ju'
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ju'
inter. kneel (camel)!, down boy!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ju'
(ereycodeed) lagu fadhiisiyo awrta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ju'
de: kneel (camel)!, down boy! Order to a camel to sit or kneel down
lx: ju'
ps: intj
syn: tu', tuu
key: ju'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daal
(Daal-ka)
1. (-') Culayska iyo juucjuuca oogadu iska dareento kolkay socod ama hawl badan qabato.
2. Iniino jaadka digirta kamid ah oo qaab wareegsan leh; xoolaha iyo dadkuba waa cunaan. 3.* Cad dhalo duwan ah oo labada dhinacba ka foocsan oo fallaaraha iftiinka uruursha ama faafiya; cadad jaadkaas ah oo aragga loo qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daardaarid
(Daardaarid-da)
1. Dab, nal, dhawr jeer oo isu dhowdhow daarid.
2. Maagid; juqjuqayn; daandaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulman
Lagu gaboodfalay; la jululey; dulmi lagula kacay; holgan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulmi
(Dulmi-ga)
Wax faliddoodu gardarro cid wax u dhimaysa tahay; gaboodfal; julul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dulmiyid
(Dulmiyid-da)
Dulmi iyo gardarro cid kula kicid; ku gabboodfalid; jululid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hantaaqo
(Hantaaqa-da)
1. Nabar daran oo ka yimaada kufidda ama qalab gamuuxan; jug.
2. Luggooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunguri-juqjuq
(Hunguri-juqjuq-a)
Muuqaalka iyo udgoonka wanaagsan oo cunnadu, waxa ay dadka ku kiciyaan oo in la cuno lala jeclaysto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iraahid
(Iraahid-da)
1. Hadal ku tiraabid; hadlid; dhihid.
2. Sharqan ka soo saarid, ka keenid, ka yeersiin (sida dhegihii baa qam i yiri; xabbaddii baa jug tiri; ...).
3. Doonid; damcid; maagid; falid; yeelid (sida kolkaan hinqo iri...).
4. Lahaan; sida: maxaad leedahay? = maxaad sheegeysaa? Maxaad ku hadlaysaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawr
° (Jawr-ka)
Xukun aan xaq ahayn; talis ama guddoon, xoog iyo xaqdarro ku dhisan; julul; dulmi; (ama jowr).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jawrid
(Jawrid-da)
Qof jawr ku falid; jululid; dulmiyid; (ama jowrid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jinaad
(Jinaad-ka)
Ballaar; dhumuc; qiro; jurmi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jubbad
(Jubbad-da)
Dharka ragga mid kamid ah oo gacno dheerdheer iyo jeebab leh; horay bay ka furan tahay waxayna awddaa qaarka sare taniyo sinaha; koor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jucid
(Jucid-da)
Iskaggalka lafaha siiba kalaggoysyada faraha, kolka la jimciyo, juci ka yeerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jucin
(Jucin-ta)
Juc ka yeersiin lafaha iskaggalkooda siiba kalaggoysyada faraha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jugeyn
(Jugeyn-ta)
Jug gaarsiin; nabarro badan oo jug ah, ku dhufasho; garaacis; tumis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jugley
(Jugley-da)
Shinbir weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Julul
(Julul-ka)
Gardarro: gaboodfal; dulmi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jululid
(Jululid-da)
Ku gardarrood; ka eexasho; dulmiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ju'i
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: tu'i.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ju'i
v. make a camel kneel down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ju'i
(fal) neef geel ah, fadhiisi oo ju' ku dheh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ju'i
bw: tu'i
de: make a camel kneel down
lx: ju'i
nt: ju'in (ta) [vn-f]
pd: (ju'iyey)
ps: v2a=
key: ju'i
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
u'
de: U [letter of the Somali alphabet]
initial: u
lx: u'
pd: (-da)
ps: n-f
key: u'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bu'
bu'¹: m.dh (bu'o, m.l) 1. Isha nafleyda inteeda madow. 2. Afarta caloolood ee raamsatada middeed. 3. Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado. 4. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan.
bu'²: m.dh 1. (baayoloji) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiimika) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bu'
bu'¹: m.dh (bu'o, m.l) 1. Isha nafleyda inteeda madow. 2. Afarta caloolood ee raamsatada middeed. 3. Cudur beeryarada barariya oo kaneecada laga qaado. 4. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar aad u badan.
bu'²: m.dh 1. (baay.) Jidh dhex yaallo saytobalaasamka unugyada, kaasoo ay ku jiraan walxaha hiddo side DNA. 2. (kiim.) Qaybta atamka ee saldanabeedku toganyahay, cufka atamkuna ka yimaado; b.du borotoonno iyo niyuutroonno ayay ka koobantahay; b.da atamka waxaa lagu muujin karaa summad tilmaamaysa tirada (cufka, borotoonnada, atamka) iyo curyaha magaciisa.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bu'
-da: (n) core (koor); nucleus (niyuukilyas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bu'
-da: (magac, dhedig, keli) isha inta sawirka qabata ee wax lagu arko ee madaw. Bu'da ishuu nabarku kaga dhacay. Dh: inan.
bu'-da: (magac, dhedig, keli) isha biyuhu ka soo butaacaan ee ceelasha. Bu'da ceel bannaan kuma taallo. Dh: il.
bu'-da: (magac, dhedig, keli) adhiga caloolshiisa. Bu'da adhiga lama cunee ba'aye raggu hadmuu gumoobay.
bu'-da: (magac, dhedig, keli) bar yar oo ku taalla badhtamaha unugga, waana waxa xukuma nolosha iyo firfircoonida unugga. Bu'du waa halka udubdhexaadka u ah walaxda u yar ee shey ka samaysan yahay. Bu'da atamku waa ubucda samayska walxaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bu'
de: eyeball; anything round filled with s.t.; stomach; [ext.] nucleus (of the atom) {physics}
lx: bu'
pd: (-da)
ps: n0-f
key: bu'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
du'
f.a eeg duw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
du'
(fal) dhinac ama doc u leexi. Saca darka ku du'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gu'
m.l 1. Afarta nur oo sanadu u qeybsanto midkood: wuxuu u dhexeeyaa diraacda (jiilaal) iyo xagaaga, waana xilli roob. 2. 12- bilood; sano.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gu'
m.l 1. Afarta nur oo sanadu u qeybsanto midkood: wuxuu u dhexeeyaa diraacda (jiilaal) iyo xagaaga, waana xilli roob. 2. 12-bilood; sano.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gu'
-ga: (n) spring (ispiring)-, raining season ~ xilliga guga
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gu'
-ga: (magac, lab, keli) afarta xilli ee sannadka mid ka mid ah una dhexeeya xagaaga iyo jiilaalka. Gu' hagaagay oo da'ay iyo geela oo dhalay, ayuu guur samaadaa.
gu' -ga: (magac, lab, keli) labo iyo toban bilood oo isku noqda sannad tirsigooda. Nin gu' kaa wayni gu' ba'as kaa weyn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Gu'
a: Gu
cf: xilli (season), jir (year of age)
de: main rainy ~ wet season ('spring') [March through June]; [ext.] year (of age)
lx: Gu'
pd: (-a)
ps: n2a-m-time, n7-m
key: Gu'
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gu'
ربيع
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hu'
-ga: (magac, lab, keli) dharka la xidho ee la isku asturo. 'Duq xun oo hu' xun huwan' ku celceli. Dh: dhar, maryo, marashi, hub, marriin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ja'
a: jiin
de: J [letter of the Somali alphabet] Voiced or voiceless palato-alveolar affricate
lx: ja'
pd: (-da)
ps: n-f
key: ja'
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JO'
[JO] Cadaba baccarinii 01, Opilia campestris 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JO'
(Jo) C Opilia campestris Engl. Opiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juc
f.g1 (-cay, -cday) Faro jimcid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juc
v. crack (of knuckles); stretch (of body)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juc
(fal) faraha isku gee oo xubnahooga isku jebi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juc
de: crack (of knuckles); stretch (of body)
lx: juc
pd: (jucay)
ps: v1=intr
key: juc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juf
(fal) meel furnayd, cub; awd; cuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jug
(Jug-ta)
1. Qalab gamuuxan nabarki.
2. Wax qarxaday yeertood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jug
m.dh 1. (sh.r) Nabar, ay waxa gammuuxani geystaan. 2. (sh.r) Wax qarxay ama si xoog leh meel ugu dhacay, sanqadhooda. 3. J. ah: haad fas badan laga hayo (turub).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jug
m.dh 1. (sh.r) Nabar, ay waxa gammuuxani geystaan. 2. (sh.r) Wax qarxay ama si xoog leh meel ugu dhacay, sanqadhooda. 3. J. ah: haad fas badan laga hayo (turub).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jug
f. n., [collective] bruise, injury (as with a blunt instrument)
jug [feminine] n. bump, bang (sound of hitting)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jug
name-m bump, bang (sound of hitting). Lit: named after the splash sound of his birth. Cf: Bashka
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jug
/jag/ (n) garaafo (weel dheg leh oo wax lugu shubto).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jug
-ta: (n) 1. bump (bampy blow (balow). 2. the sound of something bumping. Ex: jug ma maqasay? do you hear a bump? 3. bruise (buruuz). Ex:jugtii baa wali ku taal; the bruise is still on him
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Jug
magac loo baxsho wiil xilli uu hub dhacayay dhashay ama miisaan culus ku dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jug
ereycodeed lagu tilmaansado wax culus oo meel ku soo dhacay.
jug -ta: (magac, dhedig, keli) nabar, ay waxa gammuuxani geystaan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
jug
n., (vessel) kusad, -di.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juq
v. swallow
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juq
(fal) ka hel oo aad ugu bog: isaga buseel oo caashaq xad-dhaaf ah u qab. Li: dhibso.
juq: (ereycodeed) tilmaama wax caaro yuuban leh oo meel lagu muday.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juq
bw: juqsii
de: swallow
lx: juq
pd: (juqay)
ps: v1=
syn: dhunji, liq
key: juq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jus
1. (Jus-ka) a) Soddonka qaybood oo Kitaabka Quraanku u qaybsamo middood. b) Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay, middood.
2. (Jus-ta) War yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jus
jus¹: m.l (-sas, m.l) 1. Soddonka qaybood oo kitaabka Quraanku u qaybsamo midkood. 2. Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay midkood.
jus²: m.dh War yar oo xogtiisu gaabantahay ama aysan dhammayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jus
m.l (-sas, m.l) 1. Soddonka qaybood oo kitaabka Quraanku u qaybsamo midkood. 2. Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay midkood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jus
m. n. one of the thirty chapters (Sura) of the Koran; chapter, portion, section
jus [feminine] n., [collective] brief news
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jus
-ka: (n) one of the thirty (30) main divisions of Koran; chapter (jap-tar)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jus
-ka: (magac, lab, keli) meesha soddonaad ee Quraanka Kariimka ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
jus
jus, n.m. - dheecaan; dheecaanka miraha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
jut
/jat/jut out;(v) dibadda usoo yara baxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juu
e.d la-mid: tuu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juu
(ereydhawaaq) lagu fadhiisiyo neef geel ah. Dh: ju', oho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
su'
m.dh 1. Erey lagu yiraahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay; qayso. 2. Erey lagu yiraahdo awrka la dabrayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
su'
-da: (magac, dhedig, keli) erey lagu yidhaahdo awrka marka la raraayo si uu araxda u toosiyo; samay: qayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tu'
(Tu'-da)
Cudur xoolaha ku dhaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tu'
m.dh 1. Cudur xoolaha ku dhaca. 2. la-mid: tuu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yu'
(fal) yur dheh. Yu' ku dheh yuu ku cunine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ju'in
(Ju'in-ta)
(rati) Ju! ku dhihid; fariisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ju'in
m.dh la-mid: tu'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ju'in
-ta: (magac, dhedig, keli) marka la fadhiisinayo neef geel ah si loo gaadho dushiisa. Dh: tu'in.
ju'in -ta: (magac, dhedig, keli) neef geel ah, fadhiisin oo ju' ku dhihid.