir; mardabo. 2. Wadnaqabad; qasacajebis. la-mid: qashqash¹.
khashkhash²: f.g1 (-shay, -shtay) 1. Hadal badan oo been iyo khayaano ah cid wax kaga qaadid. 2. Cid dhibid, ku dheelid ama lagu dheelo. la-mid: qashqash².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
khashkhash
f.g1 (-shay, -shtay) 1. Hadal badan oo been iyo khayaano ah cid wax kaga qaadid. 2. Cid dhibid, ku dheelid ama lagu dheelo. m.f.dh, khashkhashid. la-mid: qashqash.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khashkhash
v. disturb, annoy, bother
khashkhash vl. n. disturbance, annoyance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
khashkhash
-ay / tay: (v) annoy (a nooy); harass (haaras); bug (baag); bother (baather); irritate (ir riteeyt); anger (angger); pester (pester)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khashkhash
(fal) hadal mardabo oo aan dhab ahayn ku dheh oo ku ciyaar; khalkhal geli; jaahwareer ku rid. Dh: qashqash, khalkhali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashmaash
(fal) da oo dhulka barwaagee. Roobow noo da' oo noo maashmaash buur iyo bannaanba.
maashmaash: (tilmaame) barwaago iyo xareed. Maanta roob ayaa da'oo dhulu waa maashmaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashnaash
naashnaash¹: m.l la-mid: nashnaash¹.
naashnaash²: f.g1 (-shay, -shtay) la-mid: nashnaash².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naashnaash
-ay/tay: (v) 1. decorate (dakoreeyt) qurxi. 2. repair (ri-peer); patch up (paaj ap) ~ kabkab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naashnaash
(fal) gacanta mari oo si qurux badan u qabyatir. Dh: qabyotir.
naashnaash: (fal) isku xidhxidh ama hagaaji shaygan jaban ama wax ka maqan yihiin. Naashnaash galaaska mashiinnka wuu daadiyaaye.
naashnaash -ka: (magac, lab, keli) gacanmarinta iyo qurxinta u dambaysa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaashxaash
(fal) socsoco oo kolba meel iska dalxiis. Xaashxaash hadday kuu gaadhay xadkase ha dhaafin. Dh: dalxiis, tamashlee.
xaashxaash-ka: (magac, lab, keli) socsocod kolba meel la iska dalxiiso. Lacagtiisii xaashxaash ayuu ku dhammeeyey Dh: dalxiis, tamashle, taxtaxaash.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ka badnaasho
to be superior in numbers
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kal walhasho
Period of Oscillation
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kal walhasho
Period of simple harmonic motion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaladhigasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysatay, qayb adeegso qaybna kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caashaqasho
m.f.dh eeg caashaqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caashaqasho
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama markab deked ku xirasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamaahsasho
-da: (magac, dhedig, keli) caajis dartii, afka kala waaxid. Dh: hamaansasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka macaashi
v. make someone earn profit ~ derive benefit from something
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
ka tuurasho
throw-off
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kalaxayasho
m.f.dh eeg kalaxayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kalshaashin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaalmaha ceelka dheer ee dad badan lagu shubo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naashnaashi
naashnaashi¹: m.l la-mid: nashnaashi¹.
naashnaashi²: f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: nashnaashi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanasheegasho
-da: (magac, dhedig, keli) raadinta aargudashada xumaan hore loo geystay. Dh: aanadoonasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is xarshaashi
v. dress oneself smartly ~ elegantly