ereyga

k,k

Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]

K,k

DHAN

/key/ xarafka kow iyo tobnaad ee alifbeetada ingiriisiga.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kaaf

DHAABAN

m.l (-faf, m.l) Xarafka ka'. la-mid: k (ka').

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kac

DHAABAN

f.mg1 (-cay, -cday; -kici) 1. Istaagid, joogsasho, sarakicid. 2. Maalbeelid, khasaarid. 3. Roob da'ayey qaadid. 4. U k.: tegid, aadid. 5. Ula k.: kas u yeelid; maagid. 6. Ku k.: yeelid, samayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kalleeti

DHAABAN
1

kalleeti¹: m.dh 1. Gantaal xoog leh oo kaadi ama biyo oo meel durugsan gaara. 2. Istaagga oo lagu kaadsho. la-mid: talleeji, tallooji.

2

kalleeti²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Ku k.: kaadi ama wax la mid ah, oo si ganid ah, u sii dayn.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

keliyeyso

DHAABAN

f.mg3 (-stay, -satay) Ku k.: keli ku ahaansho (wax).

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kol

DHAABAN
1

kol¹: m.l 1. la-mid: kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tusaale: “Cali kol baan arkay”. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa.

2

kol²: xi. K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tusaale: “Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa.”

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

koolestarool

DHAABAN

m.l (daawo) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

kurboo

DHAABAN

f.mg3 (-ooday, -ootay) U k.: kurbo dareemid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kaaf

DHAABAN

m.l (-faf, m.l) Xarafka ka'. la-mid: k (ka').

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kac

DHAABAN

f.mg1 (-cay, -cday; -kici) 1. Istaagid, joogsasho, sarakicid. 2. Maalbeelid, khasaarid. 3. Roob da'ayey qaadid. 4. U k.: tegid, aadid. 5. Ula k.: kas u yeelid; maagid. 6. Ku k.: yeelid, samayn. m.f.dh, kicid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

keliyeyso

DHAABAN

f.mg3 (-stay, -satay) Ku k.: keli ku ahaansho (wax). m.f.dh, keliyeysasho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kistoo

DHAABAN

f k. Kis yar; xoogaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kol

DHAABAN
1

kol¹: m.l 1. la-mid: kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tusaale: Cali kol baan arkay. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa.

2

kol²: xi. K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tusaale: Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa. xi., kolka. xi., kolkii.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

koolestarool

DHAABAN

m.l (cilmiga naflayda) Isterool badankeeda laga helo nudaha xayawaanka iyo qaar ka mid ah dhirta sare iyo aljiga. K.ka waxaa laga nuugaa mindhicirka yar ama waxaa lagu sameeyaa beerka. Naasleyda sare waxaa laga helaa dhiigga, waxaanay kaalin weyn ka ciyaartaa qaadidda duxda iyo soo saaridda horomoonada.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

kurboo

DHAABAN

f.mg3 (-ooday, -ootay) U k.: kurbo dareemid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]

bounce pass

DHAABAN

d hi ibid dhul-k&-k,ac

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]

Calms of capriccn

DHAABAN

Degganayaasha k.koonfure1 J

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

k

DHAABAN

(ka): xarafka kow iyo tobnaad ee xuruufta Af Soomaaliga, ahna shibbane u qorma: K, k.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

kaaf

DHAABAN
1

-ka: (magac, lab, keli) xarafka ka, k, ka'.

2

kaaf -ka: (magac, lab, keli) erey la adeegsado marka la cabbirayo labo arrimood oo kala dheer oo aad u kala duwan. Waxaad noo sheegayso iyo xaqiiqdu waa kaaf iyo kala dheeri.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

mulukh

DHAABAN
1

(falkaabe) erey u dhigma dhamee oo meesha ka nadiifi. Albaabka hortiisa waxa qashin yaalla mulukh ka sii. Dh: muluq, mululuq.

2

mulukh -da: (magac, dhedig, keli) bildhaan k keliya ishu qabato oo hadana qarsoonta Dh: midhikh, bilig.

3

mulukh: (ereycodeed) erey lagu cabbiro dhalasho ilbidhiqsi ah oon dhib iyo wakhti dheer midna lahayn.

waa la naqliyay ✓