jufo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jufo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka. 2. Bir goobaaban oo bakooradaha salka laga geliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jufo
f. n. metallic point attached to the bottom part of a javelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jufo
-da: (magac, dhedig, keli) bir yar oo gaaban oodhexda kadaloosha oo bakooradaha iyo wixii la mid ah xaga hoose laga galiyo. Jufo malaha bakoorada, jifi. Dh: jifi. Wa: jufooyin.
jufo -da: (magac, dhedig, keli) raaska magta inteeda saddex iyo sodon iyo hal daloolkeed qaata ama bixiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jufo
de: metallic point attached to the bottom part of a javelin
lx: jufo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jufo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jufto
-da: (magac, dhedig, keli) qaybaha maansada mid ka mid ah eeg: kusinaan dharaartii lasargooyey dunidee rabigay sameeyee, cirka sare utaagee xidigahan siraatiyo dayax soodimeeriyo lagu sugay cadcedee sagalkiyo daruurtiyo lagu xidhay sitaacee. Jiifto waa qayb mihiim ah oo kujirta maasada Soomaalida. Wa: jiiftooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jifi
m.dh 1. Dufan baruurta laga shiilo oo fariisata markay qabowdo; xayr; xuuki. 2. la-mid: jufo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jifi
m.dh 1. Dufan baruurta laga shiilo oo fariisata markay qabowdo; xayr; xuuki. 2. la-mid: jufo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jifi
-da: (magac, dhedig, kali) xaydh la shiilay.
jifi-da: (magac, dhedig, keli) birta usha bakooradda xagga hoosta laga geliyo si aanay hore ugu madhan.
jifi -da: (magac, dhedig, keli) raas hoose oo isugu taga illaa saddex oday. Dh: jufo.
jifi -da: (magac, dhedig, keli) magta, saddex dalooloow dalool, raaska wax laga dilay la siiyo oo ah inta ugu horraysa ee la bixiyo. Waxay jifidu u dhigantaa saddex iyo soddon halaad iyo badh. Jifida waxa samirsiin loo siiyaa reerka qofka laga. dilay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilib
-ka: (magac, lab, keli) kubka iyo bawdadu halka ay iska galaan ee xagasha. Dh: law.
jilib -ka: (magac, lab, keli) qabiil laamaha uu u kala baxo mid xagga hoose ah. Dh: jufo, laf.
jilib-ta: (magac, dhedig, keli) bir yar oo afka soo qalloocda oo kalluunka lagu ugaadhsado ka dib kolka cad yar loo sudho. Dh: qabato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kati
-da: (magac, dhedig, keli) bir jifiyeed Qdffllad dalooshan iyo caaro fiiqan leh oo ul waran ama taraawil gadaal ka gasha ama ku daabanta. Dh: jifi, jufo, eebotaki. Wa: katiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaasaw
(fal) xaas yeelo; qof masuul ah oo xaas leh noqo. Dh: xaasow, xaasoow, waayeel.
xaasaw-da: (magac, dhedig, keli) miiq yar oo silig maara ah oo korontada ama liinka telefanka la mariyo. Waranka waxa la geliyaa jufo xaasaw leh. Dh: maar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mastic
mastic, n.m. - maaddo loo isticmaalo in daloolada lagu jufoo jilicsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
reboucher
reboucher, v. - mar labaad oo la jufo; dib u jufid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juf
(fal) meel furnayd, cub; awd; cuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ufo
(Ufa-da)
Dabayl xoog iyo roob leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ufo
m.dh (-ooyin, m.l) Dabaysha roobka ka soo horreysa.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ufo
Haboob
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ufo
f. n. storm, whirlwind
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
UFO
/ (abbr) saxuunta duusha, unidentified flying object oo la soo gaabiyey
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ufo
-ufada: (n) wind (wind); blast (balaasti); gust (gast) ~ xanfar, dabayl
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ufo
-da: (magac, dhedig, keli) dabayl siigo leh oo ka soo horraysa dhibicda roobka; dabayl xoog leh oo roobka ka soo horraysa. Li: saxansaxo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ufo
de: storm, whirlwind
initial: u
lx: ufo
pd: (-da)
ps: n6-f, n2-f
key: ufo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
gufo
s.m. - guumeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafo
f.mg3 (-ftay, -fatay) 1. Qolof, jilif iyo wixi lamida geed ka goosasho. 2. Gogol boor ka duulin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafo
(fal) jirrid wax ku dhejisan ka daadso oo wax af leh kaga qoro. Dh: daadso.
jafo -da: (magac, dhedig, keli) baangad mindiyeed culus oo hilible u isticmaalo lafo ku jejebin. Dh: baangad, mansaar, mindi, jafto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jifo
(Jifa-da)
Magta (diyada) inteeda la hormariyo (saddex meelood oo meel); (ama jifi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jifo
m.dh 1. Xoolo horumaris ahaan loo siiyo cid wax laga dilay ama laga dhaawacay. 2. Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka; Jinfo. 3. Birgoobaaban oo bakooradaha salka laga geliyo. 4. Xigto. 4. la-mid: jufo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jifo
f. n. first installment of compensation payment for injury (in traditional law)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jifo
-jifada: (n) sub clan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jifo
a: jifi (3)
de: first installment of compensation payment for injury (in traditional law)
lx: jifo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jifo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juco
f.g3 (-cday, -catay) Faro jimicsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juco
v. crack (of knuckles)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juco
(fal) faraha isku jebi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juco
de: crack (of knuckles)
lx: juco
pd: (jucday)
ps: v3b=intr
key: juco
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Judo
Juudo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juno
(Juna-da)
(xoolo) Dhaqayo;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juno
m.l.kh la-mid: junuf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juno
f. n. livestock that produces little milk
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juno
cf: dhaqayo
de: livestock that produces little milk
lx: juno
pd: (/da)
ps: n-f
key: juno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qufo
f.g3 (-ftay, -fatay) Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qufo
f.g3 (-ftay, -fatay) Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho. m.f.dh, qufasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qufo
v. empty out for oneself; dig for oneself
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qufo
de: empty out for oneself; dig for oneself
lx: qufo
nt: qufasho (/da) [vn-f]
pd: (quftay)
ps: v3b=tr
key: qufo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tufo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tufe.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
buffo
agg. - qosol leh, yaab leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhufo
f.g/mg3 (-ftay, -fatay) la-mid: dhifo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhufo
v. pull with a jerk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhufo
-dhuftay / dhufatay: (v) pul (puul); jerk (jerk); give a sudden quick pull ~ dhifo [opposite of riix] Ex: soo dhifo; pull back,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhufo
(fal) wax, si xoog ah u gundhi.
dhufo: (fal) si degdeg ah wax ula bood oo xaf sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhufo
de: pull with a jerk
lx: dhufo
pd: (dhuftay / dhufatay)
ps: v3b=
key: dhufo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dufow
(Dufow-ga)
Dufoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dufow
dufow¹: m.l la-mid: dufoobid.
dufow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax dulloobey noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dufow
m. n. person who is going wrong ~ worsening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dufow
(fal) dullow oo sidii hore si ka sii liidata ahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dufow
de: person who is going wrong ~ worsening
lx: dufow
pd: (-ga)
ps: n-m
key: dufow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durfo
-ha: (magac, lab, keli) shey in badan jiray oo baali ah. Ilbaxnimada lagu diday, ma anigaa durfooboo, dawga toosan garab mara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafto
-da: (magac, dhedig, keli) gudin, middi iyo wixii la mid ah oo meel ku dhejisan lagu jafto oo lagu daadsado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jinfo
m.dh Bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jinfo
-da: (magac, dhedig, keli) bir dhuuban oo gadaal uga jirta samayada waranka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirfo
(fal) daad socdaa suu dhul u mulacyeeyo, wada deel oo dul iyo degba sunsun. Anigoon col ii soo jirafaday jil iga qaadaynin. Dh: seem, dhammay, quiqul, cammim, mar, maaruq, see-seeji, jidhfo. tafwareemo, jidhfo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jufee
f.g 2 (-feeyay, -feysay) 1. Meel daloosha wax ku gufayn. 2. Samayo waran jufo gelin. la-mid: jifee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jufee
v. insert a plug ~ cork with force
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jufee
a: jifee
de: insert a plug ~ cork with force
lx: jufee
pd: (jufeeyey)
ps: v2b=tr
key: jufee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jufis
f.g1 (-say, -stay) Beer masaar caws kaga falid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jumbo
/jambo/ (adj) ka weyn waxyaabaha kale oo la nooca ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jumlo
m.dh la-mid: jimlo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jumlo
-jumlada:(n) wholesale (hoolseel) ~ jimlo, jimlad, jumlad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
junow
junow¹: m.l la-mid: jinaabo.
junow²: f.mg1 (-obay, -owday) la-mid: jinaab².
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
jupon
jupon, n.m. - googarad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
juror
/jurar/ (n) qof loo doortay inuu ka mid noqdo garsoorayaal dadweyne (xeer-beege).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jurro
-da: (magac, dhedig, keli) nooc ama jaad timood oo adag. Jurro iyo xaad timood jidh ruux bay ka wada baxaan. Dh: jareer. Li: bis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jurxo
(Jurxa-da)
Hadallo lafajebis ah, oo cid lagu yiraahdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jurxo
m.dh.u Hadal lafajebis ah oo cid lagu yiraahdo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jurxo
f. n. abuse, insult, abusive speech
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jurxo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal adyad ah oo qof lagu yidhaahdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jurxo
de: abuse, insult, abusive speech
lx: jurxo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: jurxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuco
m.dh Cod nirgaha geelu ay samee-yaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufso
f.g3 (-saday, -satay) Qof dumar ah oo aan meher kuu ahayn iyadoo aan raalli ka ahayn xoogid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kufso
f.g3 (-saday, -satay) Qof dumar ah oo aan meher kuu ahayn iyadoo aan raalli ka ahayn xoogid. m.f.dh, kufsasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufso
v. rape
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kufso
-kufsaday: (v) commit the crime of rape
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufso
(fal) dheddig aan ku oggolayn, xoog ugu galmoo oo khasab. Dh: xoog, qasab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kufso
de: rape
lx: kufso
pd: (kufsaday)
ps: v3a=
xe: She was raped.
xv: Waa la kufsaday.
key: kufso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muufo
(Muufa-da)
1. Meel si gaar ah u dhisan oo cunnada lagu dubo; furun.
2. Kimis ballaaran oo wareegsan oo badarka laga sameeyo oo furunka lagu dubo; kidaar.
3. Meel kulayl iyo qiiq ka kaca hayaan; (ama moofo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muufo
m.dh 1. Kimis ballaaran, wareegsan oo badarka laga sameeyo. 2. God ama dhismo kale oo aad u kulul oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. la-mid: moofo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muufo
m.dh 1. Kimis ballaaran, wareegsan oo badarka laga sameeyo. 2. God ama dhismo kale oo aad u kulul oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. la-mid: moofo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muufo
f. n., (mass n.): home-made flat bread; oven
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muufo
-muufada: (n) Somali-style flat bread
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muufo
-da: (magac, dhedig, keli) kimis adag oo wareegsan oo budo hadhuudh oo saafi ah laga dubo. Muufooy muufo macaan lagaama maarmee muufooy. Dh: moofo.
muufo -da: (magac, dhedig, keli) dhisme ka samaysan dhoobo ama bir oo dab lagu dhex shido oo lagu dubo cuntooyinka la moofaynayo. Dh: moofo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muufo
bw: moofo
de: home-made flat bread; [ext.] oven
lx: muufo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
syn: kidaar
key: muufo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tuffo
s.m. - quusid (-da), tiinbasho (-da).