juuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juuc
(Juuc-a)
Juucjuuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuc
m.l 1. Daal xanuun yar leh. 2. Baahi. la-mid: juucjuuc.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juuc
m. n., [abstract] unwell feeling; laziness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juuc
-a: (n) lack of energy feeling; tiredness (taayarnes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuc
-a: (magac, lab, keli) baahida qofku markaanu waxba cunin. Dh: gaajo. Li: dhereg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juuc
a: juucjuuc (a)
de: unwell feeling; laziness
lx: juuc
pd: (-a)
ps: n0-m-abs
key: juuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuco
m.dh Cod nirgaha geelu ay samee-yaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daal
(Daal-ka)
1. (-') Culayska iyo juucjuuca oogadu iska dareento kolkay socod ama hawl badan qabato.
2. Iniino jaadka digirta kamid ah oo qaab wareegsan leh; xoolaha iyo dadkuba waa cunaan. 3.* Cad dhalo duwan ah oo labada dhinacba ka foocsan oo fallaaraha iftiinka uruursha ama faafiya; cadad jaadkaas ah oo aragga loo qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juucjuuc
(Juucjuuc-a)
Xanxanuun yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacluus
(Tacluus-ta)
1. Xanuun-yaryar aan meel keliya qabane, oogadu wada dareento ama iska garato.
2. Xanuun; bugto;
3. Juucjuuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaayuus
galaayuus¹: m.l 1. Qaylo, dhaadasho. 2. Olol iyo juuc badan oo ay nirguhu sameeyaan markay gaajoodaan.
galaayuus²: f.mg1 (-say, -stay) 1. Qaylid, dhaadasho. 2. Nirgo gaajooday olol iyo juuc badan samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juucjuuc
m.l la-mid: juuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juucjuucsanaan
m.f.dh eeg juucjuucsan. la-mid: juucjuucsanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juucjuucsanaansho
m.l/dh la-mid: juucjuucsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacluus
m.dh 1. Cudur, bugto. 2. Juucjuuc.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
juucjuucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof daal xanuun yar leh hayo ahaansho. m.f.dh, juucjuucsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkadhac
-a: (magac, lab, keli) juucjuuc muruqyada surka ku dhaca, lala soo tooso subaxii, ka yimaadda barkimada oo laga dhaco ama si xun loo barkado. Dh: barkimadhac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caataysan
(tilmaame) aan hilib iyo baruur lahayn. Dh: xayeesi; weyd.
caataysan: (tilmaame) daallan; juucjuucsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaabejaabe
-ha: (magacwadareed) wax badan oo aan waxtar badan lahayn. Jaabejaabeha, jirde moodoo, juuc ha kugu dilo. Dh: ururis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madaxwareer
-ka: (magac, lab, keli) eeg madaxanuun.
madaxwareer -ka: (magac, lab, keli) xanuun juucjuuc ah oo dumarka ku dhaca bilaha ugu horreeya ee ay uuraystaan. Gabadha madaxwareer ayaa haya. Dh: wallac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qandho
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun fudud oo ku soo booddo ah. Bugtaan kali ma haysee qandho yar ayuu u jiifaa. Dh: juucjuuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuujin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoog ku soo saarid wax muuq leh.
tuujin -ta: (magac, dhedig, keli) oogada bugta ama daallan qabqabasho, si xanuunka ama daalka ama juucjuucu uga yaraado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juucjuucsan
de: mildly indisposed, feeling poorly
lx: juucjuucsan
pd: (juucjuucsanaa)
ps: adj-der
key: juucjuucsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juc
f.g1 (-cay, -cday) Faro jimcid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juc
v. crack (of knuckles); stretch (of body)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juc
(fal) faraha isku gee oo xubnahooga isku jebi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juc
de: crack (of knuckles); stretch (of body)
lx: juc
pd: (jucay)
ps: v1=intr
key: juc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juu
e.d la-mid: tuu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juu
(ereydhawaaq) lagu fadhiisiyo neef geel ah. Dh: ju', oho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juul
m.l (-lal, m.l) (xisaab) Summad J. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee hawsha iyo tamarta, waxana uu le'egyahay hawsha la qabtay, marka xoog hal niyuutan (n) ah dhaqaajiyo walax fogaan (s) hal mitir ah. Waxa loogu magac daray aqoonyankii (1818-18 89) ee Jaymis Biriskot Juul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
juul
m.l (-lal, m.l) (xisaab) Summad J. Halbeegga Caalamiga (H.C.) ee hawsha iyo tamarta, waxana uu le'egyahay hawsha la qabtay, marka xoog hal niyuutan (n) ah dhaqaajiyo walax fogaan (s) hal mitir ah. Waxa loogu magac daray aqoonyankii (1818-18 89) ee Jaymis Biriskot Juul.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Juul
Joule
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juul
-ka: (magac, lab, keli) summadda halbeegga caalamiga ah (H.C.) ee hawsha iyo tamarta, waxana uu le'egyahay hawsha la qabtay, marka xoog hal niyuutan (n) ah dhaqaajiyo walax fogaan (s) hal mitir ah. Astaantan, waxa loogu magac daray aqoonyankii (1818-18 89) ee Jaymis Biriskot Juul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Juun
f. n. June (sixth month of Roman calendar)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Juun
Juin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Juun
-ta: (n) June (/hmm) ~ juunyo Ex: bisha juun; the month of June
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Juun
cf: bil {N < Eng}
de: June (sixth month of Roman calendar)
lx: Juun
pd: (-ta)
ps: n0-f-time
key: Juun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juuq
(Juuq-da)
Hadal yar; dhawaaq; tiraab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuq
juuq¹: m.dh 1. Hadal yar oo kooban. 2. J. ha dhihin: ha hadlin.
juuq²: f.mg1 (-qay, -qday) Hadal yar oo kooban ku tiraabid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
juuq
m.dh 1. Hadal yar oo kooban. 2. J. ha dhihin: ha hadlin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juuq
f. n. murmur of conversation; chat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juuq
-da: (n) word; something said; an utterance. Ex: juuq ha u dhihin! don't say a word to him]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuq
-da: (magac, dhedig, keli) hadalka ama jabaqda uu shay sameeyo. Juuq iyo jaaq toon may lahayn markii aan u tagay: Dh: shanqadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juuq
de: murmur of conversation; chat
lx: juuq
pd: (-da)
ps: n-f
key: juuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juur
(Juur-ka)
(cayaaraha, cubtanka) karti qof la siiyo inuu labo jeer cayaaro ama labo jeer cod dhiibto (badanaa waa kolka aan lays tiro le'ekayn) ~ laba'eef.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juur
m. n. player who plays twice over to fill up the gap in a team
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juur
de: player who plays twice over to fill up the gap in a team
lx: juur
pd: (-ka)
ps: n-m
key: juur
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juus
m. n. juice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juus
-kar (n) juice (juus)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juus
de: juice {Eng}
lx: juus
pd: (-ka Pl: juusas (ka))
ps: n4-m, n2a-m
key: juus
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuuc
yuuc¹: m.l (yuucac, m.l) Yaaw laba loo dhigay middood.
yuuc²: f.g1 (yuucay, yuucday) la-mid: yuub².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuuc
v. bulge, swell
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuuc
(fal) (soo ~) afka u soo taag oo yuub. Afka ku yuuc oo kaga tooxso. Dh: buur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuuc
de: bulge, swell
initial: y
lx: yuuc
pd: (yuucay)
ps: v1=
key: yuuc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buguc
(ereycodeed) lagu tusmeeyo jabitaanka wala adag. Dhundhunka ayaa buguc i yidhi. Dh: balaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buruc
-da: (magac, dhedig, keli) eeg burco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butuc
m.l 1. B. ah: qof buuran. la-mid: Batac. 2. Ciid jilicsan oo aan dhagax qaruurax iyo boor lahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
butuc
m.l 1. B. ah: qof buuran. la-mid: Batac. 2. Ciid jilicsan oo aan dhagax qaruurax iyo boor lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
butuc
m. n. fat person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
butuc
-a: (n) overweight person; fat (faat) person; chubby (jaabi) ~ bubuc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butuc
-a: (magac, lab, keli) qofka gaaban oo buuran. Samaale waa nin butuc ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
butuc
de: fat person
lx: butuc
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: butuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duluc
1. (Duluc-a) Dhuub ama daliig ama xarig yar oo dharka qaarki iyo kolayada, kd.t afkooda tolan la dhexgeliyo oo lagu roorsho kolka la xirayo.
2. (Duluc-da) a) Danta iyo ulajeeddada dhabta ah oo hadalka lagu hadlayaa u dhaca hayo. b) Waxa buug ama sheeko ama hadal kale ku saabsan yahay; ulajeeddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duluc
duluc¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Googgaradda haweenka xarigga kor uga jira oo lagu xiro marka la qaadanayo. 2. Googgaradda xaggeeda sare ee xarigga duluca ah la geliyo.
duluc²: m.dh 1. Nuxurka hadalka. 2. Ujeeddada hadalka. Tusaale: “Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duluc
duluc¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Googgaradda haweenka xarigga kor uga jira oo lagu xiro marka la qaadanayo. 2. Googgaradda xaggeeda sare ee xarigga duluca ah la geliyo.
duluc²: m.dh 1. Nuxurka hadalka. 2. Ujeeddada hadalka. Tusaale: Dulucda hadalkiisu waa in dagaalka la joojiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duluc
m. n. drawstring
duluc [feminine] n. argument, content (of a speech, book), theme, issue, point, 'the bottom line'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duluc
-da: (n) 1. emphasis (em-fa-sis); first importance; significance (sig-nifi-kansi). 2. issue (i-shuu)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Duluc
Versione
Version
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duluc
-a: (magac, lab, keli) daliig maro ah oo dhexda laga soo geliyo googgaradda dumarka ama daahyada oo lagu xidho ama xajisa. Dulucu hadduu go' googgaradduna way kaa dhici doontaa.
duluc-da: (magac, dhedig, keli) ujeeddo ama nuxur uu hadal leeyahay.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Duluc
Sarsarrada u dhexeeya faraatiyada da'da ee looxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guguc
(Guguc-a)
Onkod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guguc
guguc¹: m.l Onkod. la-mid: gugac¹.
guguc²: f.mg1 (-gcay, -gucday; -gci) Onkod sameyn. la-mid: gugac².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guguc
m.l la-mid: gugac¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guguc
m. n. thunder
guguc v. thunder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guguc
-a: (n) thunder (than dher) ~ gugac, unkad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guguc
-a: (magac, lab, keli) onkod roobeed oo weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guluc
(Guluc-da)
1. Rogrogmadka isha guruxeeda.
2. Meel laabato ah; guho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guluc
m.dh 1. Rogrogmadka isha guruxeeda. 2. Meel laabato ah; guho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guluc
vl. n. rolling of the eyes
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guluc
-a: (magac, lab, keli) meel laablaabato ah ama weecsan. Guluc ayay leedahay daaradda gurigu. Dh: gulac, hud, weecad.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Guluc
Godnaan aan xagali ka uskumin, deri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guluc
cf: guho, rogrog
de: rolling of the eyes
lx: guluc
pd: (-da)
ps: vn-f
key: guluc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gumuc
(Gumuc-a)
Xabbaddu cadku yar oo afka kaga jira oo kolkay qarxato xoog u ganma oo wax dhaawaca ama wax dila.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumuc
m.l (-cyo, m.dh) 1. Xabbad; rasaas. 2. Salka, fuuqa barta fargaddu ku dhacdo. la-mid: gumac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gumuc
m.l (-cyo, m.dh) 1. Xabbad; rasaas. 2. Salka, fuuqa barta fargaddu ku dhacdo. la-mid: gumac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumuc
m. n. pellet, bullet, projectile; ammunition; bottom of the powder box where the firing pin hits ~ strikes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gumuc
-da: (n) ammunition for firearms; shotgun shell; bullet (bul let) ~ gumac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumuc
a: gumac
de: pellet, bullet, projectile; ammunition; bottom of the powder box where the firing pin hits ~ strikes
lx: gumuc
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: gumuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyuc
huyuc¹: m.l Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. la-mid: hunyuc¹.
huyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huurshay urkooda isbeddelid. la-mid: hunyuc².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huyuc
m.l Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. la-mid: hunyuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyuc
-a: (magac, lab, keli) qofka aan firfircoonayn ee jilicsan.
huyuc-a: (magac, lab, keli) isbeddelidda wax huuray oo urkoodu isbeddelo. Dh: hunyuc.
huyuc: (fal) wax la huurshay urkooda isbeddelid. Dh: hunyuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
judub
judub¹: m.l Gacanta oo faruhu duubanyihiin oo inta kor loo qaado si xoog leh wax loogu dhufto; tantoonyo.
judub²: f.g1 (-dbay, -dubtay; -dbi) Faraha gacanta oo duuban si xoog leh wax ugu dhufasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
judub
m.l Gacanta oo faruhu duubanyihiin oo inta kor loo qaado si xoog leh wax loogu dhufto; tantoonyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
judub
-ka: (magac, lab, keli) gacanta oo faruhu duubanyihiin oo inta kor loo qaado si xoog leh wax loogu dhufto. Dh: tantoonyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugux
m.dh.sh.r Cod la maqlayo marka wax la laqayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jugux
-a: (magac, lab, keli) liqidda codka wadata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juhul
-ka: (magac, lab, keli) midabayn jaah qofeed bixiya oo xaaladdiis ka tarjuma; qayirnaan iyo shacni wejiyeed oo waayihiis tusmeeya. Jarmaadada aroortii waxaan juhul madoobaadey. Dh: loon.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Juice
Dheecaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
juice
/juus/ (n) casiir (dheecaanka miraha laga miiro).