juqayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juqayn
(Juqayn-ta)
1. Wax caarad leh, ku mudmudid.
2. Daandaansi; xumakaddoon; ku aabyood; maagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juqayn
m.f.dh eeg juqee. la-mid: juqays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax caaro yuuban leh, ku mudmudid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duqayn
-ta: (n) 1. the act of crashing (karaash-ing) or colliding (kolaydh-ing) ~ shilgalid 2. air raid-rusheyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) juheen, juhin.
juhayn -ta: (magac, dhedig, keli) marka cid marin habawsan loo tilmaamayo waddada saxda ah. Dh: hagayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juqays
m.l la-mid: juqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqlaal
f.g1 (-aalay, -aashay) 1. Cid dulmiyid. 2. Wax juqa-juqayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
juqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) Wax caarad fiiqan leh wax ku mudmudid. m.f.dh, juqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel gudaheed ku jiara ul iyo wixii la mid ah ku jugayn si ay dibadda ugu soo baxaan. Dh: juqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba soo dhicid oo codkaa samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luuqayn
(Luuqayn-ta)
Luuqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luuqayn
m.f.dh eeg luuqee. la-mid: luuqays, luuqin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
luuqayn
-ta: (n) intonement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luuqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) ku heesid oo cod wanaagsan ku qaadid. Dh: luuqin, luugays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruqsayn
m.f.dh eeg ruqsee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ruqsayn
vl. n. release, discharge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fasax siin: oggolaansho siin. Ruqsayntii iibgaynta alaabta ha la na siiyo. Dh: ruqsays.
ruqsayn-ta: (magac, dhedig, keli) qof shaqadii uu hayey ka fariisin ama ka eryid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ruqsayn
de: release, discharge
lx: ruqsayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: ruqsayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuqayn
(Shuqayn-ta)
1. Ul afkeed ama wax la mid ah, wax ku mudmudid, si wax meel gudo ah ku jira ama dibadba joogaa u baxaan ama u kacaan; hadba wax caarad leh juq ku siin; juqayn; mudmudid.
2. Badar, si ishu uga baxdo aayar kasha ku tumid, ku mudmudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuqayn
m.f.dh eeg shuqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ul afkeed ama wax la mid ah, si wax meel qudeheed ku jira ama dibadda u joogaa u baxaan ama u kacaan, hadba wax caarad leh ku mudid. Dh: jugayn, mudmudid.
shuqayn-ta: (magac, dhedig, keli) badar, si ishu uga baxdo aayar tib ugu tumid; tumid aan xoo ahayn shuqashugo u qaybin. Dh: shuqays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) suuq u samayn badeecad; meel suuq ka dhigid. Aqoon iyo agab ba waad iibgayn kartaa. Dh: sayladayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juhay
(fal) awr hal u tu'i; awr ku duqlaali oo abaahiddeed ku dirdir; awr qooq ku abuur. Toddobka u juhay awrka waa sii tif rimayaa e. Dh: juhee, juhi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax uraya oo uf ah ka dhigid; wax qadhmuun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ulayn
m.f.dh eeg ulee. la-mid: ulays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ul la dhicid; dhenged ku garaacid. Dh: dhengedayn, ulays, dhengedeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqayn
m.dh eeg asqee. la-mid: aqsayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, mid aad u comman ka dhigid.
asqayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, mid jahadu ka lusan tahay, ka dhigid.
asqayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, mid wareeray ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bucayn
m.dh la-mid: bugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Budayn
(Budayn-ta)
Budo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budayn
m.f.dh eeg budee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bud ku garaacis. Dh: ulayn.
budayn-ta: (magac, dhedig, keli) wax adag ridgid oo budo ka dhigid. Budaynta hadhuudhka tabar uma hayee iga nasi.
budayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax adag ama dareer, budo ku darid. Budayntii unbaa u hadhsan shuurada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bugayn
m.f.dh eeg bugee. la-mid: bucayn, buhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buhayn
m.dh la-mid: bugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukayn
m.dh la-mid: Bukaysiin; bukabbukayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bugtaan ku ridid. Kaneecada waxay sababtaa bukayta malaayiin qof. Dh: bukaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulayn
(Bulayn-ta)
Bul u yeelid; dumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulayn
m.f.dh eeg bulee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bul iyo shaash badan u samayn; dumo jilicsan ama xig iyo may dhax la midabeeyey meel ku sharrixid oo shaash laadlaada ka dhigid. Bulayntu waxay ku qurux badan tahay kebdah. Dh: bulays.
bulayn-ta: (magac, dhedig, keli) ul bul u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) casuumad iyo duco loo sameeyo arday jus ama qayb Qur'aana dhammeeya oo ardayda la siiyo. Baashaal baa bunayn ka qad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buqayl
-ka: (magac, lab, keli) eeg bakhayl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cufayn
(Cufayn-ta)
Cuf ku awdid; gufeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cufayn
m.dh la-mid: gufeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cuf ku awdid; gufays.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cuqayl
name-m wise, intelligent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ducayn
-ta: (magac, dhedig, keli) Eebbe baryid iyo wax waydiisigiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufayn
(Dufayn-ta)
1. Si hore oo fiicnayd si danbe oo xun ka dhigid; baabba' ka yeelid.
2. (qof) wax duf qaba ama dufoobey ka dhigid; dhogortiisa rogid; doorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufayn
m.dh eeg dufee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dullayn oo wax horay u fiicnaa xumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dul sarraysa u yeelid.
dulayn -ta: (magac, dhedig, keli) dulli iyo xaqiraad badid oo u sabibi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumayn
m.f.dh eeg dumee. la-mid: dumays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad abaabulid oo soo ururin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dun, meel gelin sida irbad, shawlad ama faynuus.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duqeyn
m.f.dh eeg duqee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duqeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hub waaweyn bartilmaameed ku garaacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax yaabis ahaa iidaan lagu daro. Dh: dufaneyn. duxbeel -ka: (magac, lab, keli) marka shay ka dhammaato nafaqadii uu lahaa. Dh: nafaqobbeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furayn
m.f.dh eeg furee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furayn
-ta: (magac, dhedig, keli) awdidda iyo gufaynta meel soo bannaanayd. Dh: furays. furays -ka: (magac, lab, keli) eeg furayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
futayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gacanta la galid oo fudfud ka dhigid. Dh: futays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gufayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bannaan awdid; dalool daboolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gujayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gujo ku dhufasho. Wayshu way gujayn badan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, liidid oo gun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurayn
(Gurayn-ta)
Gaadiid raran guro la fuulo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurayn
m.f.dh eeg guree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaadiidka raran guro la fuulo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubayn
(Hubayn-ta)
1. Qalab lagu dagaallamo siin, u yeelid; qalabayn.
2. Dhar la qaato siin; marashiyayn; arratirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubayn
m.f.dh eeg hubee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhar la qaato siin; marashiyeyn. Dh: arratirid, hubays.
hubayn -ta: (magac, dhedig, keli) hub lagu dagaallamo siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iiqayn
(Iiqayn-ta)
Ciriiri gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jagayn
-ta: (magac, dhedig, kali) ka dhigista meel la degi karo oo sharciyaysan. Dh: sharcidhuleed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jahayn
m.f.dh eeg jahee. la-mid: jahays, jihayn, jihays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jahayn
-ka: (magac, lab, keli) jaho u kaxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jalayn
m.dh la-mid: jalaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarayn
(Jarayn-ta)
1. Fardo jarabbarid; jebin.
2. Shaxda, jare helid.
3. Gariirid; jarcayn; burunjiyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarayn
m.f.dh eeg jaree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarayn
-ta (n) tremble (tarambel); shiver (shivar); convulsion (konvalshen) ~ jarco, jarcayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaarta shaxda, jare, saddex dhagax oo isku toosta ah diyaarin.
jarayn-ta: (magac, dhedig, keli) faras iyo wixii la mid ah, jare ku xidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jidayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fal la waafajiyo sharciga oo la banneeyo samayntiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jifayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof xun, meel ama cid looga ergoodo. Dh: beegid, aanayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jihayn
m.dh la-mid: jahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jihayn
vl. n. direction, directing, sending to ~ towards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jihayn
-ta: (magac, dhedig, keli) jidka xaqa ah u tilmaamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jihayn
a: jiheyn
de: direction, directing, sending to ~ towards
lx: jihayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: jihayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jilayn
(Jilayn-ta)
1. Jil u yeelid, ku marid.
2. (wadaan, kd.) afka marin; aad u buuxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilayn
m.f.dh eeg jilee. la-mid: jilays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jilayn
vl. n. filling to the brim
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jilayn
a: jilays (ka) [vn-m]
de: filling to the brim
lx: jilayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
see: jilee
key: jilayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimayn
(Jimayn-ta)
Isu foodin; simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimayn
m.f.dh eeg jimee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimayn
-ta: (magac, dhedig, keli) isbarbardhigga qiimaha ay leeyihiin labo wax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jitayn
(Jitayn-ta)
Isku meegaar; xerayn; hareerayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jufeyn
m.f.dh eeg jufee. la-mid: jifeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jufeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bannaanayd, awdid oo cubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jugeyn
(Jugeyn-ta)
Jug gaarsiin; nabarro badan oo jug ah, ku dhufasho; garaacis; tumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jugeyn
m.f.dh eeg jugee. la-mid: jugeys, jukeyn, jukeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jukeyn
m.dh eeg jukee. la-mid: jugeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lugayn
(Lugayn-ta)
Lugo ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugayn
m.f.dh eeg lugee. la-mid: lugays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lugayn
-ta: (magac, dhedig, keli) socoto aan gaadiid la fuuline lug lagu socdo. Dh: cagayn, lugays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqayn
m.f.dh eeg naqee.