juqjuqay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juqjuqay
(fal) ku guji hadalka oo ku mudmud hadallada. Dh: turuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daardaarid
(Daardaarid-da)
1. Dab, nal, dhawr jeer oo isu dhowdhow daarid.
2. Maagid; juqjuqayn; daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daardaar
daardaar¹: m.l la-mid: daardaarid.
daardaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dab, nal, dhawr jeer oo isu dhowdhow daarid. 2. Maagid; juqjuqayn; daandaansi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daardaar
f.g1 (-ray, -rtay) 1. Dab, nal, dhawr jeer oo isu dhowdhow daarid. 2. Maagid; juqjuqayn; daandaansi. m.f.dh, daardaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daardaar
-ka: (magac, lab, keli) marka laga cadhaysiiyo qof waalan ama la taabtaabto bahal cadho xun. Ninka waalan daardaarka ka dhaafa haddii kale wuu idin dagaali. Dh: juqjuqayn, daandaansi, maagid, daardaaris.
daardaar-ka: (magac, lab, keli) cid u baahan, talo u jeedin. Dh: dardaaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daardaarid
-da: (magac, dhedig, keli) dab, nal iyo wixii la mid ah, kolba shidid. Dh: shidshidid.
daardaarid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, faragelin ku samayn oo gardarro ku doonad. Daardaaridda duga ka daa haddii kale dacar baad ka leefi. Dh: juqjuqayn, daandaansad, maagid.
daardaarid -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, talo u jeedin oo waanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daardaaris
-ta: (magac, dhedig, keli) nal dhawr jeer oo isu dhowdhow shidid. Dh: shidshidis.
daardaaris -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, faragelin ku samays oo gardarro ku doonasho. Dh: juqjuqays, daandaansi, maagis, daardaarid.
daardaaris -ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, waano iyo talo u soo jeedin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juqjuqee
(fal) eeg juqjuqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buqbuqayn
(Buqbuqayn-ta)
Buqbuqo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqbuqayn
m.f.dh eeg buqbuqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) buqbuqo ka yeelid. Buqbuqaynta caanaha ka ilaali.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqlay
(fal) biyo, meel cidhiidhi ah ka soo bood oo coday. Dh: buqdho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuqay
(fal) (ku ~) ku hees oo cod wanaagsan ku qaad. Ku luuqay Quraanka. Dh: codee, luuqee, luuqey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqay
(fal) suuq u samay badeecad la iibinayo.
suuqay: meel ka dhig suuq wax lagu ka la iibsado. Inoo suuqay shaarica ha cammirmo ee. Dh: sayladay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luqluqad
(Luqluqad-ka)
Luqluqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luqluqad
m.l la-mid: luqluqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luqluqad
-ka: (magac, lab, keli) maydhidda afkal inta biyo la kabbado lagu dhex ruxo oo la tufo. Dh: afdhaqasho, luqluqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunay
(fal) u xoog sheego oo awood ku qabso. Dh: qabso, muquuni,
muquunay: (fal) muquuno gargaar ah cid sii. Ninka caruuska ah qaalin geel ah muquunay Dh: muquuni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqbuqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) soo buqashada dareere ka soo burqanaya meel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juuqjuuqid
(Juuqjuuqid-da)
Daandaansasho; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuqjuuqid
m.f.dh eeg juuqjuuq². la-mid: juuqjuuq¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuqjuuqid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal sii socda oo aan la goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuqjuuqle
-ha: (magac, lab, kali) xayawaan xoorka la bah ah oo kooxo u socda.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
BUQBUQATO
Phyllanthus maderaspatensis 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
BUQBUQATO
(Bugbugato) C Phyllanthus maderaspatensis L. Euphorbiaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuquulayn
(Cuquulayn-ta)
Dhabiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuquulayn
m.f.dh eeg cuqulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuquulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala dhabiilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
funjuqsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Miro wax la funjuqay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) u xoog sheegasho oo awood ku qabsasho. Dh: qabsasho, muquunin.
muquunayn-ta: (magac, dhedig, keli) muquuno gargaar ah cid siin. Dh: caawin, gargaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muquunays
-ka: (magac, lab, keli) eeg muquunayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuqtuqley
(fal) eeg tuqtuqlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuqdhuqayn
m.f.dh eeg dhuqdhuqee.