juqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juqid
(Juqid-da)
Liqliqid; cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuqid
m.f.dh eeg juuq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buqid
(Buqid-da)
Biyo, neef, gaas iyo wixii la mid ah oo inta xoog ku soo baxa, daboolkii celina hayey tuura ama jeexa; dillaacid; burqasho; qarxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqid
m.f.dh eeg buq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax buqanaya ahaan. Dhiisha buqidda ka ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuqid
(Fuqid-da)
Soo go'id; ka dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuqid
m.f.dh eeg fuq². la-mid: fuq¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuqid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka meel ka go'id. Dh: ruqid, ruqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaqid
(Jaqid-da)
Afka wax ku nuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqid
m.f.dh eeg jaq².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaqid
-da: (n) act of sucking ~ nuugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere afka ku nuugid. Dh: nuugida.
jaqid -da: (magac, dhedig, keli) nuugitaanka dareere meel ku jira sida naas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jucid
(Jucid-da)
Iskaggalka lafaha siiba kalaggoysyada faraha, kolka la jimciyo, juci ka yeerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jucid
m.f.dh eeg juc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jucid
-da: (magac, dhedig, keli) faraha isku geyn oo xubnahooga isku jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruqid
(Ruqid-da)
(wax xididdo u aasnaayeen oo xoog kor loogu soo dhuftay) soo bixid, soo go'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqid
m.f.dh eeg ruq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqid
-da: (magac, dhedig, keli) fuqid oo meeshii uu ku nabnaa ka soo qu'id. Dh: fuqid, rugis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuqid
-da: (magac, dhedig, keli) jawaan iyo wixii la mid ah, alaabo ku bushqid; alaabo aad ugu gurid. Dh: cabayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buuqid
(Buuqid-da)
Si buuq ah u hadlid; bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuqid
m.f.dh eeg buuq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuqid
-da: (magac, dhedig, keli) si guux iyo buuq ah u hadlid. Buugid looma baahna waxqabad la kaalaya. Dh: bulaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curqid
(Curqid-da)
Muruqyada curuq ka garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curqid
m.f.dh eeg curuq². la-mid: curuq¹ (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
curqid
vl. n. muscle stiffness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curqid
-da: (magac, dhedig, keli) isgelidda muruqyada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
curqid
de: muscle stiffness rw: curuq
lx: curqid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: curqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durqid
m.dh la-mid: durkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqid
m.f.dh eeg fuuq³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabqid
m.dh la-mid: yabqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabqid
-da: (magac, dhedig, keli) talo iyo arrin, qasmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jooqid
-da: (magac, dhedig, keli) qurxoonaan ama bilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
judbid
m.f.dh eeg judub².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juqsii
v. swallow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juqsii
-yey / say: (v) push in quickly; stab with a sharp object
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juqsii
a: juq
de: swallow
lx: juqsii
pd: (juqsiiyey)
ps: v2a=tr
key: juqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuqin
m.f.dh eeg juuqi. la-mid: juuqis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuqis
m.l la-mid: juuqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruuqid
(Ruuqid-da)
Cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid, ku bashuuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqid
m.f.dh eeg ruuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqid
-da: (magac, dhedig, keli) cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid.
ruuqid: -da: (magac, dhedig, keli) danbas iyo wixii la mid ah, qori noolays ah dhexgelin. Dh: ruugis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u dhuubid. Gaajada ayaa suuqidda ugu wacan. Dh: miigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
turqid
m.f.dh eeg turuq². la-mid: turuq¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
turqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax af fiiqan leht ku mudid. Dh: mudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuuqid
m.f.dh eeg yuuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jid
(Jid-ka)
1. Dhul si farsamo ah loo falay oo loo adkeeyey oo in la maro loogu talaggalay; daw; waddo; marin; dhabbe.
2. Sida eg oo gartu ku jirto; xaq; garsoor; tusmo.
3. Sharci; qaanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jid
m.l (-dad, m.l) 1. Meel la maro; waddo; dhabbe. 2. Sida quman ee gartu tahay. Tusaale: “Cali jid buu leeyahay”. 3. Sharci; qaanuun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jid
m.l (-dad, m.l) 1. Meel la maro; waddo; dhabbe. 2. Sida quman ee gartu tahay. Tusaale: Cali jid buu leeyahay. 3. Sharci; qaanuun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jid
m. n. road, highway, street; path; trajectory {physics}
jid m. n., [abstract] right (to do something), correctness; justice
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JID
(Gid) May Actiniopteris radiata (Swartz.)Link. Adiantaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jid
-ka: (n) [Pl. jidad-ka] 1. road (rowdh)-, street (istiriit) ~ waddo, dariiq, dhabbe, rasto. 2. right (raayt); correct (korakt). Ex: aniga iyo adigayaa jid leh? who is right, me or you?
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Jid
Strada
Road
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jid
-ka: (magac, lab, keli) marrin ay maraan dadka, xoolaha ama baabuurtu. Dh: waddo, marrin, daw. Wa: jidad.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jid
طريق، شارع
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juq
v. swallow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juq
(fal) ka hel oo aad ugu bog: isaga buseel oo caashaq xad-dhaaf ah u qab. Li: dhibso.
juq: (ereycodeed) tilmaama wax caaro yuuban leh oo meel lagu muday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juq
bw: juqsii
de: swallow
lx: juq
pd: (juqay)
ps: v1=
syn: dhunji, liq
key: juq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqi
f.g2 (-iyay, -isay) Ilmo yar caano ka jalin. Tusaale: Canuggii bay jaqisey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiid
f.g1 (-day, -dday) 1 . Wax si xoog leh u soo dhufasho. 2. Dun aliindi oo la midabeeyey ama qoyan si loo qallajiyo kala bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiid
f.g1 (-day, -dday) 1. Wax si xoog leh u soo dhufasho. 2. Dun aliindi oo la midabeeyey ama qoyan si loo qallajiyo kala bixin. m.f.dh, jiidid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Jiid
Belt
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiid
v. pull, tow, drag; attract, elicit, elongate; inhale
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jiid
-ay I een / nay: (v) 1. pull along; drag (daraag); pull (puul); haul (hool); tow (toow). tug (taag). 2. inhale (in-heel); air or smoke, for example; draw (doroo) ~ nuug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiid
-da: (magac, dhedig, keli) furin; goob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiid
de: pull, tow, drag; attract, elicit, elongate; inhale
lx: jiid
pd: (jiiday)
ps: v1=
key: jiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ju'i
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: tu'i.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ju'i
v. make a camel kneel down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ju'i
(fal) neef geel ah, fadhiisi oo ju' ku dheh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ju'i
bw: tu'i
de: make a camel kneel down
lx: ju'i
nt: ju'in (ta) [vn-f]
pd: (ju'iyey)
ps: v2a=
key: ju'i
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juci
f.g2 (-iyay, -isay) Faro iyo wixi lamida juc ka siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juci
v. crack (one's knuckles); stretch (one's body); massage someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juci
-yey / say / yeen I nay: (v) make a snapping sound; crack (karaakj
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juci
(fal) faraha xubnahooga isku laallaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juci
de: crack (one's knuckles); stretch (one's body); massage s.o.
lx: juci
pd: (juciyey)
ps: v2a=tr
xe: Please massage me.
xv: jucin (ta) [vn-m], jucis (ka) [vn-m] {S}
key: juci
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
juif
juif, adj. - Yuhuud; qofka Yuhuudiga ah.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
quid
n., (of tobacco) noshug, -gi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ugid
(Ugid-da)
Dab ku kululayn iyadoo aan la taabsiine lagu dhoweeyo keliya; (weel) hanbalyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugid
m.f.dh eeg ug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugid
-da: (magac, dhedig, keli) hadhuub ama dhiil qori dab ah ku cugid. Dh: ugis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulid
-da: (magac, dhedig, keli) darbid iyo iskudubbaridid. Dh: abaabulid, ulis.
ulid-da: (magac, dhedig, keli) qiiq ku shidid; weel iyo wax la mid ah buukhuurin. Dh: ulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Urid
(Urid-da)
Wax sanku dareemo neecawdu keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
urid
m.f.dh eeg ur³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
urid
-da: (magac, dhedig, keli) wax sanku dareemo, soo faaxid. Dh: uris.
urid -da: (magac, dhedig, keli) wax ama meel, ur qudhmuun yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqid
m.dh la-mid: biqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, baq noqsho; caano xumaansho. Baqidda caanaha ka ilaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biqid
(Biqid-da)
Baqdini gelid; cabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biqid
m.f.dh eeg baq². la-mid: baq¹ (2), baqid, biqitin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bubid
-da: (magac, dhedig, keli) bub ciyaarid. Cali bubid laguma gaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bukid
(Bukid-da)
Bugto qabid; fayoobi la'aan; jirranaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukid
m.f.dh eeg bug².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukid
vl. n. ailing, becoming ill, getting sick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bukid
-da: (n) ill health; sickness (sik nes) ~ bukto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukid
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun qabid; fayoqabid la'aan. Bukid badan waa la isku nacaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bukid
de: ailing, becoming ill, getting sick
lx: bukid
pd: (-da)
ps: vn-f
see: bug
key: bukid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulid
m.f.dh eeg bul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulid
-da: (magac, dhedig, keli) bul ka dhigid maydha, xaskul iyo waxii la mid ah, feedhfeedhid ama tumid. Dh: bulis.
bulid-da: (magac, dhedig, keli) cunid wax laguu yareeyey. Bulid horey ku joogtaye, baahi may qabine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buqad
m.l la-mid: buqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqad
-ka: (magac, lab, keli) wax buqanaya noqad Buqadka ka ilaaliya adhiga oo aayar hora.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
burid
burid: m.f.dh eeg bur². la-mid: buris.
bųrid: m.f.dh eeg bųr². la-mid: bųris².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burid
-da: (magac, dhedig, keli) noole caymadin. Burinta baraarka ka jooji. Dh: eryid, caydhin.
burid -da: (magac, dhedig, keli) cibaado Ilaahay oo la gudanayay, jabid.
burid -da: (magac, dhedig, keli) ballan la xidhay oo dad ka dhexeeyay, khilaafid.