k
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
K
(Kaaf, ka'*)
Xarafka kow iyo tobnaad oo Alifka Soomaalida. Waa shibbane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
k
m.dh (ka', kaaf) Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka Soomaaliga, waana shibbane. la-mid: kaaf.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
k
(ka') m.dh Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka Soomaaliga, waana shibbane. la-mid: kaaf.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
k
-da: (n) eleventh (11lh ) letter of Somali alphabet, according to the style adopted by this dictionary, pronounced as (ka ') or (kaaf), it is consonant ~ shibbane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
k
(ka): xarafka kow iyo tobnaad ee xuruufta Af Soomaaliga, ahna shibbane u qorma: K, k.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
A
a: (a')
Xarafka koowaad oo Alifka Soomaalida. Waa shaqal.
-a: (naxwe) qodob raaca ereyada lab oo kelida ah oo 6 shibbane ku dhammaada (c, h, kh, q, x iyo hamsa, sida: magac-a, daah-a, jookh-a, maraq-a, madax-a iyo go'-a).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabbe
(Aabba-ha)
Qof lab oo wax dhalay; labada waalid kan lab (ama aabbo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabbur
(Aabbur-ka)
Weel afka ka awda; dabool; fur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabi
(Aabi-ga)
Arrin aan jid ahayn oo cid lagula kaco; gardarro; maag; daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aad
aad: 1. (⁰) Dhab; si daran.
2. Adigu.
-aad: Tiraab lagu dabakaro tirada oo muujiya jagada tiradaasi ku abbaaran tahay, saddex-aad (3d.); shan-aad (5d.); sagaal-aad (9d.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadaan
(Aadaan-ka)
Ereyo yar oo lagu dheeraysto oo dadka tukashada loogu yeero (ama addin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadane
(Aadana-ha)
Intii Nebi Aadan dhalay ka mid ah; dad; qof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddan
Ku abbaaran; toosan; eg; beegan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aaddanaan
(Aaddanaan-ta)
Ku abbaarnaan; toosnaan; ekaan; beegnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aagaan
1. (Aagaan-ka) Furka aagaamaha iyo haamaha lagu daboolo.
2. (Aagaan-ta) Haan yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aakhir
(Aakhir-ka)
Kan danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aakhiro
(Aakhira-da)
Meesha iyo nolosha danbe oo lagu noolaan doono, kolka adduunka laga tago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aalkol
* (Aalkol-ka)
Biyabbiyood aan midab lahayn, oo ur sillan, oo daarmi og, oo baabbi'i og, oo siyaalo badan loo soo saaro, waxna loogu qabsado, (ama aalkolo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aameel
(Aameel-ka)
1. Harrub.
2. Wixii waxay arkaan iska raaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammin
1. (qof) Aan dhagar iyo laqdabo aqoon; daacad; lillaahi.
2. (meel, kd.) nabad ah; aan cabsi lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aamminid
(Aamminid-da)
Kalsooni u qabid; rumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammus
(Aammus-ka)
Hadal la'aan; shib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aammusin
(Aammusin-ta)
Hadal u diidid ama ku celin, hadal ka joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanayn
(Aanayn-ta)
Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aar
(Aar-ka)
1. Libaax weyn oo lab.
2. Aan biqin; geesi.
3. Aarsi.