juuqjuuqle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuqjuuqle
-ha: (magac, lab, kali) xayawaan xoorka la bah ah oo kooxo u socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juuqjuuq
(Juuqjuuq-a)
Daandaansi; xumakaddoon; maag; aabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuqjuuq
juuqjuuq¹: m.l 1. Hadal cilaaq ah oo dad dhex mara. 2. la-mid: juuqjuuqid.
juuqjuuq²: f.mg1 (-qay, -qday) Cid la cilaaqtamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juuqjuuq
v. murmur, chatter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuqjuuq
(fal) gaabso hadalka oo hoos u hadal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juuqjuuq
de: murmur, chatter
lx: juuqjuuq
nt: juuqjuuq (a) [vn-m]
pd: (juuqjuuqay)
ps: v1=pl
key: juuqjuuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juuqjuuqid
(Juuqjuuqid-da)
Daandaansasho; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuqjuuqid
m.f.dh eeg juuqjuuq². la-mid: juuqjuuq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuqjuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal sii socda oo aan la goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juqjuqee
(fal) eeg juqjuqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuuqshuuqle
m.l la-mid: shuuqshuuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buluqbuluqlee
f.mg2 (-qeeyay, -qeysay) Hilibka saaran nafley aad u cayishay ruxasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buluqbuluqlee
v. move around in a container (liquid); flap around; walk staggering and swaying (fat person)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluqbuluqlee
(fal) dareere bac ama wax kale oo jilicsan ku jira, kolba dhinac u shuban oo dhaqdhaqaaq. Waad buurnaataye sii buluqbuluqlee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buluqbuluqlee
de: move around in a container (liquid); flap around; walk staggering and swaying (fat person)
lx: buluqbuluqlee
pd: (buluqbuluqleeyey)
ps: v2b=intr
key: buluqbuluqlee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumuqcumuqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Hadal diidmo aan caddayni ku jirto dhihid. la-mid: cumuqcumuqleh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumuqcumuqleh
f.mg4 (-lahaa, -lahayd) la-mid: cumuqcumuqlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muluqmuluqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Muluqmuluq samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muluqmuluqlee
(fal) si nidaam darro ah oo muluqmuluq ah u socsoco. Dh: muluqmuluqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuquule
(Cuquula-ha)
Waxa qaybta loo lee yahay oo la ogaado oo la sugo; dhabiil; (ama cuquul).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquule
m.l Rajo weyn oo wax in la helo laga qabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuquule
m.l Rajo weyn oo wax in la helo laga qabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuquule
m. n. hope, expectation, trust (in receiving something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuquule
-ha: (magac, lab, keli) waxa qaybta loo leeyahay oo la ogaado oo la sugo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuquule
de: hope, expectation, trust (in receiving s.t.)
lx: cuquule
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: cuquule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuguule
-ha: (magac, lab, keli) shimbir af dhuuban go dhoor dheer madaxa ku leh oo si gaar ah u ciya guu… guu. Guuguulihiiyow haddaad gu'ga u ooyeyso, abaar gaag ma reebaa dhacdiyo gaatamoo kalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juqjuqay
(fal) ku guji hadalka oo ku mudmud hadallada. Dh: turuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juucjuuc
(Juucjuuc-a)
Xanxanuun yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juucjuuc
m.l la-mid: juuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juucjuuc
-a: (magac, lab, keli) xanuun aan weynayn ama aan halis lahayn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xuuxuule
nickname; name-m (onomatopoeic). Lit: the one who was born with a whooping cough
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guugguule
°(Guugguula-ha)
Shinbir cidiisu guu guu tahay; dhoor buu lee yahay; hud'hud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guugguule
m.l Shimbir cidiisu “guu-guu” tahay; dhoor buu leeyahay; hud'hud.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guugguule
m.l Shimbir cidiisu 'guuguu' tahay; dhoor buu leeyahay; hud'hud.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guugguule
m. n., [collective] cuckoo (bird)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guugguule
-guugguulaha: (n) cuckoo (kuukuu)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guugguule
a: hud-hud, shimbir
de: cuckoo (bird) Onomatopoetic for 'guu-guu'
lx: guugguule
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: guugguule
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuuqfuuqso
v. keep on sucking ~ sipping, slurp
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuuqfuuqso
de: keep on sucking ~ sipping, slurp
lx: fuuqfuuqso
nt: fuuqfuuqsad (ka) [vn-m], fuuqfuuqsasho (/da) [vn-f]
pd: (fuuqfuuqsaday)
ps: v3a=pl
key: fuuqfuuqso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiiqjiiqle
(Jiiqjiiqla-ha)
1. Geed jeerinka iyo gumarta la bah ah oo leh qodxo dheerdheer, xabag iyo miro quulle ah.
2. Bahal jirriqaaga u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiiqjiiqle
m.l 1. Geedgaab qodax leh oo jeerinka la bah ah oo leh xabag iyo miro la cuno, iyo mayrax xargo laga samaysto. 2. Cayayaan jirriqaaqa u eg.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiiqjiiqle
m.l 1. Geedgaab qodax leh oo jeerinka la bah ah oo leh xabag iyo miro la cuno, iyo mayrax xargo laga samaysto. 2. Cayayaan jirriqaaqa u eg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiiqjiiqle
m. n., [collective] thorny plant species
jiiqjiiqle m. n., [collective] insect species (similar to a cricket)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiiqjiiqle
-ka: (n) cricket (kin kat); type of an insects
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiiqjiiqle
-ha: (magac, lab, keli) geed jeerinka iyo gumarta u eg oo la bah ah ooleh qodax aan dhaadheerayn. Jiiqjiiqle ayaan beeray.
jiiqjiiqle-ha: (magac, lab, keli) cayayaan qolof iyo geeso dhaadheer leh oo meelaha qoyan iyo siyica aan ka dheeraan oo agabka cuna.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuuqyuuqsi
-ga: (magac, lab, keli) ku socodka faraha hore ee cagta si aan shanqadha loo maqlin. Yuuqyuuqsi aadmuhu miyuu yay dad cuna mooday. Dh: dhuuqdhuuqsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqfuuqsad
(Fuuqfuuqsad-ka)
Fuuqfuuqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqfuuqsad
-ka: (magac, lab, keli) dhammayn is dabajoog ah.
fuuqfuuqsad -ka: (magac, lab, keli) dareere gun hoose ku hadhay afka la raacraacid, hambo weel guntii ku jirta ka heenheemin. Dh: heenheemin, heeheemin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
is juuqjuuq
v. irritate ~ anger one another; quibble, tease (as children)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
is_juuqjuuq
de: irritate ~ anger one another; quibble, tease (as children)
lx: is juuqjuuq
pd: (juuqjuuqay)
ps: v1=expr
key: is_juuqjuuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juucjuucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof daal xanuun yar leh hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
juucjuucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof daal xanuun yar leh hayo ahaansho. m.f.dh, juucjuucsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juucjuucsan
der. [adjective] mildly indisposed, feeling poorly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juucjuucsan
(tilmaame) qof, xanuun aan badnayn hayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juucjuucsan
de: mildly indisposed, feeling poorly
lx: juucjuucsan
pd: (juucjuucsanaa)
ps: adj-der
key: juucjuucsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muruqmiiqle
-ha: (magac, lab, keli) muruq lagu xukumo rabitaan oo guud ahaanba ku dheggan qalfoofka. Muruqa keli ahi waxa uu ka kooban yahay rucub ah miiqyo muruq oo dheer, mid walibana wuxuu leeyahay bu'o badan, muruqa oo dhan waxa ku daboolan xuub nudo iskuxidhayaal adag oo midwaliba ku xidhanyahay dhammaadka lafta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuushuunle
m.l la-mid: shuuqshuuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluqbuluqlay
(fal) dareere, kolba dhinac u shuban oo balbalgan.